Hadrwaawi

"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga ).

"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto..


Ku dhegeyso codka Abwaan Hadraawi"

    SAAXIIBKAYOW heedhe
    Safar baan ka imi dheere
    Marka hore salaan diirrran
    Marka xiga samow heedhe
    Ha ka nixin si-dalagtayda5
    Sacab faramadhnaantayda
    Suugaanta yaabkeeda
    Salka iyo fadhaa keena
    Marka xiga sugnaanteeda
    Socodkiyo falkaa sheega10
    Xeerkeedu waa saase.

    Saaxiibkayow heedhe
    Anba saaka qaybteeda
    Sirsirraan ka joogaaye
    Xadhiggiyo bal eeg suunka15
    Iyo sabarka gaadiidey
    Iyo salabka ii qaaran
    Iyo suudha guudkayga

    Sullaygiyo waxaan saabka
    U gilgiley Samaw haanta20
    Subag inay ku dhiiqdaaye
    Saasay ku badisaaye
    Sannad weliba xeeshiiye
    Kol hadday silloonaato
    Samaheedu waa dhiige25
    Sumuc talada loo dhiibye
    Sida sida sidaas weeye
    Si la yeeli jirey weeye

    Marka xiga Samaw heedhe
    Talo sibiq dhaqaaqeeda30
    Soofdaranhabawgeeda
    Salfudaydka hooggiisa
    Bal sallaankan fuul laalan
    Iyo sagabtan heensaysan
    Dhulka saas u jeedaali35
    Sidan iyo sidaas fiiri
    Sidan iyo gadaal dheeho

    Raqda solan lafaa soogan
    Bal su'aal u celi meydkan
    Sababtuu u go'ay raadi40
    Bal dhegeyso saylaanka
    Iyo salowga beerqaadka
    Iyo sebiga yeedhiisa
    Waxaad aragtay oo saasa
    Waxaad maqashayoo saasa45
    Maxaad odhan lahayd Suudi?

    Samalaho furfuriddooda
    Godka seermaweydaanka
    Marka ay sabbuux gaadho
    Si kalaan u dhigi taase50
    Saaxiibkay Waayaale
    Suurtuu dhalaay heedhe
    Heedhee Sahraay heedhe.
    Waxaan adiga kuu saantay
    Dadka kaaga soo soocay55
    Sahra kuugu yeedhyeedhay
    Siduu aabbahaa heedhe
    Samo ii faraan heedhe
    Kuu siinayaa heedhe
    Sooyaalka taariikhdu60
    Iyadaan salguurayne
    Murtidaan Sahraay heedhe
    Sadar kuugu qorayaaye
    Heedhee Sahraay heedhe
    Curad suubbaneey heedhe65
    Summadii Rashiid yeelo
    Iyo weynidii Saado
    Iyo sawracii hooyo
    Sinjigii hablaa geeska

    Subaxdii indhaa kuulo70
    Tintu saqafta yay waayin
    Iyo diibka loo saaro
    Subko oo xayaabayso
    Korka siigo yey taaban
    Ku illaali saabuunta75

    Dharku siifad yuu yeelan
    Suyac iyo bar gaasheysan
    Ku ilaali saahoodka

    Garashadu Sahraay ruuxa
    Sed u gaara weeyaane80
    Hadduu saamigaas yeeshay
    Qurux ma leh saluuggeedu
    Dadku siigga dida maaha
    Sogob iyo ri'weyn maaha
    Sumal iyo laxdiis maaha85
    Rati iyo sabeen maaha
    Falka iyo sugnaantiisa
    Socodkiyo abbaaartiisa
    Dhaqan sida xishoodkiisa
    Dabar iyo silsilad haysa90
    Iyo suun ma dhaafaan ah
    Wuxuu soofka xoolaaba
    Kaga soocan yahay weeye

    Waxan uga socdaa heedhe
    Naftu seeto yey waayin95
    Hana falin sidaad doonto

    Hadalkana sar weedhiisa
    Una saaf qofkii waaya
    Ha ka tegin sarbeebtiisa
    Hana gelin sursuur oodan100
    Hana lumin sargoyntiisa
    Hana liqin sangaabtiisa
    Ha ku saxan badheedhkiisa
    Runta sogordoh haw yeelin
    Ha suldaarin dooddiisa105
    Sisibaa wadaaggiisa
    Sababee abbaartaada
    Hana badin su'aashiisa
    Sarrifkiyo tilmaantiisa
    Saddex erey halkii dooni110
    Soddon yaanay kaa qaadan
    Siddiqabaxi yay raacin
    Sare haw dhigdhigin luuqda
    Gacantana ha saydhsaydhin
    Hana odhan wax sawliila115

    Heedhee Sahraay heedhe
    Sarta hilibka dheehaaga
    Samaydaada dhererkaaga
    Sarajooga muuqaaga
    Sanqaroorka jaahaaga120
    Dahab iyo xariir saran
    Uma baahna saantaadu
    Hadda silis ha xidhan maaha
    Luquntana ha sudhin mahaa
    Waxan uga socdaa heedhe125
    Marka aad sunuud hayso
    Waxa suuq mug weyn yaalla
    Ha la simin kitaab weeye

    Hurdo iyo Sahraay jiifka
    Marka hore sariir raadi130
    Salli iyo furaash dayday
    Saddexdaba hadaad weydo
    Lama seexan kari waayo
    Hadda saantu qodox maaha
    Suugaantu gogol weeye.135

    Ninku qaday Sahraay tiisa
    Hadduu seed liqliqiddeeda
    Ku saruurad goyn waayo
    Subag iyo baruur doono
    Sidu jecelyahaa been ah140

    Dhadhan iyo sibraar kayda
    Sidig caanaheedaa leh
    Badar iy sarreen shiidan
    Iyo sixin ku iidaaman
    Wax la cuno sabiib baa ah145
    Nin samaystay baa faan leh
    Waxaad haysataa saasa ah
    Ka sokow intaan sheegay
    Hadda soortu dacar maaha

    Dharku Saadhi qudha maaha150
    Saylooni garan maaha
    Iyo sabarandaa giiran
    Mana aha surwaal biid ah
    Haddaan saarku kuu diidin
    Saddexqaydu ceeb maaha.155

    Heedhee Sahraay heedhe
    Sar daruuran oo maasa
    Mar Abu Sarmaantiiya
    Dhacle baarka loo seesay
    Boqor wada xiyaakhaysan160
    Sildiyaal jiljila dhiibsan
    Tusbax dhawr sagaal laaba
    Iyo qool sunaar dheehan
    Subeciyad xiddiyo laaf leh
    Adigoo siddeeddaas hal165
    Iyo timaha oo soohan
    Ku darsaday sifaa guudka
    Garashiyo sarriig sheegtay
    Ma qofkaa sitaa jooga.

    Hadda salamadhlow gaabi170
    Ha ku jabin saqlaa waalan
    Sallow ololka hoy jooji
    Ha saloolan xayndaabka
    Ha ku bixin saloognaanta
    Ha sarriiran waayeelka175
    Sakatiga ka daa beesha
    Saha iyo af kala qaadka
    Ha ka nixin hiddaa suubban.

    Gabdhayahow sidee waaye
    Ilbaxnimadu saas maaha180
    Hadba suf karkaro maaha
    Sararaha bannee maaha
    Qorqor suunniyaa maaha
    Dhabanada sibbaaq maaha
    Sanka oo la mudo maaha185
    Sakhrad iyo xashiish maaha
    Sawir iyo riyaaq maaha
    Filin iyo sarcaad maaha
    Saxan reer galbeed maaha
    Kabo sookal dheer maaha190
    Suuriyo durduro maaha
    Salsalaw cid kale maaha
    Qof silloon ku dayo maaha
    Wax sawaaban noqo maaha
    Sinta iyo lafaa duudka195
    Saddex goor jejebi maaha
    Dhaqankaaga saydh maaha
    Soomaali diid maaha
    Sidaad doonto yeel maaha
    Dhulka oon ku sidi waayin200
    Samadoo la koro maaha

    Xilliyada wax saareenka
    Iyo saacadaa reebban
    Sabbadiyo rugtay joogtey
    Gabadh timi ma saalloona205
    Ku salliya Rasuulkiina
    Salka dhiga guryaa seexda.

    Sunsun falan siddaa feyda
    Sati fudud salaan sheegan
    Indha suhub af geed saarrey210
    Hadba surin ka sheekeeya
    Sidan iyo sibaas yeela
    Ereyada saluuuggoo dhan
    Kuma lihid Sahraay meella.

    Sunbo iyo maraadaa leh215
    Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
    Sagan daaqa jiitaa leh
    Inta marinka seegtaa leh
    Waxba aan sugeyn baa leh
    Inta sharafta saydhaa leh220
    Suuraafta maqan baa leh
    Xadhig lama sitaan baa leh
    Saca Faarsa nacay baa leh
    Barni sumal xadkeedaa leh

    Heedhe Sahraay heedhe225
    Suugaantu iib maaha
    Erey iyo sunnee maaha
    Hugun iyo sitaad maaha
    Siddi iyo I daya maaha
    Sadho iyo xajiin maaha230
    Laba saaq ku gado maaha
    Waxan seylad gelin weeye
    Sahdi iyo dareen weeye
    Bulsho saaasaheed weeye
    Samaheeda mudan weeye235
    Sawdkeeda diga weeye
    Sacabkeeda kulul weeeye
    Marna baadi sooc weeye
    Sahan iyo tilmaan weeye
    Dhaxal soo jireen weeye240
    Wax ku saabsan meel weeye
    So'da iyo ka guro dhuuxa.

    Heedhee Sahraay heedhe
    Sirta noloshu xoog maaha
    Dhagar iyo suryee mahaa245
    Surma seegto dedan maaha
    Sibqi iyo hunguri maaha
    Sacab iyo ka leef maaha
    Sukhrad iyo fal xumo maaha
    Hadba seeb u rogo maaha250
    Salfo iyo ku faan maaha
    Damac iyo sandaho maaha
    Derejiyo saldano maaha
    Saro io dhalaal maaha
    Sidan iyo sidaas maaha255
    Hadda sadadu lacag maaha

    Heedhee Sahraay heedhe
    Bulsho saami loo tuurtay
    Shan siyood wax loo yeelay
    Samir inay xigtaan maaha260
    Surka inay dhigtaan maaha
    Sas inay didaan maaha
    Inay suudalaan maaha
    Sardho inay galaan maaha
    Sixir inay dirtaan maaha265
    Inay kala saftaan maaha
    Nin I sugayayow heedhe
    Anigoo ku sugey heedhe
    Maxaad ii sugtaa heedhe?

    Heedhee Sahraay heedhe270
    Marka haaddu socod deyso
    Dhirta sare tukuu fuulo
    Gorayadu sanqadha reebto
    Adna soonka xidho maaha
    Mugdi talada sii maaha275
    Berri iyo siday doonto
    Sug cadceedda maqan maaha
    Saqda dhexe habeen soocan
    Gudcur simay adduunkeenna
    Wax siraata noqo weeye280

    Heedhee Sahraay heedhe
    Saran seerka jiilaalka
    Surbacaadka jaahweynta
    Sumalhaadka roob waaga
    Iyo solanka daaduunka285
    Cirka oo sabaad guurey
    Dhulka oo huwadey siigo
    Iyo dogobbo soogsoogan
    Marka beladu sooyaanto
    Saadaashu beenowdo290
    Saca nuguli kaa leexdo
    Adna sebenka raac maaha

    Inan sabadu duugoobin
    Sayax iyo ugbaad waayin
    Sudda iyo degaankaagu295
    Surmi iyo harraad leeyan
    Ama saacu guurguurin
    Sohda ceelku dheeraannin
    Adaa yeeli kara saasba.

    Heedhee Sahraay heedhe300
    Saxariirka aafaadka
    Saxallada kalmeerkooda
    Sambabkuba col weeyaane
    Marka saymo loo iisho
    Ama soofku jaan qaado305
    Ushu way sabooshaaye
    Ha ku dagan sidsidadkeeda
    Qalinkaa wax suureeya
    Kugu sima halkaad doonto
    Saaxiib kal furan weeye310
    Sunto fara ku hayntiisa
    Weligaa ha sii deynin.
    Sisin iyo ku beer muufo
    Iyo laanta saytuunka
    Ku qotomi sungaan waarta315
    Iyo nabadda seeskeeda
    Samo iyo ku doon heedhe
    Dunidiyo sinnaanteeda
    Ku dawee sawaaceenka
    Iyo siica daacuunka320
    Ku burburi sarbaa mooska
    Iyo soohdimaa meersan
    Ku midee samuud raaca
    Midabada la sooc soocay
    Dadkan tobanka saamood leh325

    Weligaa ha tumin seefo
    Iyo sabaradaa mowdka
    Dar samaysan baa yaalla
    Sancayahan gaboobaa leh
    Sahankaynu diranaa leh330
    Nin sokeeyeheenaa leh
    Ninka sida xilkeennaa leh
    Ka sarjara heddeennaa leh
    Salab ciiddu hayn weydey
    Ninka sudhay xiddigahaa leh335
    Nin sabuul la aayaysto
    Dhulka siib ku ridin baa leh
    Nin Sahraay adduunkeenna
    Sacad gubi karaa haysta
    Ninka sigay kun jeer baa leh340
    Waxa nolosha saameeya
    Sako nimaan ka bixin baa leh
    Nafta saawasaawaysan
    Santi nimaan ku furan baa leh

    Nin aqoonta soorkeeda345
    Sida kale u rogey baa leh
    Ninka sulubka maadhiinka
    Ugu roon saboolkaa leh
    Nin samaa ku adag baa leh
    Sannadkaynu caydhowney350
    Kaynu suus ka weynaa leh
    Naftu waa sir xeel dheere
    Nimaan suubin Karin baa leh
    Wedka qudha sameeyaa leh

    Sulda iyo xanuunkeeda355
    Shalay iyo sadaaddeeda
    Iyo saawihii hoogga
    Naxdintii badh baa suuxsan
    Selelkii badh baa waashay
    Dad sawaaban baa buuxa360
    Dumar waayey saygooda
    Hengashii sidaa muuqda
    Ololkii badh baan seexan
    Sarihii dumaa jiifa
    Qabrigii sinmaa jeexan365
    Waxa saaka joogow ah
    Surrad baa I guud taalla
    Salabkii horaa tuuran
    Samadiyo dhulkaa buuxa
    Baddu waa sakalo miidhan370
    Qalab suruc leh baa laalan
    Sanqadhuhu hub kacay weeye
    Sabarkii dadkaa baahan
    Saantii dadkaa qaawan
    Weli talo ma saalloona375
    Waxa soo socdaa yaab leh
    Wershed suufiyaa daaran
    Waxay soo siddaa geeri
    Midhaheedu waa saymo
    Belo aan fan seeraarka380
    Saxar loo marmaran weeye
    Waxan ahay qof cayn saaban
    Deldelaad u sudhan jeebka.

    Allow yaa wax suureeya
    Salka dunida yaa dhawra385
    Iyo seeska jiriddeeda
    Wacanaa sansaankeedu
    Badanaa sudaaddeedu
    Saxanaa hannaankeedu
    Allow yaan sugnaanteeda390
    Saymiyo u rogin duullan
    Subax noolba dhiig daata
    Xadhig iyo silsilad shiilan
    Allow yaan sinnaanteeda
    Ku beddelin saraar oodan395
    Iyo seere wiil qaytey
    Dadka saran guudkeeda
    Yaan ka dhigin sabool qaawan
    Iyo soobir caydh jooga
    Erey sami wuxuu gooyo400
    Allow yaan ku jarin soodhka
    Garashada ka dhigan seefo.

    Allow yaa su'aashaasi
    Sida ay u tahay yeela.

    Heedhee Sahraay heedhe405
    Dhulka iyo wixii saran
    Sare iyo wixii laalan
    Inta sudan intii seemman
    Waxa jira sir iyo caadba
    Rabbi qudha sax weedhiisa410
    Sida uu ku yidhi buuxi
    Waxa hadhay salka iyo baarka
    Inta sool qarsoon joogta
    Inta seel xidhxidhan jiifta
    Inta saydha waabayda415
    Maroodiga siddaa dheer leh
    Wiyil iyo sahboodkeeda
    Inta laga subxaanaysto
    Kolay tahay libaax sayn leh
    Marka aad Sahraay meel fog420
    Uga suuldhabaaleyso
    Degdeg inay sujuuddaada
    Suxullada dhigtaan weeye.
    Sidashada awooddaasi
    Sahal io wax fudud maaha425
    Qofba waa si garadkiisa.

    Heedhee Sahraay heedhe
    Badda iyo sulaaqeeda
    Iyo buurta saysaaban
    Onkodkiyo sawaxankiisa430
    Salowgiyo jibaadkiisa
    Danabkiyo salsalihiisa
    Sarka dhabanka duufaanka
    Ha ka didin sawaxankooda
    Duni kuu sakhiran weeye435
    Sayid baad u tahay caana
    Suubaali oo layli
    Ku sasabo aqoontaada
    Senge iyo ka dhigo doonni
    Sallo iyo ka dhigo oori440
    Gabadh weeye caad saran
    Badi saayiraadeeda
    Iyo laab salaaxeeda
    Guro saadka guudkeeda
    Iyo sahayda uurkeeda445
    Kordhi noole soorkeeda
    Iyo baahi saarkeeda
    Hubi nabad sugnaanteeda
    Iyo sabo negaanteeda
    Ha ku deyin xannun saaqa450
    Ha ku badin saqaaf ciiddan
    Suluf iyo colaad waarta
    Ha ku saaxin naabaalka
    Iyo sulubka baaruudda
    Ha ku didin sabbeeyaanka455
    Sabareynka boodbooda
    Iyo sukhula naareedka
    Ha la dhicin sawaariikhda
    Iyo saanadaa miiggan
    Ha sumayn macaankeeda460

    Salabaha ha marin doogga
    Ha burburin sansaankeeda
    Quruxdiyo sureerkeeda
    Ha sadhayn hagoogteeda
    Sagalkiyo daruurteeda465
    Ha sukuumin uunkeeda
    Saryankiyo ugaadheeda
    Ha furfurin sindadabkeeda
    Ha ka rogin dul saarkeeda
    Udubbada ha siibsiibin470
    Ha afuufin suurkeeda
    Subax qudha ha duuduubin
    Sakaraadka taaheeda
    Uga xilo samaanteeda
    Sacabkiyo mashxaraddeeda475
    Garashadu mid soofaysa
    Ha ka dhign sadqaynteeda
    Ha ku solo wanaaggeedu
    Ku sin inandumaalkeeda
    Kuwa saadanbee laalan.480

    Heedhee Sahraay heedhe
    Seben tegey xusuustiisa
    Raad raaca Siinleyda
    Socod barashadii doodad
    Saxarliyo abbaarteeda485
    Anigaan wax saaraynin
    Sannad iyo garaadkiisa
    Saadaashu been weeye
    Waxba samir ma liileeyo
    Ha sarwicin qof kaa jeeda490
    Hana sugin nin kaa maarmay
    Hana sigan mar mooyaane.

    Nin ku siray ha faallaynin
    Sababana ha weydiinnin
    Ha u seeta dheeraynin495
    Hana sidin culayskiisa
    Siriq iyo ku qabo baydo
    Hana falin siduu yeelay.

    Nin ku yidhi anaa saasa
    Ha ku odhan sidaas weeye500
    Sida uu ku yidhi heedhe
    Haddii ay siniin weydo
    Ama sarin sanaan weydo
    Waxa furan sidaas maaha

    Qof saluugey maankiisa505
    Ama suufay muuqiisa
    Ka sal kacay xaqiiqdiisa
    Qabku saami ladha maaha

    Nin sitaba bar baa saran
    Ninka sii sitaa jooga510
    Raggannimada sooceeda
    Adigoo sagaal buuxshey
    Hal ku seegay baa yaalla.

    Sogotiga qof tegayaa leh
    Si hadday u dhici weydo515
    Si kalaa u waan waan ah
    Dunidaa sidaas yeesha.
    Sooryana qof yimi baa leh
    Si hadday u noqo weydo
    Si kalaa u waaceen ah520
    Dad horaa sidaad yeelay.

    Nin salaad u kacay oogan
    Sahwi galay xalaaleeye
    Adna sahankan beel loogan
    Ha ka dhigin socdaal baada525

    In halkii sal hayn waayo
    Laga saba rogtaa doora
    In su'aal jawaabteeda leh
    Lala sara kacaa fiican

    Nin ku yidhi sinnaan mayno530
    Adna buri sarrayntiisa
    Sidka waa wadaagtaane
    Ma sagaashan baa tiisu.

    Selelkaba hurdaa keenta
    Haba seexan goor baas leh535
    Han sareedo loo waayey
    In saraayo loo daayo
    Sida aan u idhi weeye
    Bela saacaddeed joogta
    Sabti nabada haw riixin540

    Subax dhalatay caadkeeda
    Ha ka bogan wax saarkeeda
    Adiguba samee maanta
    Berritona sargoo heedhe
    Noloshaba inaad saafto545
    Qaabayso saabkeeda
    Waxaan suura gelin maaha

    Garashiyo sugnaan hoyso
    Falka sami ha kuu raaco
    Mana jiro sed kaa baaqday550
    Ilbaxnimadu saas weeye
    Sirta noloshu taas weeye.

DHAMMAAD

Maansooyin kale

    DHULGARIIR
    AWAALTIRIS
    HEEGO MUUQDHEER
    GALAAL
    GUDGUDE

Qormo: "Sirta Nolosha"
Wq Abwaan HadraawiDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin: Wayeel | Lammin, Maajo 3, 2010


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Monday, May 3, 2010  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYS



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates