Maxamed Mooge Liibaan (AUN), hees ayaa jirtay uu u heesay kabankiisa. Daaro oo dhegeyso heesta "Deddagooye"!
Haddii codka Aadmigu muusig yahay; Maxamed Mooge na waa hoobal cod aan gaboobeyn ku dul daabacay luuqda heesaha Soomaaliyeed. Car e ayaa carrab iyo cod ba leh oo caynkiisa oo kale ugu qaraaxeyn karaya heestan qaraamiga ah? Heestam dahabka ah. Gelbis! (Waayeel: Xusuusqorkayga).
GELBIS waa hees raggii curiyay uu si aad ah uga aragti iyo dhaqan ba duwan yahay, maansoole badan ee Soomaaliyeed. Maxaa yeelay, Soomaalida, weliba haleyeeyo kusheeggooda ugu magaca dheer; kuwo nala ku soo baarbaarin jiray suugaantooda, tusaale ahaan Raage Ugaas: waa kii dilay ninkii guursaday gabadhii uu jeclaan jiray. Bal hadda eeg tixdiisa "u bayr[san] waddiiqa lexsan" (Hadraawi: Wayeel Dadow)). Sow ka ku faanay,
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Ilaha maansada Raage Ugaas laga heli karo:
(1) http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/raage/alleyldumay.htm
(2) http://www.golkhatumo.com/Alleyl.htm
Mararka qaarkood ayaan is weydiiyaa "Aadmiga," kiisa Soomaalidu ay ugu yeehdaan "garac ama wacal"? Waa qofma, garacaas? Wax la hubo, waa in carradu ay na wada dhashay, iyada aan u dhiman doonno, jurmidayada na ay dib u wada quudan doonto….
Gobnimo raggeedii waa, ninka inantii uu calmaday nin kaleeto ka guursaday; misana yarad iyo ficiiskii kale ba, sitaahoo ay isaga ooridiisii noqon ahayd, 'yadii kuu sii gelbina haya: geel, gammaan faras, duco, hiddo, iyo farxad. Falgalkiisa diimoon ayaa ah, run ahaan, "gobnimo aan gaboobeyn".
Ma is weydiisay se sababta? Sow isaga ugma sii darnaateen, tiiyo ka mid noqon lahayd hablihii Ismaaciil Mire ka sheekeyn jiray,
Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo...
Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
Oo wada dareeraye nin kale doontay lacagtiisa
Soomaali, Soomaalida ugu wada gobsan, Soomaali gob ah, ayaa curiyay heestan "Gelbis". Nasiibdarro se waxa ay tahay, sida heestu ay caan u tahay; magaciisu caan uma aha? Ama sidayda oo kale ayaan la wada hubin, amase ba la iskaga wada illoobay ciddii curisay. Kuma ayuu ahaa abwaankan dahsoon?

MML (1945—1984)
Xuska Maxamed Mooge 2011: Gelbis
Wq Maxamed Mooge LiibaanDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!

Faafin:


