Digniin: Akhristow ma Soomaali ayaad tahay? Haddii aad Soomaali wanaagsan tahay, gabaygaan kickicintiisa ama dhegeysigiisa ba; ha isku daalin; waayo waxa uu ku nacsiinayaa qabyaaladdaada wanaagsan, tiiyoo weli ba na aad iskula sii weynaan lahayd.
Dabuubtiisa gabay waan ka tegay dihashadiisii e
dubaaqayga waa taan ka jaray waa fog dabadeed e
shin kastood daleed uga baxdo aad nabar is diidsiiso
dabnahaagu shaygay bartaan waad ku dayataa e
haddii gole dabbaaldeg iyo faras loo dalbado maalin
oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
uu mid aan daryeelini xakame daamankaw geliyo
uu diirin orodkuu lahaa damacsi siin waayo
uu cidhibta darandoorriyo oo duubo madaxiisa
debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaa e
haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashaday e
Jeeroon direyska u gashoon debedda soo taago
dalleen aniga iigama tago e waa dig siin jiray e
waxaan gabayga deelka iyo lafta iyo doorka uga qaaday
dadka waxaan ogaysiinayaa dawgu suu yahay e
Soomaalidaay dayooy wanaag idinka doorsoon e
Docda bari doreeriga baddiyo Seylac deriskeeda
dusha koonfureed iyo ilaa webiga daaciisa
degmadeena oo idil haddii aan deyey abwaabkeeda
nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waa e
Dulmi iyo dhac waa waxa qallibay degelladeedii e
dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeed e
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaan e
dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan e
bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
wixii hore u soo daashaday bay degashaneysaa e
Doqonnimo kugu baahday baan cidi dabiibeyn e
duulkii inkaar qaba jin baa daasadaw tumo e
dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaa e
waagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaa e
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaan e
dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan e
dul iyo hoosba waan ugu dhigay e waa dix dhagaxeed e
bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
wixii hore u soo daashaday bay degashanaysaa e
Doc hadday u wada jeesatooy dhowrto danaheeda
ay duul walaala ah tahooy duunka ka heshiiso
dadka kama yaraateene ways dabarjaraysaa e
dubba madaxa wayskala dhacnaa daa’in abidkiis e
goortay is wada dooxatay baa daad u soo gelay e
dul iyo hoosba waan ugu dhigay e waa dix dhagaxeed e
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaan e
dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan e
bal inay dalfoof tahay caqliga doonni laga saaray
wixii hore u soo daashadaay degashaneysaa e
Ubaxiinnii waad daadiseen waana dubateen e
dubaaxdiisa waad wada cunteen duhur dharaareed e
dariiq toosan Soomaalidaay waa lagaa deday e
darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrow e
dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaan e
Hadaynaan xumaantiyo dilka iyo daynin kalaqaadka
dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Illaah e
danbarkeedu waa Jahannamma iyo dogobkii Naareed e
dul iyo hoosba waan ugu dhigay e waa dix dhagaxeed e
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaan e
dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan e
bal inay dalfoof tahay caqliga doonni laga saaray
wixii hore u soo daashaday bay degashaneysaa e
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
ay dumarku weerkii sitaan danabbadii waayay
dad ayaa lahaayey intaynu isu duuleyno
uu sida dareemada u yaal meydku dibaddeeda
wallee ba doogsan maysaan haddaad dunida joogtaan e

DHAMMAAD
Maanso: "Dix Dhagaxeed"
Wt Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade, 1967Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Faafin: