Hadrwaawi

"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga ).

"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto..


Ku dhegeyso: codka Hadraawi!

    Gedgedoonka maankiyo qalbiga gocasho soo boodka
    Xaajada garlayliga jartiyo gun-u-saluugayga
    Gibladiyo mashxaraddayda iyo farax la goohayga
    Gandoodkayga taahayga iyo goobo xaradhkayga

    Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo guluf alooskayga5
    Gama'li'ida reenkayga iyo jiif galgaladkayga
    Goobyaalka cagajiidka iyo meelkagabargaalka
    Gucla orodka seeraarka iyo geyllan dirirkayga
    Haddaan geestan eegana cabsida gaarkay igu raaran
    Gabranaanta qoollaalligiyo mala gorfayntayda10

    Gadoobnaanta yeelkayga iyo kala gantoobnaanta
    Garab lida soodhkayga iyo gooninnimadayda
    Goofkiyo xabaalaha shixnadan godadka buuxbuuxa
    Cagta go'an lugaa iyo gacmaha gabawar duugoobey
    Naafada garbaha kaashatee sumucu gaagaabshey15
    Geerida shinkeed dhaaftay iyo Guri dambayskayga
    Goodaadsigaygiyo hiyiga garar tallawgiisa

    Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn geydha kugu yeedhye
    Garasow anaa kula hadlee gacalkayow heedhe
    Nafta gororaheediyo haddii galowda lays taabto20
    Geesteyda waafule ninkii goob ka saahidaye
    Guddoon dhacayna waa doqon ninkii gaar u faashadaye
    Guri ba'ayna waa cadow ninkii raarta sii guraye
    Gobannimana waa quus ninkii gawska dhaafsadaye

    Ummad geeska loo tumay habeen gocasho soo jeeddo25
    Haddii aan tashiga loo golayn amase gaashaanka
    Fallaadhiyo gabooyaha haddaan godobta loo taaban
    Iyadoo gadoodiya hadday fadal garmaammayso
    Hadba nabar gataatiya hadday gebi dhac tuuryayso
    Galladdeeda oo dhow hadday gaadhi kari weydo30
    Inta gudashadeed tahay hadday geysan kari weydo
    Iyadoon garaysnayn haddii gacantu ay daasho

    Gamaarshaa ku dhaca amase way gabax tidhaahdaaye
    Gabbashay liqdaa amase way gamashi luuddaaye
    Way kala guddaa amase way kala go'doontaaye35
    Ways gawdhisaa amase way feedha gurantaaye
    Guushay nacdaa amase way gubasho oydaaye
    Inkastoo guddoonkii burburay loo gudcura joogey
    Inkastoo go'aankii dulliga geesinnimo diiddey

    Inkastoo giyigu waa xormee gaadhka lagu meershe40
    Inkastuu gaggaabkii cuslaa garangar duul duulay
    Xaajada godraaca leh haddii loo gabbala eego
    Sida ay u kala geysan tahay way gun dheertahaye
    Kol haddaan garaad lagala hadhin galabba sheeggeeda
    Inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weliye45
    Gashigayga way dhaqanyihiin gaasaskii qabaye

    Weli gaaf dugsoon bay hurdaan ganacya weyntiiye

    Dibjirkii gidaarrada hurdaa laysu soo guraye
    Gebegebe rag lagu keenay baa layga gadayaaye
    Erey gara haddii loola tago godol ma waayeene50
    Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa guuldarrada taalle
    Lafa gerina wayjebin lahayd maalin gudeheede
    Gobanimana way dhalin lahayd loo gudboonyahaye
    Gacalnimana way hubin lahayd aan la goyn karine

    Weli gumucu meel baydhsan buu gawda ku hayaaye55
    Gariirkaad maqlaysaan ka dhow goobahaan rabaye
    Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay waana gudayaaye
    Garar loo maleeguu ku ridey guura socodkiiye
    Guudkeedu waa wada fin iyo gaatir iyo booge
    Hadday goolibaadh tahay waxaa gabay raggeediiye60
    Guyaal iyo guyaal bay rarteen gocorro shaydaane
    Iyadoon goblamin baa haddana geelo loo hadhaye
    Goldalooladeedaa ka badan galalka ciideede

    Gelin looma wada sheegi karo xaajo geda weyne
    Gawdiidka iyo quusta waa lagu gumoobaaye65
    Mar haddaan hillaab lagu gudbayn giriftan mooyaane
    Gabgabteedu waa xubin intay gawrac leedahaye
    Geeddiga cagaa daaliyaa lagu geyoodaaye
    Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye
    Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye70
    Gargaraaciddeediyo ha deyn geed ka didinteeda
    Garashadu hadday ruux la tahay suu u garanaayo
    Garaadkiisu suu qabo haddii loola garan waayo
    Gardarruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiise

    Xaajadu markay gobo'da iyo gawda culus joogto75
    Keligii nin gaashaantay wuu gola ka fuulaaye
    Gadaashiisa uun baa durbaan laga garaacaaye
    Labadiisa geesood ma jiro ruux ku gelayaaye
    Arrin lalama guulee warkuu gura yidhaahdaaye
    Dadka wuxu u gacan haadiyaa qof iyo gaarkiise80

    Gendi iyo dhukaan buu qabaa cudurro guumeede
    Gogol wuu ku shaashoonayaa loo gudboonyahaye
    Sida goray fallaagoobey buu Gooni joogyahaye
    Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey tiisa uga guuro
    Xil uun buu guddoontaye ka baydh gudashadiisiiye85
    Ka galgaley habaarqabe halkuu gool ku cuno weyne
    Nin hadduu tashiga guuto faran keli ganaanaysto
    Gaaraayucuuntiyo shinnida gurucya dhaadheerta

    Giiryaalayaashiyo fulaa laguma guuraanka
    Gumarta iyo maajeenta iyo geedxunkiyo tuugga90
    Gungunnaafka iyo maarta iyo gocorka aan quudhin

    Kun ninoo guraangura hadduu goob isugu keeno
    Guufkiyo haddii hooda iyo giniga loo qaybsho
    Dadka kale intii gudan haddii gararka loo jiido
    Ninka gaaban meel dhow haddii looga gedasheegto95
    Guubaabadeedii haddii loogu godadleeyo

    Hadallada galoofta ah haddii loogu mala gaaxsho
    Guryo-noqoshadeedii haddii lagu gawaanraacsho
    abbaldaye sidiisii hadday laba gar daymooto
    Shimbiraha gabraartiyo hadday galow wax weydiiso100
    Kol hadday galaydh soo kallahay laabta uga guuxdo
    Garba-raar cadhaysani hadduu gooyo taladeeda
    Guulkeedu dheeraa sidii geenyadii Bixine

    Weligeed fal baa loo guntaa lagu guhaamaaye
    Mar uun bay gadooddaa siday gees lo'aad tahaye105
    Galab xiisaheedaa wakhtigu kaga gaboobaaye
    Ninuun baa ku guuree iyada geeddi waw weliye
    Marka wiil ku guro Naarta iyo godadka Yaahuuda
    Ayay kii Jannada geyn lahaa dayasho goobtaaye
    Marka uu galaa buu iyaga guba yidhaahdaaye110

    Markay raar guraysaba nin bay gudub tidhaahdaaye
    Gabno ugubi way quusisaa gaawe Cumarow e
    Garabdaar ninkii lagu bokhraa geedad sare waabye
    Garmaqaatayaashiyo dadkaa beera ruux gudhane
    Ganbo nimaan la soo bixin haddii guulo lagu waabo
    Markuu dhaawac geystaba haddii loo gargarateeyo115
    Isagoo canaan lagu gudbiyo gaarran filanaaya
    Giblo iyo haddii sacabbo lulan loogu gogolxaadho
    Keligii inuu guurti yahay maalintaa gunudye

    Marka uu gadaan iyo gadaan Gacantogaaleeyo
    Ayuun buu waxaan ganac lahayn sii gorgoriyaaye120
    Seetada nin goostaba wuxuu geesto lala yaab e
    Mar hadduu tallaabada gurguro gaatan iyo booddo
    Dhaaxaa gadaal laysla tebey wiil galbaday jeere
    Toojaba waxaa lagu godlaa say u gaar tahaye
    Gurranidu mar waa dhalasho iyo gacanba qaabkeede125

    Marna waa calool garac siddiyo xaal ku soo gala'e
    Kol haddaanay maankaaga gadin talana kaa geynin
    Gurracnaanta qiil lagu saxoo loo gudbaa jira'e
    Gudboonaantu way daalisaa ruuxa meel gurane
    Nin hadduu go'aankiyo sharciga gawrac ugu jiido130
    Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi furan keeno
    Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero
    Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan

    Runta wuxu u guulguulayaa way gun-dheer tahaye
    Goldaloolo qudha maaha iyo goonnidaa taliye135
    Gedaan loo filayn baa jirtiyo Geelladaaq kale'e
    Hadba geed-is-maris baa u hadha guul dad leeyahaye
    Miyaan Geeddi Baabbow arladu gelina waayeynin?
    Gole miiggan geed sheegan iyo garangar muunaysan
    Gudban iyo cod laba geesa iyo guurti kala soorta140
    Garnaqsiga mudducigoo tashiga gooni uga showrey
    Geda labe maddaacaley hadloo dhaabad Wan geystey
    kala gurasho meertiyo rogaal la isla guur guurey
    Maahmaaho wada guuna iyo gabayo raac raacay
    Guddoon dhacay hubaal iyo go'aan layku gacan qaaday145
    shan god oo murtidu leedihiyo gororka suugaanta
    Gedda hadalka loo ruga geshiyo marin gobaadeed dheh
    Gobannimadu waa libin ku taxan geeddi nololeed e

    Waa gumaro aadmigu hantiyo guusha ugu weyne
    Guddoonkeedu waa faral siyaal loo gafaa firine150
    Geduun buu ka leeyahay khalqigu maalintuu gado'e
    Marka uu gabaabsiyo xilliga laga gu'weynaadey
    Ayuun baa ninkii gudan karaa dhan ugu guuraaye
    Qabyadeedu waa guun intay gaadho weligeede

    Galab noolba ooddeedu waa gudinta-loo-haay e155
    Nin gufeeya mooyiye ma jirin ruux gunaanadaye
    Gelbiskeeda oo qudha hadduu tacabku kuu gooyo
    Adigoo gadaashaday hadday guure kugu dhaafto
    Gommodkiyo yaboohdeedu way goora badataaye
    Haddii aan gantada loo adkayn amase gaafaanta160

    Guddo iyo waxay yeelataa gulufo shaydaane
    Gaadaa dhexdeedaba ka kaca maalin gelinkeede
    Gacmaa lagu xejaa amase way galab dhaqaaqdaqye
    Waa lagu gam'aa amase way geeri badisaaye
    Gob baa lagu noqdaa amase waa lagu gumoobaaye165
    Garan maayo maalmaha intuu soor gad leeyahaye

    Mar hadduu gidaad bahal qabaa gaajo kula ciiro
    Gujo-dhaadhigeediyo hadduu taabo gorofkeeda
    axba kama go'aan ruux ku shubay xeedho gudaheede
    Hadduu gaar u maamulo qof waa geel nin leeyahaye170
    Inkastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo
    Meel loo gun-raaciyo haddaan gogol dhig loo yeelin
    Mar haddaan garaad loo lahayn wayska gubataaye
    Geedkeed ba'waa sixir haddaan garasho hilayne

    Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo waa lafguri taalle175
    Gunti-furey nin caashaqay haddii guudka loo sudho'e
    Galacdeeda uun baa indhuhu golongol eegaane
    Giniis iyo hadday kala dhaxlaan Gaar-la-ababkiisu
    Waa maro gargaranoo adhyaha lagu gabraartaaye
    Mar hadduu waraabuhu gashado Giiro waa halise180
    Iyadoo gashaantiya sidii Loola gogol dhaafay

    Guurkeedu tuuguu ahaa Gaabsi iyo beene
    Iyadoo garoobiyo markay Guudka fidhanaysay
    Inanuu gumaystuhu dhalaa Gaadhka ka ahaaye
    Gaboowgeeda way doonantahay gedaha waayeele185
    marka ay geyaan sheelataa garacu yeeshaaye
    Hadba wiil is gaalaynayaa loo gu'tiriyaaye

    Nin dharaar wuxuun laga guntay guushu jamataaye
    Gobannimadu ruux kuma xidhniyo Giib ninkii dilaye
    Agaabaynta maalmaha gudbiyo galaha taariikhda190
    Gadood dhacayba sheekuu lahaa geyfan iyo raade
    Ganba-xoorka waayaha haddii laysu minan guursho
    Dad uun baa ma guurtada lahaa goobihii baxaye
    Gurgurshaagu awr buu ka yahay rarasho gaadiide

    Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay geylan wadareede195
    Nin uun baa guddoonsha'e xil waa laysu gororshaa e
    Galladduna waxay saaran tahay wax isu geygeyne
    Inkastuu wax galo ama wax gudo ama wax weyn gooyo
    Inkastuu galool mudhay ka yahay dhiraha gaagaaban
    Hadduu geel abuuriyo hadduu gaas cartama beero200

    Inta ruux wax gaadhsiin karaa way gun dhowdahaye
    Noloshana galgalaheeda iyo gebi ahaanteeda
    Waxaan geesi karin baa jiroon gaar ninawfaline
    Xaajaba gan baa loo unkaa talaba waa goore
    Ummadyahay tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso205
    Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo saartay garabkiisa
    Kol hadduu dharaar goonya kulul kaa gelgelin doontay
    Waxaad galabsatuun baa jiree gaado kale yeelo

    Ninkii aan gondaha kaala dhayin gololo hawsheeda
    Gardaadkaaga yuu baran inaan taada lagu gaadhin210
    Hadday gibili kaa saarantahay gocomo hooseeya
    Waxaan geedna kaa qarin indhuhu yay ka gabargaalin
    Hadba soo gadaal eeg ninkaad gadato hiilkiisa
    Gol dalooladaaduu nin ogi galagalaystaaye

    Aduun bayse kaa go'an yihiin maalmahays guraye215
    Godan baa la yeeshaa xadhkaha haysku wada giijin
    Geyigiisa wiilkaan ahayn gibilka mooyaane
    Gun-dhigiisu meel kaa fog buu geed ku leeyahaye
    Si aad uga go'daba ruux ku neceb gaarar kala yeesha
    Guushaada waa lala jiraa gees ha ka ahaannin220
    Godobtaada meelee intaan gacantu kaa boobin
    Gacalnimada noolee intaan gocasho kaa oodin

    Guddoonkaaga reeree markay kula gudboonaato
    Gamaaddaada muunee haddaad geeri huri weydo
    Guntashana xusuusnow waxaad godolba soo joogtey225
    Gurgurshaana haw raran nimaan gudasho kuu doorin
    Garashana ogsoonow inay xaaja badan goyso
    geeraarku waa sude hadduu kuu ged bixi waayo
    Adba goor is weydii intuu gabaygu kaa dhaafo
    Cir gadoodey dirir gaamur da'ay galayax waalaystay230
    Onkodkoo gariirkii ka baxay galowgu yaab yaabay
    Guulaamo sawsaba kortiyo dhibic garaaraysay
    Guluuluco mareegeysey iyo gabadhle miish-miishtay
    Fad godladey mahiigaan dhex galay mayay ku soo gaadhey
    Waqal gaaftey jarar soo gabradey gebiyo soo ciiray235
    Gibil bururtay gale foos burburay galangal leexastay
    Gurdan baxay xareed gala1jabtiyo godanno midaystay
    Dadka oo intuu nabad gogladey godob la'aan toosay
    Qorraxdoo garayskiyo martii gees isaga xoortay

    Dayaxoo intuu gaadh ka degey gacalo muunsooday240
    Tigaaddoo ganbada uunsatoo shidatay geed saaqa
    Marka geela laantiisa dheer gabantu soo reebto
    Guryahoo haleelada sidkani gaabis ka fooftay
    Marka gorarka naasaha fatahay goba'da deyn weydo
    Galabuu kulaylkii ka jabay gubayey jeedaalka245
    Qorraxdoo gollaha kuulatood gaari wacan mooddo

    Gaaraabidhaankiyo markay taranto goobaantu
    Caweys ay gabdhuhu boodayaan golaha saarreyda
    Dayaxoo galshada meersadood geesi ba'an mooddo
    Xilligay gammaankiyo ifaan quruxda gaarreydu
    Dhulka oo galaaluhu simeen gun iyo baarkiisa250
    Cosobkoo golxada fooraroo laba gardhaalaystay
    Qorraxdoo gelgelimaysatoo goroddu laallaaddo

    dayaxoo goyaal wada cas iyo shaal galgala qaatay
    gu'xasilay gudgudayaal habsadey adhaxda Gaaroodi
    Marka awrku goojada ka simo gaasabaxa dhaartay255
    Qorraxoo guduud lagu bokhroo meel garba ah saaran
    Dayaxoo intuu garab la baxay gooddi uga muuqda
    Gararkiyo taraaraha madow Kala geddoonkooda
    Gabbal ururay waa soo gurguray labada worood dheh
    Ged ninkii ogaadaba shillale guuto loo wacaye260

    Inta aan garwaaqsaday intaan garasho diidaayo
    Inta laygu gaad gaadayaa iiga geed ba'ane
    Cishaday gabnowdiyo intay gelinba heerjoogtey
    Girif-giriftu way igu badnayd gu'iyo jiilaale
    Inaan gaabsho mooyiye cishana tayda maan gabine265
    Galka seefta kuma haysan jirin maalin gulufeede
    Misna geeladay gocoraday iiga gaws kulule

    Goonbaartu eelkay dhigtaba gaari baw xidhane
    Godobteedu waxay saarantahay meelo aan geyine
    God markaan daboolaba far baa laygu godayaaye270
    Nin gefaaba lay tirinayaa garasho waa yaabe
    Waxan ahay nin lagu saan gatoon raadba soo geline
    Garraantayda qaar iyo lag iyo gaasas baa necebe
    Gabbashayda duul iyo badh iyo goosan baan rabine
    Haddaan gaasho yeeshana dar bay gawl la leedahaye275
    Hadba waxaan ku guul seegayaa lama garaystaane

    Garbaduub waxaan ugu xidhnahay maan gurracaneede
    Inaan geenyo buubsaday haddii guuxu welijoogo
    Gadaal baaba lay eegayaa gool tirsaa jira'e
    Ummadyahay dib uma guuri karo gooshkan maanta ahe280
    Gosha hooyo waa laga koraa goodir kay tahaye
    Gashi baxana waa lagu dayaa geed ka hadalkiiye
    Hadday gudubto yeedhaydu waa sheeko ii gadane
    Geyigaygu waa kow intuu waajib ii galo'e

    Dhulka kale intaan gaadhi karo waw gol leeyahaye285
    Adduunyada go'doon kagamajiro garangar loo yaalle
    Garaadkaygu waa dhaafsan yahay xaajo goboleede
    Dareenkaygu gooddiga sibuu ii gilgilayaaye
    Guhaad iyo canaan buu hiyigu ii gabee yahaye
    Inta garasho ii meel la'dahay tayda maan gudane290
    Hadba waxan galiilyoonayaa goobo lay tebaye
    Asaaggay wuxuu galo ayaan anigu gooyaaye
    Anigiyo kuwii lagu goblamay waa gudboonnahaye
    Qayrkay intuu guul suntaday gooni iifarane

    Nin kastoo ganbadu saarantahay dunida guudkeeda295
    Gurmadkayga waw baahanyahay ruux la gaasiraye
    Taydana ninkii igu guntadey waw gar leeyahaye
    Marba gooha dhiillada halkii igu galoollaata
    Karaankayga waan geyn intaan geeri moogahay
    Waxa ina rag ii guulayaa tiisa gaarka ahe300

    Anna waxaan go'aansaday inaan lay gaboodfaline
    Garawshiiyo jeeraan ka helo gaanka dunidayda
    Jeeraan galaa baxo arlada gooddi iyo gooddi
    Jeeraan gufaacada ku tago meelo geriyaada
    Gaaliyo Islaamkaba ilaa taydu wada gaadho305
    Barigiyo Galbeedkaba ilaa laygu gacan qaado
    Gurey iyo Islow iyo Hurrow gabaygu waa beene

    Godadleysan maayee tashiga waan guddoonsadaye
    Waxba yaan indhaha laygu gubin gaabsi ma aqaanne
    Gudcur laga tallaabsaday ilays baadi lagu goobtay310
    Gamas iishay gaashaan burburay gawrac laga maarmay
    Dunidoo giblada iidsanoo gacal walaalowdey
    Gudboonaanta xeerkeeda iyo garasho nuurkeed dheh

DHAMMAAD

Maansooyin kale

    DHULGARIIR
    AWAALTIRIS
    HEEGO MUUQDHEER
    GALAAL
    GUDGUDE

Qormo: "GUDGUDE"
Wq Abwaan HadraawiDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin: Wayeel | Koobin, Abriil 11, 2010


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Sunday, April 11, 2010  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYS



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates