Qoraalkan waxa uu horey ugu soo baxay, laga na soo xigtay bogga www.dhahar.com. Qoraaga, iyo bahda dhahar.com, labaduba, waa ay ku wada mahadsan yihiin soosaarkii qoraalka isaga ah ee qaayeha badan.

     

    Wayeel waxa uu tacsi murugo leh u dirayaa dhammaan qoys, ehelo iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac ( Ilka Case ). December 14, 2009, ayuu ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ilaahay Jannadii Ferdawsa ha ka waraabiyo. Aamiin!

    Qormadaan, waxa aan si kooban uga sheekayn doonnaa sooyaalkii iyo suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase. Iyada oo faahfaahsan waxa aad uga bogan doontaa buug aan dhowaan soo saari doono oo aan uga falanqoon doonno sooyaalka Maansada iyo Masraxa Soomaaliyeed.

    Arar

    Inkasta oo aan buuggaas ku kawiri doono qormooyin aan, sannadihii 1985tii ilaa 1986dii, ka soo aruuriyay Abwaanno lahaa Marxuuum Xuseen Aw Faarax iyo Marxuum Maxamed Cali Kaariye, oo ilaa waagaas ilaa hadda, ha dhinteen, oo Ilaahey naxariistii Janno ha ka waraabiyee, kolley weli aniga igu dhex nool, haddana in aan buuggaas kamilo waxaa ii suurto geliyay Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase.

    Waxa kale oo xusid mudan in buugga oo magaciisu noqon dooono: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris” uu abwaanku bixiyay.

    Akhristow, da' kasta ayaad jiri kartaa, heerkaaga aqoonta suugaanta Soomaaliduna in kasta ayay le'ekaan kartaa, waxaad xaq u leedahay in aad is weyddiiso: “Waa kuma Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacse?”

    Anna jawaab baa igu garoocdaye, waa hagaag. Abwaanku, waxa uu sameeyay riwaayado farabadan, oo ay ka mid ahayd tii caanka baxday ee la oran jiray: “Reer Ba'yow Yaa ku leh?” Riwaayaddaan waxa ku jiray heesaha ay ka midka yihiin: “Ma ahee Khadraay oo ay qaadaan Maxamed Saleebaan iyo Sahra Axmed; Ha iga Goosan Caawaad oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Aamina Feer; iyo Hiddo oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Waxa kale oo abwaanku sameeyay heeso aad u qarxay, oo ay ka mid yihiin:

    1. Warsan iyo Weersan Ii Soo Weceey, oo ay qaaddo Aamino Feer.

    2. Weheey Waaqlaan u baxayoo, oo uu qaado Cumar Dhuule!

    3. Waan idin Dhaliilay, oo uu qaado Xasan Aadan Samatar

    4. iyo kuwo kale oo badan oo aad qormadaan kaga bogan doontid.

    Sidoo kale, Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase, waa ragga farokutiriska ah ee ilaa maanta sameeya heeso leh habdhismeedkii Qaraamiga. Waxa uu Abwaanku inta badan wax ka curiyaa baabab iyo mawduucyo aan hortiis wax laga oran.

    Si kastaba ha ahaatee waxaad sooyaalka iyo suugaanta abwaanka uga haqabbeeli doontaa qormadaan iyo buugga ay udubdhexaadka u tahay.

    Waxaan ka sii afeefanayaa wixii khaladaad ah, in ay xaggayga tahay, oo Abwaanku ka dhowrsan yahay.

    Abwaan Maxamed Jaamac IlkaCase, waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, hillaadda 1930kii. Halkaas ayuu ku soo barbaaray ilaa uu kowiyotoban jir ka soo gaaray. Waxa uu magaaladaas ka galay dugsi Quraankii ugu horreeyay.

    Inkasta, oo Abwaanku asal ahaan uu ka soo jeedo Maamul Goboleedka Puntland, oo halkaa qabiilkiisu xoog u deggan yahay, gaar ahaan gobolka Bari, haddana Awoowgiis saddexaad ayaa isagoo dhallin yar isaga soo guuray, oo u soo kicitimay xaggaa iyo dhulka Soomaali Galbeed, oo dad badan u yaqaan Ogaadeenya, haddana la magac baxday Ismaamul Goboleedka Kililka Shanaad. Sidaas ayaa abwaanka Awoowgiis labaad ugu dhashay Fayaanbiiro. Isla markaasna, Awoowgiis iyo Aabbihiisna ay ugu dhasheen Xaado, oo u dhow Jigjiga.

    Abwaanka Aabbihiis, Jaamac, oo dhallinyar ayaa u soo guuray Hargaysa. Dabadeedna, waxa uu uga soo gudbay, oo saldhigtay, magaalada Berbera. Odaygu waxa uu Berbera ku guursaday gabar ay ilmoEeddo yihiin, oo iyana asal ahaan ka soo jeedday Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaan gobolka Sool. Waxayna u dhashay 11 carruur ah, oo uu ugu yaraa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase. Macnaha, waxa ka waaweynaa saddex wiil iyo toddoba gabdhood.

    Taariikhdu markay ahayd 1941-dii, oo ahayd xilli uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka (World War II) saamayn ku yeeshay Geeska Afrika, ayaa qoyska Abwaanka iyo qoysas kale oo farabadan, waxa Ingiriisku qoxooti ahaan ugu soo raray magaalada Cadan, ee waddanka Yemen.

    Abwaanka iyo qoyskiisu waxa ay Cadan degganaayeen ilaa afar sannadood. Waxa ay ahayd nolol adag oo qaxootinimo. Afartaas sano, waxa Abwaanka u suuragashay in uu sii wato waxbarashadiisii Quraanka.

    Markii uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka uu dhamaaday ayaa Reerkii oo dhan dib ugu soo noqday Berbera. Xilligaan Abwaanku waxa uu ahaa Qaangaar, 15 jir. Laakiin, odaygii Aabbihiis ahaa da' buu noqday, oo waa indhobeelay, islamarkaasna aad buu u xanuunsaday.

    Waxaa Mas'uuliyaddii reerkuna ku soo furatay hooyadiis. Waxa lama huraan noqotay in Abwaanku uu, sida walaalihiis, shaqo raadsado, si uu nololmaalmeedka reerka wax uga soo saaro. Shaqooyin naf leh waagaas ma jirin. Waxa uu shaqooyin yar yar ka helay makhaayadaha. Mushahaarka uu ku bilaabay waxa uu ahaa afar booladood maalinkiiba. Lacag yar bay ahayd, laakiin marka lagu daro lacagaha kale ee walaalihiis soo shaqayn jireen wax weyn bay ku biirin jirtay nolosha reerka.

    Muddo saddex sannadood ah ayuu noloshaas ku jiray oo uu san Berbera dhanna u dhaafin. Waana xilligaas marka uu Abwaanku bartay xiisaha uu suugaanta u hayo, isla markaasna uu ogaaday in uu halabuur lee yahay.

    Waxa xusid mudan, waa sidaan Abwaanka ka dhegadhegeeyaye, in meheradda gabdhaha yaryari ay ahayd falkinta cawska. Xilliga gabdhuhu cawska ka shaqaynayaan waxa ay qaadi jireen Heesta Cawska. Wiilasha la da'da ahina waxa ay madadaalo ahaan u aadi jireen meelaha gabdhuhu cawska ku samaynayaan. Wiilashu waa caawin jireen gabdhaha, islamarkaana waxa ay la xareedin jireen heesaha Cawska.

    Heesahaan, marmar hawsha ayaa la isku illowsiin jiray, marmarna waa lagu kaftami jiray, oo la isku shukaansan jiray. Meerisyada heesahaan waxa ka mid ahaa:

    Cawskanow sabool diidow
    Yaan suuqa lagu dhigin
    Soddan lagugu baayicin
    Yaa sameeyay lagu oran!
    Fiicanay Farsamadeennanu
    May fool adkaan jirin
    Ma adigaan fayoobayn
    Maanigaan ku foorarin
    Mise cawskiibaa fiday!


    Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase waxa uu noo xaqiijiyay in yaraantiisii, xilliyada firaaqada uu yahay, uu aad u xiisayn jiray heesahaan iyo ku maararowgooda.

    Waxa kale, oo Abwaanku ii xaqiijiyay, in gabdhuhu ay lahaayeen hees-hawleedyo u gaar ah, oo aan wiilashu ka qaybqaadan jirin. Waxa ka mid ahayd Heesta Kebadda, oo aan tixaheeda ka soo qaadan karno:

    Brimbirshaaleeyeey bunshareerrey
    Ma maantaan bahaday helay
    Waa toddobadiiyoo tegiba meennee
    Haddaan timir cad nala siin
    Koronkor cunimeynnoo karinba maynnee
    Karuur geel ma la hayaa?


    Ha yeeshee mar aan abwaanka weyddiiyay tixdii ugu horreysay ee uu curiyo, waxa uu ii sheegay

    Aniga iyo dhalinyaro aanu saaxiibbo nahay ayaa qaadka qarqarsan jiray. Waxa aanu ku qayili jirnay hadba meel noo qarsoon, oo xitaa aan shaaha ku karsanno qasacado. Inta badan waalidka ayaa na doondooni jiray. Mar walbana waanu aag beddelan jirnay, si aan naloo soo helin. Beri dambe ayaa Hooyaday noogu timid gole aanu ku qayilaynay. Canaan bay noola istaagtay. Anna aad baan u khajilay, dhallinyaradiina cabsi baa isugu timid. Mar qura baa tixdaan iga soo boodday:

    Cantarba aabbihii ma caasiyin
    Cabid buu uga dhigay quruun Caraba
    Camira giddigiin sir iyo caad
    Canaan waalid ceeb ma leedahay!

    Waxa Abwaanku ii qiray in xilligaas, oo uu ku qiyaasay 1948dii, in heesaha Qaraamigu jireen, oo ay weliba ku maararoobi jireen.

    Si kastaba ha ahaatee, isla Sannadkaas, 1948dii, ayaa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase waxa uu ku laabtay Cadan. Waxa uu markiiba bilaabay in uu aad u shaqeeyo, si uu reerkiisa ugu soo diro lacago ay ku noolaadaan.

    Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase muddadaas uu ku mashquulsanaa caawinaadda reerkiisa, waxa uu san ka tagganayn xiisaha iyo jacaylka uu u hayo suugaanta.

    1956dii ayaa abwaanku waxa uu soo bandhigay Riwaayaddiisii ugu horreysay, oo uu ugu magacdaray Taamilo.

    Waxa xusid mudan in, marka Masraxa Benaaddiriga laga reebo, Riwaayaddii ugu horreysay ee laga dhigay Soomaaliya, ay soo baxday sannadkii 1954tii. Waxa riwaayaddaas allifay Abwaan Xuseen Aw Faarax, oo ku soo bandhigay magaalada Hargaysa. Riwaayadaha, ilaa 1956dii laga dhigay Soomaaliyana kama badnayn 6, oo uu kulligood allifay Abwaan Xuseen Aw Faarax. Waxa kale oo xusid mudan in aysan riwaayadahaas, laga dhigayay Soomaaliya, innaba wax saamayn ah ku lahayn Masraxa Cadmeed.

    Waxa uu Abwaan Ilkacase ii xaqiijiyay in markii uu allifayay uusan isaga riyoon in uu wax Riwaayad la yiraahdo sameeyo. Balse, muddadii uu Cadan joogay uu daawan jiray Riwaayadaha Carabta iyo Aflaamta Hindiga. Dabadeedna, afkaartii uu halkaa ka helay ay ku dhalisay in uu sameeyo Riwaayad Soomaaliyeed, isaga oo weliba u qabay in aan hortiis cidna isku dayin. Si kastaba ha ahaatee, aan u soo noqonno ka sheekeynta Riwaayaddii ugu horreysay ee Abwaanku Curiyo, waa hagaag:

    Taamilo

    Taamilo waxa ay ku saabsanayd arrin qallafsan oo la xiriirta dhaqanka Soomaalida, taasoo ahayd in labada qof ee ilmo-adeerta ah aysan is guursan karin, laakiin labad ilma-abtiga ah ay isguursan karaan, Si taas looga digo, oo su'aal looga keeno, ayaa Abwaanku waxa uu sheekada riwaayaddaan ku sawirayaa sheeko xiiso leh oo muujinaysa sida arrintaasi aysan macquulka u ahayn.

    Arbaha iyo Qalanjada riwaayadda oo ku matalaya ilma adeer, ayaa is jeclaanaya. Arbaha waxa la oran jiray Durraan. Waxa uu ku jilayay magaca ah Caaddil. Qalanjada waxa la oran jiray Caynab Muuse, waxa uu ku jilayay, gabar ahaan, magaca ah Canab.

    Waxa riwaayaddu ku bilaabanaysaa Arbaha iyo qalanjada, oo jacaylkooda dhisaya. Jacaylkoodu waa uu xoogaysanayaa, oo weliba xididdaysanayaa, oo tusaale ahaan, muuqaallada ay jacaylkooda ku muujinayaan, mid ka mid ah, ayaa waxa ay ku qaadayaan hees miraheedu, ka mid ahaayeen:

    Arbaha:

    Quruxyahay socotaa adaygu qabtaye
    Qaraamkaagi baa i kala qubay
    Waanigaa u qalalan sidii qori
    Qosolkaad aragtaye, jirkay qalalan

    Qalanjada:

    Haddaanu qosolkanu qaraaxad ahayn
    Qabuul adag aynu kala qoronno
    Qisadii Layliyo aan Qays matalnee
    Qalqaalaye yay qabyo u dhuran.

    Arbaha Riwaayadda oo kalsooni buuxda ku qaba naftiisa iyo jacaylkiisa ayaa odayga Adeerkiis ah, ee soo korsaday, waxa uu weyddiisanaya in uu u dhiso gabadhiisa Canab, oo ah isaga ina adeertiis. Odayga waxa jilayay nin markaas loo yaqaannay Cumar Murriyad, waxa uuse ku dhigayay magaca ah Geeddi. Oday Geeddi baa waxa uu isku dayayaa in uu ka dhaadhiciyo in Canab iyo isagu ay walaalo yihiin, oo aysan is gayin. Inankii taas ma garawsan, oo waxa uu si macquul ah u damcayaa in uu odayga uga dhaadhiciyo in isaga iyo gabadhiisu diin ahaanna is gayaan, in muddo ahna ay hoosta iska jeclaayeen, haddana ay xaq u lee yihiin in ay is guursadaan. Oday Geeddi arrintaas waa ka xanaaqay. Waxa uu inanka ku lee yahay bal gabadha ayaan arrintaas ka soo hubsanayaa ee iga war dhowr.

    Oday Geeddi gabadhii buu caradii kula dhacayaa, waxuuna ku dirqinayaa in ay inanka ina adeerkeed ah diiddo, xaalad uusan gayin, haddii kale uu dayrinayo. Oday Geeddii baa markaas muuqaal ka mid ah riwaayadda waxa uu ku kulansiinayaa Arbaha iyo Qalanjada, si uu Arbaha ugu qanciyo in aan Qalanajadu rabin. Arbaha oo ogaa sida ay Qalanjada isku jeclaayeen ayaa si kalsooni leh u oranaya:

    Dhulkii baa roob ka da'ay oo rays qoyana
    Rafiiq baan noqon is raacaaya
    Hadday raxmad leedoo i raalliday
    Ragyahaw Canab hayga reebina!

    Qalanjada oo ka baqaysa aabbaheed iyo in uu dayriyo baa markaas oranaysa:


    Roobkaa da'ay kuuma roonayn
    Ku riiq anna kula rakaabsaday
    Riyaad ku jirtaa is raajici
    Wixii runa hadal ka soo raac.

    Odaygii oo arrintaan hore u qalqaaliyay, haddana raalli ka noqday sida gabadhu taladiisii u qaadatay, ayaa waxa uu inankii ku afjigayaa:

    Inanyahaw waad igu raagtoo
    Adigaan ku rabaa baad
    Caawoo dhan noo rogrogaysay
    Ma ribaa inantu miyaan reero korsan.

    Inankii sidii buu isaga oo yaabban isaga baxayaa. Oday Geeddina markiiba si jajuub ah baa waxa uu Canab ugu meherinayaa wiil walaashiis dhashay oo uu Abti u yahay.

    Arbaha oo warmoog ah, oo weli rajo ka qaba Qalanjada, ayaa waxaa uu si kedis ah u imaanayaa xafladdii Canab iyo inaAbtigeed la isugu meherinayay. Markaasuu waxa uu leeyahay:

    Qaniinyo Mas waa qaraari nafta
    Quddhii bugta waa qulaami beryo
    Qardiyo socod waa qajeelo naso
    Qoonteeduna dhaymo qaanso leh
    Qaraamka caashaqaanu qiil u bixin
    Nimuu qotonsaday ma qaalo tirto
    Ee Qaaligii dahabkeen qolraag noqonayn
    Qareenkii hadimo ah ma qoondaysan
    Qiraalsaday inaad qof kale u dhaxday
    Qayrkay haatan qoys ag furi maayo
    Ee quluuludhacayga qayb farax!

    Dabadeedna Arbuhu dhulka ayuu ku dhacayaa, oo laga qaadayaa.

    Si kastaba ha ahaatee, Canab ninkii loo jujuubay waa uu ku xumaaday. Oday Geeddi, oo aaminay wiilkii uu abtiga uu ahaana, xoolihii baa dhaafay. Markuu reerkii sabool noqday, ayaa Canab oo la soo furay, waxa ay u soo noqonaysaa Arbaha, oo markaa Ilaahay u nimceeyay.

    Waxa ay ka codsanaysaa in uu guursado. Ha yeeshee, Arbuhu, isagoo oo aarsi ka wada, ayaa uu ku jeesjeesayaa. Waa la isku garnaqsanayaa, waxaana la is dhaafsanayaa, tixo ay ka mid ahaayeen:

    Canab:

    Miyaynaan ahayn ilama adeer?

    Arbaha:

    Miyaanad ogayn intii hore?

    Aakhirka waa uu cafinayaa, isla markaana waa oggolanayaa in uu guursado. Iyaga oo ay meel fiican u marayso, ayaa waxa albaabka ku soo garaacaya Oday Geeddi oo dawarsanaya.

    Oday geeddi, oo aan garanayn cidda uu tuugsanayo, ayaa, markii albaabka laga furo, waxaa uu meerinayaa tixdii uu ku dawarsan jiray, oo ahayd:

    Dunidu waa iska sidaase
    Anigoo dahab buuxa
    Buu I dalaafshay Ibliisku
    Dayradii ubadkayga
    Dacwad laygu hagaaji
    Dadyahaw waad aragtaane
    Haddaan daasad sitaaye
    Yaa Ilaahay daryeelo!

    Canab oo aad uga naxday xaaladda aabbaheed ku sugan yahay ayaa ku soo boodaysa, oo ku dul barooranaysa, iyada oo oranaysa: “Alla waa Aabbahay!” “Hmmm! Enhhh! Allah! Alla waa Aabahyeey! Hmnmnm! Ehnhheemmm!”Arbihii, oo garnaqsanaya, ayaa oranaya:

    Geeddiyaw tabaalaha ninbaa, goorta lala maago
    Guuyadiisa oo nool caanahaa, gow ka joogsada'e
    Geel iyo riyaba maalin baa, laga gantoobaaye
    Gudboonaanta xaajadaa eg buu, gabay ka tuuraaye
    Gabadhaa ina adeertaya ee, joogta garabkayga
    Guudkoo u daban Canab markay, gama'a ii diidday
    Aan galangaluu Caashaqii, goday arwaaxayga
    Guurkeeda waa taad lahayd, maadigaa gayo'e
    Aad guriga iga waaliseen, goonidaw kacaye
    Gankaagoo siddeetana adoo, guudku ku caddaaday
    Garaacidda albaabada dadkiyo, hor Alle yaa gaystay?
    Guuldarrada ku haysaaba waa, galabsigaagiiye!

    Marka uu Arbuhu tixdaa rito, ayaa la isku garaabayaa, oo la isa saamaxayaa, dabadeedna, aakhirka Riwaayadda ayaa Arbaha iyo Qalanjada la isku guurinayaa, iyada oo loogu heesayo:

    Ilaahaw tu dambiyo kabaalo haro
    Tunkiinu waqiiba taagnaado
    Waxa tabataanba taabtaan
    Tiskaydin hayaa tigaad bixiyo
    Tog soo rogay yeesho taariikh
    Ilaahaw in la tuuray laysu tabsho
    Tafiir yeelata aan kala tegin
    Tolkoo xidida tisqaaddaa
    Tiskaydin hayaa tigaad bixiyo
    Tog soo rogay yeesho taariikh
    Ilaahaw taladiinu toosnaato
    Tallaaba dhigtaan tusaalaha
    Sidii taallo loo tixgeliyaa
    Tiska idin hayaa tigaad bixiyo
    Tog soo rogay yeesho taariikh!

    Waxaan abwaanka iyo ilo kaleba aan ka xuuraansaday, in dhaqankii qallafsanaa ee riwaayaddaasi ka digaysay ay dad badani ku waano qaateen. Waxa dhacday in dhallinyaro badan oo ilmo adeer ah, oo hoosta iska jeclaa, asii ka biqi jiray waalidkood, ay u bareereen in ay is doonaan oo is guursadaan. Sidoo kale, waxa dhacday, in waalidiintii ay dhallinyaradaas u garaabaan, oo ay raalli ka noqdaan guurkooda. Isla markaasna, la isku dhiso, iyada oo weliba duco loogu darayo.

    Waxaa xusid mudan in Riwaayaddaa ay wax ka dhigayeen Aabbaha Muusikada Soomaaliya Axmed Ismaaciil Xuseen, oo ku magacdheer Xudeydi. Xudeydi muusikadana waa u tumayay, isla markaasna ilaa laba door oo jilid ah buu ka qaatay. Waxa kale oo xusid mudan in ay lahayd ilaa 200 oo odayaal ah, oo jansuuro ahaan, iyagu go'aamiyay in riwaayaddaan istaahisho in la dhigo, oo weliba lagu daawado qiimo saddex shilin ah. Isku soo duuduub riwaayaddaan aad iyo aad baa Soomaalida Reer Cadmeed u jeclaysteen, oo looga daba dhacay.

    Taas, waxa ay abwaanka iyo kooxdiis u suurogelisay in uu bishiiba soo saaro riwaayad cusub. Riwaayad kasta waxa ay soo mari jirtay, oo oggolaansho loo weyddiin jiray odayashaas labada boqol gaarayay. Waxa riwaayadahaas ka mid ahaa:

    1. Waa Labadeenna iyo Lixdanka

    2. Dawladi Dul Leh

    3. Nabsi iyo Naqsi

    4. Dhiirradaa Dhacsada

    5. Damac... iyo kuwo kale oo faro badan oo aynaan magacyadooda halkaan ku soo koobi karin.

    Bal hadde, riwaayadahaan, oo lahaa qaab masrixiyeed u dhigma riwaayadaha caanka ka noqday Soomaaliya, aynu qaar ka mid ah tusaalayaal ka soo qaadanno:

    Dawladi Dul Leh

    Waxa ay riwaayaddaan ku saabsan tahay is afgaranwaa ka dhexdheshay nimankii gobonimada Soomaaliya wax ka dhaliyay, ee qabtay hoggaankii ugu horreeyay, iyo dhallinyaro dibadaha wax ku soo bartay, oo quursanayay habdhaqan dhaqaalaha odayaashu wax ku wadaan.

    Dhallinyaradaa qurbaha ka timid, ayaa waxa ay aad u quursanayaan habka dadku u dhaqmayay iyo sida wax loo maamulayayba. Iyagana waxa loo arkayaa niman soo gaaloobay.

    Tixaha riwaayadda baa waxaa ka mid ahaa, mar nin ka mid ah dhallinyarada wax soo bartay, oo ahaa arbaha riwaayadda, uu oday adeerkiis ah, oo soo korsaday, oo matalayay ragga hoggaanka u haya dawladda, ku dhaliilay in ay isaga habsadeen maamul iyo hawlo aysan aqoontooda lahayn.

    Odaygii oo is difaacaya ayaa waxa uu yiri:

    War ninkii taagay ee tuskaba dhigay
    Maantuu turqan yahay ninkii wax taraa
    Ma kala tagganee is tuhun saar
    Tagooggaaga caawa haw turin

    Mar kale iyada oo isla dulucda kor ku xusan la isku haysto, ayaa Arbaha iyo Odayga adeerkiis ah is dhaafsanayaan tixahaan hoos ku xusan, oo Odaygu u bilaabayo sidan:

    Isma oran Abraarow jin baa, kuu alaab tumiye
    Isma oran dadkoo urursan baad, aadin meel kale'e
    Isma oran ergaa loogu tegi, Iidda maanta ahe
    Ninkaagaan iskuullada ku daray, Urubna loo dhoofshay
    Ninkaagaan adduunkii u huray, ariyo geeliiba
    Isma oran waxaad ka abhisaad, ku arki doontaaye
    Ha yeeshee arliga waxa ka dhacay, waan ogsoonahaye
    Isticmaarku meeshuu maraa, uur xumaanta lehe
    Inan yar iyo odaygiiba waa, kala irdhoobeene
    Adiguunna maahee da'daa, aayo laga waaye
    Haddii aanan Allaa is keen badaye, adigu diidaynin
    Ina maro Abraarow ma jiro, ubad la tuuraayee.

    Inankuna waxa uu lee yahay:

    Abshir iyo Aroorow dhulkaa, ololinaysaane
    Odayaal jidboodaad tihiin waana aragnaaye
    Amuuruhuna sidanaad waddaan, may ahaan jirine
    Istiqlaalka taladiisu waa, aalad gooniyahe
    Af siyaasadeed iyo run baa, lagu adkaadaaye
    Aqalaan albaabadu furnayn, aadde guradiiye
    Idinkoo oodihiinni sita baad, ababa'layseene
    Ninna hadduu Ilbaxo waa inaan lagu afdheeraane.

    Aakhirka riwaayadda, afkaartii Arbaha wax weyn baa iska beddlaya. Markii muddo loo dulqaato, oo waano lagala daalo, ayuu soo rakuucayaa. Waxa uu suuro gelaysa in uu guursado Qalanjada riwaayadda, oo sarbeeb ahaan ka taagnayd Dawladda la isku haysto. Marka la heshiiyo ayaa la is dhaafsanayaa hees tixaheedu ka mid ahaayeen:

    Arbaha, ayaa waxa uu oranayaa hees lagu soo gunaanadayay:

    Tumaatiyo toogashaan filayee
    Aslaad tafta qaban kumaan talin!

    Sidoo kale, Qalanjaduna, waxa ay ku soo hoorinaysay:

    Adigaa tunka taagay oo is tuhmay
    Tastuurta Islaamku waa taas.

    Riwaayaddaan aynnu intaa uga harno, oo ku xijinno Nabsi iyo Naqsi:

    Nabsi iyo Naqsi

    Riwaayadihii faraha badnaa ee abwaanka waxa ka mid ahaa riwaayaddaan uu ugu magacdaray Nabsi iyo Naqsi. Waxa ay ku saabsanayd:

    Arbaha Riwaayadda, oo ku jilaya magaca Farxaan, ayaa waxa uu ahaa nin reer magaal ah, oo ka yimid Qurbaha. Waxa uu la saaxiib ahaa Qalanjada riwaayadda, oo ku jilaysa magaca Faakhir. Waxa ay isla ahaayeen reer magaal. Waxayna isku jeclaayeen si aad iyo aad ah. Farxaan waxa uu gaarayaa Miyiga. Markii uu miyiga tago ayaa reerkiisu waxa ay ku qancinayaan in uu iska dego miyiga oo uu guursado gabar ay qaraabo yihiin oo reer miyi ah. Waxa uu isku dayayaa in uu la qabsado noloshaas cusub iyo guurkaas reerkiisu u gartay. Farxaan aad bay noloshaasi ugu adkaanaysaa.

    La qabsahsahada miyiga, qosolkeeda iyo maaddeeda ayaa ay lahayd. Waa uu isaga soo baxsanayaa. Waxa uu u soo noqonayaa magaaladii. Waxa uu isku dayayaa in uu dib ula qabsado magaaladii. Iyana qosolkeeda iyo maaddeeda ayay lahayd. Waxa uu dib u raajicinayaa Faakhir, oo ahayd gabadhii uu saaxiibka la ahaa, ee uu aadka u jeclaa, oo ka war heshay in uu guursaday, isla markaasna ka qanacday. Iyana waa ku laadaysaa.

    Riwaayaddaan Tixaheedii waxa ka mid ahaa middaan, uu odaygu Farxaan ku qancinayo in uu miyiga ku noqdo. Waxay lahayd:

    Farxaanow wax badan baad fadhiday, fookha daarahe
    Aan fiiga kaa bixinayaad qalin, ku foognayde
    Wax dhaaxaan sariir iyo furaash, fiican kuu dhigaye
    Wax dhaaxaan dhar kuu soo fasilay aadan filanayne
    Aan faygamuur lama xidhee, kabaha faylkooda
    Fuudhkaaga dhaaxaan ka helay, Buudhka Faransiise
    Faadumo wax badan bay ku tiri, tiiri feeraha'e
    Mar haddaan tacliintaa ku faray, adigu soo foostay
    Oo aad filkaa dhaaftay way faydo iyo khayre
    Nin fariid dhalaa baa sida u fiicanaan jiree
    Farsamadii miyaa ku hartiyo foofka Xoolaha e
    In fanjeedis uun aynu nahay, taniyo fiidcawlka
    Faadumo ogaysii haween, foojigaad ma lehe

    Waxa kale oo tixaha Riwaayadda ka mid ahaa middaan uu Farxaan ku calaacalayo kadib markii nolosha miyigu ku adkaatay, oo uu haabka ku hayay in uu u soo noqdo xaggaa iyo magaalada iyo gabadhii uu jeclaa. Waxa uu yiri:

    Fooraha dhacaayaw hal aan ku faro
    Waxaad Faakhir oran inankii falaagow
    Farxaankaad ogayd ma fiicnayn
    Wuu faytaa hadba labada fiid cawl
    Fiintiyo galawguu la fooriyaa!

    Waxa kale oo tixaha Riwaayadda ka mid ahayd middaan, oo markii Farxaan dib u soo raajiciyo Faakhir ay isku difaacayso. Waxa ay tiri:

    Magaaladiyo moodihii ka baxdaye
    Ninyahaw reer miyee maryaha cascas lihi
    Maqalnay in laguu mashxaradaayay
    Marwadaad heshey waa iska maansha Allee
    Mabruuk oo laysku kiin macaanee
    Muusiyo kuugu curatay Maandeeq
    Maartuba dahabkay la midab tahay
    Madoobaatay maalmo dabadood
    Mid kale isku sii macaanee.

    Riwaayadda kale ee xusidda mudan waa:

    Dhiirradaa Dhacsada

    Riwaayaddaan waxa ay ahayd guubaabo ku jeedda gobonimodoon ku jihaysan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato. Waxa la sameeyay 1964tii, waxaana lagu ayidayay dagaalkii Dawladda Soomaalidu ku qaadday Itoobiya. Gaar ahaan hadalkii caanka ahaa ee Madaxweyne Cabdriashiid Cali Sharmaake ku lahaa: “Gacanna waan ku dagaallamaynnaa, gacanna codka ayaan ku bixinaynnaa.” Dhanka kale waxa ay dhaliilaysay in aan dadka Soomaaliyeed u taageerayn sidii loo baahnaa walaalahooda ku jira gacanta gumaysiga. Sidoo kale waxa riwaayaddu ay saadalinaysay in haddii aan la xorayn gobollada maqan in aakhirka xitaa labadaan gobol ee midoobay ay kala tegi doonnaan.

    Arbaha riwaayadda ayaa waxa uu shukaansi ugu imaanayaa Qalanjada. Qalanjadu waxa ay aaminsan tahay in raggii iyada gayi lahaa ay ku maqan yahiin dagaalka gobonimo u dirirka. Iyada oo Arbaha, sina u rabta sina u dhaliilaysa, guubaabana uga dan leh, ayaa waxa ay oranaysaa:

    Harqoodaar adaa handuullo ku xidhee
    Hawdkaa maqan looma kala harin
    Haacow inaad tahay halyeeyo socdee
    Haweenka maxaa ku hoos dhigay.

    Arbaha ayaa noloshu ku adkaanaysaa. Dhibaatada gumaysiga ayaa soo karaysa. Waxa uu garwaaqsanayaa in haddii qayrkiis gumaysi ku jiro uusan gobonimo haysan. Wuxuuna u adkaysan waayayaa dhaliisha dumarka uga imaanaysa. Waxa uu ka calaacalayaa:

    Gaajadii baxdaan isku gaballaxshaye
    Kasabkay haduu gaasaar ku dhacay
    Hurdo aan gam'aa way guuldarro
    Waa inaan guntiga isku giijiyaa
    Guutadaan lahaa gaarsii dayaxa
    Mar hadduu I gabay gaashaanlihii
    Hurdo aan gam'aa way guuldarro
    Waa inaan guntiga isku giijiyaa
    Gobolkii kaleen u gargaar lahaa
    Mar hadday gidaar nagu kala gudbeen
    Hurdo aan gam'aa way guuldarro
    Waa inaan guntiga isku giijiyaa!

    Arabaha riwaayaddu marka uu si fiican u garawsado in aan nolol iyo guur toona u suurto galayn, ayaa waxa ay dani bidaysaa in uu soo abaabulo koox dhallinyaro ah oo la jabhadaysa, oo kala qayb qaadata dagaalka gobonimo u dirirka. Waxa ay u imaanayaan Qalanjadii oo iyana hoggaaminaysa koox haween ah, oo halganka gobonimodoonka wax ka wadday, oo ragga hubka u qaybinaya. Inankii baa ku heesaya:

    Waa kaa dhulkii ii dhawaaqayee
    Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
    Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.
    Dadka kii i dhiba kama dhowrsadee
    Dhamadlow amxaar bay soo dhigtaye
    Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
    Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.
    Dhaaxaan jeclaa inaan calan dhidbo
    Caawuu dhabyoo waa kaa dhismee
    Isticmaar dhacyoo Xaylaa dhintee
    Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
    Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.

    Inta heestaan socoto, dumarka oo ragga jabhadda ah, hubka mid mid ugu dhiibaya, ayaa heestaan ku hoorinaya:

    Hoo walaale hoo
    Waa hubkiiye hoo
    Hawd la qaadye hoo
    Hoo walaale hoo

    Waxa riwaayaddu ku dhamaanaysaa iyada oo dhulku xoroobay, waxaana dadku ku heesayaan:

    Allahayow xor baanu nahay
    Allahayaw xumaan diidday
    Allahayaw xarbiga gaalada
    Allahayaw ha nagu xirin
    Allahayaw ninkii ku xusiyo
    Ninka aan ku xaalayn
    Xeerkoodi lagu qaado
    Allahayaw ha nagu xirin.

    Waxaan u malaynayaa in intaasi ay tusaale noogu filan midmid uga sheekaynta Riwaayadihii Cadmeed ee Abwaanka. Bal haddana aan guudmar ku samaynno qababaalkii ama habdhismeedkii Masrixiyaddii Soomaaliyeed ee Cadan ka bilaabatay.

    Gebegabo: Riwaayadihii Cadmeed ee Abwaanka

    Waxa xusid mudan in haddii aad u fiirsato farshaxanka iyo qaabdhismeedka riwaayadihii uu Abwaan Ilkacase ka bilaabay Cadan ay la mid ahaayeen kuwii Abwaan Xuseen Aw Faarax ka bilaabay Hargaysa. Waxaase cajiib ah in dhamaan riwaayadihii laga dhigay Soomaaliya ay weli leeyihiin farshaxankaas iyo habdhismeedkii Marxuum Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase ay jidbixiyaha ka ahaayeen.

    Xagga silsiladda haddaad u fiirsato, waxa ay dhamaan lee yihiin celcelis ilaa 20 muuqaal. Waxa ay badi leeyihiin labo sheeko oo is barbarsocda, marmarna meel isaga xirma. Sheekada muhiimka ah waxa jila Arbaha iyo Qalanjada. Sheekada labaadna, waxa jila Arbaha labaad iyo Qalanjada labaad. Waxa kale, oo marmar la soo raaciyaa sheeko saddexaad oo majaajillo ah. Waxa khasab ah, in riwaayad walba ay ku jiraan heeso, oo runtii miisaan u ah qiimaynta riwaayadaha Soomaaliyeed. Haah, oo in riwaayadi caanbaxdo iyo in habeenkaa la daawaday lagu illaawo, waxa, inta badan, sabab u ahaa heesaha ku jiray mirahooda iyo laxankooda, iyo weliba codka cidda qaadaysay.


    Waa jireen riwaayado farokutiris ah, sida Riwaayad la oran jiray AwBustaale, oo uu allifay, Abwaan, iyo riwaayado dhowr ah, oo uu lahaa Abwaan Siciid Saalax, oo runtii la yimid qaabmasrixiyeed ku cusub Masraxa Soomaliya, hayeeshee falanqaynta arrimahaasi waa ka ballaaran yihiin qormadaan, oo, Insha Allaah, waxaan uga sheekayn doonnaa Buugga: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris.”

    Waxa kale oo xusid mudan in dadweynaha Reer Cadmeed ay aad u xiisayn jireen riwaayadahaan. Taasoo Abwaan Ilkacase iyo kooxdiisa u suurto gelisay in ay bishiiba riwaayad diyaariyaan. Waxa kale oo xusid mudan in mar mar dadweynuhu ay dalban jireen mid ka mid ah riwaayadihii hore loogu dhigay. Waxa Abwaanku ii xaqiijiyay in mar mar ay dhici jirtay in dadweynuhu ay soo codsadaan riwaayad sannad ama laba ka hor la dhigay, oo ay adag tahay in silsiladdeedii ama miraheedii la xasuusto. Waxayna abwaanka ku khasbi jirtay in uu dib u dhiso riwaayaddii isaga oo la kaashanaya kooxdiisa.

    Waxa sheeko cajiib ah ahayd, in mar Abwaanka laga codsaday riwaayad aad u sii horreysay, ay ku adkaatay isaga iyo kooxdii dhigtayba ay dib u soo xasuustaan. Iyada oo ay quus ka joogaan, ayaa, nasiib wanaag, waxa uu Abwaanku la kulmay nin ay saaxiib ahaayeen, oo la oran jiray Cali Shiikh Jaamac Liibaan. Waxa la isku soo qaaday riwaayaddaas iyo sheekedeeda. Waxa Abwaanka la yaab ku noqotay in uu ogaado in Cali Sheekh, oo isagu berigaa hore wax ka daawaday riwaayadda, uu xafidsan yahay silsiladdii iyo sheekadii riwaayadda oo dhan, macaa geeraaradeedii, macaa heesaheedi; oo weliba uu u xafidsan yahay sidii uu u daawaday berigii la dhigayay. Sidaas, ayaana uu Cali Shiikh, oo gadaal dambe ka noqday abwaan weyn, uu ku suuro geliyay in riwaayaddii dib loo dhigo.

    Ku soo Noqoshadii Soomaaliya iyo Abwaan Ilkacase

    Dabayaaqadii 1967dii, ayaa Abwaan Maxamad Jaamac Ilkacase isaga soo qaxay Cadan, oo uu u soo ambabaxay Soomaaliya. Keligiis ma ahayn, ee dad fara badan oo Soomaali ah bay ahaayeen. Isaga iyo kowiyotoban saaxiibbadiis ah, oo uu ka mid yahay Abwaan Maxamed Ibraahim Xadraawi baa wada socday. Xamar iyo xaruntii dalka bay soo beegsadeen, oo ay hal aqal ka wada degeen.

    Dadkaas qaxootiga ah, ee dagaallada Yemen ka soo cararay, sidii ay filayeen, looguma soo dhoweyn Soomaaliya. Waa tii, heesta Qaraamiga ah lagu lahaa:

    Naagaha xunxun ee is xoodaayiyo
    Xabbadi keentay hay xayaysiin

    Si kastaba ha ahaatee, dadku isku wada mid ma aha, oo waxa Abwaan Ilkacase iyo saaxibbadiis ka abaalsheegtaan nin la oran jiray Axmaddey Hadaafow, oo si gobonimo iyo Soomalinimo leh u soo dhoweeyay, oo u taakuleeyay.

    Axmaddey Hadaafow waxa uu ahaa nin Ilaahay xoolo siiyay fankana aad u jecel. Waxa uu aruurin jiray fanka iyo fanaaniinta Soomaalida. Marka kowaad, haddii hees waa la qaaday loo baahdo, waxaa laga heli jiray Marxuum Axmaddey Hadaafow, oo waxa uu ahaa nin heesaha duuba oo xafida. Marka labaad, waxa uu ahaa nin qaddariya fannaaniinta iyo suugaanyahanka kaleba. Haddii Fannaan socdaal ku yimaamado magaalooyinka uu ganacsiga ku lahaa sida Xamar iyo Jawhar isaga ayaa ugu hor ogaan jiray, oo qaabili jiray.

    Deeqsinimada iyo Fanjacaylka Hadaafow, waxa kale, oo ii qiray Cabdulqaadir Yuusuf Cirro, oo ku magacdheer Bagaag. Waxa Bagaag ii sheegay, in isaga oo markaas fanka ku cusub, sannadkuna uu ahaa 1972dii, oo ay u qarxeen ilaa laba heesood oo ay ka mid ahaayeen "Galleyryahaw Adaa Geesiyoon Biqine" iyo "Caynba Cayn Adduunyooy" uu yimid magaalada Jawhar, si uu ugu dhamaysto waxbarashadiisa Dugsiga Sare, oo uu fasalkeeda kowaad ku soo qaatay Gaalkacyo. Wuxuu Bagaag ii sheegay, in inkasta oo heesihiisa markaas ardayda college-ku ay aaad u wada yaqaaneen, haddana isaga shakhsiyan iyo heesaha la iskuma aqoon. Wuxuu Bagaag yiri:

    Anoo markaa ilaa dhowr maalmood Kulleejka joogay, oo dadka iyo deegaankaba qariib ku ah, oo iska daa magaalada'e, aan xitaa wax saaxiibbo ah markaas ku yeelan Kulleejka, ayaa waxa noogu yimid nin wata Mooto Saddex-dhugdhugley ah, oo wata magacayga oo saddexan. Isaga oo Iskuulka oo dhan ku soo wareegay, ayaan mardambe maqlay isaga oo qaylinaya, oo kor u naadinaya: “War yaa yaqaanno Cabdulkhaadir Yuusuf Bagaag. Waxaan ku iri: “War ninkaas waa aniga, ee yaa ii baahan”. Ninkii mootada watay, oo neef ka soo kudday, ayaa wuxuu yiri: “Yaakhi soo bax, maantoo dhan aan ku raadinooyay, waxa ku raba Hadaafow.” Waxaan iri: Yaa waaye Hadaafow? Ninkii baa ii sheegay in uu i gaynayo Hoteel Hadaafow leeyahay, oo ay joogaan Fannaaniin waaweyn, oo uu ka mid yahay Marxuum Maxamed Mooge. Markii afkiisa ay ka soo dhamaatay magaca Mooge, oo ahaa fannaan aan aad ilaa hadda u qaddariyo, laakiin xilligaas aan u lahayn aqoon shakhsiyadeed, ayaan si halhaleel ay ugu soo dhacay mootadii. Sidii ayaa waxaa la igu baray Hadaafow iyo Mooge, oo labaduba caawa naga hooseeya, naxariistii janno Ilaaheey ha siiyee, iyo weliba Fannaaniin kale oo fara badan, oo isugu jira muusikiiste, mullaxamiin iyo weliba heesaa. Habeenkii cajlado ayaan duubnay, si fiicanna waa u qayilay, oo u raaxaystay. Wixii intaa ka dambeeyay, Hadaafow saaxiibbo ayaan noqonnay, oo hoteelkiisa iyo makhaayaddiisuba sida aan rabo baan u isticmaali jiray, anoon wax kharash ah la iga rabin. Ilaahaw kuu naxariiso.

    Sidaas oo kale, waxa uu Abwaan Ilkacase ii sheegay in markii ay yimaadeen Xamar ay wateen lacag yar, oo ay badideedii guri ku kiraysteen. Xoogaagii u soo harayna ay makhaayad xaafadda u dhow wax kaga cuni jireen. Makhaayaddaas ayay isku barteen Axmaddey Hadaafow. Markii lacagtii ka dhamaatay ayaa ay joojiyeen aadidda makhaayaddii. Hadaafow ayaa markii uu maalin iyo laba arki waayay soo raadiyay. Markuu ogaaday in ay lacag la'aan la imaan waayeen makhaayadda, ayaa waxa uu isugu daray lacago deeq ah iyo qaar amaah ah, oo markii dambe gaaray ilaa 5000 oo Shilin Soomaali ah.

    Abwaanka iyo kooxdiisu iyaga oo saas u daynsan baa waxa u suurogashay in ay sameeyaan riwaayaddii caanka baxday ee la oran jiray: “Reer Ba'yow Yaa ku Leh?”

    Riwaayaddaan, oo saan ararta ku xusnay, ay ku jireen heesaha ay ka midka yihiin: “Ma ahee Khadraay" oo ay qaadaan Maxamed Saleebaan iyo Sahra Axmed, "Ha iga Goosan Caawaad" oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Aamina Feer; iyo "Hiddo" oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Axmed Dhimbil ayaa ay ka heleen dhaqaale badan oo ay ku dayn baxeen. Cutubka soo socda ayaad uga bogan doontaan riwaayaddaas sheekadeeda iyo murtideeda.

    Reer Ba'yow Yaa ku Leh?

    Riwaayaddaan waxa ay ku saabsanayd dad weli ku dheggan dhaqankii Soomaalida ee reer miyiga iyo kuwo la yimid dhaqankii Reer Galbeedka oo isugu imaanaya meel magaalo ah. Waxa la isku qabsanayaa 'badaw baad tihiin' iyo 'gaalo ayaad tihiin.'

    Jilayaasha riwaayadda waxa ka mid ahaa:

    1. Arbaha: Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Cabdi
    2. Qalanjada: Faadumo Axmed Dhimbil
    3. Arbaha 2aad: Maxamed Siciid Bandey
    4. Qalanjada 2aad: Asli Khayre Gabboon
    5. Maxamed Ibraahim Xadraawi, oo ku matelayay Oday
    6. Jaamac Dubbad Xiirey, oo isna Oday ku matelayay... iyo rag iyo dumar kale, oo farabadan.


    Haddaan muuqaalladii riwaayadda wax ka soo qaadanno waxa ka mid ahaa:

    Inan miyiga ka timid, oo markaa magaalada soo gashay baa waxa fuduulinaya gabar xaggaa iyo Yurub wax ku soo baratay oo ku soo noqotay magaalada. Gabadha reer miyiga ahi waxa ay ku labisnayd dharkii hiddaha iyo dhaqanka ee lahaa saddex-qaydaka iyo dhaclaha iyo boqorka. Gabadha Yurub ka timidna waxay xirnayd suud ah jaakad iyo goonno gaaban.

    Gabadha reer miyiga ahayd baa waxa ay isku difaacaysaa:

    Inantii ku dhow dhaqankiyo hiddaha
    Aan laba dhudood waxba dhaafsanayn
    Amaan dhar gadan bawdyaha ku dhow
    Ee dhowrsataa ma dhibbay qabtaa?
    Mase Dhoohanay wey dhego xirnaan?

    Muuqaal kale, oo majaajillo looga dan lahaa, asii taabanaya dulucda riwaayadda, ayaa inantaas reer magaalka ah oo joogta meel xafiis ah, waxa u imanaaya laba inan oo reer miyi ah. Inamadii baa waxa ay gabadha weyddinayaan magaceeda. Gabadhii oo aan si fiican u maqal su'aasha la weyddiiyay, ayaa waxa ay u qaadanaysaa in la weyddiiyay magaca xafiiska. Markaasay waxa ay leedahay: “Walaalayaal, meeshaan waa Fiisho Gofeerno (officio de governo) ee maxaan idinka caawiyaa?”

    Inamadii baa waxa ay u qaadanayaan in magaceeda la yiraahdo Gobeerno. Markaasay waxay si jees jees ah ku lee yihiin:

    Naa yaa Gobeerno dad waa Gaaliyo Islaane
    Adigu iyamaad gashaa?

    Markasaa gabadhu si caro leh waxa ay u leedahay:

    Waar waad u jeeddaa in aan Soomaali ahaye, maxaad iga weyddiin Muslin iyo Gaal middaan ahay?

    Innamadii baa markaa si maad leh waxa ay lee yihiin:

    Gabdhaha Soomaaliyeed
    Guntiinay wada sitaane
    Garays bay wada xidhaan
    Maxa kugu gaabshay marada?

    Inta inantu aad u xanaaqdo ayay luuqaddii talyaani u beddalanaysaa. Markaasay weliba nimankii xafiiska waardiyaha ka ahaa gambaleel ugu yeeraysaa. Markaasaa inamadii meesha laga kaxaynayaa.

    Muuqaal kale, odayga dhalay gabadha reer miyiga ah baa isna waxa uu si kedis ah u soo gelayaa meel makhaayad ah oo rag iyo dumar reer magaal ahi wax ku wada cabbayaan. Odaygii baa waxa uu raggii ku oranayaa:

    Hadba dunida ruux bow tashoo, taabbo qaad galo'e
    Tabaalooyin xooglaa ka dhaca, amaba toosnaane
    Togog malaba baysku xiga, kayn tamuux badane
    Talantaaligaasay ahayd, tan iyo Haabiile
    Kolka qolo la taakulinayeen, laga tisaynaynin
    Hadba kii tacliinta u barta baa, tiirshay gacalkiise
    Nimankaan tastuurtiyo sharciga, kula tacjiiraayay
    Awrkii tabaadina kuwii aan tuulada u keenay
    Kuwii odayga timir iibiyaa, tolayay shaarkooda
    Ee aan haruub kala tegayn, kuumi iyo taano
    Ayaa tiginka Soomaaliyeed, jebiyay tiirkiisa
    Teeriyo Hindiya bay dadkii, wada taxaabeene
    Talyan iyo Faraans bay galeen, tigimadoodiiye
    Tog bay nagu fureen aan ilaa, Yurub istaagaynin
    War hoy timir laf baa lagu arkaye, taa hala ogaado.

    Dabadeed, waxa uu u soo jeesanayaa hablihii oo aan iyana waxba dhaamin, wuxuu oranayaa:

    Hablayahaw tabaalada adduun, gelinba waa taa.
    Taariikho badan baa wakhtiga, lagu tilmaamaaye
    Hadbana wax la toydaa qofkii, kaa tilmaan badane
    Taada lama maroorsado adoon, taabbo goys noqone
    Cidlana laysma taagee dadkaa laga tixraacaaye
    Toos looma filo xaal hadduu, tuuro leeyahaye
    Weligiin jar baad nagu tistaan, naguna taartaane
    Taakulo in aydnaan lahayn, tacaddi mooyaane
    Talaxumadu waa waxaad jannada, nagaga tuurteene
    Idinkoo tastuurta iyo sharciga toos u garanaaya
    Oo diintu sida ay tiriyo, qiraya tawxiidka
    Tafta inaydin wada laalataan, waa tilmaan xumo'e
    Hooyooyinkii kuma tarmayn, taydin barateene
    Saddexqayd la tolay iyo dhaclihii, laga dul tuuraayay
    Kabihii tooska loo dhigi jiree, ciribta loo taagay
    Caadooyinkeennii taxnaa, waad ku tumateene
    Timaha inaad dabtaan baa ka roon, aalatuumbada'e

    Muuqaal kale oo majaajillo ahaa ayaa waxa ku jiray habar cayaysa gabdhaha dhallinta yar ee Reer Magaalka ah. Waxyaabihii ay ku naqdinaysay baa waxa ka mid ahaa tixdaan buraanburka ah.

    Intay cuudka rooxaamiyaan unnsi kuma ritaan<
    Inyaroo Ruuxba Ruuxa bay raqbaddaa marshaan.

    Heesihii riwaayaadda ugu caansanaa waxa ka mid ahaa:

    Heesta la yiraahdo: “Maahee Khadraay” oo uu laxankeeda sameeyay Maxamed Saleebaan. Heestaan in kasta oo codkeeda ay hadda ku caan baxeen Maxamed Nuur Griig iyo Sahra Axmed, haddana waxa asal ahaan wada qaadayay Cabdiraxmaan Shiikh, oo ku magac dheeraa Aburaas iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa arbaha riwaayadda. Faadumana waxa ay ahayd qalanjada riwaayadda.

    Halkaan waxa aad ka garanaysaa in heesaha la iska daba qaado ay waa hore bilaabatay, oo weliba la bilaabatay fanaaniintii waaweyneyd. Si kastaba ha ahaatee, waa tan heestii:

    Arbaha:

    Inan kula qabtoo
    Kula qayrahoo
    Aan quusanayn
    Inaad quursataa
    Inaad quursataa
    Waa qiil jabee
    Maahee Khadraay
    Khadraay, Khadraay
    Qiimiga kalgacal
    Ee quruxda badan
    Maad ila qorshayn

    Qalanjada:

    Labadii qofeen
    Isku qurux badnayn
    Ee kala qab weyn
    Inay wada qabtaan
    Inay wada qabtaan
    Waa qiil jabee
    Inanyahaw qaldani
    Qaldani, Qaldani,
    Qiimiga kalgacal
    La iskuma qasbee
    Hubka iga dulqaad

    Arbaha:

    Waa waxa qab dumar,
    Qays iyo Cilmiba,
    Qudha uga baxdee.
    Anigana Qabriga,
    Anigana qabriga
    Adigay qodee.
    Maahee Khadraay
    Khadraay, Khadraay
    Qiimiga kalgacal
    Ee quruxda badan
    Maad ila qorshayn

    Qalanjada:

    Buuraha qotoma,
    ee qarada weyn,
    Adigoo qaboow.
    Cidi baa kuu qodi
    cidi baa kuu qodi,
    qawdeysatee.
    Inanyahaw qaldani
    Qaldani, Qaldani,
    Qiimiga kalgacal
    La iskuma qasbee
    Hubka iga dulqaad

    Arbaha:

    Sida qaalin nirig
    laga qariyay baan
    kuu qawdhamaa.
    Qorax soo baxdiyo,
    qorax soo baxdiyo
    Qawl kuu galaa
    Maahee Khadraay
    Khadraay, Khadraay
    Qiimiga kalgacal
    Ee quruxda badan
    Maad ila qorshayn

    Qalanjada:

    Wannan lama qashoo
    Birta lama qarshee
    anigaba qalbiga,
    Qoonta igu taal,
    qoonta igu taal
    Aan kuu qiree.
    Inanyahaw qumani
    Qumani, Qumani,
    Qiimiga kalgacal
    Aan qaybsannee
    Dhinacaaga qabo

    Inta aynaan heesaha kale ee Riwaayadda u gelin, waxa xusid mudan, marka maansada Soomaalida, gaar ahaan heesha, laga fiirsho xagga miisaanka ama habdhiska, in heestaan, “Maahee Khadraay” ay tahay Jidbixiye. Buugga ayaad kaga bogan doontaaye, waxa jirtay in heesuhu ay ku soo bilowdeen habdhismeedka gabayga; dabadeedna ay u soo xuubsiibteen habdhismeedka dhaantada; dabadeedna ay u bateen habdhismeedka Jiiftada ama Masafada. Haddaba, heestaan oo leh habdhismeedka heesta Maqasha, waxa ay aabbe iyo hooyo u tahay heeso ama tixooyin casri ah, oo Toddobaatameeyadii ka kacaamay dalka, kuwaasoo dib u gacantogaaleeyey badihii maansooyinka ee asalka ahaa, sida tan koolkoolinta ubadka, tan geela, tan Rigeeya Rigeeya, tan Saarka, tan batarka, iwm. Waxa Kacaankaan hormuud ka ahaa Abwaaniin leh Hadraawi, Siciid Saalax, iyo Gaariye. Bal waxa aad heestaan ku sii qiyaastaa, heestii asalka ahayd ee Maqasha, oo aan miraheeda ka soo qaadan karno:

    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Cuud-cuutiyaay
    Cuur hooyadaa
    Caanaha ku yaal
    Cararoo ka nuug.
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Waa taan cabsida
    Kaa celin jiree
    Adiguna cidlada
    Kac igala carroow!
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Waxaraha gordodan
    Waxay gocanayaan
    Gaajoonnayee
    Geel noo lisaay
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Waxaraha organi
    Waxay oranayaan
    Waan oonnayee
    Na arooriyaay
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Waxaraha derderan
    Waxa ay dalbani
    Waan daalnayee
    Ha lanoo degooy
    Hoobeey hobeey
    Waxaraha yaryari
    Waxay leeyihiin
    Naylaha yaryari
    Waa wiil dhashaye
    Maa loo walqalo
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Hoobeey hobeey
    Sawlaalacooy
    Saalima yareey
    Hoobeey hobeey
    Waxan kaa wadaa
    Shilin iyo shabeel
    Waxan kugu wadaa
    Meel doog lahoo
    Doomaar macaan!

    Waxa kale, oo heestaan Maqasha la miisaan ah bado ay ka mid yihiin, tan Haanta, tan Mingiska ee loo qaado Wadhooye, iyo tan loo qaado Hiido. Arrimahaas oo dhan waxa aan kaga boggan doonnaa cutub ka mid ah buugga la magacbaxay: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris”, oo soo bixi doona dabayaaqada sannadka 2007.

    Si kastaba ha ahaatee, heesta labaad, ee riwaayadda ku jirtay, ee caanka baxday waxa ay ahayd: “Hayga Goosan Caawaad”. Heestaan waxa laxankeeda sameeyay Jaamac Saleebaan Tubeec, oo la dhashay Maxamed Saleebaan Tubeec, isla markaasna Abwaanka la ahaa Reer Cadmeed, oo weliba wax ka dhigi jiray riwaayadihii Cadan. Inkasta oo qaadista heestaan ay ku caan baxeen Maxamed Saleebaan iyo Aamino Feer, haddana markii ugu horreysay ee riwaayadda la dhigay, waxa qaadayay Arbaha, Cabdiraxmaan Shiikh (Aburaas) iyo Qalanjada, Faadumo Axmed Dhimbil.

    Qalnjada (Geeraar ahaan):
    Galalaase meeloo
    Galowgiyo ugaadhi
    Geesaha ka dhaafeen
    Aday gogoli kuu taal
    Galadayda dhaaxaan
    Geed iyo har jiifay
    Hayga goosan caawaad
    Iga gacan saraysaa

    Arbaha(Geeraar ahaan):

    Anoo kuu go'aayoo
    Garabkaa filaayaad
    Axdigeeni goysoo
    Geesta iga dhaaftee
    Nabsigii gaaxsanaabaa
    Gooyaha ku gooyee
    Guur ha iga filanine
    Gurigaygan ii dhaaf

    Qalanjada:

    Nabsi ruuxii gaaxshaa
    Godobtiisa maalee
    Sidan aniga kuu galay
    Gafi maysid adiguye
    Aargudashadaaduna
    Gar ilaahey weeyee
    Ha iga goosan caawaad
    Iga gacan saraysaa

    Arbaha:

    Qof kastaa abaalkii
    Yahay guul darraantee
    Waxan ahay nin gabaryahay
    Gacantaada midigtee
    Waxan ahay garaax iyo
    Godobtaan dugsanayee
    Guur hayga filanine
    Gurigaygan ii dhaaf

    Qalanjada:

    Adoo gacal isoo biday
    Waataan ku gowrshay
    Ku garwaaqsan waayey
    Kaa saartay gacantee
    Waxan aniga goostaa
    Goobtaan i joojee
    Ha iga goosan caawaad
    Iga gacan sarraysaa

    Qalanjada:

    Waxan ahay nin gacalkii
    Awgaa u gooyoo
    Waxan ahay gargaarkii
    Galadkaaga waayee
    Waxan ahay gandood iyo
    Gocosho u dambeysee
    Guur hayga filanine
    Gurigeygan ii dhaaf

    Qalanjada:

    Gowraha habeenkii
    udcurkaad istaagtiyo
    Garki aad iqabatiyo
    Guubaabadaadii
    Gardarraan u qaatoo
    Kuumaan garaabine
    Ha iga goosan caawaad
    Iga gacan sarraysaa

    Arbaha:

    Sidan ahay nin gaaloo
    Xarameynkii galayoo
    Gubay maalin ciidoo
    Lagu soo gurmaday baad
    Gabi dheer i saartood
    Igu gooni baadhee
    Guur hayga filanine,
    Guur hayga filanine
    Gurigaygan ii dhaaf

    Heesta saddexaad ee Caanka baxday waxa ay ahayd Hiddo. Heestaan waxa laxankeeda sameeyay Jaamac Saleebaan Tubeec. Waxa qaadisteeda ku caan baxay Maxamed Nuur Griig iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Waxaase markii riwaayadda la dhigayay qaadayay Cabdiraxmaan Shiikh (Aburaas) iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Heestaan, sida heesta: “Ma ahee Khadraay,” waxa ay leedahay hooris la dhismo ah tan maqasha, oo weliba labalaba meeris isugu xiran. Haddii aan kuu sii bayaansho waa kuwan hoorisyadu:

    Qalanjada:


    Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
    Kuu hagar baxee anigana i hoo


    Arbaha:

    Taakulo Hiddo ma ii huri kartaa
    Haahey kalgacal ma ii hibin kartaa

    Meerisyada kale ee heesta, waxa ay la dhismo tahay Jiiftada, sida heesta kore. Adiga ayaa ka bogan doona'e, waa tan mirihii heestu:

    Arbaha:

    Nin hablaha dhamaantood
    soo wada hilaadshoo
    Haasaawe kay tahay
    Hungureyn xaggoodoo
    Adna kuu hanweeynoo
    Waxaan ahay ku heybshee
    Ma ii hagar baxdaa?

    Qalanjada:

    Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
    Kuu hagar baxee anigana i hoo
    Qof harraad u liitaa
    Biya kama hagaagee
    Hiil geesi waayaa
    Hibashada ma daayee
    Haankaad wareentaa
    Hurgumooday caawee
    Ma is heli karnaa

    Arbaha:

    Taakulo Hiddo ma ii huri kartaa
    Haaheey kalgacal ma ii hibin kartaa
    Hoorriga la sheegiyo
    Hanas liito ma ihiye
    Hanti nimaan laheynoo
    Hafraanaya ma ihiye
    Waxaan ahay nin hanadoo
    Fulinaaya hawshee
    Ma ii hagar baxdaa

    Qalanjada:

    Halacoow guddoon hadalkaad tidhee
    Kuu hagar baxee anigana i hoo
    Anba hoorri liitiyo
    Hanas kuguma sheeginee
    Kuwa loo hanweynyahay
    Adigaw horreeyee
    Waan ku helinaayoo
    Taloow wa u hubsiinee
    Ma is heli karnaa

    Arbaha:

    Taakulo hiddoy may huri kartaa
    Haaheey kalgacal ma i hibin kartaa
    Hirar aanu gaadheyn
    Nin u heesanaayoo
    Talo waw hubsiinee
    Ku hodaayo ma ihiye
    Isku kay hallee baan
    Hadalkii ku daystee
    Ma ii hagar baxdaa

    Qalanjada:

    Halacoo guddoon hadalkaad tidhee
    Kuu hagarbaxee anigana i hoo
    Halacoow asaagaa
    Hingal baan ka qaatee
    Mid kaloo i hooyaa
    Ana waa iga haniyee
    Aniguna heshiis baan
    Hadalki ku daystee
    Ma is heli karnaa

    Arbaha:

    Taakulo hiddoy ma ii huri kartaa
    Haahee kalgacal ma ii hibin kartaa

    Qalanjada:

    Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
    Kuu hagar baxee anigana i hoo

    Heeso kale, oo aan caan bixin, baa jiray. Waxaa ka mid ahaa hees uu qaadayay Maxamuud Siciid Bandey, oo jilayay Arbaha Labaad:

    Hantidaa adduunkee
    Harka kala wareegiyo
    Hoosiiska lala simay
    Iyo hodanta Eebbee
    Lagu kala horreeyaa
    Ina kala hiraysee
    Labadii heshiiyana
    Wakhtaa kala halleeyee
    Tan labaadna Himiroy
    Anoo kuu hanweynaa
    Inaan kaa huleeleey
    Dantu igu habsiisay
    Kala hoyasho rooniyo
    Waa inoo habeen wacan.
    Waxa aniga hootiyo
    Hubka culus igaga daran
    Kala haarinteeda
    Hiirtaanyadeeduna
    Cilmi tuu la hoydiyo
    Qays kama hinnaanin

    Tan labaadna Himiroy
    Anoo kuu hanweynaa
    Inaan kaa huleeleey
    Dantu igu habsiisay
    Kala hoyasho rooniyo
    Waa inoo habeen wacan.

    Waxa kale oo riwaayadda ku jiray heestaan, oo ay qaadaysay Asli Khayre Gabboon, oo jilaysay qalanjada labaad:

    Meel doogsanayd baan Abaar ka doortay
    Dabayl dhacaysaan Daruur u qaatay
    Dabin qaroon baan Lugaha ku doontay
    Kuwa ila la da'deen La dardaarmayow
    Kasxumaanta dumar Waa waxa i dilay

    Waxa xusid mudan in riwaayaddaan markii ugu horreysay laga dhigay Shineemo Ceelgaab, oo ku taallay bartamaha Xamar. Laakiin markii laba habeen la dhigay, ee aad loo jeclaystay loo soo wareejiyay Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre.) Waxa kale oo xusid mudan in Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo markaa ahaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, uu ka codsaday Abwaanka iyo kooxdaba in ay ku soo wareejiyaan gobollada dalka oo dhan, isaga oo gaadiid iyo maalgalin kaleba u ballanqaaday.

    Ka sheekaynta riwaayaddaa Reer Ba'yow Yaa ku Leh aan intaa uga harno, oo u galno suugaantii kale ee Abwaanka.

    Waxa xusid mudan in Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase markii uu hal sano waddanka joogay uu u kicitimay Qurbaha. Ha yeeshee inta aynaan u gudo gelin safarkiisii bal aan wax ka xusno heesihii u sameeyay muddadaas gaaban ee uu Soomaaliya joogay.

    Dabayaaqadii 1968-dii waxa Abwaanku sameeyay heesta ilaa maanta caanka ah, ee la yiraahdo Warsan, ee ay qaaddo Aamino Feer. Heestaas miraheedu waxa ay ahaayeen:

    Warsan iyo Weersan ii soo Wacee


    Hadbaaa walalacdaadii la ii kaa widhwidhiyoo
    wanaag iyo kalgacal la igu kaa wadhyeey
    walbahaaro jacaylbaa i weedhaamiyee
    wajigana xishood kaa waabtayee

    warsan iyo weedhsan ii soo waceey
    Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
    warsan iyo weedhsan ii soo waceey

    Hooboo weecdayoo aawadaa warwarayoo
    Wehelkaygiiyoow i wadaalisee
    wakiyoo i wiiqdoo socodkii wahsadayeey
    wareegeystayoo dabadaha walhadayee

    warsan iyo weedhsan iisoo waceey
    warsan iyo weedhsan iisoo waceey
    Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
    warsan iyo weedhsan ii soo waceey
    warsan iyo weedhsan ii soo waceey

    Naftu waalalowdoo kaa daba warraaqdoo
    Waqalkii cirkaa i dul waabanoo
    Wadiiqada halmaamoo waaga jiifsadee
    Waynahaan baryee isma wayno ee

    warsan iyo weedhsan iisoo wacee
    warsan iyo weedhsan iisoo waceey
    Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
    warsan iyo weedhsan ii soo waceey
    warsan iyo weedhsan ii soo waceey

    Heesaha laga dabadhacay ee uu Abwaanku sameeyay, waxa ka mid ahayd Wahey Waaqlaan u Baxayoo, oo uu qaado Cumar Dhuhle. Heesta oo uu laxankeeda lahaa Halac Xasan Aadan Halac, waa tan miraheedii:

    Wahay waaqlaan u baxayoo
    Cidlaan weehaabayaa
    Warkayga caruurtu warisee
    Hadmaynu is weheshan doonnaa

    Wahay waqtiga i sida baa
    Waxyeelada iigu wacanoo
    U baahday waraysigaagee
    Hadmaynu is weheshan doonnaa

    Wahay waanigaa wakinayoo
    Intaan wiiqmay weehanaaboo
    U baahday waraysigaagee
    Hadmaynu is weheshan doonnaa

    Muddadaas kooban, ee ku sinnayd sannadka, ayaa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase sidaas farshaxankiisa suugaaneed ugu raaxaystay.

    Dabayaqaadii 1968dii ayaa waxa Abwaanku uu soo aaday Berbera iyo halkii uu ku dhashay. Doorkaan siyaasad baa wedday, oo mudane Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa u soo xilsaartay in uu Berbera uga soo ololeeyo. Haddii musharraxiisii guulaystay, halkii Abwaanka laga filayay in uu ku soo noqdo Xaruntii Dalka iyo Xamar, oo abaalmarin soo doonto, ayaa waxa Abwaanka u muuqatay in aan waddankaan wax faa'iido ah ka soo socon. Waxa uu u baqoolay Abu Dabai. Abwaanka oo halkaas ku sugan ayaa October 21, 1969kii waxa Soomaaliya ka dhashay xukun Millatari.

    Abwaanka oo saadaashiisii sii rumaystay ayaa u kicitimay halkaas iyo Greece. Markab ayuu ka raacay Griigga. Haddii ay qiyaastii labo sano meeraysteen Yurub, ayaa waxa ay ka degeen Florida, USA. Waxa ay fasax ahaan u soo gaareen Newyork. Waxa abwaanku go'aansaday in uu Maraykanka ku negaado.

    Labaatan sano ayuu degganaa Maraykanka. Waxa uu ku guursaday gabar Maraykanka Madow ah. Labatankaa sano, Hal mar ayuu ka soo baxay Maraykanka oo ahayd 1982dii oo uu soo gaaray Soomaaliya. Ujeeddadu waxa ay ahayd in uu soo kaxeeyo ubad uu adeer u yahay. Taasna wax bil ka yar bay ku qaadatay, oo waxa uu ku soo laabtay Maraykanka.

    Muddadaas Labaatanka iyo hodhodhowda ah, Abwaanku waxba ma curin, oo waa iskaga caagganaaday suugaantii uu sumcadda ku lahaa.

    1992dii, ayaa abwaanku waxa uu soo galay dalka Canada, oo Soomaali badan oo leh fannaaniin iyo suugaanyahanno kaleba ay u soo qaxeen. Halkaas ayuuna, Ilaahay ha ku nabadyeelee, ilaa hadda ku sugan yahay. Muddadaan ilaa 15ka sano ah, ayaa Abwaanka halabuurka iyo wax curintuba dib ugu soo maaxatay.

    Suugaanta uu curiyay waxa ka mid ah maansooyinkaan:

    Abwaanka ayaa waxa uu arkay nin saaxiibbo ay ahaayeen oo tix uu hadda ka hor u sheegay, meel gole ah ka sheeganaya. Ninkii ayay maalinkii dambe meel majlis ah isugu yimaadeen, markaasaa Abwaanku waxa uu yiri:

    Tujaartaba tuugtu waw dhacdaa
    Ninkay telfiyaan beryuu wax tuhmaa
    Tobankii xalay baan adduunkii tirshay
    Waxaan tabay kaatun tawlad ah
    Tiriig baan u shiday toddoba boqol ah
    Wadaad tuf leh baan tadcaar u dhigay
    Tusbuxuu rogay faal tusaalaha
    Wuxuu ku tilmaamay ruux tol ah
    Kolaan tabarrucoon isaga tago
    Tu'daye wax ma ii tibaaxaa.

    Waxa iyana jirtay tuducaan:

    Ili hadday wax gaaraan tan kalaa u oydoo
    Midi iilan mayso dhagahaysku awdma
    Gacmahaan itaalkood isku eegin hawsha
    Ogsoonow waxa abaartu dhaxashaa ubaxa iyo dooggee.

    Waxa kale oo jirtay tix waddani ah, oo uu umadda ku baraarujinayay. Waxa ay lahayd:

    Umadyahay baraad li'i
    Seexashada u bogatay
    La bahawday Reer Kaaf
    Goormaad baraarugi?
    Boorkaysku qariseen
    Goormaad ka hoos bixin?
    Hadmaad talada buubtiyo
    Danta baylah ka ogaan
    Mase baryaad ku noolaan.
    Biyahaad lulaysaan
    Subag haddaad ka baadhaan
    Barmiil hoostu go'an tahay
    Haddaad buuxinaysaan
    Intaad buraashad qaaddeen
    Badda haddaad dhuraysaan
    Bi'i waa dadkaygow
    Riyadaadu waa been.

    Tix kale oo waddani ah, ayaa waxa ay lahayd:


    Qumaataa loo kacaa
    Qorshaha wacan baa hirgala
    Kan beenta u qaybsanow
    Taariikhdu runtay qortaa
    Hadduu dhidar qodo qabuur
    Qurmuun buu uga dhacaa
    Ninkii qoloqolo wadaw
    Qaraarkeedii dhadhami.
    Qardoofo intaad fashaan
    Maxaad qalad ugu saxdaan.
    Qisaa ina haysatee
    Maxaa giddigeen qarribay
    Inaan qayrkay ka haro
    Ilaahay baa qaddaray.
    Qaskana anigaa lahaa
    Ee qamuunyo maxay i tarin?
    Soomaalidu waa qareen
    Qaraabiyo wada walaal
    Qaxootiga way ka bixin
    Anigu taasaan qabaa.

    Heesihii waddaniga ahaa baan weli ku jirnaaye, tix kalaa waxay lahayd:

    Dhulka hooyo
    Ee lagu dhaato iyo
    U dhiidhiga xornimo
    Muslinimada dhaba
    Dhaqankiyo hiddaha
    Soomaalay dhegtiyo
    Magac dhowrashada
    Waa loo dhintaa
    Ee dheddig iyo labood
    Isma dhaantayahay
    Dhudhumada yaryari
    Dhitadeed qubaay
    Dhaxalkaagii mee?
    Mirka dhaabaddiyo
    Runta kuma dhaqmaay
    Dhagar iyo qallooc
    Isku dhiirriyaay
    Hadba kii dhab daran
    Dhinac joogsadaay
    Umad dhoohaneey
    Dhedig iyo labood
    Isma dhaantayahay
    Dhudhumada yaryari
    Dhitadeed qubaay
    Dhaxalkaagii mee?
    Nabar dhaymo raba
    Kaga dhiijiyaay
    Hadba kii dhib qaba
    U dhamaystiraay
    Koodii dhintana
    Qosol ugu dhacaay
    Dhedig iyo labood
    Isma dhaantayahay
    Dhudhumada yaryari
    Dhitadeed qubaay
    Dhaxalkaagii mee?

    Waxaa iyana jirtay hees caan ah, oo abwaanku ugu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda qurbaha ku koray, ee Muusiga Raabka ah aadka u dhegaysta. Ujeeddadu waxa ay ahayd, in dhallinyarada loo muujiyo in afkooda iyo dhaqankooda ka heli karaan inta ay ka doondoonayaan Raabka. Heesta, waxa la yiraahdaa Raagow Rig Dheh, Ruuney Rax Dheh, waxa laxankeeda sameeyay Axmed Cali Cigaal, oo markii horena qaaday, laakiin waxaa ka dabaqaaday fanaaniin dhowr ah, waxaase aad ugu caanbaxay Cumar Jabuuti.

    Jacayl run ah baan wadaa
    Rajada waan kula qabaa
    Sidaa aad ii rabto
    Baan anigu kuu raadiyaa

    Adduunyadu waa riyo
    Aan wada raaxaysanno
    Miyuusigga reemaayiyo
    Heesaha Raabka ah ku tummo
    Dhankaad doontaba u raac
    Naftaada ku raali gelli

    Ragoow rig dheh
    Ruuneey rax dheh

    Hablow waa kaa raggii
    Halaa raarka ugu jira
    Ee Intaad soo roorisaan
    Sidii daad u soo rogmada

    Adduunyadu waa riyo
    Aan wada raaxaysanno
    Miyuusigga reemaayiyo
    Heesaha Raabka ah ku tummo
    Dhankaad doontaba u raac
    Naftaada ku raali gelli

    Ruuneey Rax dheh
    Ragoow Rig dheh

    Waxa kale oo jirta hees aalaaba aroosyada laga tiriyo, oo duco, amaan, waano iyo caqlicelin isugu jirta. Sidoo kale waxa ay ka hadlaysaa dhaqanka Soomaalida. Miraha heestu waa sidaan:

    Raggu magaca guudnimo
    Magta waa isaga gow.
    Garkana waa ka siman yahay.
    Haddana kala gol roonaa
    Qaarbaa gabayga tiriya
    Suugaanta gaar u ah
    Murti laga guntanayaa
    Gabnana waanu leennahay.
    Gabogabo colaadeed
    Guuyada la kala dhaco
    Geesi baa maleegtee
    Fulaha goobtii laga waa.
    Garta laysku soo baxo
    Guddida laguma wada daro
    Qaar baa u gooniya
    Barkayaan golaha tegin
    Ifka deeqdu waa gacan
    Laysaga abaal gudo
    Aakhirana waa guul
    Gallad Eebbe lee yahay
    Ninkii gaystayow hoo
    Bakhaylna waa ka garanuug.
    Ninka gurrani waa belo
    Dhowrsadaana waa gobol
    Af garoocna laga wacan
    Godoliyo hinnaasena
    Bagaan calafba kuu gayn
    Boqonna adiga kuma geyo
    Ee baalida ha guursado.
    Dumarkana tan gaariya
    Baa raggu gaaf wareegaa
    Goombaar nin loo waa
    Waa geeridoo kale
    Ruuxaanad garanayn
    Iyo geeljiray ku wacan tahay
    Ee nafta gocoshadeedaay
    Wakhtigu kuguma geeddiyo
    Dadku kuguma gaagaxo
    Ubadkaagu kuma gabo
    Ilaahay goob xun kuma dhigo
    Ee gurigeennu yuu noqon
    Midaan gibilba saarnayn
    Taladeenna guudnimo
    Golroonni ka ogow
    Hawlaha u gaafnow
    Xarragana ku gaalgaal
    Qaarbaa socodka gaabshee
    Geeddiga ha soo harin
    Laba ninoo gudboonaa
    Idinkaa midkood gaba
    Midna guudka mariyee
    Hayga reebin gedahay.
    Martidu yaanay kaa go'in
    Gacalku yaanu kaa caban
    Dadku ways gargaaraa
    Ha illaabin gobonimo
    Dumarka goonni ka ahaw
    Raggana guursi kala soco
    Deriskana guhaad iyo
    Yaan la oran gef bay tiri
    Anna muxubba gaar ah
    Jacayl gun iyo baar baxay
    Geed saar ku maran yahay
    Mankii guudka uga baxay
    Ubax laysku soo guray
    Loogu beeray goonyaha
    Sagalkii guduudnaa
    Iyo moodda galabeed
    Kuu soo gudbinayaan
    Oo kuu abaal guda
    Ayaan soo gudbinayaa

    Adduun sidii Milic
    Makhribkii ku soo galay
    Waa sii madaw dahay
    Waxay macallimiintii
    Dadka ugu macneeyeen
    Muddadii loogu talo galay
    Madaxay ku haysaa
    Hal baan muran ka taagnayn
    Muslinkii habboonaa
    Nin wanaagsan laga mari
    Waxa haray mid iyo laba
    Masjidyada ku hoos nool
    Oo halkaa miciin biday
    Dadka maanta joogaa
    Waa qaar masiibaa
    Waa wada af miinshaar
    U maleegtay xaaaran
    Xaqunaans kuwada maban
    Maataada ma dhowraan
    Martida ma sooraan
    Magantana ma bixiyaan
    Xilna waa mur iyo gacan
    Allahayow miskiinkiyo
    Diintu tiri ha maagina
    Muruq bay u sheegteen
    Maadhiin nimaan sidan
    Maradiisu waa halis.
    Dhib munaafaq gaystaa
    Muumin lagu dhameeyaa
    Allahayow na maaree
    Aan Iblays na maamulin
    Majarihii rasuulkii
    Jidkii Maxamed noo dhigay
    Allahayaw na wada mari
    Maskaxdaan fayoobayn
    Kuwa madaxa laga galay
    Allahayow u kala Miir
    Musuqmaasuq waa belo
    Kuwa midigtu fududdahay
    Allahayow u miisan
    Kuwa uurka mililkiyo
    Maallin ka dhaansaday
    Raxmaddaada kaga mayr
    Cirka milaygi di'i jiray
    Miiraale laga waa
    Dhulkuna maangad weeyaan
    Macdan iyo batrool ma leh
    Xoolihiina waa maran
    Ee Allahayow na muunee
    Allahayaw midnimadii
    Madhaxii la wada jiray
    Magacii la wada siday
    Muhmal yaanu naga gelin
    Sidii labo mataanaa
    Laysu wada majeertaa
    Allahayow dantaa murugtiyo
    Taladaa miroodkaa
    Adigaa u mawlaa
    Anna waan mitidayaa.

    Waxaan suugaanta Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase ku soo gunaanadaynaa, hees uu u tiriyay gobollada Puntland. Heestaan waxa ay ku timid meel xaflad ayaa waxaa laga qaadayay hees lagu amaanayo gobollada dalka. Gabar ka mid ahayd dadweynihii daawanayay heesta, ayaa waxa ay ninkii heesta qaadayay ka codsatay in uu amaanta ku daro gobolka Bari, oo ay asal ahaan ka soo jeedday. Fannaankii ayaa gabadhii ku gacan sayray, isaga oo weliba ku niyad jebiyay su'aal jeesjees ah, oo oranaysa “Bari maxay tahay?” Abwaanka, oo sheekada la socday, kana xumaaday sida fannaanku ugu jeesjeesay gabadha, oo ay is yaqaaneen, ayaa waxa uu ku dejiyay in uu u samaynayo hees iyada iyo gobolkeedu lee yahay. Heestaan oo noqotay hadiyaddii ugu weynayd ee Puntland ka hesho suugaanyahannada Soomaaliyeed, ayaa miraheedu waxa ay ahaayeen:

    Boqorkii haweenkaay
    Beeshii xishookaay
    Hoygiii bidhaantaay
    Baarkii da'deedaay
    Inkastoon basteey ahay
    Bariidadu xaq weeyee
    Adigiyo barbaartii
    Baargaal ku noolayd
    Shukriyey ma barideen
    Ari Boowe
    Ari Baaye
    Barinnaye
    Ma barideen
    Qandala oo barwaaqa ah
    Bayliyo Xaafuun
    Ayl iyo Bariidiyo
    Iskushubanta loo bogay
    Biyokulule iyo Qaw
    Boosaaso iyo Karin
    Dhulku barisamaadkii
    Igu bi'iyay caashaqu
    Xeebaha Busaadeey
    Sida biijajkii Yurub
    Laga ooday bahalaha
    Bulshada loogu talogalay
    Iyo badaha luulkiyo
    Cambarkuba ka buuxaan
    Kalluunkuna ku badan yahay
    Baatroolna laga helay
    Iyo buuro malabkiyo
    Laga gurayo beeyada
    Oo calan buluug ahi
    Baallaha ka suranyahay
    Halka kii barriinsaday
    Ku illaawo baahida
    Basanbaas abaariyo
    Jiilaalna laga baqin
    Qardhoo loo xagaa baxo
    Dhul Ilaah ballaarshee
    Barakeeyay Nabigii
    Oo togag burqanaya
    Beeraha waraabshaan
    Baadkiyo caleentuna
    Qariyeen bacaadkii
    Bilicdooda geedaha
    Dhaayuhu ku burureen
    Bari tii ku dhalatee
    Mudug lagu barbaarshaay
    Inkastoon basteey ahay
    Bariidadu xaq weeyee
    Adigiyo barbaartii
    Baargaal ku noolayd
    Shukriyey ma barideen
    Ari Boowe
    Ari Baaye
    Barinnaye
    Ma barideen
    Anigaa basteeyee
    Ha bukoonin abidkaa
    Adigoo badbaada ah
    Baradeenna ku ekow
    Marka xiga balaayada
    Bogga tii ku socotiyo
    Tii cago ku buubtiyo
    Hadday baalal leedahay
    Barbarrada lagaa mari
    Ilaahay bishan dhalatiyo
    Sannadkaan bilowgaa
    Barkhaddiisa kugu dhowr

    Gunaanad

    Tixaha iyo riwaayadaha Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase, ma aha kuwo halkaan lagu soo koobi karo. Qaarkood, oo aan ilaa hadda hayo, waa aan ku bakhiilay. Waxa ka mid ah hees Abwaannadu ugu garnaqsanayaan Heesaaga. Waxa Kale oo ka mid ah mid abwaanku wax ku tusaalaynayo Fanaaniinta cusub. Cumdow, waxa ka mid ah: “Qurux Cago ku Socotaay,” Heesahaas iyo kuwa kale oo farabadanba waxa aan uga falanqoondoonnaa buugga la magacbaxay: : “Halabuur: Hordhac iyo Hooris” , oo soo bixi doona dabayaaqada sannadka 2007.

    Inta ka horreysa, wixii su'aal ama talo ah, fadlan kala soo xiriir Qoraha, oo emailkiisu yahay:

    DHAMMAAD

    Qormo: "Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac (Ilka-Case)"
    Wq Deeq Aadan DiiriyeDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
    Faafin: Wayeel Hakisa, Diseembar 17, 2009


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Friday, December 18, 2009  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYS



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates