
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto.
Dhegeyso maansadan toolmoon!
Googga libaaxow
gaaddadaada dhiigyio
xinjiraha galsheystee
gaasheeyay laabtiyo
gacammada da'aayiyo05
waa maxay galdhiidhigu
yaa fallaadha kugu ganay?
Waa maxay gabiibtiyo
gegidiyo dabayshiyo
dhaxanta iyo gawraha10
gabayooxa dhacayaa
geriyaadkan ma adaa
gawdiida keligaa?
Wuxuu yidhi, "Gabboodkiyo
hadh galbeedka ii jiid15
soo gaabi toyoshada
hadalka na i gees mari
goobta na wax weydii."
"Waxaan idhi gubtahanyada
maxaad uga gol leedahay? 20
Wuxuu yidhi, "Miyaan gaban
wixii ila gudboonaa
ma anigaa gaabsiyay
gudan waayay taydii
mise gumaradaydiyo25
giddii Habar Dugaag baa
libta geesigoodiyo
tira guulihiisoo
gantaday u siibaan
geekay hadhsanayaa?" 30
Waxaan idhi, "Miyaad garan?
waxa goobtan kugu furay?
Wuxuu yidhi, "Guddoonsaday
saymaha go'doonka ah
gocoshaa se igu maqan."35
Waaan idhi, "Ka soo gudub
gooraanka taahoo
ka gadaal sarbeebtaas;
warka aan Galaalow[1]
goosgoos ka dhigannoo40
sii gaasabixinnee
guulguulka kugu dhacay
haddaad moodday gaadmiyo
kamma' uu wed geystiyo
wax ka yimi garaadl'i45
gaban iyo falaadkii
haawey is guratiyo
nacab iyo giniis iyo
hadhadii gumeystiyo
intii gaalku reebaa50
shilka wada gorfeysoo
nabarrada ku gaadhiyo
gawlgawlka xagashada
waa laguu guddoonshee
haddaad geesi leedahay55
maxaa laygu gaasiray?
Garta anigu maan niqin
talada na wax kama goyn
godobta na wax kuma lihi."
"Anaa goobta joogoo60
waxa dhacay guntaayee
kuma gabin bahdaadii
bulshadaadi kuma goyn."
"Geeridaada sawtii
gobollada dalkoo idil65
dadku wada gadoodee
la gilgilay fallaagada."
"Waxa Deeqa lagu galay[2]
ama gaadhay awgaa
ma og tahay Galaalow70
gabadhaada sawtii
gooheeda yeedhiyo
guubaabadeedii
galowgii ku sare kacay.
Gabadhaadu sawtii75
garbasaarta xoortee
ganbadii ka carartee
marta sare u guratee
saqda dhexe gadoodiga
gacandhiigleyaashii80
ku garaacday aqallada."
"Sawtii la gawdhshee
seefaha gardiidka ah
galka lagala soo baxay."
"Gabadhaadu sawtii
gumucyada rasaasta ah85
warankiyo gamuunkii
hadh cad lagugu soo ganay
u daruurtay gaashaan."
"Gabadhaadu sawtii
iyadoon Galaalow90
u gargaariddaadiyo
gurmadkaaga mooyee
gef kaleeto loo hayn
garka lagu maquunshee
xilka laga guddoontee95
cidla' lagu galaaftee
lagu goobtay keligeed."
"Gabadhaada sawtii
ilmadii ka gabax tidhi
naxashkaad Galaalow100
gudihiisa jiiftiyo
kafantii ku gobo' tidhi."
"Hibashada guhuuddiyo
gedgeddoonka ciilkiyo
goroddaad luleysaa105
kugu gooni maahee
waxa kula gudboon taas
gobannimada ciirtiyo
qarannimada guurtiyo
himilada gablooshiyo110
danta gebidhacleysiyo
runta galagalcowdoo
gebageba is dhaafiyo
guri laga baroortiyo
naf gunaanad weydiyo115
guurti caynwareegtiyo
gebi ruqa sidaadiyo
immisaa gulcubo dhacay?
Geeskeennu Muusow
immisuu gurracan iyo120
gudcur soo hawaariyo
gabbaldumay u taagnaa?"
"Haddaad geesi leedahay
ma la ii abaalgudo?
Horta yaa Galaalow125
geesoole geel baray?"
"Goormaad ogsoonayd
gocosadiyo maadhoo
gubad qudha ku wada yaal
goormaad ogsoonayd130
dawac gooddii joogiyo
wan baruuri goobtoo
gacalnimo ku wada nool?"
"Goormaad ogsoonayd
gendigiyo dhukaankiyo135
guudaanka cudurkiyo
gawracato raacdoo
geel bukooday lagu dhayo?"
"Goormaad ogsoonayd
faras gedaha duullaaan140
gurmashada ku caanbaxay
iyo geeddigii dheer
baqal aan geyoonoo
guluf qudha lu wada jira?"
Goormaad ogsoonayd145
goonbaarta dumarkoo
gaarida haweenka ah
garabsiisa Muusow?"
Goormaad ogsoonayd
giiryaale fulaygoo150
weheshada nin geesi ah?"
"Ma og tahay Galaalow
waxa lagugu gaasiray
goldaloolo maahee
waa geyfanaantii
gudashada xilkaagoo155
guumeys masayrtoo
gumartyio dharkeenkiyo
garaska iyo boocdiyo
gocondhada wax saydhiyo
gommoshaaga jeceloo160
dhebigiyo galoolkiyo
gobka iyo madheedhkiyo
inta geed san neceboo
dhirta gaara ximisaa
kugu soo galgalatee165
ha ka guban tummaatida
hana gocan Abwaankow
haw dudin Galaalow
dhidar meydka daba gura."
"Galab qudha nin noolaa170
galabtii na Muusow
gashi iyo dadkiisii
gacmo qaawan kala tegay
wuxuu galabsadaa yaal
murugada gadhoodhka ah175
ninkii gaaxsadaa shuban."
"Godku wuxuu canaantaa
ama gogol ku ciilaa
go'a qudha ka diirtaa
ama badi guhaadshaa180
hadba giir u kiciyaa
gaafaha ka laastaa
geesaha ku feedhaa
gibilkooda loogaa
gungumaha ku sooraa185
giiryaalayaashoo
goblan baa xijaabtee
miyuu geesi hoydaa?
garashadu wed leedahay?
Damalyohow gardheystee190
laamaha gandoodiyo
hoobanta ganacda leh
guudkiisa saaree
dabadeed gilgilashada
garangarinta laafyaha195
galayaxda casuusta ah
gaankiisa hoosiyo
inta gaararkiisiyo
gartallawga buuxshee
dhulka wada guduudoow200
gedo iyo fac labada ba
ummad kala gu' weynoo
galab nool ba joogtaa
midhahaaga guratoo
nin gardaadshay maamuus205
ummaddisa guuliyo
gallad waarta kaga tegay
gebigeed adduunyada
afarteeda geesood
si kastaw galabaxay210
geyigoo dhan joogoo
guryahoo dhan yaallaa
miyuu geeri leeyahay?
hilbihiisa goodkiyo
dulun gaajo haysiyo215
miyay ciiddu geydaa?
Ha la gabo xilkaagee
horta yaa Galaalow
magacaaga gadi kara?
guulahaaga qarin kara?220
kutubtaada gubi kara
Goodaaddo la hantiyo
inta gaabinaysee
dadka gawsdambeedkiyo
gabbashada ku laysiyo225
fule lagu gabraartaa
golxobbada ha ramiyeen
ninka raga ha gaadeen.
Reer guuraraaciyo
inta golongol Muusow230
is gamaarineysaa
filanwaa ha geysteen
gamasyada shirqoolka ah
ha la soo gurguurteen
nin gurrani ha kula dhaco235
afgammuurta liicdiyo
rawisaha galoofta ah
taariikhdu waa guun
qorrax aan gaboobeyn
ma gedmaan ayaamuhu240
giiryaale weligii
ha gilgilo salkaadee
gondahaaga hoosuu
ku gataati ciiree
aaway ina Galaalow?245
gudintii ku jari layd?
Ummad goba hankeediyo
gunnadii dadkaagiyo
gaadh baa ku wehelshee
miyuu kaa gol roon yahay?250
guuguule kugu ciyay?
Nin kastaa ha gooddiyo
gocorradu ha doobyeen
godadliyo hinaasha
waxaad kaga gam'aysaa255
runtu waa Galaalow
murti garangarteediyo
goobaha tixraaca leh
haddii maanso loo guro
guddigeeda khaaska ah260
golajoogga maantaas
adigaa guddoonshe ah.
Suugaanta guunka ah
afgobaadsigeediyo
gaalgaalka jiiftada265
godka hogatusaalaha
ninka gawda baanaha
gaawaha hayaad tahay.
Hawraar gahaydhiyo
maahmaah go' xidhatiyo270
gololada sarbeebta ah
halka ay ku gorortiyo
godaniyo ishaad tahay.
Geeraarka kahadalkii
gabay iyo abtirintii275
jirridiyo guntaad tahay.
Gaadiidka dhaqankiyo
gurguurshaaga heesaha
garka lagu daleeyiyo
gibishiyo figtaad tahay.280
Goobaha aftahamada
guga doogsinkiisiyo
gudgudaa hillaaciyo
guulaamo cartiyo
galal buuxsamaad tahay.285
Gudcurkiyo habeenkii
saadaasha guudkiyo
godadkiyo xiddigiska na
dayaxoo galshaystiyo
gabbalaha cirkaad tahay.290
Gebagebada sheekada
hambalyada Galaalow
waxaan kugu galbinayaa
martisoorka gacalkiyo
geenyadii abaalkiyo295
mahad aan gaboobeyn.
Guntigaaga waa sharaf
goonyahaaga waa nuur
gogoshaadu waa nabad
guusha na dadkays ka leh300
dalka geesigiisiyo
galladda na adaa mudan.
[1] Muuse Xaaji Ismaaciil asii ku magacdheeraa: “Muuse Galaal”; waxa uu ku dhashay degmada Cayn, Gobolka Togdheer ( q. 1920 ). Isaga oo loo waday si dalka Talyaaniga loogu soo daweeyo, ayuu 1980kii ku geeriyoodey gegida dayuuradaha ee magaalada Jidda, Boqortooyoda Sucuudiga. Muuse Galaal waxa uu ahaa qoraa, abwaan, iyo Oday aad ugu xeel dheer dhaqanka Soomaalida ( wikipedia.org ).
[2] Deeqa Jaamac Jibriil, Madaxa Akadeemiyada Cilmiga iyo Suugaanta.

Baroordiiq…
Sidee Loo Akhrin Awaaltiris? |
DHULGARIIR |
GUDGUDE |
HEEGO MUUQDHEER |
Qormo: "Galaal"
Wq Abwaan Hadraawi, Maxamed Ibraahim Warsame
Faafin: Wayeel | Koodaar, Abriil 14, 2010
Faafin:


