• Hadraawi

    • Geelo

    • Qaasim

    • Cali Jaamac

    • Yawle

    • Ugaas Nuur

    • Faarax Nuur

    • Timacadde

    • Cilmiboodhari

    • Cabdillaahi


    Liiska kor ku yaal iyo magacyo ciidda iyo faraha ka badanee uu qoraagu faafiyey Hadraawi oo qudha uun baa Habarxabuusheed ama Habarjeclo ah. Intooda kale waa uun qoladuu Ibraahim Yuusuf Axmed ka dhashay (Habarmagaadle).

    Marka haddii qoraalka dhanee uu qoraageenna Ibraahim gabayga Soomaalida ku daraaseeyey ruux Hawiye ama Skiikhaal ah magaciis laga waayey ma yaab baa? Waxaa dhici karta inay Habrjeclo ugu cadhoodaan inuu Salaan Carrabey illaawey! Xagguu ka illaawey ujeeddaduu wax qorayba sow qabyaalad dhar loo geliyey uun maaha? Wasiirka wasiirrada haddii Ibraahim loo magacaabo waxaa caddaatay inuu Hawiye qadin lahaa. Haddana waxaa caddaatay dad Isaaqee aan jagooyinka u qalmin inuu wasaaradaha ka buuxin lahaa! Waar inanku caddaalad yadhaa.

    Luuqda inuu Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku fiicnaaday xagguu ka keenay? Codka heesaha waxaa ka dooday ummad jasuurada wax ka garanayey. Yaa ugu cod roon? Dumarka waxay culumadaasi codka u qireen Faadumo Khaliif (Magool). Markaannu jasuuradaas samaynay siduu Rabbi nagu ogaa qabiil ka aannu duulimayn sida Ibraahim.Ragga heesa waxaannu siinnay Maxamed Saleemaan (Tubeec). Rabbi baa nagu og inaannaan cidduu yahay ku jeclaanee codkuu Alle siiyey uun buu ku qaaday.

    Isla goobtaas waxaa lagu jasuureeyey luuqda gabaygee aan iyadu muusiko lahayn. Waxaa kow noqday Cali Cilmi (Afyare). Rabbi baa nagu og inaannaan qoladuu yahay u eegine waxaannu dhegaysanney 23 gabayee uu luuqo kala geddisan ku qaaday. Mid walba waxaa lala ashqaraaray jebintiisa hadalka iyo sharqantiisa codka hibada loo siiyey.

    Cabdillaahi Suldaan wuxuu kamid yahay dadka gabayga ku luuqiya…. Gabayga wuxuu … ku qaadaa hal luuq uun…. Cod ahaan wuxuu u eg yahay hal geeloo ololaysa ee qof umuu ega.

    Mudaneyaal iyo Murwooyin ama jaalleyaal Cabdillaahi Suldaan wuxuu kamid yahay dadka gabayga ku luuqiya, siduu Kulucba uga mid yahay dadka heesaha qaada. Gabayga wuxuu Timadde ku qaadaa hal luuq uun. Waa luuqda dhaantada oon car iyo ciiro isku rogin. Cod ahaan wuxuu u eg yahay hal geeloo ololaysa ee qof umuu ega. Manuu ku wanaagsana jejebinta hadalka. Muu soo geli karo tartan cod iyo mid luuqeed toonna ee qabyaalad uun buu Ibraahim ka kululaaday. Intaas waa qofkee ka igu inkirayaa? Qof waxaan laga hadlayo iyo dadka laga hadlayo yaqaani erey kamuu soo celin karaayo. Fallaakiin inan qabyaalad la seexan waayey yeelkiis. Ka warran haddaan inta qabiil u qiiroodo aan Axmed Cali Cigaal, Singub iyo Maryan Mursal Ciise uun dhuunta idinka gelyo oon ka boodo Magool iyo Tubeec? Sow caaq ma noqonayo?

    Bal dib caqligaaga ugu laaboo luuqdii Sayid Maxamed ee caanka ahayd iyo luuqdii Khaliif shiikh Maxamuud ee dhiigga kicisay ma dhaantaa laga qishay mise tulud ololaysay u egaayeen? Hibada Rabbi waxaa wanaagsan in la tixgeliyoo lagana doodo uun Sool iyo Sanaag inay Puntland la dan yihiin iyo inay Habarmagaadle marti u yihiin. Kartida codka iyo midda allifaadda maxaa qabiil iyo cadho geliyey? Ma Rabbi baa qabyaalad yaqaan oo qofkuu siinayo qabiilkiisa ugu eexda? Haddii qabiil aan kaaga ahayn ay ku jiraan dhawr ruuxee kolkay gabay ku luuqiyaan la suuxayo ma luuqdoo dhan baa lagu xanaaqaa? Laba ninee uu mid luuq macaan yahay midna aannu cod wanaagsan lahayn hadday gabay isugu jawaabaan ma midka sawdka macaan uun baa la nebcaan? Mise cajaladdaa si kala maroorsanee isdabamarsan gabaygiisa loogu duubin si ay tayadiisu u yadhaato oy u sinmaan? Waar dadku cuqdad iyo xamaasad badanaa! Oo gobannimo yadhaa? Adduunkoo dhan baa maansada lugu luuqiyaa. Luuqdu iyo durbaanku waa waxyaabo fiicanoo maansadu ku hagaagto. Adduunkaan heesaha, muusiga iyo luuquhu waa arrimo la wada yaqaanee caalami ah.

    Hadduu tubeec Rabbi cod siiyey ma waxaan ugu cadhoon karaa sidee nin Daarooda loo waayey? Haddana ma codka iyo luuqdaan ku xanaaqin oo cay afka furanayaa anoo xumadaysan? Xaashaa lillaahi. In luuqaha gabayga la caayo iyo in dalka Soomaaliya la kala jaro midna Hawiye iyo Darood yeeli mayaanee yaan codka iyo maansada cuqdad laga qaadinoo ficilo inala fogaan. Xamaasad weyn ayuu Ibraahim ka muujiyey inay Isaaq ku liitaan luuqinta maansada. Laakiin luuqdu waa wax caalami ahee qofkuu Rabbi u hibiiyaa uu bogaadin iyo citiraaf ku helee maaha wax qabyaalad lagu cebcaado.Waxaa Ibraahim u wanaagsan inuu qofkii sida Magool, Tubeec iyo Afyare cod loo qidhay ku raaxaysto ee aanu ugu cadhoon inaanay Habarmagaadle ahayn.

    Gabaygii badnaa ee uu Maxamed Cumar Dage lahaa,

    Waatay Berbera haybsadeen habaqlohoodiiye
    Isaaq waxaan la daba heetinnaa heeso godobeede

    Miyaa taariikhdiisa la inkiri karaa? Ogaadeen waagaas waxay socdeen ilaa Cadaadley. Waa run waxyaalahuu ina Cumar Dage yidhi ee deelqaaf maaha. Marka ma 2003 Disembar baa loo jawaabayaa Maxamed Cumar Dage?! Alla qabyaaladduu qadhaadhaa oo qadhmuunaa. Maxaa awal oo dhan loo maqli waayey labada ereyee uu Ibraahim malaha imminka Hadraawi u soo dhiibey? Maxaase ummadda casrigaan joogta looga sheegin inay Ogaadeen waagaas Iidoor si xun u jebiyeen? Haddii Isaaq markii danbe laga adkaaday sow iyaguba awal geel badan Ogaadeen kamay dhacin intay Ingiriis qoryo iyo rasaas ka soo shaxaadeen? Taariikhdu way caddahayee Ibraahim uun baa habeen iyo dhadhaadh fadhiisan kari la’.

    Halkii tixee yare roon; wuxuu Hadraawi diyaadhiyaa ugu yaraan shan bilood. Isaga Hadraawi ah qudhiisa uun baa iiga marag ah taas.

    Horta mar uun baannu Ibraahim Ilaahiis been u sheegin. Waa kölkuu yidhi Hadraawi maanso badanee kala duwan buu mariyey. Laakiin hal been buu ka sheegay. Waa markuu ka dooday inay jiraan dad maansada curinteeda ku dhaqsada oo uu deedna Hadraawi aarintaa ku hafray. Waa iska qabyaalad aan geed loogu gabban. Halkii tixee yare roon; wuxuu Hadraawi diyaadhiyaa ugu yaraan shan bilood. Isaga Hadraawi ah qudhiisa uun baa iiga marag ah taas. Habeenkii wuxuu allifi karaa 3 ama 4 tuduc. Bishii waa 90 ama 120 tuduc. Waa inuu markaa bil nasto. Lakiin Hadraawi waa madaale oo habeen kasta wuxuu qoraa 3 ama 4 tuduc. Haddaba dee waxaa jira dad 5 daqiiqo uun ku samayn kara shaqaduu Hadraawi shanta bilood la rafto. Maxamed Gacal Xaayow iyo Cabdillaahi (Singub) weligii miyaannu Ibraahim la kulmin mise qabyaalad engagan uun buu Hadraawi u xambaarsan yahay?.

    Waxaa hadalka Ibraahim ku badnaa waxyaalo aan dood astaahilin. ”Maansada qaabkeeda ha la dooriyo” markuu leeyahay miyaanu ogayn inay miisaanna afafka Yurubee dhan lagu maansoodaa salka ku hayaan Giriiggii 3000 ee sannadood ka hor maansadoodii iyo heesaha kaniisadaha. Hadduu hayo qaab cusub tusaale ayuu dhiiban lahaa ee kumuu laalaabteen inuu Hadraawi wax ku tiriyo miisaannadii hore u jirey. Waa kuma ninka miisaan cusub maansada Soomaalida ka ikhtiraacay? Mise hadal aan sal yeelan karayn iyo qabyaalad uun baynu ku daalnaa? Maansooyinkii hore iyo luuqdyoo dhan ma nimaan luuqin karin dartiis baynu u caynaa. Taa oo ay qabyaaladi inoo dirayso ee aannay cilmi iyo feker ina farayn. Hadraawi iyo Qays inaanay maansadooda ku luuqin karayn miyaa luuqihii aynu jasuurayney uga tagnaa? Rabbi ha loo baryo inuu nimankaas sidii Afyare codka iyo luuqda u furo si uu Ibraahim uga dawoobo dhibaatada haystoo uu la jiifsan kari waayey! Kolley waa la og yahay meeshuu ka gubanayo laakiin aqoontaa ka wanaagsan ciilka.

    Dhammaan waxyaalahuu Sayid Maxamed ku dhalliilay waxba kamay jiraan. Waxay caddayn u tahay uun inaanu Ibraahim maansada wax ka garanayn. Afka carabigu Soomaali kasta ayuu maansadiisa ka buuxaa. Ereyada afka carbeed ka soo jeedaa kol uun bay afkeenna soo gaadheen. Haddaba in uu Sayidku ereyo carabi ah afkeenna ku soo daray maxaa diidaya?! Waxyaabo maalaayacni ahee badan baan iska dhaafay. Meelo uu run sheegayna way iska jiraan. Eedaha ah anuu Sayidku erey gabay labo jeer ku soo laabtay waxaa ka xun inuu Hadraawi maanso ku yidhi:

    Markay dani meeday tidhi
    Maxaan talo meel ka deyey
    Markay dani ma aha tidhi
    Ku laabtay halkaan ka deyey
    Markay dani maaha tidhi
    Weydiiyey qof meel ka deyey
    Markay dani maaha tidhi
    Maxay doqonniino tidhi…

    Imisa jeer buu deyey, tidhi, markay iyo dani ku laalaabtay Hadraawi. Sayidkii lama hubo gabayada ina soo gaadhey inay siduu u yidhi yihiin, waana la hubaa inaanay ahayn, barkee gacmo badan ayey soo mareen. Laakiin Hadraawiga uu Ibraahim ”xariif” ku sheegay ereyadaasuu meel kasta ka sheegaa.

    Afartaas in lagu kala xiro doodaha ay maanso ka kooban tahay waa arrin aad u wanaagsanee lagu faani karo. Siduu Ibraahim uga doodayna waa uun iska maagmaag. Inkastoo aanan hubin waxaa laga yaabaa inaanay Hadraawi iyo dad kaloo uu Ibraahim u tacasubaa maansada afartaas ku hoorin, deedna uu Ibraahim na xaaqey. Bal maansada Hadraawi ha la baadho inuu afartaas yidhi. Haddaannu odhan halkaa uun buu Ibraahim u tacasubay.

    Waxaan hadalka uga baxayaa gabay uu tiriyey Cabdillaahi Yuusuf Suusle. Maaha Cadillaahiga Majeerteenee Puntland hoggaamiyee waa inan reer Caynabo ahee aad u sawd iyo gabay wanaagsan. Qudhiisu waa Kablalaxa Daarood. Kolkuu cabbaar wadaba wuxuu gabayga ugu nasanayaa afartaas.

    Caliyow hannaan gabay beryaha hab uma luuqayne
    Ma higaadin maansooyinkii haybadda lahaaye
    Hamaddiisu way igu yadhayd hogotus mooyaane
    Caawaan sidii hoorrimaad kuu harraadtiriye
    Hor Ilaahay mooyee qabiil uguma hiisheene5
    Nin hawaayaddiisii dhimiyo hawlgab lay moodye
    Markaasay Harreed iyo nin xumi i hungureeyeene
    Haasaawihii niman dilaan la hadli doonaaye
    Weligood miday hadi wadday soo hormariyaane
    Anna hootadii waan sitaa haaligga ahayde10
    Adduunayadaan hayiin iyo hayiin lagu heshiin waayey
    Adduunyadaan dagaal heeggankii loo hubguranaayo
    Adduunyadaan hayay iyo waray had iyo goor taagan
    Adduunyadaan hayaan geeddi baas habaqle guudhaysa
    Adduunyadaan hubaashiyo runtii laga habaabaayo15
    Adduunyadaan humaag been ah iyo hadurka raacaysa
    Adduunyadaan habeen kii dhergaa hodan ismoodaayo
    Adduunyadaan huduu’ loo socdiyo hagarla’aan diiddey
    Adduunyadaan nimay hoog u tahay la hanbalyaynaayo
    Hanbalaalaqeediyo nabsiga heerba gelin joogey20
    Hagardaamo iyo ciil ninkii haad u bixiwaayey
    Misna yidhi anaa libin hayoo heesayow darane
    Hadaamo dheer iyo adoo hogob ka laalaada
    Adigoo hadaadunna sidii adhi huluunboobey
    Addigoo naftaadii hafraad heedaddow tahaye25
    Hadda aynu joogniyo ilaa hilinka taariikhda
    Hadimooyinkii dhacay haddii loo hogtirinaayo
    Halkaad idinku gaadheen ma jiro hoos nin kaa maraye
    Waligaa hungaad taagan tahay helina maysaane
    Sidii baad hargooliyo dullaal heemo leh u tahaye30
    Sidii baad hullaab duuga iyo huudh u sidataaye
    Sidii baad wankii haysha dheer ugu haliishaane
    Sidii baad afkii halowsanaa ugu haraaryoone
    Sidii baad hunguri aan xishoon u hawo raacdaane
    Sidii baad harqoodaal cid ah uga hugmaysaane35
    Sidii buu murqaan kuu hayaa habi la’aaneede
    Sidii baad Allihii ku halqay iyo hiifin nebigiiye
    Sidii baad hal aydnaan dhaqayn hanaq u goysaane
    Sidii baad hilbaha ula gashaan hul iyo buur dheere
    Sidii buu halyeygii lahaa kuu hatigayaaye40
    Sidii baad hacoo faranjiyoo haariya u tahaye
    Sidii baad haruubraaca Yurub u hanbanaysaane
    Hayinkii sidii baad u tahay heeryadii sidaye
    Sidii baad hanbada quudha iyo haaf u baridaane
    Hormu kuu siyaaddiyo la waa haybad iyo guule45

    Afartaa hubkaan ridi jiriyo hawsar iyo miig dheh
    Hilaaddiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh
    Bal aan weliba hoobiga madfaca hiishka kor u qaado

    Hir bannaan waxay maalintii huguguflaysaaba
    Harka galay tallaabada waxay heeg u socotaaba50
    Gorayadii habeenku u dumaa hoog u soo galaye
    Adiguna halkaad yuururtaad habas tidhaaheen
    Waa kaa halbawlaha wadnuhu habaya dhiiggiiye
    Inaan taladu kaa hoosinoo hubiso weeyaane
    Hanbadiinnu waa baalalley hadina maysaane55
    Iyaduba dab loo huriyey bay hamug tidhaadaaye
    Allaylehe dad baa la hindise ah hawtulhamaggaase
    Doqon harabtey wow haayirtaa hayjad iyo oone
    Adoo maanta soo helay barray dib u hallawdaaye
    Iyadaba ninkii hiil u galay dib ugu hawshooye60
    Geelaba haraagii lumaa waa hebla u doone
    Hareer buu Ilaah kaa marshaa hilinka toobboone
    Caawana tilmaan lagu hirtoo togan ma haysaane
    Hiyiraac qabiil baa ku jirey hadalladaadiiye
    Hawiye iyo Daaroodba waa haamo soo jiraye65
    Labaduba hiddaha lagu bartoo hore ma diidaane
    Adi uun baa habeen iyo dharaar hayb u geeddi ahe
    Hilwadiinnu Irir bay ahayd heelladii shalaye
    Waataad Hiraab iyo Abgaal hooyo la ahayde
    Maantana hadaaqaagu waa ”Haashim baan ahaye”70
    Hayaan badanidaa maad abtow meel uun ku hagaagtid?

    Afartaa hubkaan ridi jiriyo hawsar iyo miig dheh
    Hilaaddiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh
    Bal aan weliba hoobiga madfaca hiishka kor u qaado

    Soomaali kala haayirtaa laysu humayaaye75
    Inkastoo halaaggii ku dhacay heer xun kala geeyey
    Tawfiiq hagaagtiyo narsigu waa hibi Ilaahe
    Durba shacabkii soo wada hilow hoonka loo tumaye
    Ninna keli haqabbeeli waa haatanna ogaaye
    Howraar san iyo waa guddoon hadafka muuqdaaye80
    Huqda ciilka adigow hillaa han iyo Haabiile
    Adi uun baa hinaase iyo guux hoos u foorara e
    Harka nabadda loo seexdo iyo haracu waa guule
    Hurdadiyo shalay kuu ahayd hoy la jiifsado e
    Haddii aad hurgumo dhiig leh iyo hunuggi doonayso85
    Ama uu dagaal kuu haraad u hinbilyoonayso
    Hawd iyo Nugaal baannu naal haradii ciidee
    Hamaansiga libaaxii ma dayn kaa ham siin jiraye
    Hurmadiinna nimankii bartaa kuu hamuun qaba’e
    Hujuun qaaddayaa iyo annagu kula horraynaaba90
    Labadeenna kii la huwiyaba heegan gala caawa


DHAMMAAD

Maanso: "Jawaab: Gabaygii Wuu Dhintay, 2003"
Wq Cabdirisaaq XuseenDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!



 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    GOLE WAYEELDhambaal u dir Maamulka GOLE WAYEEL? Tuuji! | Wednesday, April 27, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYS



Powered by Blogger
make money online 
blogger templates