
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto..
Markay dani meeday tidhi
maxaan talo meel ka deyey
markaay dani maaha tidhi
weydiiyey qof meel ka deyey
markay dani maaha tidhi5
ku laabtay halkaan ka deyey
markay dani maaha tidhi
ka sii deyey meel la deyey
Maxay doqoniiino tidhi
ruuxaan jirin raad ku doon10
intaan isku duubay been
ka buuxsaday labada dacal
maxay runi daadi tidhi
maxaaan arrin dawlis dheer
ma diidoo la soo qoqoray15
ku daabacan baal madow
ku daawaday meel madow
wax aan duluc sii ridnayn
indhuhu ku daraandareen
Maxaan dogob beer is idhi20
daruuro u soo sasabay
daryeelka ku maal is idhi
biyuhu uga sii dareen
Wax aan degdeg jeer ku liqay
maxay shishe ii damqeen25
kashayda dalooshadeen
muxuu hadba shay dellegan
dareensigu soo tuf yidhi
Ummuuraha duur xulka ah
duunkayga maxaan qodqoday30
weydiiyey su'aal da'weyn
dibnuhu iga aamuseen
Dal xiiska maxaan bilqaday
maxaan farax deeddankii
maxaan sida daad jirfaday35
maxaan hadba daaf qulqulay
maxaan hadba deex susumay
maxaan deli jeer ka dhacay
maxay jarar soo dedelan
doolaaladu fuul i tidhi40
dushooda markaan u baxay
ha soo degin laygu yidhi
Maxaan dihin weel la galay
ku dayga maxaan ummuur
daboolka ka qaad is idhi45
cabsidu iska daa i tidhi
indhuhu dib u soo noqdeen
Maxaan dhilay doog lingaxan
hal daahan maxaan furfuray
inaan dib u sii xidhxidho50
garaadku ku daalay yidhi
Maxaan dardaraa habeen
anoo daba jooga raad
dedaalku i soo xidhxidhay
dakaanka anoo jiljilan55
muxuu dayax soo mirkacay
degaan kale ii furfuray
dayaan igu soo gilgilay
Maxaan qoday doox sal weyn
maxaan helay deeq mug weyn60
wax uu dad jeclaan lahaa
u waayey wax soo daldala
Wakhtigu boqol doocsanaa
dersuu kugu beerayaa
durduur kugu siinayaa65
dardaaran adoo qabuu
dagaal kugu beerayaa
dil buu kugu oogayaa
markaad deldelaad gashuu
haddana kugu diidayaa70
dorraato wuxuu ka yidhi
intuu ku diruu haddana
dabbaal kugu sheegayaa
Rugaha dunidaa busho ah
indhaha deyayaa xujo ah75
docaa laga eegayaaa
deymaa lagu eegayaa
danaa laga eegayaa
u daana cid baa taqaan
ka daana cid baa taqaan80
ta doora Rabbaa yaqaan
ka dooro adaa yaqaan
dildilo rogan baad tihiin
sidaad isu doorisaan
ayaad isu doorataan85
markay dihatay dhul tahay
markay dihatay dhir tahay
markay duhur tiigsi tahay
ayay dalandool cad dahay
duf bay ku sarbeeban tahay90
dabay ku aleelan tahay
lafiba diirkeed qodnayd
Dal iyo magac bay lahayd
dad iyo mudan bay lahayd
duunyiyo mahad bay lahayd95
diin iyo dhaqan bay lahayd
duug iyo dhaxal bay lahayd
dan iyo tacab lahayd
dedaal xejiyey lahayd
xadhkiyo dabar bay lahayd100
aqoon durugtay lahayd
xil daacada bay lahayd
duleed jiratay lahayd
duggaal hanatay lahayd
daw iyo marin bay lahayd105
dareer taxan bay lahayd
dardaaran cad bay lahayd
dabool adag bay lahayd
digtooni horey lahayd
dabaylo hadday ruxaan110
durbaan weriyey lahayd
awaal deyis bay lahayd
dawiyo kabashay lahayd
xidhiidh degsan bay lahayd
dagaag sharafay lahayd115
duciyo nabad bay lahayd
caqiibo danbay lahayd
han iyo dugsashay lahayd
deeq iyo hirashay lahayd
duddiyo gacal bay lahayd120
dareen xidid bay lahayd
xormiyo deris bay lahayd
ul iyo magan bay lahayd
xishood dedan bay lahayd
ux iyo soddoh bay lahayd125
dumaashi dhan bay lahayd
dad kala guran bay lahayd
rag iyo dumar bay lahayd
nin door taliyey lahayd
marwiyo degel bay lahayd130
duq iyo garashay lahayd
haween darbban bay lahayd
barbaar diran bay lahayd
habliyo dardaray lahayd
halyey diriray lahayd135
darmaan boqran bay lahayd
duud iyo oday bay lahayd
da' weyn iyo da' dhexay lahayd
da'aad yaryar bay lahayd
is daadihin bay lahayd140
deryaale cad bay lahayd
dalaandaliyey lahayd
horweyn dalmaray lahayd
irmaan dararey lahayd
hal iyo dalawey lahayd145
wan dool culus bay lahayd
sal iyo daab bay lahayd
dallaayad saray lahayd
shishiiyo duluc bay lahayd
wixii dumey bay lahayd150
Iskuuladu waa dayeyn
dammiinnimaday dhigaan
dartay uma soo lug go'in
duruustu falkay tiqiin
daktoor cadoway sideen155
digrii nacabey sideen
xaq bay garba duubayeen
Diintay didib saarayeen
waxay dedayeen amuur
dhibteedu dib iigu tiil160
waxay docfaruurayeen
dedaal abid soo taxnaa
Xafiisyadu waa dullayn
dulmay ka horseed yihiin
dikteetarraday dhalaan165
direyska wedkay tolaan
dardaaran shishay qabeen
dalkay shil u loogayeen
dadkay u shidhaynayeen
dardaar werin meel u tiil170
nin bay u danaynayeen
dugaagnimaday dhalaan
indhaha dannigay dhalaan
intii daran bay dhalaan
xadhkaha doqonkay tidcaan175
naftay damac raaciyaan
wax bay daba qaadayaan
qofkii biyo diid yaqaan
darleefyey ninkay baraan
sagaashan dabeecadood180
hadday kol ku soo degaan
diihaal iyo saar gumeed
ma aamino deeq ka weyn
inay laba duul dhintaan
Dukaamadu waa nuxuus185
sun iyo dacar bay hayaan
daraandariyey hayaan
dareen xagatay hayaan
dalaaqda Tusmay hayaan
waxay demesh soo rogeen190
waxay diric raarayaan
durraaxad u heesayaan
waxa lagu doonayaa
wax aanan u daafad hayn
waxaan diro lay carree195
wax soo degay lay cusbee
ka dooro intaan lahaa
ka sii dar intaan lahaa
ku sii dil ayuu lahaa
ninkii digashada badnaa200
Daaruhu tayo waa ka gaal
dulmay taran leeyihiin
bar duunyo ah waa ka caydh
waxay ku dul nool yihiin
nin daaqsada xoolo nool205
dubbaha fakhrigay tumaan
waxay derbi jiifiyeen
barbaarkiyo doobka nool
carwada dibjirkay dhalaan
hadday kugu soo durkaan210
ducaa laga hoos galaa
maxay damal weyn shiteen
maxay qudhac deebiyeen
waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen215
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen
Shil baa dunidii ka dhacay220
daacuun halisaa ku fiday
duufaan simay baa la tegay
doofaarrada aan gudnayn
diinlaawaha gaalku dhalay
maxay dulin faafiyeen225
maxay samo duudsiyeen
maxay godob daaqsadeen
maxay denbi xoogsadeen
maxay dabar soo xardheen
maxay dabin soo shaqleen230
danbeed maran soo asleen
Waxay dumiyeen aqoon
ilaa dura soo taxnayd
waxay damiyeen ilays
u daaran qof meel lahaa235
waxay kala daadiyeen
daryeel isu dheelli tiran
naf daahira bay legdeen
docdeeda xun dhiiriyeen
dan bay canlabeebiyeen240
dawgeedu xidhiidhsanaa
waxay iga soo duween
jidkaan isku daawan jiray
waxay dibad yaaliyeen
nin tiisa u door ahaa245
in loo dawaray rabeen
da'diisa nimaan baryeen
waxay ka dhigeen dadkii
af iyo labadiisa daan
duugii ubadkay cuneen250
wixii jiray bay dubteen
dusuud madhan bay dhigeen
halkii beri doobi yiil
waxay danbas tuumiyeen
rugtii digo loo yiqiin255
duxdii noloshay tireen
waxay debciyeen naftii
waxay dacwadheen hankii
waxay isku soo dareen
dadkii kala caagganaa260
intii gabadh diib lahayd
daf iyo kaman baa la tegay
dhulkii darrimaha lahaa
deegaantiyo baadku yiil
dabaylo cas baa ka kacay265
dorraatiyo guulihii
dallaallimadii dhisnayd
wixii dalag meersanaa
daaduun qaxay baa ka dhacay
wixii duluglaa ka nool270
dibnuhu dhubbad qaadayeen
Dagaalku sal buu lahaa
daad soo jabay baan intaas
gacmaha ku dabbaal lahaa
anigu dirir maan hanbayn275
doodayduna may hinnayn
hub baa lagu diidanaa
waxay igu soo dabreen
halkay ila doonayeen
aniyo debad baanu nahay280
cidlaan dildillaamayaa
daleel madhan baan tubnahay
sas iyo dala'asaan qabaa
dareen dhidar baan gashaday
dugaag falan baan qorrahay285
daaraantuna way fogtahay
duullaankuna waa sidii
Haddaad liqday daacadii
adaa damacow yaqaan
sidaad uga dayn baxdee290
ku sii dar tu kaa daran
Cilmigan dib u heego dhaca
cilmigan dul ka xaadiska ah
cilmigan sam dawdarka ah
caqligu ka daboolanyahay295
bukaankiyo daafka qaba
gumaysigu diin u yahay
Ilaah lagu diidan yahay
Islaam la dagaalka ah
Danaysigu weel u yahay300
dirsoocu u aabe yahay
daandaansigu guul u yahay
dabkiyo wada hawsarka ah
dilkiyo wada dhiig cabka ah
duullaankiyo boobka jecel305
cilmigan dalandoolka badan
Damiirku ka meydka yahay
khaansiirkiyo duufka cuna
dillaalkiyo tuugga dhala
daydaygiyo jeelka qaba310
wanaaggu ka dayro yahay
xumaantu u doorantahay
dadkiyo simay xoolihii
raggiyo dumarkii furfuray
intuu dumarkii is baday315
raggii dumar qaar ka dhigay
afduubkiyo qoolka taxan
Run baa lagu daahayaa
Dijaal korayaa qaarsoon
Dalaal iyo been madow320
ninkii run ku doonayow
abuurtu dumaal miyaa
ma duur iska beermay baa
ma baadi dibbootey baa
dabaylo xagaa miyaa325
ma doonni hallawsan baa
dusheedu ma goob jin baa
durbbaan iyo jaas miyaa
dawliil iyo quus miyaa
ma buur lagu daalayaa330
ma boog damaqdaa wadnaha
ma doonis calool bugtaa
nin tiisu u diirantahay
ma suu u dullaynayaa
ma shay laga daawadaa335
garaadka nin daymo dhow
ma Daarwin siduu yidhaa
daayeer nin ka soo farcamay
ma suu u dareemayaa
miyaanay dastuur lahayn340
kitaab iyo diin lahayn
miyaan laga sii danbayn
sidii daraygii miyaa
midhii daraygii miyaa
duudduub ku liq yaa ku yidhi345
Nin diidey inaad run tahay
ku dooday inaanad jirin
Rabbow dunidaada bilan
dunteeda ma sheegi karo
Daayeerka waxaa ka yimi350
waxaan dad habboon ahayn
innagu dir kalaynu nahay
duudkii Nebigaynu nahay
deeqdii Rabbi baynu nahay
xil iyo derejaynu nahay355
dar loo buriyaynu nahay
ka sii daray baynu nahay
Ilaah ka durkaynu nahay
Islaam dilan baynu nahay
dugaag u dhacaynu nahay360
ka daatay muskaynu nahay
Ibleys didsadaynu nahay
doofaarada aan gudnayn
u doortay runtaynu nahay
xaqay garbba duubayaan365
ku diirsanayaynu nahay
diin laawaha gaalku dhalay
ku dayday ayaynu nahay
dayeysan ayaynu nahay
Sidee duni loogu lumay370
maxaa dad ku soo lug go'ay
maxaa ku hungoobey duul
diihaal kula soo dhex dhacay
maxay duluc guud martaa
maxay dersi yeedhisaa375
maxay nin u deexataa
Iadnaan ugu duur xushaa
hadhow xagal daacisaa
maxaa degdeg wiil ku yimi
dusheeda ku foos burburay380
jid uu nin ku daaqay ciin
maxay dabadiis dhigtaa
nin aan ka danbbayn karayn
maxay doqon loogataa
maxay laqan dooxataa385
maxay danab liicisaa
maxay dabar liilisaa
maxay dildillaacisaa
ammuur kuu dabool lahayd
maxay digdig soo xidhaa390
maxay sado daadisaa
maxay amar duulisaa
maxay dardar loodisaa
maxay diric quusisaa
maxay kibir daalisaa395
maxay damac beenisaa
maxay nin dabbaal yaqaan
dalluun ku waraabisaa
maxay daldaloolisaa
deeqdeeda hadhuub lahaa400
maxay lur u sii dirtaa
ku sii dar ninkii yaqaan
maxay dab ku sii shiddaa
ninkaanay daweyn karayn
Adduunyadu waa daryeel405
daryeelka wixii ku nool
dad bay magantiisa tahay
dardaaran cad baa ka yaal
daymiyo garashay rabtaa
hog loo dayo bay rabtaa410
Runteeda qofkii duwaa
xaquu kaga dayro yahay
dawgeeda haddaan la marin
daliil rabbi looga dhigin
deynkeeda waxaad guddaa415
mar aanad u daafad hayn
ninkii dabinkeeda gala
dib bay u xusuusisaa
digniino horoo badnaa
Abuurtu dahaysanaa420
sir iyo duluc raaranaa
daabkeedu aroorsanaa
degaandeg ballaadhanaa
dawgeedu aloosanaa
rugaanrugo durugsanaa425
muggeedu daruuranaa
dijaallada soo if baxay
weelkay darayaan yaraa
damiinka waxaa ka dhigay
amuurahan daalka badan430
siday u dul cararayaan
kashii demman bay legdaan
siday wax u duufsadaan
aliil uma si hayaan
Hubkooda dayaanka dheer435
markay darandoorriyaan
cid bay ku dullaynayaan
cabsay dad ku beerayaan
korkeena inay degaan
dusheenna ka soo hadlaan440
waxay ugu duur xulaan
kasheenna inay darbaan
hankeenna inay dilaan
jidkeenna inay duwaan
awaafka is dhaafayaa445
uullaanka cirkee socdaa
dedaal iyo maaha guul
daryeel kuma baadhayaan
wanaag kuma doonayaan455
inay cilmi daalacshaan
aqoonta ku sii durkaan
wixii dedan qaawiyaan
dantoodu ka sii gun dheer
rugaa dirir saaranyahay450
waxay u docaynayaan
dayaxa u hadhaynayaan
dagaar u cagaynayaan
inay run ku duudsiyaan
xaqiiqada daahsudhaan455
adduunyada dooriyaan
iyagu u daliil noqdaan
Nin diidey Inaad Run tahay
ku dooday inaanad jirin
Rabbow dunidaada bilan460
ammaan kuma daaqi karo
Haddaan Runi diiddanayn
haweeney dumaal ku timi
waxay derejeyn lahayd
inay gabadh doonnan465
diddii hungurow diddii
kal daaf hagayaay diddii
dhegaade danow diddii
dareenka bukow diddii
adduunyadu maaha dool470
dijaallada soo if baxay
haddaanay war deeqa hayn
sidaan u dayaaba waa
docdaan u kacaaba waa
dushaydiyo hoostu waa475
Daliil iyo waa Yiqiin
Dallaallimadeeda guud
siday u dalaysantahay
siday u degmaysantahay
siday u duggaashantahay480
siday u dalleensantahay
siday u dammiin caddahay
siday u dareersantahay
sidaanay u daadsanayn
da'deeda la yaabka weyn485
siday uga duug la'dahay
siday dalandool u tahay
siday u dekeysantahay
siday u taqaan didmada
siday u dareen la'dahay490
siday u daryeelantahay
siday u darbbaysantahay
siday u daraandaraan
siday uga dayriyaan
siday laba duul u tahay495
siday laba deeq u tahay
siday degel degel u tahay
siday degel qudha u tahay
hal doorba hal doorka kale
iduu ula daawa yahay500
muurahan laysku dabay
dawaarahan laysa sudhay
sidii deleb loo dhigdgigay
wadaagahan laysu diray
lammaanahan laysku daray505
hadday is daboolayaan
ilaah dejiyaan maqnayn
Cadceedu dorraad ma dhalan
kulkeeda dawaa ku shuban
if keeda Run baa ku duxan510
dayuxu marin buu hayaa
xil loo diray buu hayaa
daw buu ku aroorsanyahay
dilluu ku hoggaansanyahay
dooggiyo dhirtu maaha baad515
caleen iyo ma aha daaq
kasii duluc dheer intaas
waxaa ku dareersan nuur
Run bay ku dalaysantahay
Wadduur culus baa ku taal520
daymaan lagu faaqidayn
dareen akhriyaan la hayn
indhaha damac baa hor yaal
waxaan Dahab meel ka gelin
waxaan magac doollar sidan525
diinnaar iyo lacag ahayn
yaqiin kama sii dayaan
damiirku hadduu qallalo
hadduu dufan raadis yahay
daliilka hortiisa yaal530
waxaa kaga beegan daah
dadkuna badi waa sidaas
dakano gacal bay qabaan
dagaal ramataynoqdeen
dabrrayn iyo weerar bay535
Runtii kaga duuban tahay
Xaqiiqada daahir ka ah
dulmay kaga hoos jiraan
abuurta ma daawadaan
denbay kala boobayaan540
dushooda ma eegayaan
dux bay kaga fooraraan
si bay u dar jiidhayaan
dunuunuc bukay liqeen
dalqay wax ku eegayaan545
dil bay u hamuumayaan
dibnay la haliilayaan
dedaal ma haleelayaan
daryeel ma hanbbaynayaan
dardaaran ma dhuuxayaan550
digniin ma dhabaynayaan
dharaar kama doodayaan
halkay ku dambbaynayaan
dayow kama toosayaan
Wax diiddo markay jirtaa555
wax doonkuna meel mar yahay
naftana dabar baa xaslada
dibsooduna waa ammaan
digtooni haddaan la hayn
dagnaaniba way jirtaa560
dannaani miyuu xunyahay
markaan danan loo maqlayn
xilkii dadnimay rabaan
xuquuq dadnimay rabaan
naf daallina bay rabaan565
inaan dulmigeedu qaban
dawgii noloshay rabaan
inay shar ku daydayaan
xumaan qof ku daalayaa
wanaag damaciis hayaa570
dammiinka halkii ahayd
siday uga soo durkeen
miyay dib u soo noqdeen
siday u duleed baxeen
ayay u dabayshadeen575
waxay dumiyeen Runtii
waxay u dumeen Runtii
markay dumiyeen Runtii
nin daacad hoggeeda qoday
miyuu ka danbaynayaa580
intuu bahalaha dugsado
intuu Dubur hawd ka xulo
ayuu qofku doonayaa
dugaaggu inaanu cunin
Naftiisa qofkii dulmiyey590
deyrkaaga Rabbow ka baxay
muxuu halis daaqayaa
Addoonku Rabbow ma dayo
deeqdaada intuu hantiyo
duntii maqan buu tebaa595
wax uu degdeg kaaga filay
haddaanay ku soo dul quban
cadhuu la dakaamayaa
dibnuhu baryaday karaan
daryeel kama mahad ceshaan600
jiilaal la darbbaysanyahay
diihaal iyo gaajo kulul
haddii beri roob ka da'o
qof doogey markaas illow
siduu u ducayn yiqiin605
xusuusba ka sii durduri
Nin duunyadu mool ku tahay
dadkiisuna maansha yahay
ayaa misna kuugu duda
waxaanu u daafad hayn610
qofkaad shar u diiddan tahay
u doortay si kahyr ku jiro
ayaa misna kuugu duda
waxaad uga daacad tahay
Sifaadkaa deyr ma xidho615
dareenku ma gaadhi karo
garaadku ma duubi karo
dibnuhu ma macnayn karaan
qof doonay inuu dhex galo
ku daaley ma dhaafi karo620
Dunjiga khalqigaagu yahay
haddii gelin laysu dumo
raggiyo dumar laysu guro
jinkiyo insi laysku daro
hadday ku dedaal galaan625
intay dardartoodu tahay
hadday orod dooddiyaan
hadday fadal deeddamaan
muggood daranddoorriyaan
haddii badda loo dardaro630
dawaad milan looga dhigo
dureemada loo qorqoro
waxay ku danbaynayaan
inay dib u soo gurtaan
Astaamaha dawladnimo635
markay derejiyo Run tahay
Adaan cidi kaaga dayan
In daalacan Baad taqaan
intii dedan Baad ogtahay
horraysana Waad digtaa640
dambaysana Waad sugtaa
intii daran baad kartaa
in doora rabbaad u tahay
dulleynna Adaa ku filan
daryeella Adaa ku faxan645
Sidaad damacdaaba fudud
dardaar werintaada guud
Adaa naxariis ku daray
dannina boqor baad ka tahay
dayrona Hodan Baad ka Tahay650
denbina Dhaafaad u Tahay
dulqaadna Allaad u Tahay
baryana Deeqlaad u Tahay
Adaan talo kaa degdegin
dorraato wax kuu ekaa655
Adaan dib u qoomamayn
Adoo isla doonay laba
Adaan midi kaa durkayn
Adaan waxba kaa dibjirin
Adaan damac fuushanayn660
Adaan waxba daba orddayn
Aday dani kuu dhantahay
Adaan xagal daac lahayn,
wixii hadhay baa dellegan
daalaa dhacu waw astaan665
waxaa doqonniino badan
intuu dadba kow ka yahay
waxaan dalab waayi karin
intuu durey hoog ku yahay
hadduu dib qallooc yaryahay670
naftuu damqayaan is bixin
sidii dudurkaan socdaa
sibaan u durdurinayaa
hortayduna waa derderan
hareeruhu waa deldelan675
gaadashuna waa damdaman
aboor iyo waa dundumo
Dhadhaaba xidh baan tognahay
darmaan falan baan sudhnahay
dameero jin baan intaa680
dib uun ugu guurayaa
shax baan degayaa hoghogan
hog baan ka ilduufayaa
wadaamo dugeed ayaan
darroor ka gufaynayaa685
qabyaan ku dul meerayaa
iyadu daldalool ku nool
markaan gudin daab u helo
ayuu dumayaa habeen
dab baan dab cunsiinayaa690
dab baan ku bakhtiinayaa
ummuur dedan baan haddana
dabool kale saarayaa
bar baan kula doodayaa
Bad aan bado daalin karin695
naf baan isla doonayaa
is diiddo dhexdeeda taal
duunkayga baqaa ku jira
dareen cabsiyaygu badan
hadduu dacaw meel ka ciyo700
didmaan isla boodayaa
malyuun dakhar baan qabaa
doogtooda ma ciidmi karo
waxaan ahay ruux u dagan
cadaawiyo duullan baas705
kal dooxani way habtaa
dardaaran haddii la faro
digniintu hadday caddahay
dammiinku ma dhuuxi karo
dorraad ma xasuusan karo710
waxaan dibindaabyo falay
shalay kama daacad noqon
dantayda wixii ahaa
haddeerra si dawgu yahay
dib baan ka illaawayaa715
dad baan ahayoo Rabbow
kolley denbi way ag yaal
hawiyo damac baa i sida
hiyiga falan baa i dira
dareenka xun baa i shidan720
ta ii daran baan jeclahay
kas baan ahay daymo dhow
kal baan ahay doonis badan
inaan dumey maan ogayn
inaan degey maan arkayn725
dermaan run ku goobayaa
dabaylo Ibleys wataan
sidii qori daad la tegey
wed baan dul sabbaynayaa
intii dabin ii xidhxidhan730
intii belo ii dahsoon
intii dalag loogu dhaco
dalluumaha ii qarsoon
Rabbow debecaaga saar
Miisaanku doc buu jiraa735
docdii halistuu jiruu
intaan dawan laysu tumin
dayaanku intuu neg yahay
intay belo deyran tahay
intay weli duur xul tahay740
duulduulka ku kooban tahay
hadday tahay maalin daran
ka sii daran baa jirtee
intay weli doobbir tahay
dib iyo noqoshaan rabaa745
dan iyo nolol baan rabaa
dawiyo nabad baan rabaa
xill daahira baan rabaa
naftayda inaan u diro
wax uu dugsadaan rabaa750
hankayga inaan ku dayo
dagaal xaq ah baan rabaa
deeqdaada Inaan ku helo
damiir xalan baan rabaa
deynkaaga inaan ku gudo755
Rabbow ifka nooga door
dedaalkana noo rumee
Rabbow danbbe noo ogow
wixii tegey duudsi yeel
Rabbow dunidaada weyn760
dabaylo fayow ku xeer
intii dulin baas dhex taal
Rabbow digo xaadh ku fiiq
Rabbow magac dawladeed
intaan dugsan layn yiqiin765
Rabow dumi waa hungee
distuurrada baadilka ah
intaan xaqa daafacayn
ka reeb dambas waab dhex yaal
Rabbow dalka kaanu nahay770
intii degel muumin yaal
wanaag ku dallaallimee
Islaamka kusoo dabbaal
waxay ku dulloobayaan
Dijaallada soo if baxay775
qof deymo leh haw shidhayn
Haweenkuna waa duggaal
deeqdaada badh bay yihiin
waxaa lagu daaqayaa
siday u dul leeyihiin780
shar daalacan baa jiree
iyagu dedan bay dhasheen
dunuubta ninkay badhxaan
Rabbow ducadayda sii
samaa dumar noogu dhiib785
raggana dummaddooda saar
waxay dumiyeen Rabbow
haddaanay xumaanta deyn
Rabbow dalandoolka dhow
shil noo dihin maalintaas790
Rabbow naga sii dabool
hortaadana noo dalee
degaankana nooga yeel
daryeelku halkuu Run yahay
haddaanay dir sooc lahayn795
falkaagu u daw bannayn
cibaadadu waa ku daal
Badbaado qof doonayow
kashaada dareen ku beer
dareenka samaa ku beer800
indhaha dib u soo Muslimi
Illaahay dartiis ku eeg
daliilka hortaada yaal
| Maanso midabbo badan | AWAALTIRIS |
| Maanso qurxoon | HEEGO MUUQDHEER |
| Baroordiiq | GALAAL |
| Maanso murtiysan | GUDGUDE |

DHAMMAAD
Qormo: "DABAHUWAN"
Wq Abwaan Hadraawi
Faafin: Wayeel | Hakisbila, Maarso 19, 2010
Faafin:


