
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
Galabnimo, Talaado, May 01, 2007, abwaan Hadraawi ayaa ka qeybqaatay xaflad lagaga hadlayey dhibaatooyinka haysta dadka la haybsooco, taas oo lagu qabtay Hoteel Maansoor, Hargeysa. Abwaan Hadraawi waxa halkaas ku soo bandhigay gabay la yiraahdo "DhulgariirAkhriso gorfeytii Rashiid Gadhweyne! Tuuji!". Akhriso gorfeyn kuu ifin meelo uu mugdi kaa geli lahaa.
Ama daaro oo halkan ka dhegeyso."!
Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahaye
Tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
Dhallintii caleemaha lahayd waygu dheer tahaye
Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dhawrar baan jiraye
Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay tooda meel dhigaye
Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaaye
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye
ILHAAMAY dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye
Hadduu dhaguxu kala haybtirsado dheemman baad tahay
Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiibe
Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele
Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo e
Dadka dhiirri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheele
Sida dhuuniqaateha murtida looma dheehtiro e
Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise
Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye
Dhexroor iyo waxa lagu hojaa weliba dhaaddhaade
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyne
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye
Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye
Kana dheer isyeelyeelka iyo ii dheh iyo faane
Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaaye
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine
In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanleye
Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahaye
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheelitirihii
Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kowe
Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde
Dhulka wuu ku soo badanayaa baalkudhooruhuye
Dhanxiirradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane
Sinnaantay dhaliil moodayaan tii Ilaah dhigaye
Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis fooraro e
Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
Dhiilaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale
Dhirindhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye
Haldhabaalahaa awgayow tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Laan dharab ka toostiyo Hibooy dhool cas baad tahaye
Dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude
Malaa roobladhac waad taqaan dhiinka jookha lehe
Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu' baad tahayspan
Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese
Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobojiifyada e
Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida
Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaaye
Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye.
Dhulka lagama soo qodin dadkee Aadan baa dhalaye
Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaane
Dhud qudhaa ka wada beeranteen dhaadashada guude
Dhabdhab baad ku kala leexateen adiyo Joogdheere
Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhabdarrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye
Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigaye
Dhafoor taabadkoodaa qodqoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaqjoogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saarsaaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye
Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicise.
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Dhafdhaf iyo halhays beena baa soo dhabdhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunine
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caadodhaaf kale e
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye
Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada e
Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahaye?
Weligood dhibaatada aduun looma soo dhixine
Dhaandhaano maahee kashaad dhoolimood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhursugayeene
Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa' kale beryey dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane
Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jiraye
Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholal fayto
Dhabudirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Rag hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yiqiinneene
In kastuu xiniin dhaaf yuhuu dhiirrinimo sheegto.
Mar haddaan dhaliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye
Dhardhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayine
Gudmahay dhabbeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen mid uun dhiilba may tolane.
Dhegahooda maag baa qabsaday shay na may dhimine
Si baa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiig na may galine
Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada inay dooriyaan bay u dhowdahaye
Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye!
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyn tahaye
Dhanihii Badweynta iyo Yuryuran waydinkii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede
Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene
Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine
Adduunyada ninkii dhalad yaqaan waw dhabtiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale
Markaasay is dhaafdhaafayaan labada dhoomoode
Meel dhow na wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye
Meel dheer na way kala taagan kay ku dhowdahaye.
Nin xaqiinna meel hoos dhigay tiisu waa dhedo e.
Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
Naftu dhaabadhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sida Dhooddimeerkii Taleex haw dhaqaaqina e
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen hawdhabaynina e
Cishadaad wax dhiillayn kartaan dhaafa tii culuse
Dhanka Eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Dhabdhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo e
Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhexgeliyeen
Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede
Waa kii dhibaabada la yimi dheeggadheegaha e
Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye
Maantay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuye
Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteen dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay looma faaldhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhabdarro uma toosine nabsigu wuu dharaarsadaye.
Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhow dahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye
Nin dhug lihiba wuu garanayaa suuldhabaalaha e
Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhuslayn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye
Dhawaaqtoosiyow baxay lugtii dhaaftay jeenigaye
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kiciye
Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare
Afdhabaandhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine.
Dheehada Rashiidow mar baan neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaaye
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye.
Ummad yahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxay baad dibu dhardhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen
Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye
Caaway u dhow dahay haddaa dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici.
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Dhillowyahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale e
Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube
Nin kaastoo is dhoobdhoobi jiray dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye
Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye
Dhuuqdhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhuye
Dheri bay wada foortaa diidan dhaqankiiye
Dhaddigiyo labkeedii waqtigu dheel isugu keenye
Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex huruddaaye
Dhegdhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamaye
Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure
Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye.
Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegine
Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho
Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhirafuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weliba dhiibdhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho
Dhaqdhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo?
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.
Hadalka na nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan e.
Cagdhigyo
Galabnimo, Talaado, May 01, 2007, Abwaan Hadraawi ayaa ka qeybqaatay xaflad lagaga hadlayey dhibaatooyinka haysta dadka la haybsooco, taas oo lagu qabtay Hoteel Maansoor, Hargeysa. Hadraawi ayaa soo bandhigay gabaygan la yiraahdo "DhulgariirHalkan ka degso ilsa maansodan oo ah qaabka PDF. Tuuji!"

DULMIGU HA DHINTO!
AWAALTIRIS |
HEEGO MUUQDHEER |
GALAAL |
GUDGUDE |
Qormo: "DHULGARIIR"
Wq Abwaa HadraawiDhambaal u dir Abwaan Hadraawi? La soo xiriir Wayeel!
Faafin: Wayeel | Lamtoka, Maajo 1, 2007
Faafin:


