Qoraalkan waxa uu horey ugu soo baxay, laga na soo xigtay bogga www.dhahar.com. Qoraaga, iyo bahda dhahar.com, labaduba, waa ay ku wada mahadsan yihiin soosaarkii qoraalka isaga ah ee qaayeha badan.

Wayeel waxa uu tacsi murugo leh u dirayaa dhammaan qoys, ehelo iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac ( Ilka Case ). December 14, 2009, ayuu ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ilaahay Jannadii Ferdawsa ha ka waraabiyo. Aamiin!
Qormadaan, waxa aan si kooban uga sheekayn doonnaa sooyaalkii iyo suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase. Iyada oo faahfaahsan waxa aad uga bogan doontaa buug aan dhowaan soo saari doono oo aan uga falanqoon doonno sooyaalka Maansada iyo Masraxa Soomaaliyeed.
Arar
Inkasta oo aan buuggaas ku kawiri doono qormooyin aan, sannadihii 1985tii ilaa 1986dii, ka soo aruuriyay Abwaanno lahaa Marxuuum Xuseen Aw Faarax iyo Marxuum Maxamed Cali Kaariye, oo ilaa waagaas ilaa hadda, ha dhinteen, oo Ilaahey naxariistii Janno ha ka waraabiyee, kolley weli aniga igu dhex nool, haddana in aan buuggaas kamilo waxaa ii suurto geliyay Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase.
Waxa kale oo xusid mudan in buugga oo magaciisu noqon dooono: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris” uu abwaanku bixiyay.
Akhristow, da' kasta ayaad jiri kartaa, heerkaaga aqoonta suugaanta Soomaaliduna in kasta ayay le'ekaan kartaa, waxaad xaq u leedahay in aad is weyddiiso: “Waa kuma Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacse?”
Anna jawaab baa igu garoocdaye, waa hagaag. Abwaanku, waxa uu sameeyay riwaayado farabadan, oo ay ka mid ahayd tii caanka baxday ee la oran jiray: “Reer Ba'yow Yaa ku leh?” Riwaayaddaan waxa ku jiray heesaha ay ka midka yihiin: “Ma ahee Khadraay oo ay qaadaan Maxamed Saleebaan iyo Sahra Axmed; Ha iga Goosan Caawaad oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Aamina Feer; iyo Hiddo oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Waxa kale oo abwaanku sameeyay heeso aad u qarxay, oo ay ka mid yihiin:
1. Warsan iyo Weersan Ii Soo Weceey, oo ay qaaddo Aamino Feer.
2. Weheey Waaqlaan u baxayoo, oo uu qaado Cumar Dhuule!
3. Waan idin Dhaliilay, oo uu qaado Xasan Aadan Samatar
4. iyo kuwo kale oo badan oo aad qormadaan kaga bogan doontid.
Sidoo kale, Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase, waa ragga farokutiriska ah ee ilaa maanta sameeya heeso leh habdhismeedkii Qaraamiga. Waxa uu Abwaanku inta badan wax ka curiyaa baabab iyo mawduucyo aan hortiis wax laga oran.
Si kastaba ha ahaatee waxaad sooyaalka iyo suugaanta abwaanka uga haqabbeeli doontaa qormadaan iyo buugga ay udubdhexaadka u tahay.
Waxaan ka sii afeefanayaa wixii khaladaad ah, in ay xaggayga tahay, oo Abwaanku ka dhowrsan yahay.
Abwaan Maxamed Jaamac IlkaCase, waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, hillaadda 1930kii. Halkaas ayuu ku soo barbaaray ilaa uu kowiyotoban jir ka soo gaaray. Waxa uu magaaladaas ka galay dugsi Quraankii ugu horreeyay.
Inkasta, oo Abwaanku asal ahaan uu ka soo jeedo Maamul Goboleedka Puntland, oo halkaa qabiilkiisu xoog u deggan yahay, gaar ahaan gobolka Bari, haddana Awoowgiis saddexaad ayaa isagoo dhallin yar isaga soo guuray, oo u soo kicitimay xaggaa iyo dhulka Soomaali Galbeed, oo dad badan u yaqaan Ogaadeenya, haddana la magac baxday Ismaamul Goboleedka Kililka Shanaad. Sidaas ayaa abwaanka Awoowgiis labaad ugu dhashay Fayaanbiiro. Isla markaasna, Awoowgiis iyo Aabbihiisna ay ugu dhasheen Xaado, oo u dhow Jigjiga.
Abwaanka Aabbihiis, Jaamac, oo dhallinyar ayaa u soo guuray Hargaysa. Dabadeedna, waxa uu uga soo gudbay, oo saldhigtay, magaalada Berbera. Odaygu waxa uu Berbera ku guursaday gabar ay ilmoEeddo yihiin, oo iyana asal ahaan ka soo jeedday Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaan gobolka Sool. Waxayna u dhashay 11 carruur ah, oo uu ugu yaraa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase. Macnaha, waxa ka waaweynaa saddex wiil iyo toddoba gabdhood.
Taariikhdu markay ahayd 1941-dii, oo ahayd xilli uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka (World War II) saamayn ku yeeshay Geeska Afrika, ayaa qoyska Abwaanka iyo qoysas kale oo farabadan, waxa Ingiriisku qoxooti ahaan ugu soo raray magaalada Cadan, ee waddanka Yemen.
Abwaanka iyo qoyskiisu waxa ay Cadan degganaayeen ilaa afar sannadood. Waxa ay ahayd nolol adag oo qaxootinimo. Afartaas sano, waxa Abwaanka u suuragashay in uu sii wato waxbarashadiisii Quraanka.
Markii uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka uu dhamaaday ayaa Reerkii oo dhan dib ugu soo noqday Berbera. Xilligaan Abwaanku waxa uu ahaa Qaangaar, 15 jir. Laakiin, odaygii Aabbihiis ahaa da' buu noqday, oo waa indhobeelay, islamarkaasna aad buu u xanuunsaday.
Waxaa Mas'uuliyaddii reerkuna ku soo furatay hooyadiis. Waxa lama huraan noqotay in Abwaanku uu, sida walaalihiis, shaqo raadsado, si uu nololmaalmeedka reerka wax uga soo saaro. Shaqooyin naf leh waagaas ma jirin. Waxa uu shaqooyin yar yar ka helay makhaayadaha. Mushahaarka uu ku bilaabay waxa uu ahaa afar booladood maalinkiiba. Lacag yar bay ahayd, laakiin marka lagu daro lacagaha kale ee walaalihiis soo shaqayn jireen wax weyn bay ku biirin jirtay nolosha reerka.
Muddo saddex sannadood ah ayuu noloshaas ku jiray oo uu san Berbera dhanna u dhaafin. Waana xilligaas marka uu Abwaanku bartay xiisaha uu suugaanta u hayo, isla markaasna uu ogaaday in uu halabuur lee yahay.
Waxa xusid mudan, waa sidaan Abwaanka ka dhegadhegeeyaye, in meheradda gabdhaha yaryari ay ahayd falkinta cawska. Xilliga gabdhuhu cawska ka shaqaynayaan waxa ay qaadi jireen Heesta Cawska. Wiilasha la da'da ahina waxa ay madadaalo ahaan u aadi jireen meelaha gabdhuhu cawska ku samaynayaan. Wiilashu waa caawin jireen gabdhaha, islamarkaana waxa ay la xareedin jireen heesaha Cawska.
Heesahaan, marmar hawsha ayaa la isku illowsiin jiray, marmarna waa lagu kaftami jiray, oo la isku shukaansan jiray. Meerisyada heesahaan waxa ka mid ahaa:
Cawskanow sabool diidow
Yaan suuqa lagu dhigin
Soddan lagugu baayicin
Yaa sameeyay lagu oran!
Fiicanay Farsamadeennanu
May fool adkaan jirin
Ma adigaan fayoobayn
Maanigaan ku foorarin
Mise cawskiibaa fiday!
Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase waxa uu noo xaqiijiyay in yaraantiisii, xilliyada firaaqada uu yahay, uu aad u xiisayn jiray heesahaan iyo ku maararowgooda.
Waxa kale, oo Abwaanku ii xaqiijiyay, in gabdhuhu ay lahaayeen hees-hawleedyo u gaar ah, oo aan wiilashu ka qaybqaadan jirin. Waxa ka mid ahayd Heesta Kebadda, oo aan tixaheeda ka soo qaadan karno:
Brimbirshaaleeyeey bunshareerrey
Ma maantaan bahaday helay
Waa toddobadiiyoo tegiba meennee
Haddaan timir cad nala siin
Koronkor cunimeynnoo karinba maynnee
Karuur geel ma la hayaa?
Ha yeeshee mar aan abwaanka weyddiiyay tixdii ugu horreysay ee uu curiyo, waxa uu ii sheegay
Aniga iyo dhalinyaro aanu saaxiibbo nahay ayaa qaadka qarqarsan jiray. Waxa aanu ku qayili jirnay hadba meel noo qarsoon, oo xitaa aan shaaha ku karsanno qasacado. Inta badan waalidka ayaa na doondooni jiray. Mar walbana waanu aag beddelan jirnay, si aan naloo soo helin. Beri dambe ayaa Hooyaday noogu timid gole aanu ku qayilaynay. Canaan bay noola istaagtay. Anna aad baan u khajilay, dhallinyaradiina cabsi baa isugu timid. Mar qura baa tixdaan iga soo boodday:
Cantarba aabbihii ma caasiyin
Cabid buu uga dhigay quruun Caraba
Camira giddigiin sir iyo caad
Canaan waalid ceeb ma leedahay!
Waxa Abwaanku ii qiray in xilligaas, oo uu ku qiyaasay 1948dii, in heesaha Qaraamigu jireen, oo ay weliba ku maararoobi jireen.
Si kastaba ha ahaatee, isla Sannadkaas, 1948dii, ayaa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase waxa uu ku laabtay Cadan. Waxa uu markiiba bilaabay in uu aad u shaqeeyo, si uu reerkiisa ugu soo diro lacago ay ku noolaadaan.
Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase muddadaas uu ku mashquulsanaa caawinaadda reerkiisa, waxa uu san ka tagganayn xiisaha iyo jacaylka uu u hayo suugaanta.
1956dii ayaa abwaanku waxa uu soo bandhigay Riwaayaddiisii ugu horreysay, oo uu ugu magacdaray Taamilo.
Waxa xusid mudan in, marka Masraxa Benaaddiriga laga reebo, Riwaayaddii ugu horreysay ee laga dhigay Soomaaliya, ay soo baxday sannadkii 1954tii. Waxa riwaayaddaas allifay Abwaan Xuseen Aw Faarax, oo ku soo bandhigay magaalada Hargaysa. Riwaayadaha, ilaa 1956dii laga dhigay Soomaaliyana kama badnayn 6, oo uu kulligood allifay Abwaan Xuseen Aw Faarax. Waxa kale oo xusid mudan in aysan riwaayadahaas, laga dhigayay Soomaaliya, innaba wax saamayn ah ku lahayn Masraxa Cadmeed.
Waxa uu Abwaan Ilkacase ii xaqiijiyay in markii uu allifayay uusan isaga riyoon in uu wax Riwaayad la yiraahdo sameeyo. Balse, muddadii uu Cadan joogay uu daawan jiray Riwaayadaha Carabta iyo Aflaamta Hindiga. Dabadeedna, afkaartii uu halkaa ka helay ay ku dhalisay in uu sameeyo Riwaayad Soomaaliyeed, isaga oo weliba u qabay in aan hortiis cidna isku dayin. Si kastaba ha ahaatee, aan u soo noqonno ka sheekeynta Riwaayaddii ugu horreysay ee Abwaanku Curiyo, waa hagaag:
Taamilo
Taamilo waxa ay ku saabsanayd arrin qallafsan oo la xiriirta dhaqanka Soomaalida, taasoo ahayd in labada qof ee ilmo-adeerta ah aysan is guursan karin, laakiin labad ilma-abtiga ah ay isguursan karaan, Si taas looga digo, oo su'aal looga keeno, ayaa Abwaanku waxa uu sheekada riwaayaddaan ku sawirayaa sheeko xiiso leh oo muujinaysa sida arrintaasi aysan macquulka u ahayn.
Arbaha iyo Qalanjada riwaayadda oo ku matalaya ilma adeer, ayaa is jeclaanaya. Arbaha waxa la oran jiray Durraan. Waxa uu ku jilayay magaca ah Caaddil. Qalanjada waxa la oran jiray Caynab Muuse, waxa uu ku jilayay, gabar ahaan, magaca ah Canab.
Waxa riwaayaddu ku bilaabanaysaa Arbaha iyo qalanjada, oo jacaylkooda dhisaya. Jacaylkoodu waa uu xoogaysanayaa, oo weliba xididdaysanayaa, oo tusaale ahaan, muuqaallada ay jacaylkooda ku muujinayaan, mid ka mid ah, ayaa waxa ay ku qaadayaan hees miraheedu, ka mid ahaayeen:
Arbaha:
Quruxyahay socotaa adaygu qabtaye
Qaraamkaagi baa i kala qubay
Waanigaa u qalalan sidii qori
Qosolkaad aragtaye, jirkay qalalan
Qalanjada:
Haddaanu qosolkanu qaraaxad ahayn
Qabuul adag aynu kala qoronno
Qisadii Layliyo aan Qays matalnee
Qalqaalaye yay qabyo u dhuran.
Arbaha Riwaayadda oo kalsooni buuxda ku qaba naftiisa iyo jacaylkiisa ayaa odayga Adeerkiis ah, ee soo korsaday, waxa uu weyddiisanaya in uu u dhiso gabadhiisa Canab, oo ah isaga ina adeertiis. Odayga waxa jilayay nin markaas loo yaqaannay Cumar Murriyad, waxa uuse ku dhigayay magaca ah Geeddi. Oday Geeddi baa waxa uu isku dayayaa in uu ka dhaadhiciyo in Canab iyo isagu ay walaalo yihiin, oo aysan is gayin. Inankii taas ma garawsan, oo waxa uu si macquul ah u damcayaa in uu odayga uga dhaadhiciyo in isaga iyo gabadhiisu diin ahaanna is gayaan, in muddo ahna ay hoosta iska jeclaayeen, haddana ay xaq u lee yihiin in ay is guursadaan. Oday Geeddi arrintaas waa ka xanaaqay. Waxa uu inanka ku lee yahay bal gabadha ayaan arrintaas ka soo hubsanayaa ee iga war dhowr.
Oday Geeddi gabadhii buu caradii kula dhacayaa, waxuuna ku dirqinayaa in ay inanka ina adeerkeed ah diiddo, xaalad uusan gayin, haddii kale uu dayrinayo. Oday Geeddii baa markaas muuqaal ka mid ah riwaayadda waxa uu ku kulansiinayaa Arbaha iyo Qalanjada, si uu Arbaha ugu qanciyo in aan Qalanajadu rabin. Arbaha oo ogaa sida ay Qalanjada isku jeclaayeen ayaa si kalsooni leh u oranaya:
Dhulkii baa roob ka da'ay oo rays qoyana
Rafiiq baan noqon is raacaaya
Hadday raxmad leedoo i raalliday
Ragyahaw Canab hayga reebina!
Qalanjada oo ka baqaysa aabbaheed iyo in uu dayriyo baa markaas oranaysa:
Roobkaa da'ay kuuma roonayn
Ku riiq anna kula rakaabsaday
Riyaad ku jirtaa is raajici
Wixii runa hadal ka soo raac.
Odaygii oo arrintaan hore u qalqaaliyay, haddana raalli ka noqday sida gabadhu taladiisii u qaadatay, ayaa waxa uu inankii ku afjigayaa:
Inanyahaw waad igu raagtoo
Adigaan ku rabaa baad
Caawoo dhan noo rogrogaysay
Ma ribaa inantu miyaan reero korsan.
Inankii sidii buu isaga oo yaabban isaga baxayaa. Oday Geeddina markiiba si jajuub ah baa waxa uu Canab ugu meherinayaa wiil walaashiis dhashay oo uu Abti u yahay.
Arbaha oo warmoog ah, oo weli rajo ka qaba Qalanjada, ayaa waxaa uu si kedis ah u imaanayaa xafladdii Canab iyo inaAbtigeed la isugu meherinayay. Markaasuu waxa uu leeyahay:
Qaniinyo Mas waa qaraari nafta
Quddhii bugta waa qulaami beryo
Qardiyo socod waa qajeelo naso
Qoonteeduna dhaymo qaanso leh
Qaraamka caashaqaanu qiil u bixin
Nimuu qotonsaday ma qaalo tirto
Ee Qaaligii dahabkeen qolraag noqonayn
Qareenkii hadimo ah ma qoondaysan
Qiraalsaday inaad qof kale u dhaxday
Qayrkay haatan qoys ag furi maayo
Ee quluuludhacayga qayb farax!
Dabadeedna Arbuhu dhulka ayuu ku dhacayaa, oo laga qaadayaa.
Si kastaba ha ahaatee, Canab ninkii loo jujuubay waa uu ku xumaaday. Oday Geeddi, oo aaminay wiilkii uu abtiga uu ahaana, xoolihii baa dhaafay. Markuu reerkii sabool noqday, ayaa Canab oo la soo furay, waxa ay u soo noqonaysaa Arbaha, oo markaa Ilaahay u nimceeyay.
Waxa ay ka codsanaysaa in uu guursado. Ha yeeshee, Arbuhu, isagoo oo aarsi ka wada, ayaa uu ku jeesjeesayaa. Waa la isku garnaqsanayaa, waxaana la is dhaafsanayaa, tixo ay ka mid ahaayeen:
Canab:
Miyaynaan ahayn ilama adeer?
Arbaha:
Miyaanad ogayn intii hore?
Aakhirka waa uu cafinayaa, isla markaana waa oggolanayaa in uu guursado. Iyaga oo ay meel fiican u marayso, ayaa waxa albaabka ku soo garaacaya Oday Geeddi oo dawarsanaya.
Oday geeddi, oo aan garanayn cidda uu tuugsanayo, ayaa, markii albaabka laga furo, waxaa uu meerinayaa tixdii uu ku dawarsan jiray, oo ahayd:
Dunidu waa iska sidaase
Anigoo dahab buuxa
Buu I dalaafshay Ibliisku
Dayradii ubadkayga
Dacwad laygu hagaaji
Dadyahaw waad aragtaane
Haddaan daasad sitaaye
Yaa Ilaahay daryeelo!
Canab oo aad uga naxday xaaladda aabbaheed ku sugan yahay ayaa ku soo boodaysa, oo ku dul barooranaysa, iyada oo oranaysa: “Alla waa Aabbahay!” “Hmmm! Enhhh! Allah! Alla waa Aabahyeey! Hmnmnm! Ehnhheemmm!”Arbihii, oo garnaqsanaya, ayaa oranaya:
Geeddiyaw tabaalaha ninbaa, goorta lala maago
Guuyadiisa oo nool caanahaa, gow ka joogsada'e
Geel iyo riyaba maalin baa, laga gantoobaaye
Gudboonaanta xaajadaa eg buu, gabay ka tuuraaye
Gabadhaa ina adeertaya ee, joogta garabkayga
Guudkoo u daban Canab markay, gama'a ii diidday
Aan galangaluu Caashaqii, goday arwaaxayga
Guurkeeda waa taad lahayd, maadigaa gayo'e
Aad guriga iga waaliseen, goonidaw kacaye
Gankaagoo siddeetana adoo, guudku ku caddaaday
Garaacidda albaabada dadkiyo, hor Alle yaa gaystay?
Guuldarrada ku haysaaba waa, galabsigaagiiye!
Marka uu Arbuhu tixdaa rito, ayaa la isku garaabayaa, oo la isa saamaxayaa, dabadeedna, aakhirka Riwaayadda ayaa Arbaha iyo Qalanjada la isku guurinayaa, iyada oo loogu heesayo:
Ilaahaw tu dambiyo kabaalo haro
Tunkiinu waqiiba taagnaado
Waxa tabataanba taabtaan
Tiskaydin hayaa tigaad bixiyo
Tog soo rogay yeesho taariikh
Ilaahaw in la tuuray laysu tabsho
Tafiir yeelata aan kala tegin
Tolkoo xidida tisqaaddaa
Tiskaydin hayaa tigaad bixiyo
Tog soo rogay yeesho taariikh
Ilaahaw taladiinu toosnaato
Tallaaba dhigtaan tusaalaha
Sidii taallo loo tixgeliyaa
Tiska idin hayaa tigaad bixiyo
Tog soo rogay yeesho taariikh!
Waxaan abwaanka iyo ilo kaleba aan ka xuuraansaday, in dhaqankii qallafsanaa ee riwaayaddaasi ka digaysay ay dad badani ku waano qaateen. Waxa dhacday in dhallinyaro badan oo ilmo adeer ah, oo hoosta iska jeclaa, asii ka biqi jiray waalidkood, ay u bareereen in ay is doonaan oo is guursadaan. Sidoo kale, waxa dhacday, in waalidiintii ay dhallinyaradaas u garaabaan, oo ay raalli ka noqdaan guurkooda. Isla markaasna, la isku dhiso, iyada oo weliba duco loogu darayo.
Waxaa xusid mudan in Riwaayaddaa ay wax ka dhigayeen Aabbaha Muusikada Soomaaliya Axmed Ismaaciil Xuseen, oo ku magacdheer Xudeydi. Xudeydi muusikadana waa u tumayay, isla markaasna ilaa laba door oo jilid ah buu ka qaatay. Waxa kale oo xusid mudan in ay lahayd ilaa 200 oo odayaal ah, oo jansuuro ahaan, iyagu go'aamiyay in riwaayaddaan istaahisho in la dhigo, oo weliba lagu daawado qiimo saddex shilin ah. Isku soo duuduub riwaayaddaan aad iyo aad baa Soomaalida Reer Cadmeed u jeclaysteen, oo looga daba dhacay.
Taas, waxa ay abwaanka iyo kooxdiis u suurogelisay in uu bishiiba soo saaro riwaayad cusub. Riwaayad kasta waxa ay soo mari jirtay, oo oggolaansho loo weyddiin jiray odayashaas labada boqol gaarayay. Waxa riwaayadahaas ka mid ahaa:
1. Waa Labadeenna iyo Lixdanka
2. Dawladi Dul Leh
3. Nabsi iyo Naqsi
4. Dhiirradaa Dhacsada
5. Damac... iyo kuwo kale oo faro badan oo aynaan magacyadooda halkaan ku soo koobi karin.
Bal hadde, riwaayadahaan, oo lahaa qaab masrixiyeed u dhigma riwaayadaha caanka ka noqday Soomaaliya, aynu qaar ka mid ah tusaalayaal ka soo qaadanno:
Dawladi Dul Leh
Waxa ay riwaayaddaan ku saabsan tahay is afgaranwaa ka dhexdheshay nimankii gobonimada Soomaaliya wax ka dhaliyay, ee qabtay hoggaankii ugu horreeyay, iyo dhallinyaro dibadaha wax ku soo bartay, oo quursanayay habdhaqan dhaqaalaha odayaashu wax ku wadaan.
Dhallinyaradaa qurbaha ka timid, ayaa waxa ay aad u quursanayaan habka dadku u dhaqmayay iyo sida wax loo maamulayayba. Iyagana waxa loo arkayaa niman soo gaaloobay.
Tixaha riwaayadda baa waxaa ka mid ahaa, mar nin ka mid ah dhallinyarada wax soo bartay, oo ahaa arbaha riwaayadda, uu oday adeerkiis ah, oo soo korsaday, oo matalayay ragga hoggaanka u haya dawladda, ku dhaliilay in ay isaga habsadeen maamul iyo hawlo aysan aqoontooda lahayn.
Odaygii oo is difaacaya ayaa waxa uu yiri:
War ninkii taagay ee tuskaba dhigay
Maantuu turqan yahay ninkii wax taraa
Ma kala tagganee is tuhun saar
Tagooggaaga caawa haw turin
Mar kale iyada oo isla dulucda kor ku xusan la isku haysto, ayaa Arbaha iyo Odayga adeerkiis ah is dhaafsanayaan tixahaan hoos ku xusan, oo Odaygu u bilaabayo sidan:
Isma oran Abraarow jin baa, kuu alaab tumiye
Isma oran dadkoo urursan baad, aadin meel kale'e
Isma oran ergaa loogu tegi, Iidda maanta ahe
Ninkaagaan iskuullada ku daray, Urubna loo dhoofshay
Ninkaagaan adduunkii u huray, ariyo geeliiba
Isma oran waxaad ka abhisaad, ku arki doontaaye
Ha yeeshee arliga waxa ka dhacay, waan ogsoonahaye
Isticmaarku meeshuu maraa, uur xumaanta lehe
Inan yar iyo odaygiiba waa, kala irdhoobeene
Adiguunna maahee da'daa, aayo laga waaye
Haddii aanan Allaa is keen badaye, adigu diidaynin
Ina maro Abraarow ma jiro, ubad la tuuraayee.
Inankuna waxa uu lee yahay:
Abshir iyo Aroorow dhulkaa, ololinaysaane
Odayaal jidboodaad tihiin waana aragnaaye
Amuuruhuna sidanaad waddaan, may ahaan jirine
Istiqlaalka taladiisu waa, aalad gooniyahe
Af siyaasadeed iyo run baa, lagu adkaadaaye
Aqalaan albaabadu furnayn, aadde guradiiye
Idinkoo oodihiinni sita baad, ababa'layseene
Ninna hadduu Ilbaxo waa inaan lagu afdheeraane.
Aakhirka riwaayadda, afkaartii Arbaha wax weyn baa iska beddlaya. Markii muddo loo dulqaato, oo waano lagala daalo, ayuu soo rakuucayaa. Waxa uu suuro gelaysa in uu guursado Qalanjada riwaayadda, oo sarbeeb ahaan ka taagnayd Dawladda la isku haysto. Marka la heshiiyo ayaa la is dhaafsanayaa hees tixaheedu ka mid ahaayeen:
Arbaha, ayaa waxa uu oranayaa hees lagu soo gunaanadayay:
Tumaatiyo toogashaan filayee
Aslaad tafta qaban kumaan talin!
Sidoo kale, Qalanjaduna, waxa ay ku soo hoorinaysay:
Adigaa tunka taagay oo is tuhmay
Tastuurta Islaamku waa taas.
Riwaayaddaan aynnu intaa uga harno, oo ku xijinno Nabsi iyo Naqsi:
Nabsi iyo Naqsi
Riwaayadihii faraha badnaa ee abwaanka waxa ka mid ahaa riwaayaddaan uu ugu magacdaray Nabsi iyo Naqsi. Waxa ay ku saabsanayd:
Arbaha Riwaayadda, oo ku jilaya magaca Farxaan, ayaa waxa uu ahaa nin reer magaal ah, oo ka yimid Qurbaha. Waxa uu la saaxiib ahaa Qalanjada riwaayadda, oo ku jilaysa magaca Faakhir. Waxa ay isla ahaayeen reer magaal. Waxayna isku jeclaayeen si aad iyo aad ah. Farxaan waxa uu gaarayaa Miyiga. Markii uu miyiga tago ayaa reerkiisu waxa ay ku qancinayaan in uu iska dego miyiga oo uu guursado gabar ay qaraabo yihiin oo reer miyi ah. Waxa uu isku dayayaa in uu la qabsado noloshaas cusub iyo guurkaas reerkiisu u gartay. Farxaan aad bay noloshaasi ugu adkaanaysaa.
La qabsahsahada miyiga, qosolkeeda iyo maaddeeda ayaa ay lahayd. Waa uu isaga soo baxsanayaa. Waxa uu u soo noqonayaa magaaladii. Waxa uu isku dayayaa in uu dib ula qabsado magaaladii. Iyana qosolkeeda iyo maaddeeda ayay lahayd. Waxa uu dib u raajicinayaa Faakhir, oo ahayd gabadhii uu saaxiibka la ahaa, ee uu aadka u jeclaa, oo ka war heshay in uu guursaday, isla markaasna ka qanacday. Iyana waa ku laadaysaa.
Riwaayaddaan Tixaheedii waxa ka mid ahaa middaan, uu odaygu Farxaan ku qancinayo in uu miyiga ku noqdo. Waxay lahayd:
Farxaanow wax badan baad fadhiday, fookha daarahe
Aan fiiga kaa bixinayaad qalin, ku foognayde
Wax dhaaxaan sariir iyo furaash, fiican kuu dhigaye
Wax dhaaxaan dhar kuu soo fasilay aadan filanayne
Aan faygamuur lama xidhee, kabaha faylkooda
Fuudhkaaga dhaaxaan ka helay, Buudhka Faransiise
Faadumo wax badan bay ku tiri, tiiri feeraha'e
Mar haddaan tacliintaa ku faray, adigu soo foostay
Oo aad filkaa dhaaftay way faydo iyo khayre
Nin fariid dhalaa baa sida u fiicanaan jiree
Farsamadii miyaa ku hartiyo foofka Xoolaha e
In fanjeedis uun aynu nahay, taniyo fiidcawlka
Faadumo ogaysii haween, foojigaad ma lehe
Waxa kale oo tixaha Riwaayadda ka mid ahaa middaan uu Farxaan ku calaacalayo kadib markii nolosha miyigu ku adkaatay, oo uu haabka ku hayay in uu u soo noqdo xaggaa iyo magaalada iyo gabadhii uu jeclaa. Waxa uu yiri:
Fooraha dhacaayaw hal aan ku faro
Waxaad Faakhir oran inankii falaagow
Farxaankaad ogayd ma fiicnayn
Wuu faytaa hadba labada fiid cawl
Fiintiyo galawguu la fooriyaa!
Waxa kale oo tixaha Riwaayadda ka mid ahayd middaan, oo markii Farxaan dib u soo raajiciyo Faakhir ay isku difaacayso. Waxa ay tiri:
Magaaladiyo moodihii ka baxdaye
Ninyahaw reer miyee maryaha cascas lihi
Maqalnay in laguu mashxaradaayay
Marwadaad heshey waa iska maansha Allee
Mabruuk oo laysku kiin macaanee
Muusiyo kuugu curatay Maandeeq
Maartuba dahabkay la midab tahay
Madoobaatay maalmo dabadood
Mid kale isku sii macaanee.
Riwaayadda kale ee xusidda mudan waa:
Dhiirradaa Dhacsada
Riwaayaddaan waxa ay ahayd guubaabo ku jeedda gobonimodoon ku jihaysan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato. Waxa la sameeyay 1964tii, waxaana lagu ayidayay dagaalkii Dawladda Soomaalidu ku qaadday Itoobiya. Gaar ahaan hadalkii caanka ahaa ee Madaxweyne Cabdriashiid Cali Sharmaake ku lahaa: “Gacanna waan ku dagaallamaynnaa, gacanna codka ayaan ku bixinaynnaa.” Dhanka kale waxa ay dhaliilaysay in aan dadka Soomaaliyeed u taageerayn sidii loo baahnaa walaalahooda ku jira gacanta gumaysiga. Sidoo kale waxa riwaayaddu ay saadalinaysay in haddii aan la xorayn gobollada maqan in aakhirka xitaa labadaan gobol ee midoobay ay kala tegi doonnaan.
Arbaha riwaayadda ayaa waxa uu shukaansi ugu imaanayaa Qalanjada. Qalanjadu waxa ay aaminsan tahay in raggii iyada gayi lahaa ay ku maqan yahiin dagaalka gobonimo u dirirka. Iyada oo Arbaha, sina u rabta sina u dhaliilaysa, guubaabana uga dan leh, ayaa waxa ay oranaysaa:
Harqoodaar adaa handuullo ku xidhee
Hawdkaa maqan looma kala harin
Haacow inaad tahay halyeeyo socdee
Haweenka maxaa ku hoos dhigay.
Arbaha ayaa noloshu ku adkaanaysaa. Dhibaatada gumaysiga ayaa soo karaysa. Waxa uu garwaaqsanayaa in haddii qayrkiis gumaysi ku jiro uusan gobonimo haysan. Wuxuuna u adkaysan waayayaa dhaliisha dumarka uga imaanaysa. Waxa uu ka calaacalayaa:
Gaajadii baxdaan isku gaballaxshaye
Kasabkay haduu gaasaar ku dhacay
Hurdo aan gam'aa way guuldarro
Waa inaan guntiga isku giijiyaa
Guutadaan lahaa gaarsii dayaxa
Mar hadduu I gabay gaashaanlihii
Hurdo aan gam'aa way guuldarro
Waa inaan guntiga isku giijiyaa
Gobolkii kaleen u gargaar lahaa
Mar hadday gidaar nagu kala gudbeen
Hurdo aan gam'aa way guuldarro
Waa inaan guntiga isku giijiyaa!
Arabaha riwaayaddu marka uu si fiican u garawsado in aan nolol iyo guur toona u suurto galayn, ayaa waxa ay dani bidaysaa in uu soo abaabulo koox dhallinyaro ah oo la jabhadaysa, oo kala qayb qaadata dagaalka gobonimo u dirirka. Waxa ay u imaanayaan Qalanjadii oo iyana hoggaaminaysa koox haween ah, oo halganka gobonimodoonka wax ka wadday, oo ragga hubka u qaybinaya. Inankii baa ku heesaya:
Waa kaa dhulkii ii dhawaaqayee
Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.
Dadka kii i dhiba kama dhowrsadee
Dhamadlow amxaar bay soo dhigtaye
Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.
Dhaaxaan jeclaa inaan calan dhidbo
Caawuu dhabyoo waa kaa dhismee
Isticmaar dhacyoo Xaylaa dhintee
Waan dhaqaaqayaa dhakhso iigu dhiib
Xayle ha dhintee dhakhso iigu dhiib.
Inta heestaan socoto, dumarka oo ragga jabhadda ah, hubka mid mid ugu dhiibaya, ayaa heestaan ku hoorinaya:
Hoo walaale hoo
Waa hubkiiye hoo
Hawd la qaadye hoo
Hoo walaale hoo
Waxa riwaayaddu ku dhamaanaysaa iyada oo dhulku xoroobay, waxaana dadku ku heesayaan:
Allahayow xor baanu nahay
Allahayaw xumaan diidday
Allahayaw xarbiga gaalada
Allahayaw ha nagu xirin
Allahayaw ninkii ku xusiyo
Ninka aan ku xaalayn
Xeerkoodi lagu qaado
Allahayaw ha nagu xirin.
Waxaan u malaynayaa in intaasi ay tusaale noogu filan midmid uga sheekaynta Riwaayadihii Cadmeed ee Abwaanka. Bal haddana aan guudmar ku samaynno qababaalkii ama habdhismeedkii Masrixiyaddii Soomaaliyeed ee Cadan ka bilaabatay.
Gebegabo: Riwaayadihii Cadmeed ee Abwaanka
Waxa xusid mudan in haddii aad u fiirsato farshaxanka iyo qaabdhismeedka riwaayadihii uu Abwaan Ilkacase ka bilaabay Cadan ay la mid ahaayeen kuwii Abwaan Xuseen Aw Faarax ka bilaabay Hargaysa. Waxaase cajiib ah in dhamaan riwaayadihii laga dhigay Soomaaliya ay weli leeyihiin farshaxankaas iyo habdhismeedkii Marxuum Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase ay jidbixiyaha ka ahaayeen.
Xagga silsiladda haddaad u fiirsato, waxa ay dhamaan lee yihiin celcelis ilaa 20 muuqaal. Waxa ay badi leeyihiin labo sheeko oo is barbarsocda, marmarna meel isaga xirma. Sheekada muhiimka ah waxa jila Arbaha iyo Qalanjada. Sheekada labaadna, waxa jila Arbaha labaad iyo Qalanjada labaad. Waxa kale, oo marmar la soo raaciyaa sheeko saddexaad oo majaajillo ah. Waxa khasab ah, in riwaayad walba ay ku jiraan heeso, oo runtii miisaan u ah qiimaynta riwaayadaha Soomaaliyeed. Haah, oo in riwaayadi caanbaxdo iyo in habeenkaa la daawaday lagu illaawo, waxa, inta badan, sabab u ahaa heesaha ku jiray mirahooda iyo laxankooda, iyo weliba codka cidda qaadaysay.
Waa jireen riwaayado farokutiris ah, sida Riwaayad la oran jiray AwBustaale, oo uu allifay, Abwaan, iyo riwaayado dhowr ah, oo uu lahaa Abwaan Siciid Saalax, oo runtii la yimid qaabmasrixiyeed ku cusub Masraxa Soomaliya, hayeeshee falanqaynta arrimahaasi waa ka ballaaran yihiin qormadaan, oo, Insha Allaah, waxaan uga sheekayn doonnaa Buugga: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris.”
Waxa kale oo xusid mudan in dadweynaha Reer Cadmeed ay aad u xiisayn jireen riwaayadahaan. Taasoo Abwaan Ilkacase iyo kooxdiisa u suurto gelisay in ay bishiiba riwaayad diyaariyaan. Waxa kale oo xusid mudan in mar mar dadweynuhu ay dalban jireen mid ka mid ah riwaayadihii hore loogu dhigay. Waxa Abwaanku ii xaqiijiyay in mar mar ay dhici jirtay in dadweynuhu ay soo codsadaan riwaayad sannad ama laba ka hor la dhigay, oo ay adag tahay in silsiladdeedii ama miraheedii la xasuusto. Waxayna abwaanka ku khasbi jirtay in uu dib u dhiso riwaayaddii isaga oo la kaashanaya kooxdiisa.
Waxa sheeko cajiib ah ahayd, in mar Abwaanka laga codsaday riwaayad aad u sii horreysay, ay ku adkaatay isaga iyo kooxdii dhigtayba ay dib u soo xasuustaan. Iyada oo ay quus ka joogaan, ayaa, nasiib wanaag, waxa uu Abwaanku la kulmay nin ay saaxiib ahaayeen, oo la oran jiray Cali Shiikh Jaamac Liibaan. Waxa la isku soo qaaday riwaayaddaas iyo sheekedeeda. Waxa Abwaanka la yaab ku noqotay in uu ogaado in Cali Sheekh, oo isagu berigaa hore wax ka daawaday riwaayadda, uu xafidsan yahay silsiladdii iyo sheekadii riwaayadda oo dhan, macaa geeraaradeedii, macaa heesaheedi; oo weliba uu u xafidsan yahay sidii uu u daawaday berigii la dhigayay. Sidaas, ayaana uu Cali Shiikh, oo gadaal dambe ka noqday abwaan weyn, uu ku suuro geliyay in riwaayaddii dib loo dhigo.
Ku soo Noqoshadii Soomaaliya iyo Abwaan Ilkacase
Dabayaaqadii 1967dii, ayaa Abwaan Maxamad Jaamac Ilkacase isaga soo qaxay Cadan, oo uu u soo ambabaxay Soomaaliya. Keligiis ma ahayn, ee dad fara badan oo Soomaali ah bay ahaayeen. Isaga iyo kowiyotoban saaxiibbadiis ah, oo uu ka mid yahay Abwaan Maxamed Ibraahim Xadraawi baa wada socday. Xamar iyo xaruntii dalka bay soo beegsadeen, oo ay hal aqal ka wada degeen.
Dadkaas qaxootiga ah, ee dagaallada Yemen ka soo cararay, sidii ay filayeen, looguma soo dhoweyn Soomaaliya. Waa tii, heesta Qaraamiga ah lagu lahaa:
Naagaha xunxun ee is xoodaayiyo
Xabbadi keentay hay xayaysiin
Si kastaba ha ahaatee, dadku isku wada mid ma aha, oo waxa Abwaan Ilkacase iyo saaxibbadiis ka abaalsheegtaan nin la oran jiray Axmaddey Hadaafow, oo si gobonimo iyo Soomalinimo leh u soo dhoweeyay, oo u taakuleeyay.
Axmaddey Hadaafow waxa uu ahaa nin Ilaahay xoolo siiyay fankana aad u jecel. Waxa uu aruurin jiray fanka iyo fanaaniinta Soomaalida. Marka kowaad, haddii hees waa la qaaday loo baahdo, waxaa laga heli jiray Marxuum Axmaddey Hadaafow, oo waxa uu ahaa nin heesaha duuba oo xafida. Marka labaad, waxa uu ahaa nin qaddariya fannaaniinta iyo suugaanyahanka kaleba. Haddii Fannaan socdaal ku yimaamado magaalooyinka uu ganacsiga ku lahaa sida Xamar iyo Jawhar isaga ayaa ugu hor ogaan jiray, oo qaabili jiray.
Deeqsinimada iyo Fanjacaylka Hadaafow, waxa kale, oo ii qiray Cabdulqaadir Yuusuf Cirro, oo ku magacdheer Bagaag. Waxa Bagaag ii sheegay, in isaga oo markaas fanka ku cusub, sannadkuna uu ahaa 1972dii, oo ay u qarxeen ilaa laba heesood oo ay ka mid ahaayeen "Galleyryahaw Adaa Geesiyoon Biqine" iyo "Caynba Cayn Adduunyooy" uu yimid magaalada Jawhar, si uu ugu dhamaysto waxbarashadiisa Dugsiga Sare, oo uu fasalkeeda kowaad ku soo qaatay Gaalkacyo. Wuxuu Bagaag ii sheegay, in inkasta oo heesihiisa markaas ardayda college-ku ay aaad u wada yaqaaneen, haddana isaga shakhsiyan iyo heesaha la iskuma aqoon. Wuxuu Bagaag yiri:
Anoo markaa ilaa dhowr maalmood Kulleejka joogay, oo dadka iyo deegaankaba qariib ku ah, oo iska daa magaalada'e, aan xitaa wax saaxiibbo ah markaas ku yeelan Kulleejka, ayaa waxa noogu yimid nin wata Mooto Saddex-dhugdhugley ah, oo wata magacayga oo saddexan. Isaga oo Iskuulka oo dhan ku soo wareegay, ayaan mardambe maqlay isaga oo qaylinaya, oo kor u naadinaya: “War yaa yaqaanno Cabdulkhaadir Yuusuf Bagaag. Waxaan ku iri: “War ninkaas waa aniga, ee yaa ii baahan”. Ninkii mootada watay, oo neef ka soo kudday, ayaa wuxuu yiri: “Yaakhi soo bax, maantoo dhan aan ku raadinooyay, waxa ku raba Hadaafow.” Waxaan iri: Yaa waaye Hadaafow? Ninkii baa ii sheegay in uu i gaynayo Hoteel Hadaafow leeyahay, oo ay joogaan Fannaaniin waaweyn, oo uu ka mid yahay Marxuum Maxamed Mooge. Markii afkiisa ay ka soo dhamaatay magaca Mooge, oo ahaa fannaan aan aad ilaa hadda u qaddariyo, laakiin xilligaas aan u lahayn aqoon shakhsiyadeed, ayaan si halhaleel ay ugu soo dhacay mootadii. Sidii ayaa waxaa la igu baray Hadaafow iyo Mooge, oo labaduba caawa naga hooseeya, naxariistii janno Ilaaheey ha siiyee, iyo weliba Fannaaniin kale oo fara badan, oo isugu jira muusikiiste, mullaxamiin iyo weliba heesaa. Habeenkii cajlado ayaan duubnay, si fiicanna waa u qayilay, oo u raaxaystay. Wixii intaa ka dambeeyay, Hadaafow saaxiibbo ayaan noqonnay, oo hoteelkiisa iyo makhaayaddiisuba sida aan rabo baan u isticmaali jiray, anoon wax kharash ah la iga rabin. Ilaahaw kuu naxariiso.
Sidaas oo kale, waxa uu Abwaan Ilkacase ii sheegay in markii ay yimaadeen Xamar ay wateen lacag yar, oo ay badideedii guri ku kiraysteen. Xoogaagii u soo harayna ay makhaayad xaafadda u dhow wax kaga cuni jireen. Makhaayaddaas ayay isku barteen Axmaddey Hadaafow. Markii lacagtii ka dhamaatay ayaa ay joojiyeen aadidda makhaayaddii. Hadaafow ayaa markii uu maalin iyo laba arki waayay soo raadiyay. Markuu ogaaday in ay lacag la'aan la imaan waayeen makhaayadda, ayaa waxa uu isugu daray lacago deeq ah iyo qaar amaah ah, oo markii dambe gaaray ilaa 5000 oo Shilin Soomaali ah.
Abwaanka iyo kooxdiisu iyaga oo saas u daynsan baa waxa u suurogashay in ay sameeyaan riwaayaddii caanka baxday ee la oran jiray: “Reer Ba'yow Yaa ku Leh?”
Riwaayaddaan, oo saan ararta ku xusnay, ay ku jireen heesaha ay ka midka yihiin: “Ma ahee Khadraay" oo ay qaadaan Maxamed Saleebaan iyo Sahra Axmed, "Ha iga Goosan Caawaad" oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Aamina Feer; iyo "Hiddo" oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Axmed Dhimbil ayaa ay ka heleen dhaqaale badan oo ay ku dayn baxeen. Cutubka soo socda ayaad uga bogan doontaan riwaayaddaas sheekadeeda iyo murtideeda.
Reer Ba'yow Yaa ku Leh?
Riwaayaddaan waxa ay ku saabsanayd dad weli ku dheggan dhaqankii Soomaalida ee reer miyiga iyo kuwo la yimid dhaqankii Reer Galbeedka oo isugu imaanaya meel magaalo ah. Waxa la isku qabsanayaa 'badaw baad tihiin' iyo 'gaalo ayaad tihiin.'
Jilayaasha riwaayadda waxa ka mid ahaa:
1. Arbaha: Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Cabdi
2. Qalanjada: Faadumo Axmed Dhimbil
3. Arbaha 2aad: Maxamed Siciid Bandey
4. Qalanjada 2aad: Asli Khayre Gabboon
5. Maxamed Ibraahim Xadraawi, oo ku matelayay Oday
6. Jaamac Dubbad Xiirey, oo isna Oday ku matelayay... iyo rag iyo dumar kale, oo farabadan.
Haddaan muuqaalladii riwaayadda wax ka soo qaadanno waxa ka mid ahaa:
Inan miyiga ka timid, oo markaa magaalada soo gashay baa waxa fuduulinaya gabar xaggaa iyo Yurub wax ku soo baratay oo ku soo noqotay magaalada. Gabadha reer miyiga ahi waxa ay ku labisnayd dharkii hiddaha iyo dhaqanka ee lahaa saddex-qaydaka iyo dhaclaha iyo boqorka. Gabadha Yurub ka timidna waxay xirnayd suud ah jaakad iyo goonno gaaban.
Gabadha reer miyiga ahayd baa waxa ay isku difaacaysaa:
Inantii ku dhow dhaqankiyo hiddaha
Aan laba dhudood waxba dhaafsanayn
Amaan dhar gadan bawdyaha ku dhow
Ee dhowrsataa ma dhibbay qabtaa?
Mase Dhoohanay wey dhego xirnaan?
Muuqaal kale, oo majaajillo looga dan lahaa, asii taabanaya dulucda riwaayadda, ayaa inantaas reer magaalka ah oo joogta meel xafiis ah, waxa u imanaaya laba inan oo reer miyi ah. Inamadii baa waxa ay gabadha weyddinayaan magaceeda. Gabadhii oo aan si fiican u maqal su'aasha la weyddiiyay, ayaa waxa ay u qaadanaysaa in la weyddiiyay magaca xafiiska. Markaasay waxa ay leedahay: “Walaalayaal, meeshaan waa Fiisho Gofeerno (officio de governo) ee maxaan idinka caawiyaa?”
Inamadii baa waxa ay u qaadanayaan in magaceeda la yiraahdo Gobeerno. Markaasay waxay si jees jees ah ku lee yihiin:
Naa yaa Gobeerno dad waa Gaaliyo Islaane
Adigu iyamaad gashaa?
Markasaa gabadhu si caro leh waxa ay u leedahay:
Waar waad u jeeddaa in aan Soomaali ahaye, maxaad iga weyddiin Muslin iyo Gaal middaan ahay?
Innamadii baa markaa si maad leh waxa ay lee yihiin:
Gabdhaha Soomaaliyeed
Guntiinay wada sitaane
Garays bay wada xidhaan
Maxa kugu gaabshay marada?
Inta inantu aad u xanaaqdo ayay luuqaddii talyaani u beddalanaysaa. Markaasay weliba nimankii xafiiska waardiyaha ka ahaa gambaleel ugu yeeraysaa. Markaasaa inamadii meesha laga kaxaynayaa.
Muuqaal kale, odayga dhalay gabadha reer miyiga ah baa isna waxa uu si kedis ah u soo gelayaa meel makhaayad ah oo rag iyo dumar reer magaal ahi wax ku wada cabbayaan. Odaygii baa waxa uu raggii ku oranayaa:
Hadba dunida ruux bow tashoo, taabbo qaad galo'e
Tabaalooyin xooglaa ka dhaca, amaba toosnaane
Togog malaba baysku xiga, kayn tamuux badane
Talantaaligaasay ahayd, tan iyo Haabiile
Kolka qolo la taakulinayeen, laga tisaynaynin
Hadba kii tacliinta u barta baa, tiirshay gacalkiise
Nimankaan tastuurtiyo sharciga, kula tacjiiraayay
Awrkii tabaadina kuwii aan tuulada u keenay
Kuwii odayga timir iibiyaa, tolayay shaarkooda
Ee aan haruub kala tegayn, kuumi iyo taano
Ayaa tiginka Soomaaliyeed, jebiyay tiirkiisa
Teeriyo Hindiya bay dadkii, wada taxaabeene
Talyan iyo Faraans bay galeen, tigimadoodiiye
Tog bay nagu fureen aan ilaa, Yurub istaagaynin
War hoy timir laf baa lagu arkaye, taa hala ogaado.
Dabadeed, waxa uu u soo jeesanayaa hablihii oo aan iyana waxba dhaamin, wuxuu oranayaa:
Hablayahaw tabaalada adduun, gelinba waa taa.
Taariikho badan baa wakhtiga, lagu tilmaamaaye
Hadbana wax la toydaa qofkii, kaa tilmaan badane
Taada lama maroorsado adoon, taabbo goys noqone
Cidlana laysma taagee dadkaa laga tixraacaaye
Toos looma filo xaal hadduu, tuuro leeyahaye
Weligiin jar baad nagu tistaan, naguna taartaane
Taakulo in aydnaan lahayn, tacaddi mooyaane
Talaxumadu waa waxaad jannada, nagaga tuurteene
Idinkoo tastuurta iyo sharciga toos u garanaaya
Oo diintu sida ay tiriyo, qiraya tawxiidka
Tafta inaydin wada laalataan, waa tilmaan xumo'e
Hooyooyinkii kuma tarmayn, taydin barateene
Saddexqayd la tolay iyo dhaclihii, laga dul tuuraayay
Kabihii tooska loo dhigi jiree, ciribta loo taagay
Caadooyinkeennii taxnaa, waad ku tumateene
Timaha inaad dabtaan baa ka roon, aalatuumbada'e
Muuqaal kale oo majaajillo ahaa ayaa waxa ku jiray habar cayaysa gabdhaha dhallinta yar ee Reer Magaalka ah. Waxyaabihii ay ku naqdinaysay baa waxa ka mid ahaa tixdaan buraanburka ah.
Intay cuudka rooxaamiyaan unnsi kuma ritaan<
Inyaroo Ruuxba Ruuxa bay raqbaddaa marshaan.
Heesihii riwaayaadda ugu caansanaa waxa ka mid ahaa:
Heesta la yiraahdo: “Maahee Khadraay” oo uu laxankeeda sameeyay Maxamed Saleebaan. Heestaan in kasta oo codkeeda ay hadda ku caan baxeen Maxamed Nuur Griig iyo Sahra Axmed, haddana waxa asal ahaan wada qaadayay Cabdiraxmaan Shiikh, oo ku magac dheeraa Aburaas iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa arbaha riwaayadda. Faadumana waxa ay ahayd qalanjada riwaayadda.
Halkaan waxa aad ka garanaysaa in heesaha la iska daba qaado ay waa hore bilaabatay, oo weliba la bilaabatay fanaaniintii waaweyneyd. Si kastaba ha ahaatee, waa tan heestii:
Arbaha:
Inan kula qabtoo
Kula qayrahoo
Aan quusanayn
Inaad quursataa
Inaad quursataa
Waa qiil jabee
Maahee Khadraay
Khadraay, Khadraay
Qiimiga kalgacal
Ee quruxda badan
Maad ila qorshayn
Qalanjada:
Labadii qofeen
Isku qurux badnayn
Ee kala qab weyn
Inay wada qabtaan
Inay wada qabtaan
Waa qiil jabee
Inanyahaw qaldani
Qaldani, Qaldani,
Qiimiga kalgacal
La iskuma qasbee
Hubka iga dulqaad
Arbaha:
Waa waxa qab dumar,
Qays iyo Cilmiba,
Qudha uga baxdee.
Anigana Qabriga,
Anigana qabriga
Adigay qodee.
Maahee Khadraay
Khadraay, Khadraay
Qiimiga kalgacal
Ee quruxda badan
Maad ila qorshayn
Qalanjada:
Buuraha qotoma,
ee qarada weyn,
Adigoo qaboow.
Cidi baa kuu qodi
cidi baa kuu qodi,
qawdeysatee.
Inanyahaw qaldani
Qaldani, Qaldani,
Qiimiga kalgacal
La iskuma qasbee
Hubka iga dulqaad
Arbaha:
Sida qaalin nirig
laga qariyay baan
kuu qawdhamaa.
Qorax soo baxdiyo,
qorax soo baxdiyo
Qawl kuu galaa
Maahee Khadraay
Khadraay, Khadraay
Qiimiga kalgacal
Ee quruxda badan
Maad ila qorshayn
Qalanjada:
Wannan lama qashoo
Birta lama qarshee
anigaba qalbiga,
Qoonta igu taal,
qoonta igu taal
Aan kuu qiree.
Inanyahaw qumani
Qumani, Qumani,
Qiimiga kalgacal
Aan qaybsannee
Dhinacaaga qabo
Inta aynaan heesaha kale ee Riwaayadda u gelin, waxa xusid mudan, marka maansada Soomaalida, gaar ahaan heesha, laga fiirsho xagga miisaanka ama habdhiska, in heestaan, “Maahee Khadraay” ay tahay Jidbixiye. Buugga ayaad kaga bogan doontaaye, waxa jirtay in heesuhu ay ku soo bilowdeen habdhismeedka gabayga; dabadeedna ay u soo xuubsiibteen habdhismeedka dhaantada; dabadeedna ay u bateen habdhismeedka Jiiftada ama Masafada. Haddaba, heestaan oo leh habdhismeedka heesta Maqasha, waxa ay aabbe iyo hooyo u tahay heeso ama tixooyin casri ah, oo Toddobaatameeyadii ka kacaamay dalka, kuwaasoo dib u gacantogaaleeyey badihii maansooyinka ee asalka ahaa, sida tan koolkoolinta ubadka, tan geela, tan Rigeeya Rigeeya, tan Saarka, tan batarka, iwm. Waxa Kacaankaan hormuud ka ahaa Abwaaniin leh Hadraawi, Siciid Saalax, iyo Gaariye. Bal waxa aad heestaan ku sii qiyaastaa, heestii asalka ahayd ee Maqasha, oo aan miraheeda ka soo qaadan karno:
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Cuud-cuutiyaay
Cuur hooyadaa
Caanaha ku yaal
Cararoo ka nuug.
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Waa taan cabsida
Kaa celin jiree
Adiguna cidlada
Kac igala carroow!
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Waxaraha gordodan
Waxay gocanayaan
Gaajoonnayee
Geel noo lisaay
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Waxaraha organi
Waxay oranayaan
Waan oonnayee
Na arooriyaay
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Waxaraha derderan
Waxa ay dalbani
Waan daalnayee
Ha lanoo degooy
Hoobeey hobeey
Waxaraha yaryari
Waxay leeyihiin
Naylaha yaryari
Waa wiil dhashaye
Maa loo walqalo
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Hoobeey hobeey
Sawlaalacooy
Saalima yareey
Hoobeey hobeey
Waxan kaa wadaa
Shilin iyo shabeel
Waxan kugu wadaa
Meel doog lahoo
Doomaar macaan!
Waxa kale, oo heestaan Maqasha la miisaan ah bado ay ka mid yihiin, tan Haanta, tan Mingiska ee loo qaado Wadhooye, iyo tan loo qaado Hiido. Arrimahaas oo dhan waxa aan kaga boggan doonnaa cutub ka mid ah buugga la magacbaxay: “Halabuur: Hordhac iyo Hooris”, oo soo bixi doona dabayaaqada sannadka 2007.
Si kastaba ha ahaatee, heesta labaad, ee riwaayadda ku jirtay, ee caanka baxday waxa ay ahayd: “Hayga Goosan Caawaad”. Heestaan waxa laxankeeda sameeyay Jaamac Saleebaan Tubeec, oo la dhashay Maxamed Saleebaan Tubeec, isla markaasna Abwaanka la ahaa Reer Cadmeed, oo weliba wax ka dhigi jiray riwaayadihii Cadan. Inkasta oo qaadista heestaan ay ku caan baxeen Maxamed Saleebaan iyo Aamino Feer, haddana markii ugu horreysay ee riwaayadda la dhigay, waxa qaadayay Arbaha, Cabdiraxmaan Shiikh (Aburaas) iyo Qalanjada, Faadumo Axmed Dhimbil.
Qalnjada (Geeraar ahaan):
Galalaase meeloo
Galowgiyo ugaadhi
Geesaha ka dhaafeen
Aday gogoli kuu taal
Galadayda dhaaxaan
Geed iyo har jiifay
Hayga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
Arbaha(Geeraar ahaan):
Anoo kuu go'aayoo
Garabkaa filaayaad
Axdigeeni goysoo
Geesta iga dhaaftee
Nabsigii gaaxsanaabaa
Gooyaha ku gooyee
Guur ha iga filanine
Gurigaygan ii dhaaf
Qalanjada:
Nabsi ruuxii gaaxshaa
Godobtiisa maalee
Sidan aniga kuu galay
Gafi maysid adiguye
Aargudashadaaduna
Gar ilaahey weeyee
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan saraysaa
Arbaha:
Qof kastaa abaalkii
Yahay guul darraantee
Waxan ahay nin gabaryahay
Gacantaada midigtee
Waxan ahay garaax iyo
Godobtaan dugsanayee
Guur hayga filanine
Gurigaygan ii dhaaf
Qalanjada:
Adoo gacal isoo biday
Waataan ku gowrshay
Ku garwaaqsan waayey
Kaa saartay gacantee
Waxan aniga goostaa
Goobtaan i joojee
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa
Qalanjada:
Waxan ahay nin gacalkii
Awgaa u gooyoo
Waxan ahay gargaarkii
Galadkaaga waayee
Waxan ahay gandood iyo
Gocosho u dambeysee
Guur hayga filanine
Gurigeygan ii dhaaf
Qalanjada:
Gowraha habeenkii
udcurkaad istaagtiyo
Garki aad iqabatiyo
Guubaabadaadii
Gardarraan u qaatoo
Kuumaan garaabine
Ha iga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa
Arbaha:
Sidan ahay nin gaaloo
Xarameynkii galayoo
Gubay maalin ciidoo
Lagu soo gurmaday baad
Gabi dheer i saartood
Igu gooni baadhee
Guur hayga filanine,
Guur hayga filanine
Gurigaygan ii dhaaf
Heesta saddexaad ee Caanka baxday waxa ay ahayd Hiddo. Heestaan waxa laxankeeda sameeyay Jaamac Saleebaan Tubeec. Waxa qaadisteeda ku caan baxay Maxamed Nuur Griig iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Waxaase markii riwaayadda la dhigayay qaadayay Cabdiraxmaan Shiikh (Aburaas) iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Heestaan, sida heesta: “Ma ahee Khadraay,” waxa ay leedahay hooris la dhismo ah tan maqasha, oo weliba labalaba meeris isugu xiran. Haddii aan kuu sii bayaansho waa kuwan hoorisyadu:
Qalanjada:
Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
Kuu hagar baxee anigana i hoo
Arbaha:
Taakulo Hiddo ma ii huri kartaa
Haahey kalgacal ma ii hibin kartaa
Meerisyada kale ee heesta, waxa ay la dhismo tahay Jiiftada, sida heesta kore. Adiga ayaa ka bogan doona'e, waa tan mirihii heestu:
Arbaha:
Nin hablaha dhamaantood
soo wada hilaadshoo
Haasaawe kay tahay
Hungureyn xaggoodoo
Adna kuu hanweeynoo
Waxaan ahay ku heybshee
Ma ii hagar baxdaa?
Qalanjada:
Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
Kuu hagar baxee anigana i hoo
Qof harraad u liitaa
Biya kama hagaagee
Hiil geesi waayaa
Hibashada ma daayee
Haankaad wareentaa
Hurgumooday caawee
Ma is heli karnaa
Arbaha:
Taakulo Hiddo ma ii huri kartaa
Haaheey kalgacal ma ii hibin kartaa
Hoorriga la sheegiyo
Hanas liito ma ihiye
Hanti nimaan laheynoo
Hafraanaya ma ihiye
Waxaan ahay nin hanadoo
Fulinaaya hawshee
Ma ii hagar baxdaa
Qalanjada:
Halacoow guddoon hadalkaad tidhee
Kuu hagar baxee anigana i hoo
Anba hoorri liitiyo
Hanas kuguma sheeginee
Kuwa loo hanweynyahay
Adigaw horreeyee
Waan ku helinaayoo
Taloow wa u hubsiinee
Ma is heli karnaa
Arbaha:
Taakulo hiddoy may huri kartaa
Haaheey kalgacal ma i hibin kartaa
Hirar aanu gaadheyn
Nin u heesanaayoo
Talo waw hubsiinee
Ku hodaayo ma ihiye
Isku kay hallee baan
Hadalkii ku daystee
Ma ii hagar baxdaa
Qalanjada:
Halacoo guddoon hadalkaad tidhee
Kuu hagarbaxee anigana i hoo
Halacoow asaagaa
Hingal baan ka qaatee
Mid kaloo i hooyaa
Ana waa iga haniyee
Aniguna heshiis baan
Hadalki ku daystee
Ma is heli karnaa
Arbaha:
Taakulo hiddoy ma ii huri kartaa
Haahee kalgacal ma ii hibin kartaa
Qalanjada:
Halacoow gudoon hadalkaad tidhee
Kuu hagar baxee anigana i hoo
Heeso kale, oo aan caan bixin, baa jiray. Waxaa ka mid ahaa hees uu qaadayay Maxamuud Siciid Bandey, oo jilayay Arbaha Labaad:
Hantidaa adduunkee
Harka kala wareegiyo
Hoosiiska lala simay
Iyo hodanta Eebbee
Lagu kala horreeyaa
Ina kala hiraysee
Labadii heshiiyana
Wakhtaa kala halleeyee
Tan labaadna Himiroy
Anoo kuu hanweynaa
Inaan kaa huleeleey
Dantu igu habsiisay
Kala hoyasho rooniyo
Waa inoo habeen wacan.
Waxa aniga hootiyo
Hubka culus igaga daran
Kala haarinteeda
Hiirtaanyadeeduna
Cilmi tuu la hoydiyo
Qays kama hinnaanin
Tan labaadna Himiroy
Anoo kuu hanweynaa
Inaan kaa huleeleey
Dantu igu habsiisay
Kala hoyasho rooniyo
Waa inoo habeen wacan.
Waxa kale oo riwaayadda ku jiray heestaan, oo ay qaadaysay Asli Khayre Gabboon, oo jilaysay qalanjada labaad:
Meel doogsanayd baan Abaar ka doortay
Dabayl dhacaysaan Daruur u qaatay
Dabin qaroon baan Lugaha ku doontay
Kuwa ila la da'deen La dardaarmayow
Kasxumaanta dumar Waa waxa i dilay
Waxa xusid mudan in riwaayaddaan markii ugu horreysay laga dhigay Shineemo Ceelgaab, oo ku taallay bartamaha Xamar. Laakiin markii laba habeen la dhigay, ee aad loo jeclaystay loo soo wareejiyay Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre.) Waxa kale oo xusid mudan in Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo markaa ahaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, uu ka codsaday Abwaanka iyo kooxdaba in ay ku soo wareejiyaan gobollada dalka oo dhan, isaga oo gaadiid iyo maalgalin kaleba u ballanqaaday.
Ka sheekaynta riwaayaddaa Reer Ba'yow Yaa ku Leh aan intaa uga harno, oo u galno suugaantii kale ee Abwaanka.
Waxa xusid mudan in Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase markii uu hal sano waddanka joogay uu u kicitimay Qurbaha. Ha yeeshee inta aynaan u gudo gelin safarkiisii bal aan wax ka xusno heesihii u sameeyay muddadaas gaaban ee uu Soomaaliya joogay.
Dabayaaqadii 1968-dii waxa Abwaanku sameeyay heesta ilaa maanta caanka ah, ee la yiraahdo Warsan, ee ay qaaddo Aamino Feer. Heestaas miraheedu waxa ay ahaayeen:
Warsan iyo Weersan ii soo Wacee
Hadbaaa walalacdaadii la ii kaa widhwidhiyoo
wanaag iyo kalgacal la igu kaa wadhyeey
walbahaaro jacaylbaa i weedhaamiyee
wajigana xishood kaa waabtayee
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
Hooboo weecdayoo aawadaa warwarayoo
Wehelkaygiiyoow i wadaalisee
wakiyoo i wiiqdoo socodkii wahsadayeey
wareegeystayoo dabadaha walhadayee
warsan iyo weedhsan iisoo waceey
warsan iyo weedhsan iisoo waceey
Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
Naftu waalalowdoo kaa daba warraaqdoo
Waqalkii cirkaa i dul waabanoo
Wadiiqada halmaamoo waaga jiifsadee
Waynahaan baryee isma wayno ee
warsan iyo weedhsan iisoo wacee
warsan iyo weedhsan iisoo waceey
Kuu soo waceey warsan ii soo waceey
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
warsan iyo weedhsan ii soo waceey
Heesaha laga dabadhacay ee uu Abwaanku sameeyay, waxa ka mid ahayd Wahey Waaqlaan u Baxayoo, oo uu qaado Cumar Dhuhle. Heesta oo uu laxankeeda lahaa Halac Xasan Aadan Halac, waa tan miraheedii:
Wahay waaqlaan u baxayoo
Cidlaan weehaabayaa
Warkayga caruurtu warisee
Hadmaynu is weheshan doonnaa
Wahay waqtiga i sida baa
Waxyeelada iigu wacanoo
U baahday waraysigaagee
Hadmaynu is weheshan doonnaa
Wahay waanigaa wakinayoo
Intaan wiiqmay weehanaaboo
U baahday waraysigaagee
Hadmaynu is weheshan doonnaa
Muddadaas kooban, ee ku sinnayd sannadka, ayaa Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase sidaas farshaxankiisa suugaaneed ugu raaxaystay.
Dabayaqaadii 1968dii ayaa waxa Abwaanku uu soo aaday Berbera iyo halkii uu ku dhashay. Doorkaan siyaasad baa wedday, oo mudane Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa u soo xilsaartay in uu Berbera uga soo ololeeyo. Haddii musharraxiisii guulaystay, halkii Abwaanka laga filayay in uu ku soo noqdo Xaruntii Dalka iyo Xamar, oo abaalmarin soo doonto, ayaa waxa Abwaanka u muuqatay in aan waddankaan wax faa'iido ah ka soo socon. Waxa uu u baqoolay Abu Dabai. Abwaanka oo halkaas ku sugan ayaa October 21, 1969kii waxa Soomaaliya ka dhashay xukun Millatari.
Abwaanka oo saadaashiisii sii rumaystay ayaa u kicitimay halkaas iyo Greece. Markab ayuu ka raacay Griigga. Haddii ay qiyaastii labo sano meeraysteen Yurub, ayaa waxa ay ka degeen Florida, USA. Waxa ay fasax ahaan u soo gaareen Newyork. Waxa abwaanku go'aansaday in uu Maraykanka ku negaado.
Labaatan sano ayuu degganaa Maraykanka. Waxa uu ku guursaday gabar Maraykanka Madow ah. Labatankaa sano, Hal mar ayuu ka soo baxay Maraykanka oo ahayd 1982dii oo uu soo gaaray Soomaaliya. Ujeeddadu waxa ay ahayd in uu soo kaxeeyo ubad uu adeer u yahay. Taasna wax bil ka yar bay ku qaadatay, oo waxa uu ku soo laabtay Maraykanka.
Muddadaas Labaatanka iyo hodhodhowda ah, Abwaanku waxba ma curin, oo waa iskaga caagganaaday suugaantii uu sumcadda ku lahaa.
1992dii, ayaa abwaanku waxa uu soo galay dalka Canada, oo Soomaali badan oo leh fannaaniin iyo suugaanyahanno kaleba ay u soo qaxeen. Halkaas ayuuna, Ilaahay ha ku nabadyeelee, ilaa hadda ku sugan yahay. Muddadaan ilaa 15ka sano ah, ayaa Abwaanka halabuurka iyo wax curintuba dib ugu soo maaxatay.
Suugaanta uu curiyay waxa ka mid ah maansooyinkaan:
Abwaanka ayaa waxa uu arkay nin saaxiibbo ay ahaayeen oo tix uu hadda ka hor u sheegay, meel gole ah ka sheeganaya. Ninkii ayay maalinkii dambe meel majlis ah isugu yimaadeen, markaasaa Abwaanku waxa uu yiri:
Tujaartaba tuugtu waw dhacdaa
Ninkay telfiyaan beryuu wax tuhmaa
Tobankii xalay baan adduunkii tirshay
Waxaan tabay kaatun tawlad ah
Tiriig baan u shiday toddoba boqol ah
Wadaad tuf leh baan tadcaar u dhigay
Tusbuxuu rogay faal tusaalaha
Wuxuu ku tilmaamay ruux tol ah
Kolaan tabarrucoon isaga tago
Tu'daye wax ma ii tibaaxaa.
Waxa iyana jirtay tuducaan:
Ili hadday wax gaaraan tan kalaa u oydoo
Midi iilan mayso dhagahaysku awdma
Gacmahaan itaalkood isku eegin hawsha
Ogsoonow waxa abaartu dhaxashaa ubaxa iyo dooggee.
Waxa kale oo jirtay tix waddani ah, oo uu umadda ku baraarujinayay. Waxa ay lahayd:
Umadyahay baraad li'i
Seexashada u bogatay
La bahawday Reer Kaaf
Goormaad baraarugi?
Boorkaysku qariseen
Goormaad ka hoos bixin?
Hadmaad talada buubtiyo
Danta baylah ka ogaan
Mase baryaad ku noolaan.
Biyahaad lulaysaan
Subag haddaad ka baadhaan
Barmiil hoostu go'an tahay
Haddaad buuxinaysaan
Intaad buraashad qaaddeen
Badda haddaad dhuraysaan
Bi'i waa dadkaygow
Riyadaadu waa been.
Tix kale oo waddani ah, ayaa waxa ay lahayd:
Qumaataa loo kacaa
Qorshaha wacan baa hirgala
Kan beenta u qaybsanow
Taariikhdu runtay qortaa
Hadduu dhidar qodo qabuur
Qurmuun buu uga dhacaa
Ninkii qoloqolo wadaw
Qaraarkeedii dhadhami.
Qardoofo intaad fashaan
Maxaad qalad ugu saxdaan.
Qisaa ina haysatee
Maxaa giddigeen qarribay
Inaan qayrkay ka haro
Ilaahay baa qaddaray.
Qaskana anigaa lahaa
Ee qamuunyo maxay i tarin?
Soomaalidu waa qareen
Qaraabiyo wada walaal
Qaxootiga way ka bixin
Anigu taasaan qabaa.
Heesihii waddaniga ahaa baan weli ku jirnaaye, tix kalaa waxay lahayd:
Dhulka hooyo
Ee lagu dhaato iyo
U dhiidhiga xornimo
Muslinimada dhaba
Dhaqankiyo hiddaha
Soomaalay dhegtiyo
Magac dhowrashada
Waa loo dhintaa
Ee dheddig iyo labood
Isma dhaantayahay
Dhudhumada yaryari
Dhitadeed qubaay
Dhaxalkaagii mee?
Mirka dhaabaddiyo
Runta kuma dhaqmaay
Dhagar iyo qallooc
Isku dhiirriyaay
Hadba kii dhab daran
Dhinac joogsadaay
Umad dhoohaneey
Dhedig iyo labood
Isma dhaantayahay
Dhudhumada yaryari
Dhitadeed qubaay
Dhaxalkaagii mee?
Nabar dhaymo raba
Kaga dhiijiyaay
Hadba kii dhib qaba
U dhamaystiraay
Koodii dhintana
Qosol ugu dhacaay
Dhedig iyo labood
Isma dhaantayahay
Dhudhumada yaryari
Dhitadeed qubaay
Dhaxalkaagii mee?
Waxaa iyana jirtay hees caan ah, oo abwaanku ugu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda qurbaha ku koray, ee Muusiga Raabka ah aadka u dhegaysta. Ujeeddadu waxa ay ahayd, in dhallinyarada loo muujiyo in afkooda iyo dhaqankooda ka heli karaan inta ay ka doondoonayaan Raabka. Heesta, waxa la yiraahdaa Raagow Rig Dheh, Ruuney Rax Dheh, waxa laxankeeda sameeyay Axmed Cali Cigaal, oo markii horena qaaday, laakiin waxaa ka dabaqaaday fanaaniin dhowr ah, waxaase aad ugu caanbaxay Cumar Jabuuti.
Jacayl run ah baan wadaa
Rajada waan kula qabaa
Sidaa aad ii rabto
Baan anigu kuu raadiyaa
Adduunyadu waa riyo
Aan wada raaxaysanno
Miyuusigga reemaayiyo
Heesaha Raabka ah ku tummo
Dhankaad doontaba u raac
Naftaada ku raali gelli
Ragoow rig dheh
Ruuneey rax dheh
Hablow waa kaa raggii
Halaa raarka ugu jira
Ee Intaad soo roorisaan
Sidii daad u soo rogmada
Adduunyadu waa riyo
Aan wada raaxaysanno
Miyuusigga reemaayiyo
Heesaha Raabka ah ku tummo
Dhankaad doontaba u raac
Naftaada ku raali gelli
Ruuneey Rax dheh
Ragoow Rig dheh
Waxa kale oo jirta hees aalaaba aroosyada laga tiriyo, oo duco, amaan, waano iyo caqlicelin isugu jirta. Sidoo kale waxa ay ka hadlaysaa dhaqanka Soomaalida. Miraha heestu waa sidaan:
Raggu magaca guudnimo
Magta waa isaga gow.
Garkana waa ka siman yahay.
Haddana kala gol roonaa
Qaarbaa gabayga tiriya
Suugaanta gaar u ah
Murti laga guntanayaa
Gabnana waanu leennahay.
Gabogabo colaadeed
Guuyada la kala dhaco
Geesi baa maleegtee
Fulaha goobtii laga waa.
Garta laysku soo baxo
Guddida laguma wada daro
Qaar baa u gooniya
Barkayaan golaha tegin
Ifka deeqdu waa gacan
Laysaga abaal gudo
Aakhirana waa guul
Gallad Eebbe lee yahay
Ninkii gaystayow hoo
Bakhaylna waa ka garanuug.
Ninka gurrani waa belo
Dhowrsadaana waa gobol
Af garoocna laga wacan
Godoliyo hinnaasena
Bagaan calafba kuu gayn
Boqonna adiga kuma geyo
Ee baalida ha guursado.
Dumarkana tan gaariya
Baa raggu gaaf wareegaa
Goombaar nin loo waa
Waa geeridoo kale
Ruuxaanad garanayn
Iyo geeljiray ku wacan tahay
Ee nafta gocoshadeedaay
Wakhtigu kuguma geeddiyo
Dadku kuguma gaagaxo
Ubadkaagu kuma gabo
Ilaahay goob xun kuma dhigo
Ee gurigeennu yuu noqon
Midaan gibilba saarnayn
Taladeenna guudnimo
Golroonni ka ogow
Hawlaha u gaafnow
Xarragana ku gaalgaal
Qaarbaa socodka gaabshee
Geeddiga ha soo harin
Laba ninoo gudboonaa
Idinkaa midkood gaba
Midna guudka mariyee
Hayga reebin gedahay.
Martidu yaanay kaa go'in
Gacalku yaanu kaa caban
Dadku ways gargaaraa
Ha illaabin gobonimo
Dumarka goonni ka ahaw
Raggana guursi kala soco
Deriskana guhaad iyo
Yaan la oran gef bay tiri
Anna muxubba gaar ah
Jacayl gun iyo baar baxay
Geed saar ku maran yahay
Mankii guudka uga baxay
Ubax laysku soo guray
Loogu beeray goonyaha
Sagalkii guduudnaa
Iyo moodda galabeed
Kuu soo gudbinayaan
Oo kuu abaal guda
Ayaan soo gudbinayaa
Adduun sidii Milic
Makhribkii ku soo galay
Waa sii madaw dahay
Waxay macallimiintii
Dadka ugu macneeyeen
Muddadii loogu talo galay
Madaxay ku haysaa
Hal baan muran ka taagnayn
Muslinkii habboonaa
Nin wanaagsan laga mari
Waxa haray mid iyo laba
Masjidyada ku hoos nool
Oo halkaa miciin biday
Dadka maanta joogaa
Waa qaar masiibaa
Waa wada af miinshaar
U maleegtay xaaaran
Xaqunaans kuwada maban
Maataada ma dhowraan
Martida ma sooraan
Magantana ma bixiyaan
Xilna waa mur iyo gacan
Allahayow miskiinkiyo
Diintu tiri ha maagina
Muruq bay u sheegteen
Maadhiin nimaan sidan
Maradiisu waa halis.
Dhib munaafaq gaystaa
Muumin lagu dhameeyaa
Allahayow na maaree
Aan Iblays na maamulin
Majarihii rasuulkii
Jidkii Maxamed noo dhigay
Allahayaw na wada mari
Maskaxdaan fayoobayn
Kuwa madaxa laga galay
Allahayow u kala Miir
Musuqmaasuq waa belo
Kuwa midigtu fududdahay
Allahayow u miisan
Kuwa uurka mililkiyo
Maallin ka dhaansaday
Raxmaddaada kaga mayr
Cirka milaygi di'i jiray
Miiraale laga waa
Dhulkuna maangad weeyaan
Macdan iyo batrool ma leh
Xoolihiina waa maran
Ee Allahayow na muunee
Allahayaw midnimadii
Madhaxii la wada jiray
Magacii la wada siday
Muhmal yaanu naga gelin
Sidii labo mataanaa
Laysu wada majeertaa
Allahayow dantaa murugtiyo
Taladaa miroodkaa
Adigaa u mawlaa
Anna waan mitidayaa.
Waxaan suugaanta Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase ku soo gunaanadaynaa, hees uu u tiriyay gobollada Puntland. Heestaan waxa ay ku timid meel xaflad ayaa waxaa laga qaadayay hees lagu amaanayo gobollada dalka. Gabar ka mid ahayd dadweynihii daawanayay heesta, ayaa waxa ay ninkii heesta qaadayay ka codsatay in uu amaanta ku daro gobolka Bari, oo ay asal ahaan ka soo jeedday. Fannaankii ayaa gabadhii ku gacan sayray, isaga oo weliba ku niyad jebiyay su'aal jeesjees ah, oo oranaysa “Bari maxay tahay?” Abwaanka, oo sheekada la socday, kana xumaaday sida fannaanku ugu jeesjeesay gabadha, oo ay is yaqaaneen, ayaa waxa uu ku dejiyay in uu u samaynayo hees iyada iyo gobolkeedu lee yahay. Heestaan oo noqotay hadiyaddii ugu weynayd ee Puntland ka hesho suugaanyahannada Soomaaliyeed, ayaa miraheedu waxa ay ahaayeen:
Boqorkii haweenkaay
Beeshii xishookaay
Hoygiii bidhaantaay
Baarkii da'deedaay
Inkastoon basteey ahay
Bariidadu xaq weeyee
Adigiyo barbaartii
Baargaal ku noolayd
Shukriyey ma barideen
Ari Boowe
Ari Baaye
Barinnaye
Ma barideen
Qandala oo barwaaqa ah
Bayliyo Xaafuun
Ayl iyo Bariidiyo
Iskushubanta loo bogay
Biyokulule iyo Qaw
Boosaaso iyo Karin
Dhulku barisamaadkii
Igu bi'iyay caashaqu
Xeebaha Busaadeey
Sida biijajkii Yurub
Laga ooday bahalaha
Bulshada loogu talogalay
Iyo badaha luulkiyo
Cambarkuba ka buuxaan
Kalluunkuna ku badan yahay
Baatroolna laga helay
Iyo buuro malabkiyo
Laga gurayo beeyada
Oo calan buluug ahi
Baallaha ka suranyahay
Halka kii barriinsaday
Ku illaawo baahida
Basanbaas abaariyo
Jiilaalna laga baqin
Qardhoo loo xagaa baxo
Dhul Ilaah ballaarshee
Barakeeyay Nabigii
Oo togag burqanaya
Beeraha waraabshaan
Baadkiyo caleentuna
Qariyeen bacaadkii
Bilicdooda geedaha
Dhaayuhu ku burureen
Bari tii ku dhalatee
Mudug lagu barbaarshaay
Inkastoon basteey ahay
Bariidadu xaq weeyee
Adigiyo barbaartii
Baargaal ku noolayd
Shukriyey ma barideen
Ari Boowe
Ari Baaye
Barinnaye
Ma barideen
Anigaa basteeyee
Ha bukoonin abidkaa
Adigoo badbaada ah
Baradeenna ku ekow
Marka xiga balaayada
Bogga tii ku socotiyo
Tii cago ku buubtiyo
Hadday baalal leedahay
Barbarrada lagaa mari
Ilaahay bishan dhalatiyo
Sannadkaan bilowgaa
Barkhaddiisa kugu dhowr
Gunaanad
Tixaha iyo riwaayadaha Abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase, ma aha kuwo halkaan lagu soo koobi karo. Qaarkood, oo aan ilaa hadda hayo, waa aan ku bakhiilay. Waxa ka mid ah hees Abwaannadu ugu garnaqsanayaan Heesaaga. Waxa Kale oo ka mid ah mid abwaanku wax ku tusaalaynayo Fanaaniinta cusub. Cumdow, waxa ka mid ah: “Qurux Cago ku Socotaay,” Heesahaas iyo kuwa kale oo farabadanba waxa aan uga falanqoondoonnaa buugga la magacbaxay: : “Halabuur: Hordhac iyo Hooris” , oo soo bixi doona dabayaaqada sannadka 2007.
Inta ka horreysa, wixii su'aal ama talo ah, fadlan kala soo xiriir Qoraha, oo emailkiisu yahay:

DHAMMAAD
Qormo: "Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac (Ilka-Case)"
Wq Deeq Aadan DiiriyeDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin: Wayeel Hakisa, Diseembar 17, 2009
Faafin:


