Daawo, Xasan Aaden Samatar, oo qaadaya heestii Abwaan Maxamed Jaamac (Ilka-Case), "Waan Idin Dhaliilay".
Kolkii uu abwaanku arkay; foolxumooyinka colaaddii sookeeye, kuwaas oo qarankii Soomaaliyeed lagu burburiyay, ayuu is haysan waayay. "Waan Idin Dhaliilay," waa hees uu ku eedeeynayo — dembiileyaal halis ku ah nolosha iyo nabadda Soomaalida" — "GACAN-KU-DHIIGLEYAAL weliba na falay khaa'innimo gaarsiisan ilaayo heer QARAN.
« Abwaanku, waxa uu sameeyay riwaayado farabadan, oo ay ka mid ahayd,tii caanbaxday ee la oran jiray: "Reer Ba'yow Yaa ku leh?". Riwaayaddan waxa ku jiray heesaha ay ka midka yihiin: "Ma Ahee Khadraay," oo ay qaadaan Maxamed Saleebaan iyo Sahra Axmed; "Ha iga Goosan Caawaad ," oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Aamina Feer; iyo "Hiddo," oo ay qaadaan Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Axmed Dhimbil. Waxa kale oo abwaanku sameeyay heeso aad u qarxay, oo ay ka mid yihiin: (1) "Warsan iyo Weersan Ii Soo Weceey," oo ay qaaddo Aamino Feer.
(2) "Weheey Waaqlaan u Baxayoo, " oo uu qaado Cumar Dhuule (AUN)
(3) "Waan Idin Dhaliilay, " [ waa ba isla heestan] oo uu qaado Xasan Aadan Samatar.»
— Dek Dirie. Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Maxamed Jaamac (Ilka-Case). Suran. Mareegta Koodaar, Luulyo 20, 2011. Lagaheli http://wayeel.blogspot.com/2009/12/sooyaalkii-iyo-suugaantii-abwaan.html
Haatan iyo ugu dambeystii horudhaca na, walaal, daawasho wacan.

Hoobalkii Hannaanka, Quruxda, iyo Aluubta
Hees Soomaali: "Heesta: "Waan Idin Dhaliilay," | wq Ustaad Xasan Aadan Samatar"
Wq Ustaad Xasan Aaden SamatarDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


