
| Rashiid Shekkh Cabdullaahi (Gadhweyne) waa "Aqoonyahan suugaan-ruug ah oo ku takhasusay Cilmiga Bulshada". |
Horraantii 1970nadii qarnigii labaatanaad ee tegey, bay Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo Cabdillaahi Diiriye Guuleed(Carraale), midkood waliba goonidii, u soo bandhigay wixii uu ka gaadhay baadi-doonkiisii miisaanka maansada Soomaaliyeed. Labadu ba, si taxane ah, bay ugu faafiyeen wargeyskii maalinlaha ahaa ee Xiddigta Oktoobar la odhan jiray ee ka soo bixi jiray waagaa magaalada Muqdisho. Waxaa taas ku horreeyey Gaarriye. Sida aan filayo, hadda ayuu go’ay muran ma-dhalays iigu muuqday oo sannado ka oognaa mowduuca miisaanka maansada Soomaaliyeed iyo labada nin kee baa leh miisaankan asaga ah? Labadii, mise tallow, seddexdii sannadood ee u dambeeyey, marar dhawr ah baa meelo la iga soo weydiiyey oo la yidhi arrintan ka marag-kac. Ha yeeshee waxaa jira wax mugdi ku jira oo la isku khilaafo, loo na dooni karo marag; iyo wax xaqiiqadeeda la ogyahay oo aan la isku qaban karin. Dhinacayga, ta aan ka war-hayo ee maraggeeda la I weyddiin karaa waxay ahayd ta laga war-qabo ee aan Carraale iyo Gaarriye na ku muransanayn; sidaa owgeed baan inta badan uga aammusay arrinka la i weydiinayey, waayo waa meel aan marag looga baahnayn.
Su’aalaha la i weydiinayey waxaa ka mid ahaa: Gaarriye iyo Carraale kooda leh misaanka maansada iyo koodee baa ugu horrayn soo saaray? Sida muuqata dadka labdan su’aalood mid bay u ahaayeen; aniga se waxa ay ii ahaayeen oo ay ii yihiin laba. Sidaas darteed baan, mar kasta su’aasha hore kaga jawaabayey labada nin midkood ba miisaanka maansada kiisa ah buu leeyahay; su’aasha kale ee ah kooda soo-if-bixinta ku horreeyey, waxay jawaabtaydu ahayd: ma ogi. Markan bay arrintu dad badan dhudhubo ka galaysaa. Waxaa jira isu-eg kala jaad ah oo badi ba lagu sirmo. Waxaa la yidhi labada kee baa ku horreeyey faafinta oo lagu cabbiray daah-fur( waxaa laga wadaa kumaa, markii u horrsysay dadka u soo bandigay). Waxaa la sii raaciyey: labada iyamaa u dhigma Axmed Khaliil Al-Faraahiidi( waa caalimkii luqawiga ahaa ee gaadhay soo na if-bixiyey Cilmiga Curuudhka miisaanka shicirka luqada carabiga)? Markan na ujeeddadu waa koodii kashfiyey ee hor-gaadhay xaqiiqada miisaanka maansada; waa su’aashii aan idhi: ma ogi; waxaase ii raaca oo aan hadda leeyahay midkood na ma aha Axmed Khaliil Al-Faraahiidi. Taas ayada halkaas ku daa.
Gaadhista xaqiiqada cilmiga iyo ku-faafiintiisa buug ama joornaal lagu daabaco ama si kale ba lagu soo bandhigo, ayaa isku marmay oo hal wax la mooday. Lagam-maarmaanku waa in aynu labada la isku maray kala saarno oo arrinka dhudhubaha ka bixinno. Isku mid ma aha ee waa laba. Ciddii i weydiisay ba waxaan idhi: daabacad iyo faafin jariidad laga akhristo waxaa ku horreeyey Gaarriye. Arrin muran ka oogan yahay taasi ku ma aan ogayn. Bishii Disembar, sannadkii 2008dii, ayey Guddi culama ahi isu keeneen labada nin ee ay dooddu dhex-taallay. Go’aan xilkas ah bay war-saxaafadeed ku soo saareen oo waxay sheegeen in Gaarriye ku horreeyey ku-faafinta saxaafadda; Carraale na uu ku horreeyey buug lagu soo saaro.[1] Waxaa malaha Carraale u dheer shirar madal cilmiyeed ah oo uu ku soo-bandhigay tiisa.
Ta ku marantay ee aan maraggeeda la helayni waa gaadhidda xaqiiqada iyo ku ma ayaa ku horreeyey. Xaqiiqo cilmiyeed oo la ogaaday waxay leedahay waqti, saacad, iyo goor, il biriqdeed na ha ahaatee, uu caalimku haleelo xaqiiqadii uu muddada dheer baadidoonkeeda ahaa. Waa hal mar oo ay xigto qaylada farxadda ee uu yidhaa:’Alla’! iyo ‘Illyn waa sidan’! Waa tii Axmed Al-khaliil Al-Faraahiidi la kulatay. Waxaa la yidhi: galab, asaga oo maraya suuqa A-safaariin oo waagaas magaalada Maka Al-Mukarrama ku oollaa, ayuu maqlay dubbaha lagu garaacayo birta ama maarta iyo naxaasta ee leh: daa-dam, daa-dam daa-dim. Jaanta ayuu la raacay oo carrabka ayuu ka yidhi: facalun, facalun facalun[2]. Goortaas, isla daqiiqadaas ama miridhkaas ayuu haleelay naqamka muusiqa asaasiga ee ku jira shicirka carabiga; ka dibna halkaas buu ka sii waday oo waxa uu dejiyey cilmiga Curuudka. Goortaas iyo markii uu qoraal ku soo gudbiyey ama uu si kale ba dadka ugu soo ban-dhigay waqti baa u dhexeeyey. Waagiisii, culamadu inta aanay kitaab qorin, waxay cilmiga afka ugu gudbin jireen ardaydooda; Axmed Al-khaliil Al-faraahiidi na wuxuu ka mid ahaa imaamyadii luqada, wuxuu na lahaa arday badan oo toos cilmiga uga qaadata. Taynu uga jeednaa waxa weeye gaadhista xaqiiqda cilmiyeed mar walba way ka horraysaa gudbintiisa. Waxaad ku darsataa: waqtiga uu caalimku gaadho ee uu haleelo ka na il iyo ogaal buuxsado xaqiiqda cilmiga, cid aan Alle ahayn oo badi ba wax la ogi ma jirto. Isxaaq Nuutan, midhkii tufaaxa ahaa ee geedka ka soo dhacay iyo xaqiiqada cilmiga cuf-jiidadka ee uu ka haleelay, asaga iyo Alle oo qudh ah ayaa ogaa. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) iyo Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye) midkood wali ba, markii uu gaadhay miisaankiisa maansada ee uu ogaalkiisa ka bogtay, asaga uun baa og; cid kale oo la weydiin karaa na ma jirto. Kooda taas ku horreeyey labadoodu na ka ma warrami karaan; waayo nin waliba tiisa oo keli ah buu ka war-qabaa. Ma na aha, runtii, taasi wax lagu mashquulo ama waqti lagu lumiyo. Ta mudan in lagu hawshoodaa waa dersidda iyo dabbaqidda waxa ay labadda aqoonyahan ina hor-keeneen.
Qoraalkan kooban, waxaan isku deyayaa wax keli ah oo ah ilaa xadkee waxa la ina soo hordhigay uu sax yahay? Labadan qaab ee la ina soo hor-dhigay ma yihiin kuwo dhab ahaan u dabbaqaya maansada af-soomaaliga? Miisaankii maansada ee Gaarriye, waxaa I hor-yaal nuqul ama koobbi sawir ah oo aan uga mahad-hayo Dr Martin Orwin (Bare Sare oo ka tirsan Dugsiga Soas ee Daraasadaha Bariga iyo Afrika ee Jaamacadda London (School of Oriental and African Studies, Soas) oo uu ii soo diray. In kasta oo ay akhrintiisa indhuhu ku daaleen asaga ayeynu u noqonaynaa. Hase ahaatee asaga ku ma samaynayno dib-u-fiirin ballaadan, waxaa na aan taas la sugayaa, haddii Eebbe ka dhigo, marka uu buuggiisu soo baxo. Hadda waxaynu kaga kaaftoomaynaa intii is-barbar-dhigga labada miisaan ku filan. Ta carraale, waxaa ina hor-yaal buuggiisa ah Miisaanka Maansada Soomaaliyeed; gorfaynta miisaankiisa na buuggaas asaga ah ayeynu ugu noqonaynaa.
Labada aqoonyahan, marka hore ba, isku meel ama isku jaho ayey u sahan-tageen oo baadidooda ka raadiyeen. Waxay abbaareen dhinaca hab-dhaca iyo dhererka codka muusiqa ee maanso dhammaanteed cuskan tahay. Waa isla halkii uu Axmed Al-khaliil Al-faraahiidi ka helay siddeedda tafciiladood ee shicirka carabiga. Waxay ku kala baydheen Gaarriye iyo Carraale, codka muusiiqa mutuxa ah iyo hab-dhaca ama shubaasha(rhythm). Gaarriye wuxuu raacay cod muusiqeedka ay shaqalladu cabbirayaan; sidaas darteed, wuxuu miisaankiisa ku saleeyey tirada shaqallada gaagaaban iyo dhaadheer iyo hab-isu-raacayooda; halkaas ayaanuu badaha(sida uu ugu erey-bixiyey) miisaanka maansada kala soo baxay. Badahas ayuu mid walba tirada shaqalladeeda soo dhigay; wuxuu na u soo dhigay inta qaab ee ay shaqalladaas, kuwooda gaaban iyo kuwooda dheeri, isu raacayaan, ayaga oo xidhmo-xidhmo ugu xaraysan xeryo afar-gees ah. Doodda Gaarriye waqtigaas waxay ahayd in aan xarfaha shibbaneyaashu wax saamayn ah ku lahayn miisaanka maansada, waayo waa xarfo aammusan oo u baahan shaqal ka dhawaajiya. Sidaas darteed, waxaynu odhan karnaa miisaanka Gaarriye wuxuu cabbirayaa luuqda muusiqa soocan, inta aan lagu xidhiidhin xarafka shibbanaha ee uu shaqalku ka dhawaajinayo ka dib na uu ka unkamayo ereygu. Marka gooni loo saaro codka shaqallada ee ku jira sadar maanseed, waxaa soo baxaya luuqda lagu qoro calaamadaha far-qoraalka muusiqa lagu muujiyo. Muusiqa na, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay luqo caalami ah oo ka dhexaysa dadyowga adduunka. Miisaanka Gaarriye, waxaa ka muuqata xaqiiqadaas. Runtii na waxaa la moodaa in qaabkan ku dhisan dhawaqa shaqalka keli ahi yahay wax ay luqadaha adduunku, xataa dhismaha maanseed, iskaga mid yihiin. Ifaafalahan, markii u horraysay, waxaan ku la kulmay shicirka luqada carabiga. Tusaale ahaan, waxaan halkan ku soo qaadanayaa tafciilado ka mid ah tafciiladahii Al-faraahiidi ee siddeedda ahaa. Ta u horraysa aynu ka dhiganno faacilaatun. Sooyaalkii shicirka carabiga badda ama baxarka la yidhaa A-ramal, baydku marka uu buuxo, labadiisa qaar wuxuu mid waliba ka dhismaa saddex faacilaatun oo wuxuu noqonayaa Faacilaatun faacilaatun faacilaatun. Hab-dhaca muusiqa ama cuddoonaanta miisaanka maqalka dhegta ku dhacaya ee tafciiladda midda ah(faacilaatun keli ah), waxaad ku eegtaa heesta geela iyo lo’da lagu waraabiyo. Tusaale ahaan, waxaad soo qaadataa: Geelu geel fulay; ama soo qaado tixdii Gaarriye ee Runeey lagu neceb. Bal dhegta u dhig oo ku eeg faacilaatun oo xagga dheg-ka-maqalka isu qiyaas. Saw dhinaca cuddoonaanta shubaasha(rhythm) isu ma dhigmaan? Anigu jawaabta aan hayyaa waa haa. Tusaale kale na aynu ka dhiganno baxarka ama badda la yidhaa Al-kaamil. Tafciiladiisu waa Mutafaacilun oo ayadu na shadarkii iyo sadarkiiba saddex-saddex ah. Mutafaacilun bal xagga dheg-ka-maqalka waxaad ku miisaantaa maqalay warlay. Runtii, dhinaca hab-dhaca muusiqa, way isu dhigmaan. Waxaa la mid ah tafciilada fucuulun oo ayadu bado badan meelo kala duwan ka gasha. Waxay la mid tahay maroodi. Haddii aad tidhaahdo: Maroodi maroodi, waxaa dhinac muusiqa u dhigata Fucuulun fucuulun. Ma aha maansada carabiga oo qudha ee runtii, sida aan rumaysan ahay, waa xaqiiqo caam ah oo lagu dabbaqi karo afafka dunida lagaga hadlo. Waxa aan taas ku yaqiinsaday, sannadkii 2006kii, maalmo aan joogay magaalada Addis Ababa oo ay dhegtayda soo jiiteen heeso af-amhari ahaa. Waxay dhegtu la kulantay hab-dhac sidii baarcadde u dhacaya, maroodi iyo kuwa u dhacaya bila-bila; oo ah guntinta ay meerisyada bah-gabay ka bilaamaan(Riiraash, 1994, Wargeyskii Sahan, Diridhaba). Ifafaalahani wuxuu ka soo jeedaa dabeecada guud ee luqada muusiqa isku midka ah.
Aynu hadda u gudubno is-barbardhig kooban oo ah labada qaab ee labada miisaan maanseed. Inta se aynaan guda-gelin miisaanka laftiisa aynu is-xusuusinno in miisaanka maansada Soomaaliyeed labada aqoonyahan ba ku ahaa cilmi hor leh iyo baadhis aan cidi uga horrynin. Mar haddii ay sidaas tahay waxaa mid walba ku laasimtay in uu rukummada xaqiiqooyinka cilmi-baadhistiisa u dejiyo hal-tusmooyin(concepts) iyo erey-bixino munaasib ku ah. Mar haddii aan hawsha la isku darsan oo aanay wax iskaashi ah lahayn, waa wax dabeeci ah in nin ba baadhistiisa u dejiyo hal- tusaalayaal iyo erey-bixino ka kale ka duwan. Ugu horrayn, waxay wadaagaan magac-bixinta cilmiga laftiisa oo labadu ba is-ogaal li’i, waxay u bixiyeen Miisaanka Maansada. Sida malahaygu yahay, ayaga oo aan iska war-haynin, waxaa kulmiyey waa ereyga Miisaanka oo ay( marka maanso laga hadlayo) ka soo ergeysteen luqada Carabiga. Wixii kale ba badi way ku kala duwan yihiin. Midkood wal ba tiisa waxaynu ku arki meeshiisa oo aynu, markeeda ugu tegi doonnaa.
Sidii aynu hadda ka hor u nidhi, ujeeddadeennu waa maxaa ka sax ah labadan daraaso ee ay labada aqoonyahan, mid ba goonidii u soo bandhigayo? Su’aashanna marar badan bay aqoon-darro, si qaldan uga jawaabtaa oo waxay mooddaa in midkood uun sax noqon karo. Ha yeeshee jawaabta aan anigu halkan ku hayyaa waa in labadu ba sax yihiin. Labada mid ba meel gooni ah buu ka abbaaray miisaanka maansada, natiijada uu ka gaadhay na waa tu sax ah. Waxay u badan tahay in labada, aakhirka markii cidi si gaar ah ugu gondo-degto, ay miisaan mid ah ka soo saari doonto; waayo waxaad mooddaa in labadu is- fuuqsanayaan oo weliba sida ay ii la badan tahay, uu miisaanka Carraale xambaarayo ka Gaarriye. Taasi hadda waa iga male, runi se waxay sugaysaa daraaso intan ka faah-faahsan oo lagu sameeyo labada miisaan-maanseed. Shaki se waxa aan kollaba lahayn in ay is-biirinayaan oo ay is-buuxinayaan.
Haddii aynu labada ba nidhi waa sax, maxaynu ku garan karnaa saxnimadaas ee daliil u noqon kara? Waxaa ina hor yaal waa qaab ama saab, waa na wax u dhigma ama u eg weel qaad ama mug qiyaasan leh oo wax muggiisa ah na lagu shubi karo. Sidaas darteed, waxaa inagu filan ina aynu beydka maanseed(Gaarriye) ama meeriska(Carraale) soo qaadanno oo ku dabbaqno ku na eegno miisaanka uu marna Gaarriye soo jeedinayo marna Carraale. Wax kale ba, haddii aad doonto, ha samaynin ee fiiri oo aad u dhugo tusaalayaasha uu midkood ba u adeegsaday ujaddadiisa.
Aynu ku hormarno oo si kooban u fiirinno Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye).
Marka aynu ku hor-marno dhinac erey-bixinta, Gaarriye wuxuu qaatay laqbaha ereyada luqada carabiga ee ay ka mid yihiin Beyd iyo Bad. Ka hore wuxuu ka wadaa sadarka uu dhiska miisaanku ku buuxsamo, ta labaad na noocyada ay bah-maanseed u qaybsanto, sida gabay, geeraar jiifto, baar-cadde, buraanbur iwm. Aynu hadda isku ogaanno in aynu labada mid walba, markiisa u adeegsanno erey-bixintiisa u gaar u doortay. Aynu u gudubno Gaarriye ee waxa uu miisaankiisu, si baahsan u marayaa badaha maansada oo uu mid walba qaabkiisa ugu miisaamayaa. Dabcan waxa aynu halkan danaynayno ee daba-soconnaa ma aha bad walba miisaankeeda gaarka ah; waayo taas qofkii doonayaa qoraalka Gaarriye ayuu u doonan karaa; waxaynu u dan-leenahay waa in aynu is-tusno qaabka iyo majaraha. Sidaa darteed, waxaynu tusaalaha ka dhiganaynaa labada badood ee jiiftada iyo gabayga. Sida uu asagu ba u horraysiiyey; aynu na ku hor-marno jiiftada.
Waxaynu mar hore soo sheegnay in miisaanka Gaarriye ku dhisan yahay tirada shaqallada, kuwooda gaagaaban iyo kuwooda dhaadheer iyo sida ay isu raacayaan. Asaga oo taas raacaya wuxuu leeyahay beyd kasta oo jiifto ahi waa in uu noqdo sagaalle ama tobanle ay xudhurtu isku xidho. Sagaallayda iyo tobanlayda labada ba shaqalka dheeri wuxuu u tirsamayaa laba shaqal waayo dhererka codka shaqalka dheeri wuxuu u dhigmaa laba gaagaaban, sidaas darteed waxaa, marka hore, muhiimka ahi waa tirada. Waxaa xiga ee muhiimka ahi waa qaabka ay shaqalladaasi isu raacayaan. Marka uu miisaamayo beydka jiiftadda ah, Gaarriye wuxuu u kala jebinayaa laba qaar oo uu ugu erey-bixinayo laba meeris oo uu u dhexeeyo ama uu kala qaybinayo hal shaqal oo uu asaga na ugu erey-bixinayo xundhurta beydka. Labada qaab-tirood ee sagaallay iyo tobanlay, sidan buu u soo dhigayaa:
Gobannimada hawl yari
1 1 1 1 (1) 2 1 1
Ninna kuma helaayee
1 1 1 1 (1) 1 2 2
Danahiinna haybshoo
1 1 2 (1) 2 2
Khamri yaanu idin hodin
1 1 2 (1) 2 1 1 1 1
Tobanlaydu waxa qudha oo ay ku timaaddaa shaqal siyaado ah oo gala meeriska hore; ka dembese waxba iska ma beddelaan oo wuxuu mar kastaba la mid yahay meeriska dambe ee sagaallayda.
Haddii aynu u nimaadno Gabayga iyo miisaanka Gaarriye, wuxuu beydka gabayga ahi “ka kooban yahay laba xubnood(laba shadri). Labadaa xubnood waa mid hore oo dheer…iyo tu dambe oo gaaban…Beydka gabyga ahina wuxuu ka kooban yahay, ugu yaraan labaatan shaqal, ugu badnaanna kow iyo labaatan shaqal.” Faraqa wuxuu Gaarriye ku tilmaamayaa in uu ka imanayo xubinta(shadriga) hore oo marna laba iyo toban shaqal noqota, marna seddex iyo toban shaqal; wuxuu na labada mid walba u soo dhigayaa afar qaab oo ay shaqalladu isu raacaan. Qaybaha miisaanka maansada ee Gaarriye soo bandhigayaa way badan yihin oo runtii dhinacaa si weyn buu badaha maansada Soomaaliyeed(marka aynu qaadanno erey-bixintiisa) isugu taxalujiyey, ha yeeshee fikradda asaasiga ee ka wada dhaxaysa iyo meesha uu giddi ba ka abbaaray waa tirada shaqallada iyo sida aynu soo sheegnay, qaabka ay bad wal ba isu raacayaan.
Miisaanka Maansada iyo Cabdillaahi Diiriye Guuleed(Carraale):
Cabadillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) wuxuu mudnaan weyn siinayaa kaalinta alammada, sida uu ugu erey-bixiyey waxa af-ingriisiga lagu yidhaa sylable carabigana maqdac. Taas darteed, wuxuu sugayaa in xarafka shibbanahu kaalintiisa ku leeyahay miisaanka maansada, halka uu Gaarriye taas iska taagay dhinaca kale. Taas macnaheedu waxa weeye shaqal keli ku ah miisaanka iyo xataa luqada ba ma jiro ee mar wal ba waxaa la socda xaraf shibbane ah, waa na ta alanku ka abuurmayo. Tusaale ahaan, shaqallada gabaygu, haddii ay labaatan ama kow iyo labaatan yihiin, shaqal wali ba wuxuu ku jiraa alan. Taasi waa xaqiiqo sugan. Hayeeshee waxaa jirta xaqiiqo kale oo ayana sugan; waxa weeye alanka wata shaqalka dheeri, dhererka codka wuxuu u dhigmaa laba alan oo wata laba shaqal oo gaagaaban, xaqiiqadaas oo uu Gaarriye na odhanayo in shaqalka dheeri u dhigmo laba shaqal oo gaagaaban. Carraale wuxuu miisaanka maansada ka gorfaynayaa saddex heer oo asaasi ah; kuwaas oo ah tiirarka uu miisaanka maansadu ka dhismo; waxayna kala yihiin: heerka dheellitirka alammada iyo shaqaldheereyaasha, heerka tusmaynta alammada iyo shaqaldheereyaasha, iyo heerka hormaynta alammada. Xaqiiqada saddexda heer waa tu sugan oo Cabdillaahi Diiriye soo dibad-bixiyey. Waxaa taas ku laba ah oo uu ayada na Carraale soo debed-bixiyey soo na ban- dhigayaa kaalinta gaarka ah ee uu shaqalka dheeeri ku leeyahay dhismaha miisaanka maansada Somaaliyeed; waa mid aynu ka arki doonno heerka dheelli-tirka tirada alammada iyo ta shaqal-dheereyaasha.
Saddexdani waxay u muuqdaan xeerar muhim ah oo meesh ku jira( in kasta oo aanu Carraale asagu xeerar ku sheegin). Ta u horraysa oo u mudani waa heerka koowaad ee uu ka gorfaynayo miisaanka maansada; wuxuu na ku magacaabay Dheelli-tirka alammada iyo shaqal-dheereyaasha. Dheelli-tirkani waa mid aad u muhiim ah, waxayna meel weyn kaga jirtaa faraqa xubnaha(badaha erey-bixinta Gaarriye) maanseed ku kala soocan yihiin. Waxaynu nidhi alanka shaqalka dheeri wuxuu u dhigmaa laban alan oo shaqallo gaagaaban, taasoo ah in shaqalka dheeri laba alan mid ka dhigayo. Sidaas owgeed, nudda meerisku waxay ku xidhan tahay hadba tirada shaqal dheereyaasha ku jira. Haddii aynu si kale u tilmaanno, markii tirada shaqallada dhaadheeri meeriska ku badtaan ba, tirada alammadu way yaraanayaan. Masaladaasi waa tu muhiim ah oo uu Carraale soo dibad-bixinayo.
Aynu is-tusno dheelli-tirkaas natiijadiisa, marka lagu dabbaqo gabayga iyo jiiftadda oo keli ah; aynu na ku hor-marno gabayga, sida Carraale ba ugu hor-maray. Sadarka(meeriska) gabaygu, sida laga wada warqabo, wuxuu u qaybsamaa laba qaar oo ka hore ka dheer yahay ka dambe. Wuxuu Cabdillaahi Diiriye Guuleed u yeelay erey-bixin munaasib ah oo ta qaarka hore tahay Hojis ta qaarka dambe na tahay Hooris. Labada midkood waliba wuxuu leeyahay dheelli-tirkiisa goonida ah. Wuxuu ku hor-marayaa ka dambe oo wuxuu soo bandhigayaa xaqiiqada ah in dhiska nudda hoorisku, si joogta ah oo aan is-beddel lahayn, u yahay lix alan iyo laba shaqal-dheere; wuxuu na ugu erey-bixinayaa lix-labaale(6/2).
Tusaalayaasha uu u soo qaatay waxaa ka mid:
Waa soo sidnaa xeedhyihii saab-ka- loo- to-lay e.
Hooriska sadarkan gabayga ah, sida aad aragto, marka lagu daro ka u dambeeya, waxa uu ka kooban ayahay lix alan oo labo wataan shaqallo dhaadheer. Gabay kasta oo aad ku eegto hoorisku waa sidaas; haddii uu xeerkaas ka boxo na wuxuu noqonayaa mid jaban, wuu na waayayaa cuddoonaantii meeris gabay ah laga eegayey. Masaladaas, ka sokow tusaalooyin badan oo Carraale buuggiisa ku soo dhigayo, marka aad ku eegto tusaale kasta oo kale xaqiiqadaasi isma beddelayso. Tusaaleyaasha Gaarriye na, ayada oo ah tiro shaqallo lababa dhaadheer tahay baad ku arki, in kasta aanu taas xeer ahaan u xusaynin.[3]
Hojiska gabaygu ma aha sida hooriska oo ma laha dhis mid ah oo jooogto ah. Hojiska, wuxuu Carraale u kala saarayaa laba jaad. Ka hore wuxuu ugu erey-bixinayaa Hojis Saleed ka labaad oo asagu soo-raac u muuqda- in kasta oo aanu Carraale sidaas ku astaynin- wxuu ugu erey-bixinayaa Hojis Farcameed. Hojiska Saleed oo ah labada hojis ka mudnaanta leh, waxa uu sii yeelanayaa shan qaybood oo ku kala duwan habka dheelli-tirka almmada iyo shaqallada dhaadheer; wuxuu na u dhigayaa sidan:
ka hore oo ka kooban toddoba alan iyo shan shaqal dheere(7/5); tusaaleyaashiisa na waxaa ka mid ah:
Waa soo sid-naa xeedh-yi-hii…saabka loo to-laye….
Guu-guu-li-hii yow had-daad...guga u ooyeyso...................
(Jiitinta(-) waxaanu ku kala soocnay alammada, xarriijinta hoose na shaqal-dheereyaasha). Wuxuu Carraale caddaynayaa in haddii labadaa tiro ama midkood wax iska beddelaan uu meerisku jabayo ama gabay ka baxayo; taas na wuxuu ku caddaynayaa tusaalooyin buugga ku qoran.
Ka labaad na waa Hojis Saleedka ka koobma siddeed alan iyo afar shaqal dheere ama waa siddeed afarle(8/4). Tusaalayaashiisa uu ina soo hor-dhigayo waxaa ka mid ah:
Xub-no jee-d-a-low neef-ku waa… xaalad gooniya e.
Waxaa xiga hojis-saleeyadyada sagaal-saddexle (Ca-lan-kii la taa-ga-ba wax baa … lagu cashuuraaye); toban-labaale,(Kol had-dii Sul-daan i-gu xil-li-hi…igaga xaudaantay), kow iyo toban halle, kaasoo ka koobma kow iyo toban alan iyo hal shaqal-dheere (si-na u ma ar-ki-ne wii-la-sha-ni ….wayska seleleene). Sida halkan ka muuqata, marka hal shaqal-dheere meeriska ka dinmo ba tiradii alammadu hal bay kordhayaan, waayo halka shaqal-dheer ee dhinmay waa mid u kala jabay laba shaqal oo gaagaaaban; sidaas darteed na alankii shaqalka dheeraa wuxuu noqday laba alan. Sidaas ayuu xeerka dheelli-tirku muhiim ku yahay; waa na tu uu CabdillaahiGuuleed(Carraale) soo kordhiyey.
Hojiska jaadkiisa labaad ee uu Cabdillaahi Diiriye Guuleed ina soo hor-dhigayaa waa ka uu ugu erey-bixiyey Hojis Farcame. Farcamehaasi wuxuu ka farcamay kii salka ahaa oo waa asagii oo yeeshay shaqal ku dheeraad ah. Marka laga reebo toddoba-shanlihii salk koowaad ahaa ayaa afartii nudood ee kale noqonayaan: siddeed shanle, sagaal afarle, toban saddexle iyo kow iyo toban labaale. Waxaa soo biiray waa shaqal dheere uu Carraale ku tilmaamay faaltuu badi ba alanka labaad gala oo dhiska dheeraadd ku ah hayeeshee ereyga ka mid ah; had iyo jeer na, marka dibnaha lagu tebinayo, carrabka ayaa lagu xadaa.Tusaaleyaasha uu ku muujinayo oo badan waxaynu ka soo qaadanay mid qudh ah oo ah:
Dha-sha-day sugtaa xaajadaad dhawrataa abide;
Dha-shaa-day sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
Labada shaqal ee hore waa ka dambe shaqalka dheer ee dhiska meeriska ku ah faaltuuga ee farcamaha ka dhigayaa. Sidaa darteed, qoraalka mooyee, marka afka lagu tebinayo, sida hore ayaa loogu dhawaaqaa oo waa la siraa.
Heerka labaad ee uu miisaanka carraale ku tuntuunsanayaa waa ka uu ugu erey-bixiyey heerka Tusmaynta Shaqal dheere. Qeexiddeedu waa tusmooyin ama jagooyin cayyiman oo ay shaqal-dheereyaashu ka galaan meeriska. Tani na meel weyn bay kaga jirtaa samaynta kala-soocanka xubnaha (baddaha)maaanseed.
Haddii aynu tusaalaha hooriska uu asagu ba ku hor-marayo soo qaadanno, wuxuu Carraale tilmaamayaa in lixda alan ee hooriska gabayga, ka labaad iyo ka lixaad weligood ba wataan shaqal-gaabyo, ka na xaaraansan yihiin shaqal dheer.Tusaaleyaasha uu u daliishanayo waxaa ka mid ah:
Geed buu ku saaraa kolkuu
Kuu gol-lee-ya-haye.
Annaguna dagaal kma tagnee
Tiin-bad ku-la roo-ray
Intaas ka dib wuxuu tilmaamayaa in labadaas tusmo mooyiye afarta tusmo ee hadhsan labada shaqal-dheere geli karaan, ayna u geli karaan ayaga oo hab talantaalli ah isu raacsan(eeg buugga qaybta tusmaynta).
Marka loo yimaaddo Hojiska gabayga, kiisa toddoba-shanlaha ah tusmooyinka kaalinta saddexaad iyo ta lixaad way ka reebban yihiin shaqal-dheer oo gala. Hojiskan tusmooyinkiisa kale dhammaan waxay leeyihiin shaqal-dheereyaal. Shantan alan haddii midkood loo beddelo laba alan oo shaqallo gaagaaban, nuddii toddoba -shanle waxay isu beddelaysaa siddeed-afarle. Is-beddelkaas marka hal tallaabo la sii wado, ayuu sagaal-saddexleh soo baxayaa.; is-beddelka kaas xiga na waxaa soo baxaya dhiskii toban-labaale; ta xigta na waxaa soo baxaya kow-iyo-toban-halle. Tusaalooyinkiisa oo aad u waafi, waxaan u deynayaa oo loogu tegayaa buugga laftiisa. Waxaa naga mudan xusid gaar ah, alanka seddexaad ee ka caaggan shaqal-dheeraha, marka laga hadlayo bahda gaybaygu, waa shaqalkii gaabnaa ee Gaarriye u bixiyey xundhurta, kaas oo uu ku tilmaamay isku-xidhaha labada qaar ee tusaale ahaan, Jiiftada Gaariye. Marka aynu u noqonno Maxamed Cabdillaahi Riiraash, waa shaqalkii uu ku tilmaamay in uu isku xidho badaha isku bahda maanseed ah ee gabayga ku buuxsama. Runtii na, sida kollay ba ay aniga ila tahay, fikradda xundhurtu waa tu wax-ku-ool ah; ha-yeeshee Cabdillaahi Diiriye, in kasta oo uu miisaanka maansada ka gaadhay baac dheer oo aan cid kale ka gaadhin, masaladan ku ma uu hakanin.
Tusaalaheenna labaad wuxuu ahaa miisaanka Jiiftada. Marka hore, waxa uu Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) sugayaa xidhiidhka baheed ee ay jiiftadu la leedhay xubno-maanseedyada ay ka mid yahiin gabayga, hees-maqaleedda iyo kuwo kale. Gaarriye iyo Riiraash labadoodu na way sugayaan xiqiiqada xidhiidhkan asaga ah; sidaas darteed, masaladani waa tu la isku raacsan yahay.
Isla majarahii buu raacayaa oo dhiska meeriska jiiftada ee saleedka ah wuxuu u qaybinayaa shan meeris oo u kala dhisan:
Ka koowaad oo ka dhisma shan alan iyo afar shaqal-dheere;
ka labaad oo ah lix alan iyo saddex shaqal-dheere;
ka saddexaad oo leh toddoba alan iyo laba shaqal-dheere;
ka afraad oo leh siddeed alan iyo hal shaqal oo dheer iyo ka u dambeeya oo ka dhisma sagaal alan oo aan shaqal dheer lahayn.
Haddii aynu meeshan ka daymoonno tusmayntii Carraale, waxaa inoo muuqanaysa goobaha gaarka ah ee ay shaqal-dheereyaashu dhis wal ba ka gelayaan. Waxaa kale oo aynu arki karnaa shaqal-gaabka sida joogtada ah u fadhiya meesha badhtanka ah ee aan marna halkaas ka kacaynin. Waa jagadii uu Carraale, kolkii uu inoo sharxayey tusmaynta shaqal-dheereyaasha gabayga, uu ku tilmaamay jago ka xaaraasan shaqal dheer oo gala. Isla markii, waa ayada ta uu Gaarriye ugu erey-bixiyey xundhurta isku xidha labada qaar ee jiiftadda.
Heerka saddexaad ee Carraale ka miisayaa waa ka uu ugu erey-bixiyey heerka Hormaynta Alammada. Heerkani waa mid aad u muhiim ah, marka la eego meesha uu kaga gelayo dhiska miisaanka maansada iyo xidhiidhada bahaha maanseed iyo bah wal ba gudaheeda ka dhaxayn karaya; waa na heer aad u adag oo hawl badan u baahan. Isla markaas, wuxuu matalayaa qayb aan anigu isla leeyahay wax baddan baa ku hadhsan oo u baahan in rag iyo dumar ba, ciddii u ban-baxday u na ban-bixi doonta cilmigan Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, ay ka soo saari doonaan xog badan oo weli ku dahsoon. Hormayntu, marka aynu u fiirsannao, waxay ka soo jeeddaa jaan-dhaca ama, sida uu Carraale ugu erey-bixiyey shubaasha muusiqa maansada ku jira; kaas buu hormooyin u kala dhigayaa, mid walba na meesheeda fadhiisinayaa.
Haddii aynu hojiska gabayga oo qudha tusaalehiisa soo qaadanno, salkiisii ahaa toddoba-shanlaha(7,5), waxa uu u kala dhigayaa saddex hormo oo u yaalla sidan: ta hore waa laba alan oo ay laba shaqal-dheere la socdaan; ta labaad na waa laba alan oo ka hore wato shaqal-gaaban ka dambe na wato shaqal dheer; hormada saddexaad na waa saddex alan oo ka dhexe uun shaqal gaaban leeyahay. Halkaas ayuu ka sii miisayaa oo uu hojis-saleedka qaybihiisii kale hormayntooda isa soo dabo-gelinayaa. Hojiska ka kooban siddeedda alan iyo afarta shaqal-dheere(8,4), waxa uu Carraale u hormaynayaa asaga na saddex hormo oo kala ah: ta koowaad oo ka dhisan saddex alan oo ka dambe leeyahay shaqal dheer; ta labaad na tahay laba alan oo ka dambe shaqal dheere yahay; hormada u dambaysaa na tahay saddex alan oo ka dhexe uun shaqal gaaban wato. Wejigaas buu saddexda hojis ee sagaal-saddexlaha, toban-labaalaha iyo kow-iyo-toban-kowlaha na u hormaynayaa.
Hormaynta alammada siddeed afarlaha iyo kuwa ka dambeeya wuxuu Carraale ka soo saarayaa arrin fiiro leh, taas oo ah in marka hormooyinka hojiska gabayga si la isu weydaariyo uu noqonayo sadar dhaanto ah; haddii geesta kale lagaga yimaaddo oo hormooyinka beyd dhaanto ah si la isu weydaarsho, uu ka soo baxayo hojis gabay. Tusaalooyin badan buu taas ku tijaabinayaa oo xaqiiqadeeda sugaya, waxaa ka mid ah:
War-dheer/ dal wanaag/sanaydaa.
Haddii aynu hormada u horraysa xagga u dambaysa geyno oo nidhaahno:
Dal wanaag/-sany/daa wardheer,
waxaa inoo soo baxaya hojis gabay oo ah siddeed afarle. Garo oo meeriska dhaanto iyo hojiska gabay dhinaca dheelli-tirka labadu ba waa siddeed afarle; waxaa kala saaray waa hormaynta. Taas ayuu Carraale si weyn ugu nuux-nuuxsanayaa, wuxuu na ku tijaabinayaa tusaalooyin aad u badan oo uu kaga yool-gaaddhayo. Ma aha oo qudha meeris dhaanto iyo hojis habay ee waxa uu Carraale ina soo hor-dhigayaa meeris jiifto ah oo markii loo kala beddelay tusmayntii shaqal-dheereyaasha iyo hormayntii alammada, isu rogay meeris geeraar ah. Tusaalaheedu waa kan:
Ca-sha-duu i-laa-hay (jiifto)
Ci-rka taa-gey u-dub li-’I (jiifto)
Ayadii oo geeraar ahi na waa tan:
I-laa-hay ca-sha-duu (geeraar)
U-dub li’i c-irka taa-gey (geeraar).
Waxaa la is-weydiin karaa asaaska ay hormaynta Cabdillaahi Diiriye Guuleed ku dhisan tahay. Way muuqataa oo dhinaca dheeli-tirka tirada alammada iyo shaqal-dheereyaasha, hormooyinkani isma le’eka; ha-yeeshee waa dhinaca shubaasha meesha ay ghegtu dareemayso hormooyonkan kala duwan. Marka na waxaa weli la is-weydiin karaa ma sidaas oo keli ah baa meeriska maanso loo hormayn karaa? Si kale se ma jiri kartaa? Haddii hawlo ku laaban yihiin mowduucan miisaanka maansada Soomaliyeed, meesha ay wax badani ku laaban yihiin waa heerkan uu Cabdillaahi Diiriye guuleed(Carraale) u soo dhigay heerka Hormaynta Alammada; waa na heerka aan u malaynayo in wax badan oo kobcinaya miisaanka maansadaa, ku hadhsan yahiin. Si kale oo loo hormayn karaa way jiri kartaa oo tii Maxamed Cabdillaahi Riiraash soo ban-dhigay 1993kii, mise tow, 1994kii iyadu ba waa hannaan kale oo meerisyada bahda gabay loo hormayn karo. Marka aynu hadda ku dabbaqno mid ka mid ah tusaalooyinka Carraale, waxaa inooga muuqanaya hormayn qaab kale u taalla. Bal aan soo qaadanno tusaalahan oo kuwii Carraale ka mid ah, aynu na u hormaynno qaabkii Riiraash:
Waa soo sidnaa xaadhyihii
Saabka loo tolaye.
Taasi waa hab-qoraalka caadiga ah ee meeriskaas loo qori karo. Aynu hadda qorno meeriskii oo qaabkii Maxamed Cabdillaahi Riiraash u hormaysan:
Waa soo/ sid/naa xeedh/yi/hii
Saab/ka/ loo/tolay/e.
Wuxuu tilmaamayaa Riiraash, in hormada u yar ay meerisyada bahdani ka unkamayaan tahay ta u dhiganta:mooyaha ama magacii ama bila-bila iwm. Labadii hormo ba waxaa u dhexeeya hal alan oo isku xidhaya; waxaa na ka soo baxaya bad ama xubin maanseed hor leh. Ma aha oo qudha hormooyin is-leeg waxa soo saaraya bad hor leh, ee hormada koowaad ee bahda gabayga, haddii lagu daro laba alan oo ka dambe shaqal-dheere yahay, waxaa ka dhalanaya baddii maqasha. Bal u fiirso waa tane:
Waa soo/sid/naa.
Mowduuca hormayntu waa mid aad u hodan ah. Waxaa na aan filayaa in uu fure u noqonayo weydiimaha la xidhiidha sida uu miisaanka maanso u samayn karo is-bddel iyo horumar oo ay u soo bixi karaan xubno(bado) maanseedyo hor lehi. Waxaan xusuustaa dabayaaqadii toddobaatannadii qarnigii labaatanaad, galab uu Cabdi Aadan(Cadi-Qays) ku la dooday Gaarriye in aan badaha maanseed ahayn wax afaafkiisu xidhan yahay oo aan wax kale ku darmi karin. Wuxuu na na soo hor-dhigay oo uu doodda Gaarriye ugu babac-dhigay hees jiikfta ah oo uu asagu(Cabdi-Qays) leeyahay taas, oo uu meeriskii(beydkii) jiiftada ahaa ku sii kabay qurub siyaado ah; ha-yeeshee marna aan miisaanka cuddoon ee dhegta ku dhacaya la durin karin. Waxaa ka mid ahaa tusaalooyinkan:
Cirka oo darrooroo
Soo daayey roob oo dareersan
Ama dixi barwaaqoo
Doog iyo caleen loo dalaysan,
Ama doox qolqolayoo
Durdur iyo xareed loo dabbaalsan.
Sidaas buu Cabdi Aaadan(Qays) noo sii maqashiiyey tuducyo dhan. Ma la odhan karaa waa hormaynta meesha uu miisaanka maansadu ka kori karo ee uu ka hormari karayaa?
Cilmigu weligii ba waa biiro la isugu tago oo cidi ba wixii ay xaqiiqo ka gaadho ku darto. Ta Maxamed Cabdillaahi Riiraash, ayana waa biiro ku kordhaysa cilmiga miisaanka maansada; waxay na ina tusaysaa in baabka hormayntu weli u furan yahay baadhis cilmiyeed iyo dooddeed, aanay na inta Carraale ka yidhi, in kasta oo uu runtii hormoodkeeda yahay si ballaadhan na u dersay, ku dhammayn.
Saddexda heer ee dheelli-tirka, tusmaynta iyo hormaynta ayuu Carraale ku eegayaa inta badan ee ah qaababka kala duwan ee ay maansada Soomaaliyeed u dhisanto, taasoo uu asagu ku magacaabayo xubno maanseed; Gaarriye se ku magacaabay badaha maansada. Waxaynu ka soo qaadanay oo halkan ku eegnay gabayga iyo jiiftada oo keli ah; ha-yeeshee asagu wuxuu marayaa buraanburka, geeraarka, baarcaddaha ama saarka, cidi ba sida ay u taqaan, iyo in badan oo ah heeso-hawleedyo, heeso-maaweelo iyo heeso-ciyaareedyo iyo kuwo madaddaalo ba. Mid kasta na wuxuu daba-gelayaa oo uu soo debed-bixinayaa dhiskeeda oo saddexdaa heeer ah. Wuxuu si baaxad leh ugu dabbaqayaa oo ku bilkeedayaa runnnimada miisaankaas, tusaaleyaal aad u tiro badan oo ka mid ah sooyaalka maansada Soomaaliyeed iyo kuwooda waayadan ba. Waxaa na aynu odhan karaynaa oo aynu kala soo baxaynaa guud ahaanta tusaalooyinkaas, miisaanka uu Carraale ina soo hordhigay waa ku toosan oo run ku ah maansada Soomaaliyeed. Isla mar ahaan, waxaynu odhan karaynaa, marka loo eego misaannada maanseed ee maanta badka yaalla waa ku dhinacyo badan leh oo mid wal oo kale ba ka ballaadhan waa na ka dhamays-tiran ugu dhow; waayo markii kiisa loo eego ku kasta oo kale ba waa garooc. Shaki na ma laha oo miisaanka Carraale iyo saddexda heer ee uu u soo dhigay in miisaanka maansadu ka dhismo, wax lagu daro mooyee wax ba laga ma jari doono laga ma na beddeli doono Runtu waxa weeye saddexda heer ee isu-dheelli-tirka tirada alammada iyo ta shaqal-dheereyaasha, tusmaynta iyo hormaynta shaqalka dheer iyo hormaynta alammadu waa rukummada uu cilmigan Miisaanka Maansadu isku taagyo; waxaana soo if-bixiyey oo aan la la wadaagin Cabdillaahi Diiriye Guuleed. Sidaas darteed buu taariikhda cilmigan uga gelayaa kaalin hormood ah.
Ugu dambaynta, misaanka Carraale soo dhigay iyo kuwa kale ba, sida ka Gaarriye iyo hormayntii gaarka ahayd ee Riiraash, is-diiddo ma dhex-taallo, bal waxaan u arkaa in ay is-buuxinayaan oo ay alkumayaan cilmi keli ah oo la yidhaa Cilmiga Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.
Cagdhigyo
[1] www.Ramaasnews.com War-Saxaafadeed ka Soo Baxay Guddidii Dood-Cilmiyeedka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, Dec. 05, 2008.
[2] Dr Mamdux Xaqi, Alcuruudh Alwaadhix, daabacaaddi lixaad, Manshuuraatu Daari Maktabati lxayaat; Bayruut, Lubnaan, 1984, b. 68
[3] Xiddigta Oktoobar, cadadkii soo baxay 8dii Maajo, 1976, Boogga 3aad.(Nuqul sawirah).

DHAMMAAD
Qormo: "Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, Dhigaalka Carraale"
Wq Gadhweyne, Rashiid Sheekh CabdillaahiDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Faafin:


