“Tagsiiiii” cod dumar oo diiqadi cuslaysay ayaa telefoonka ka soo booday.
“Fadlan tagsi ma iisoo diri kartaa?” Ayaan ku idhi.
“Xaggaad joogtaa gacaliye?” Ayay igu tidhi.
“Toxteth Town Hall” Ayaan ku warceliyay.
“Albaabka buluugga ah?” Ayay iyada oo rabta inay hubsato igu tidhi.
“Haa, waa albaabka weyn ee buluugga ah” Ayaan u raacshay.
“Oo xaggaad qabanaysaa?”
“Renshaw Street” Waxa aan u tilmaamay meesha aan ku socdo.
“Daqiiqado yar sug” Intay tidhi ayay telefoonkii dhigtay.
Ma ahayn daqiiqadihii ay iigu ballanqaadday se degdeg buu tagsigii iigu yimi. Kursiga hore intaan isku tuuray ayaan wadihii bariidshay. Wuxuu ahaa nin da’ dhexaad ah oo naaxsan. “Aroor wanaagsan” Ayaan bariidadaydii koobnayd ee hore u raacshay. Codkiisa iyo araggiisu ba wuxuu ahaa nin khaati taagan. Waa nin aan aqaan, in door ah ayaan tagsigiisa raacay. Weli isaga oo faraxsan ma arag. Dood badan ayaannu ka yeelannay foosburburka dhaqaalaha iyo sababaha keenay. Wuxuu u haystaa in dad gaar ahi sababaan foosburburka dhaqaale ee lagu jiro.
“Xaggaad ku socotaa?” Ayuu si caloolxun iigu yidhi. Waxa aan iska ilaalinayaa in muran soo noqnoqdaa na dhexmaro. “Renshaw Street fadlan” Ayaan ku idhi.
Waannu ka dhaqaajinnay. Jidadku waa cidla. Inkasta oo goorsheegtaydu tobankii arooryo tilmaamaysay hadda na dad iyo baabuur mid na waddooyinka laguma ogayn. Waxa ay ahayd juuqla. Waxa jirtay ceeryaamo jiq ah, marka goobtii aan ku socday ku sii dhowaanna ba way ka sii daraysay. Degaanka nagu meersani waa mid aan wada garanayo, taasi waa Kiniisaddii Aglikaanka oo dhinac duman dhinac na taagan yahay. Taasi na waxay u eg tahay taalladii Shiinaha ee Bagoda, waxa dhinac u janjeedhiyay ma hubin. Taasi na waa kiniisaddii dagaalkii labaad la dumiyay, waa ba daarta maanta magaalada ugu bilicsan. Meel walba boodh baa ka kacayay. Qiiq baa magaalada kor uga baxayay oo cirka isku shareeray.
“Hawadu way xun tahay, waa kulaylkii cimilada isbeddeshay ee la sheegayay” Ayaan ku idhi tagsiilihii.
“Filanwaa igu ma aha. Haddii aad guriga kadimadiisa ballaqato sow dad cimilada inay kululeeyaan ay tiradoody kellifaysaa soo buuxinmaayaan” Ayuu yidhi. Waa kii aad ogayd ayaan ku fekeray. Waxa aad mooddaa inuu had iyo jeer sii og yahay cidda uu eedda la saloolanayo.
“Cimilada kululaatay iyo socdaalka bini-aadamku meesha iskaga soo xidhmeen iima dhicin” ayaan ku idhi.
“Dabcan waa isku xidhan yihiin!” ayuu sidii oo uu hubo u yidhi.
Tani maaha dood aad guul ka gaadhayso ayaan ku hammiyay, cawadayda waxaan soo gaadhnay bartii aan u socday. “Waa imisa nooligu?” ayaan ku idhi.
“Saddex gini iyo konton” ayuu yidhi. Intaan bixiyay nooligii ayaan u holladay in aan dego, kolkaasuu hadal igu la soo booday.
“Maxay ahaayeen beladanu na?” ayuu isaga oo kuraastii dambe ee gaadhiga eegaya igu yidhi. “Ayo?” Waxan u raacay dhankii uu eegay, mise waxaan indhaha ku dhuftay saddex qof oo haylo xunxun oo kuraasta dambe fadhiya.
“Ma saaxiibadaa baa?” ayuu kor ugu qayliyay.
“Jinni! Maya!” Ma niyad baan u hayaa in aan cid kale soo xambaarto anigoo joogitaankayga dalkan markasta buuq ka taagan yahay.
“Waan hubaa inaad afkooda ku hadli karto. La hadal haddii kale?” Ayuu si hanjebaad leh iigu yidhi.
“Haddii kale maxay?” Ayaan ku celiyay.
“Waa inaad nooligoodii bixisaa!” Ayuu yidhi.
“Nooligoodii?” Ayaan weydiiyay.
“Haa, nooligoodii. Ma waxaad moodaysaa inaan bilaash ku shaqeeyo? Miyaanad ogayn inaan ubad koriyo? Ha ii la iman aniga fekerkii bulsho koriska ee qof walba sacabbada loo buuxinayay, waa waxa dalkaygii awoodda lahaan jiray maanta qorfaha ka dhigay” Khudbad dheer ayuu ii jeediyay oo jidaynaysa sababta aan dadkan qalaalood nooligooda u bixinayo.
“Xitaa goorta ay baabuurka soo fuuleen war uma haysid. Miyaad hubtaa in aanay saarrayn ka hor kolkaan soo koray?” Ayaan weydiiyay.
“Ma dhici karto. Anigu dad qalaalood baabuurkayga madadaalo ugu ma qaado. Ha moogaan birtan xun nololmaalmeedkaan ka soo saaraa” Ayuu yidhi. Waxkasta oo afkiisa ka soo baxaa waxa ay ku wareegaan nololmaalmeedka sida uu ula soo baxo iyo sida cid kale noloshiisa duullaan ugu tahay.
Kuwii qalaalood ee xagga dambe fadhiyay ayaa qosol bilaabay. Mooyi waxa ka qosliyay se miyaan nin sugaya inuu ogaado ahay. Ka hulleel intaan go’aansaday ayaan baabuurkii ka booday oo jidkii weynaa cagta saaray. Saddexdii qalaalood iyo kii ay martida u ahaayeen ayaan u kala tegay. Toddoba tallaabo kolkaan ka socday ayaan maqlay daaqad baabuur oo la xidhay. Dib baan u soo jalleecay mise qof baa dhulka ka soo kacaya. Waxa maankayga dhexbulaameeyay laba talo; ma ku noqotaa oo waxa meesha ka socda ma eegtaa iyo ka bul dheh oo jidka qaad. Intaanan mid na ku kicin ayaa baabuurkii oo lalaya, laydhkiisa hore na wac yahay dhankaygii loo soo kaynaaniyay. Taw! Waxan la firdhaday naftaydii, is dhigay waddada qarkeeda, isku qaaday dukaan madhan daaqaddiisa, muraayaddii dhalfiifaha ka dhigay oo dhabarka u dhacay. Baabuurkii oo lalaya ayaa i weydaartay.
Bidhaantii dhulka ka soo kacaysay ee mar hore aan arkay ayaa dhankayga u soo kacday oo isoo gaadhay. Waa wadihii tagsiga.
“Raalli iga noqo, raalli iga noqo saaxiib!” Ayuu cod kurbanaya ku yidhi.
“Maxaad baase iga doonaysaa aniga? Nooligaagii waanigii ku siiyay, miyaanan ku siin? Wax dambe bixinmaayo” ayaan ku idhi. Waxa aan is idhi wixii jab soo maray weli lacag kale oo la siiyo ayuu raadinayaa.
“Uma baahni nooli kale saaxiib, waxa aan doonayaa in aan ku raaco” Ayuu yidhi.
“I raacdo aniga?” Ayaan weydiiyay.
“Haa, waxa aan filayaa inaynu wax badan wadaagno, kolkaas in aan ku raaco ayaan doonayaa” Ayuu yidhi. Waa ba sheeko xiiso leh, wadaaggu kama mid ahayn hadallada uu adeegsado. Wuu ka dhigay malaha.
“Wax baynu wadaagnaa!” Ayaan si qaraaxad leh ugu idhi.
“Haa, waan ogahay inaad madow tahay, anigu na caddaan, laakiin i rumayso waxa aynu wadaagno ayaa ka badan waxkasta oo ina kala kaxayn kara” Ayuu iigu warceliyay.
“Anigu madow ma ihi” Ayaan ku idhi.
“Waa hagaag, maarriin ba dheh” Ayuu yidhi.
“Anigu ma ihi maarriin, madow, caddaan iyo midna ba; Waxan ahay waxba, ma i maqlaysaa waxa aan ahay waxba, WAXBA xaaladda ka soo horjeedda wax ahaanshaha” Waxa aanu ka warhayn in aan sumadaha la isku tilmaamo karho.
“Saaxiib i maqal waxaynu wada nahay bini-aadan; waxa aan qabaa in la wadaago dhib iyo dhidid wixii noloshu keento, waa inaynu mustaqbal la wadaago yeelannaa” Ayuu yidhi. Maantuu ba Falsafad dhexgalay ayaan isku la shawray.
“Ilaa goorma ayaynu bini-aadan noqonnay?” Ayaan ku idhi.
“Ilaa intii ilbaxnimada bini-aadan jirtay” Ayuu yidhi.
“Ka warran ilaa kolkii godka loo hoydo la aasaasay?” Ayaan ku idhi. Waxa aan is leeyahay ha u dhacdo in maskaxdii godku weli jirto oo xay tahay.
“Waan ogahay in ay jiraan qaybo dunida ah oo dadku doorbidaan inay noocaas u noolaadaan se waxaan ahay kii ku ixtiraama, qaabnololeedkooda wax ba kama qabo runtii” Ayuu iigu warceliyay.
Ninkani waa mid rabbaysmay ayaan isku la shawray. Wax kasta oo dhaca isbeddelimaayo. Bal cidlada uun yaanan kaga tegin ayaan ku fekeray.
“Waa hagaag ina keen” Ayaan ku idhi.
“Aad baad u mahadsan tahay, waxa aan xiiseeyaa tartanka geela” Ayuu yidhi. Wuxuu doonayaa inuu haasaawe ilbax ii bilaabo.
“Ahaa! Ma ka labada kurus leh mise ka midka qudha leh?” Ayaan ku idhi. Waxa aan doonayaa in aan hirar sare gaadhsiiyo.
“Maya ee ka geesaha leh” Ayuu yidhi.
Waa ka dhaqaajinnay. Meel durugsan waxa ka sii bidhaamaya iftiinka laydhadhkii dambe ee baabuurkiisa oo ku sii libdhaya duni aan la aqoon.
“Oo heedhe maxay ahaayeen saddexdii rakaabka ahaa ee aad baabuurkaaga kaga timi?” Ayaan weydiiyay.
“Saaxiib doonimaysid inaad ogaato!” Ayuu yidhi.
“Maya waan doonayaa!” Ayaan ku adkaystay. “Ma ogtahay waxa ay igu yidhaahdeen, waxay yidhaahdeen waxaannu nahay DHD dhulkana annagaa iska leh” Ayuu yidhi.
“Ahaa! Ma urur cusub oo soogalootiga diiddan baa iyana?” Ayaan ku idhi. Waxa aan is idhi bartiisii ayuun buu u dhuranayaa oo wuxuu soo wadaa urur cid-wal-ba-nece cusub.
“Maya waa Geeri, Gaajo iyo Cudur” Ayuu igu yidhi.
“Haa! Kuwaas wax ba ha ka werwerin, waa arrin caalami ah, waxa ay ka mid tahay isufuranka dunida. Sida runtu tahay qolyahaasi iyagaa dhaladkii asalka ahaa ee dunidan ah. In badan baynu dirsoocaynay maanta se inay u bilatay oo ay wax iska celinayaan ayaa laga yaabaa” Ayaan ku idhi.
“Ma sidaasaa? Ma waxaad i leedahay wixii soogalooti soo buuxsamay ayaa weli ba DHD kale na ku soo kordhayaan?” Ayuu yidhi.
“Waa hubaal” Ayaan ku idhi.
Niyadjab weyn ayaa wejigiisa ku qormay.
“Weli ma ku la tahay in aynu mustaqbal wadaagayno?” Ayaan weydiiyay. Wuxuu dib u jalleecay bartii uu markii ugu dambaysay kaga haajiray tagsigiisii, nololmaalmeedkiisii, markaasuu ku gunuunucay; “Haa way ila tahay.”

DHAMMAAD
Sheeko Gaaban: "Mustaqbal la Wadaago"
Wq Cabdillaahi Cawed CigeDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


