
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto..
Dhegeyso: "AWAALTIRIS". Maanso qiiro badan oo uu codkiisa ku beegayo Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi )Halkan ka akhriso sheeko kooban ee ku saabsan Abwaan Hadraawi. Riix!
Awaaltiris waa maanso cusub oo Abwaan Maxamed Ibraahim Wasrsame “Hadraawi” uu soo saaray 13/09/2009ka. Maansadan oo ah tii ugu dambaysay ee uu curiyo Abwaan Hadraawi, ayaa waxa uu si qoto dheer ugu gorfaynayaa dhibaatooyinka faraha badan ee bulshada Soomaalida ragaadiyey, sida qaadkaTolow Qaadka ma laga Badbaadin Doonaa Aabbeha ku Dhaqanbeelaya Carriga Ingiriis?
Furriinka kala qaada qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska, waxa 80% lala xiriiriyaa qayilaadda QAADKA. Guji oo farta ku caddadi ilaa aad ka haleeleyso halka eegiyehu (Video-gu) uu kaaga soo muuqanayo! oo uu sheeko naxdin leh ugu hogatusaaleeyey (Xigasho: Hadhwanaagnews.com ).
Waxa kale oo nasiib wanaag ah, in uu jiray kulan ama madal kale ee lagu magcaabay "Madal Faraxliyo Foolaadka Murtida", halkaas oo abwaanno uu Abwaan Hadraawi ka mid ahaa ay wacdaro ka kala muujiyeen. Isla madasha iyada ahayd, ayuu Abwaan Hadraawi ku soo bandhigay maansadan la yiraahdo "Awaaltiris". Gogoldhig yaab lahaa ayuu u sammeeyay kahor intii aan uu weli ilyartii u gelin maansadii ba. Haddaba, gogoldhiggaas isaga ahaa, iyo maansadii uu, misana, u qabtay Radio Hadhwanaag, ayaan akhristehayga isugu soo toltolay. Gogoldhiggaas ayaan u arkay wax lamahuraan u ah si loo fahmo "Awaaltiris".
Akhristow, waxa aan kaa codsan lahaa, horta, bal in aad dib u yare santeecsatid; dabadeed na, aad dhegehaaga abwaanka aammhisid dhowr ilbiriqsi oo dadnimadaada ka mid ah uun; si bal, adiguna, aad ugu sii awaaldaydo—maansadiisa quruxda badan; hayeeshee, haddana, laga unkay foolxumooyinka haysta RAGGA Soomaaliyeed: qaarkoodii ra'iis ama se raaciye ahaa ba.
Hor iyo gadaal ba, waxa aan halkan mahadcelin uga soo gudbin lahaa degelka http://www.hadhwanaag.com, kaas oo la'aantiis, maanta, aynaan halka kaga bogan kari lahayn— suugaantan qaaliga ah. Mahadsanid, Hadhwanaag.
Dhegeysi wacan.
Uub baad ku jirtaa qarsoone
ka soo baxa iilka qaadka
adduunka ragoow mar kaalay.
abuurtiyo heegga daawo
awoodaha saaran daawo5
falaadkiyo alabbadeeda
Ilaah samihiisa daawo
udbaha iyo teedka daawo
aloolka ku jeeran daawo
hagoogta aslaysa daawo10
cadceedda ifaysa daawo
ilwaadkiyo nuurka daawo
abaabulcaddaanta daawo
ummuuraha toosay daawo
dayaxa ishinbuuxsankiisa15
aashaasocodkiisa daawo
cirjiidhiyo ololka daawo
Rugaa afogaalladiisa
laxaa iyo ururka daawo
aleelaha guudka daawo20
habeenka amuuman daawo
shareerkiyo aqalladiisa!
haddana ashqaraarradiisa
ardaayada gogosha taalla
ammuuraha seexday daawo25
Haddaanu arbeebigeedu
ku barin abtirsiimadeeda
inbiig ku dhex joogi maysid
ugaas bokhran baad ahayd e
irdaha noloshaad ahayd e30
ilayska dhulkaad ahayde
ragoow indhobeelistaada
asaayo maxaa ka beermay!
halkaad ku lahayd astaanta
maxaa umal soo fadhiistay35
maxaa gudcur soo af yeeshay
naftaada markaad illowday
bal soo tiri aafadaada
wixii lumay aynabkaaga
bal daawo inkaarahaaga.40
Unuunka dhirtaad ka goysay
aahdeeda bal soo dhegayso
hashii iyo awrka geela
abaaludda loo dareershay
ureenkiyo tiinka daawo45
rasaasta alwaysa daawo
oomaarkiyo dhiigga daawo
areerinka meydka daawo
islaan curadkeeda weyday
asayda la saaray daawo50
Habliyo ubixii dalkeenna
markay Ingiriis u xiistay
markii Inglan looga yeedhay
wedkay ku aroortay daawo
uneexada gabanka xoortay55
abaydinka dooxa yaalla
abkiisa la sheegi waayay
aboodigu boobay daawo
Addoonka addoonka maagay
u yidhi isku Aadan miihin60
Gabooye agtiisa yaalla
walaalnimadii ka ootay
Aayaadkiyo Diinta qeexan
sidaas kaaga aayo beelay
halkuu illin mooday daawo65
Cirkii onkodkiyo hillaaca
daruuraha alabaskooda
cuslayn jiray alalagtiisa
bal daawada uummigiisa
dhulkii ubixiyo caleenta70
ugbaadkiyo doogga laaca
ilwaadkiyo nuurka sheegtay
awaaraha jiifa daawo
basaastiyo oonka daawo
geyiga umaltoobankiisa75
ayaayurantiisa daawo
bal dhawr labaeefiddaadu
waxay afdhabaandhab keentay
garaadka abloobay daawo
80mudkeediyo bulad ammaanka
afkii cunay quusan waaye
hadduu labaaabudh saaray
hadduu ugubkeeda leefay
muxuu ka dhex joogi uuska.85
Ugaasadu meeday hee dhe?
Dorraato miyaan la aasin
Miyaan kafan loo amaahan
Miyaan axan loo yaboohin
markii araggaa la waayay90
miyaan jinku qaylo oogsan
miyaan insigii gadoodin
miyaan ollogeenu yaabin.
Ishaaro san kaama hayno
shidaad naga oollin maysid95
ogaal nagu caymin maysid
itaal nagu xoojin maysid
qudhaanjo afuufi maysid
dalool naga awdi maysid
xashiish nala ururin maysid100
aqool nala seesi maysid
aqoon nagu biirin maysid
xilkaagana oofin maysid
afkaagana dhawri maysid
sidii gabadhii Ayaan e105
Ayaan-HoodaHoodo Ayaan, waa inan reer Somaliland ah. Waana gabyaa, da'yar, Hargeysa ayay ku nooshahay.
— A. M. dhahaan e
abwaannimo sheegan maysid
aroor qudha toosi maysid
dhiggaagiyo aynigaaga
adduunka la qaybsan maysid110
iskaaba xusuusan maysid
wixii Rabbi kuu abuuray.
intaydu ku deeqi mayso
intaada ku biirin maysid
hantida arladoo dhan taalla115
haddaad irbad nooga keento
ducaa ku asqayn lahayd e
Inkaar naga waayi maysid
Ufiyo bacad baan fadhiistay
anfaaciga aad cunayso120
ilaaqda raggaan ku keenay
waxaan u adkaystay maagis
amaah iyo qaylo joogta
uurkayga waxaan ku haysto
afkayga ka sheegi maayo125
asluubtana qoomi maayo
awaashiyo waayahayga
ka daalaco oogadayda.
Haddaad na ilaalin weydo
axsaanta ku laaban weydo130
abaal nagu yeelan maysid
ammaan naga dhowri maysid
anigu kugu faani maayo
dharaar kugu aarsan maayo
adiga kuu uunsan maayo135
agtaydana jiifi maysid
Haddaan beri kuu ilduufay
haddeer ku abaysan maayo
Markay ajashaada gaadho
cidina kuu ooyi mayso140
Ilaahay ka dhuuman maysid
Jannada ku aroori maysid
Cadaabta ka oolli maysid
godkaaguna waa aboor
abeesiyo waa ciqaab.145
Ragoow amarkaaga weyni
haweenka uleeya maaha
dhibtooda ku iida maaha
ufaan uf qadhiidha maaha
albaabbada kheyrku seegay150
caqaar ku aroosta maaha
asaasaq ku gaadha maaha
ku aakhiroseega maaha.
Ragoow irdho qaadan maysid
ugaadhsi ka seexan maysid155
abeerka badbaadin maysid
ugeybkana dhaafi maysid
haddaad cunto aayahaaga
xulkooda haddaad abbaarto
unuunka haddaad ka goyso160
areebo sidaad ka yeeli?
sabeen inanteennu maaha
adeeri ka sii mug weyn e
asoolka hablaa ka daaya.
Abaartiyo roobka dhoofay165
in waalan intiinna dhoohan
in qaawan intii sawaaban
dhammaan ifafaalayaasha
ka muuqda adduunyadeenna
ragoow ubadkaaga leexday170
Islaamnimadii ka baydhay
agoonnimadooda buuxda
dhashiinna ku aabbo weyday
asmay ku calool galeen e
Ammaanada boodhka taalla175
ragoow ololaynta jaadka
haddaad kaga ood fogaatay
maxaa arrin kuu dambeeya.
Ragoow ka adkoow xilkaaga
la saayira ooryihiinna180
irmaanta xaqeeda siiya
raggoow ubadkaaga toosi
wixii arrin kaa daboolan
Iimaanka ku baadidoona
afeefna ka yeesha xaajo185
ilaashada baylahdiinna
Alhuumadu way fiddaaye
haddaad ummad liil ka weydo
hadday ahab yeelan weydo
waayeelku hadduu abguuro190
hadduu odaygeedu waasho
hadduu la anbado xilkiisa,
hadduu runta aamusiiyo
hadduu kolba eed xanbaarto
asuulkiyo xeerka soohan195
hadduu marba oofdaloosho
hadduu labaeef caddaysto
Iimaanka hadduu xaraasho
hadduu wacadkiisa iibsho
araadi hadduu ku doono200
Ilaahay ka yaabi waayo
hadduu kolba iin’ caddaysto
hadduu umalsaaqa yeesho
sidii abris qooqan guuxo
hadduu sida awr xunbeeyo205
hadduu abur xoor leh saydho
hadduu ilko jiira yeesho
hadduu noqdo aadun huursan
abeesada meel la daaqo
aqoonta qofkii ku dhaama210
hadduu asaraar ku beensho
dhirtuba kala ayni weeye
hadduu garanwaa’ abuuro
hadduu kala geeyo uunka
hadduu marba qayb la ooyo215
hadduu marba iil banneeyo
hadduu yahay uurkagaal
wanaagga ku aabi badan
Aleelo hadduu ku waasho
islaan iyo foox karaarsan220
agtooda hadduu fadhiisto
ijaabo ka baadidoono
Ibliiska hadduu la showro
hadduu marba ood ka boodo
ishaaro xun baa qarsoon225
Haddaanay astaan lahayn
abbaar iyo nuxur lahayn
aroor iyo raad lahayn
ammaaniyo qawl lahayn
asluub iyo dhaqan lahayn230
Islaamnimo sheeganayn
hadday wada eexo tahay
hadday asaroorin tahay
asaasiran lagu bursado
hadday dabin aasan tahay235
shil iyo wada eedo tahay
hadday wada aano tahay
hadday agaraadam tahay
addoonsigu diin u yahay
hadday orgobaysan tahay240
Iimaanku ka qooman yahay
hadday Arraweelo tahay
hadday abnawaasad tahay
afduub iyo beeno tahay
axsaantu ka maydhan tahay245
hadday orgi iyo ri’ tahay
or iyo wada qaylo tahay
hadday adhiyaysi tahay
hadday adhaxtuujin tahay
ilduuf iyo jeeble tahay250
hadday wada ‘Aniga’ tahay
siyaasadi aabbe ma leh.
Kudaalka abaabulkeeda
alooskiyo baanaheeda
ujeeddo ka keeni maysid.255

DHAMMAAD
DHULGARIIR |
Sidee Loo Akhrin Awaaltiris? |
Waa Kuma Abwaanka ugu Weyn Soomaalida? |
Ma Dacar Mise Malab? |
Qormo: "AWAALTIRIS"
Wq Abwaan Hadraawi, Maxamed Ibraahim Warsame
Faafin: Wayeel | Hakisa, Maarso 4, 2010
Faafin:


