
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
"Abwaan Hadraawi, marka laga hadlayo Soomaali mabda'iisa ku adadkaan jiray; waxa uu ba ka soo mid ahaan jiray, Maxbuus Damiir ( Prisoner of Conscience ) oo badanaa; hayeeshee, kuwoodii ugu magaca weynaa… Ilaahay Ha Daayo e; waa halyay, warkiisa sida "Aayadaha Quraanka" oo kale, aan weli u rumeysto.
Hadraawi, Maxamed Ibraahin Warsame. Gelbis. Isha: Mareegta Suugaanta Hadraawi. Soobaxday Maaajo 3, 2008
Dadka goobta joogiyo
Inta guurti xuladiyo
Gacal iyo in xididow
Waxa iga guddoontaan
Gudashada Islaamkiyo5
Godka hore salaantii
Gacantii la fidin jirey
Garka taxan awaalaha
Iyo gooddi kala rogan
Gaalgaalka weedhaha10
Kalaguridda maansada
Arartayda gebagebo
Halka ay ku gobo’ tidhi
Haddaan gees isaga dhigo
Galka sudan u daaddego15
Golayaasha magaca leh
Gudbantiyo aftahamada
Garashaa la hadashee
Hadalkayga gaarka ah
Waxba guulin maayee20
Gobi may maqlaysaa?
Haddii loo gabbalodayo
Gunta loogu sahan tago
Guurka waa la mahadshaa
Gumaradu lib weeyaan25
Godad baa la eegaa
Iyo meelo kala guran
Isgargaarku waa sees
Qabyo waxa gufayn kara
Laba guusha wada jecel30
Libtu waa hal iyo godol
Iyo gelinba sii soco
Galab noolba waa taab
Iyo tiir u soo goo
Dantu gelinba waa cayn35
Iyo labagardaymood
Godadleynta salowga leh
Iyo gooragooraha
Gurrac baa ka beermoo
Talo way gidaaddaa40
Haddaan loo gabbalodeyin
Garraaddeynta sahanka ah
Mar haddii la garabmaro
Halka guusha laga dayo
Qofka golekafuulkiyo45
Arrimaha golmadhanta ah
Gacmahaa ku daaloo
Laba kala gablooshoo
Kala gamashidaa badan
Waxba Geesi ma hollado50
Haddaan gaari nuurayn
Haddana gaari waa been
Haddaan geesi noolayn
Gabadh yahay Suleekhaay
Marka xiga Gardheeyaay55
Marka xiga Galoolleey
Guribila' haddaad tahay
Adaa guul xereystee
Aniguna Gargaaraay
Waxaan kugu gelbinayaa60
Hiddaheenna guunka
Iyo golongolleydii
Gibladiyo mashxaraddii
Lagu gedagedeyn jirey
Waxaan kugu gelbinayaa65
Guryosamo adduunka ah
Iyo goobta aakhiro
Gob inaad la deristaan
Mar hadduu Gobaadeey
Gabaygaygu kula yahay70
Qoraxdoo gardhalatiyo
Dayaxoo galsheystiyo
Gallad aad tebeysoo
Guurkaaga bili kara75
Godob baan ka baqayaa
Anna waxaan guddoonsadey
Inaan geeri mooyee
Dhinacayga Golollooy
Garbo kugu bannaanaan80
Marka xiga Gobaadeey
Haddaan goobta iman karo
Murtidayda gaanka ah
Gurmashaan ku darayaa
Marka goonnibaadhkiyo85
Gumucyadu is dhaafaan
Gelbiskaan horkacayaa
Guddidaan ku jirayaa
Marka goluhu laasimo
Guradaan fadhiyayaa90
Halka toban-gardhaalaha
Iskujoog gun iyo baar
Lagu taxay garaariyo
Googoosku sudhan yahay
Gaalgaalka maansada95
Gedda hadalka loo jaro
Gebagebadu waa duco
Iyo godolka aamiin
Ubad wada garaadda ah
Wada cugan gabdhiyo wiil100
Iyo guuto magacyo leh
Afartiinna geesood
Mahad iyo ku ladha guul
Goblankana xijaab ka ah
Gudcurkana ilays ka ah105
Laga qoray Galool Hawd
Iyo Geedka Nabadeed
God hadday ku libidhiyo
Hadday xaajo gadantaba
Xog kastoo la dabagalo110
Ged kastoo la digarogo
Biyogororku waa meel
Garashada addoonkiyo
Hadba wuxuu go’aansado
Iyo galabba xaajada115
Qofna tiisu gibil ma leh
Rabbi baa Guddoonshe ah
Galladaha mugweynta ah
Raxmaddiisa gaarka ah
Gacan bariday waa hodan120
Ganatada Iblayskiyo
Gun hadday ka magan tahay
Rabbiyow na garabmari
Inta gaal u meel taal

DHAMMAAD
Maanso: "Gelbis"
Wq Abwaan Maxamed Warsame HadraawiDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


