Digniin: Akhristow ma Soomaali ayaad tahay? Haddii aad Soomaali xun tahay, maansodan kickicinteeda ama dhegeysigeeda ba; ha isku daalin; waayo waxa ay ku jecleysiin: goosashoda, gooni-isu-taagga, iyo aqoonsi-u-raadinta — land-ka aad ka soo jeeddo.

Sawirkii Timacadde ma muuqdo, miyaa?

Abwaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed (AUN), sooyiilka sheekadiisa; siiyaalka iyo labaddaraadle sooyaalka dib-u-gocadka taariikhda Soomaaligan gobta ah; qalinka qoraaga aan dhaladka ahayn; may qalinka qoraaga sheegatoda ah: Timacadde waa halyey aan uu sina ba u sheeli kari doonin. Waayo Cabdullaahi Suldaan Timacadde waa dhalan ka mid noqday Dunjiga Marada Qaranka Soomaaliyeed ay ka falagsan tahay, Gololada Soomaaliya — Cirkoon-Caad-Lahaynow. Maryooleydu marnaba ma illoobi doonaan Abwaankoodii Calansaarka!

Habeenkii Brirish Somaliland ay qaadan lahayd madaxbannaanida, ayuu Abwaan Timacadde (AUN) kula dabbaaldegay madashii calansaarka; awgeed qiiro qarrinimo na, kaga ilmeysiiyay "khalq[i] daawasho u joogay" (Timacadde: Dix Dgagaxeed).

Si kasta ba, Soomaalidu, habeentiriskii juunyo 26, 1960kii ayay qoorteedii kala baxday harqoodkii
harqood ~ ka: af Carbeed: نير; af Ingiriis: yoke; af Talyaani: giogo; af Faransiis: joug; af Jarmal: Joch.
gumeysteha, kaas oo horeyba ay u soo sidi jiray, kodhowaad hal qarni (ama ≅ 80 sano).


Timacade, Abwaan Cabbdillaahi Suldaan Maxammed (AUN) ayaa ku laaqinya. Daaro oo dhegeyso maansada "Kaana Siib, Kanna Saar".

    … hoyaalayey hoobaalayey hoyaalayey hooye

    In dhoweydba waa taan sahladay sadarradaydiiye
    ma safaynnin maansooyinkii aan saayidkaw helaye
    Seerkuleer ayaamahan ma bixin Soonfur dabadeede
    subixii dhammaadaba mar baan saari jirey luuqe
    siddo la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere
    labadaba markuu seego waa surgucantaaye:
    an safeeyo maansada tixdii ay sihatay laabtaydu!

    Anigoo sebiyahoon
    Sita leeb iyo qaanso
    Oo siigadoon isku aasiyo
    Sabad reer ka fogaaninoon
    La aaminin soofkiyo5
    Saacan maanta aan joogno
    Gabaygu waygu sugnaayoo
    Suxufiinta dhawaaqdana
    Anigawgu sarreeyo e
    Haddii aan sixi waayo10
    Ama aan sarsarriigo
    Ama aan sarmaseejo
    Ama aan ka salguuro
    Ama laygu saluugo
    saamiciinta maqlaysaay15
    I su'aaloo hadhowto e!

    Ilaahaan waxba seegine
    Subaciisa Quraankiyo
    Sabbaxooyin ku sheegayow
    Saciira iyo Naciima20
    Rabbiigii kala seerayow
    Marka Suurtu dhawaaqdo e
    La soo saaro makhluuqa
    Shaqiga iyo saciidka
    Maalintaad kala soocdo25
    Dembigaannu samaynay
    Rabbigayow naga saamax!

    Subciyoo ku dukeeyo e
    Sawt kaleeto na waayo
    Soomaaloo calan taagta30
    Saakay noogu horreyso
    In sidayda tihiin iyo
    In kalaanan saxeynine:
    Saddex wiig iyo maalmo
    Haddaan soor cuni waayo35
    Safrad laygama yaabo
    Sari maysa naftaydo e
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow Manusqaamow
    Aan siduu yahay eego e40
    Kaana siib, kanna saar

    Ka siddeetan sebaan
    Calankaannu sugeynay
    Een sahankiisa ahaynow
    Seermaweydo hillaacdayow45
    Sagal maanta darroorayow
    Siigadii naga maydhayow
    Saq dhexaannu ahayne
    Kii soo saaray cadceeddow
    Samada kii u ekaaye50
    xiddigaa mid la siiyow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow
    An siduu yahay eego e
    Kaana siib Kanna saar55

    Saalixiinta Islaamku
    Sirta kay ku arkeenow
    Saahidiinta Quraanka
    Subcisaa Jimcayaashiyo
    Sibyaanta iyo haweenku60
    Calankay Saadsheenow
    Cidina kaanay na siinnine
    Saatir noogu yaboohayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow65
    Aan siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Sankuneefle dhammaantii
    Khalqiga kii u sinnaayeen
    Mid saaxiib la ahaynow70
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow
    Aan siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Kii saaciddada keenayow75
    Sedadu kay ku xidhnaydow
    Sallaankii istiqaalkow
    Sayruukhii Afrikaadow
    Siraadkii na iftiinshaye
    Soomaaloo dhan xoreeyayow80
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow
    An siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Faralka iyo Sunnaha85
    Waxii Diinta ku saabsan
    Asna kii saddaxeeyayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow
    An siduu yahay eego e90
    Kaana siib kanna saar

    Kii gumeysiga saaraye
    Isticmaarkii sumeeyaye
    Seedihii kogsanaa iyo
    Seetadii naga gooyayow100
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma nusqaamow
    Aan siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Soomaloo iscunaysa oo105
    Isa seeggan dhammaanoo
    Saqda qaylo dhawaaqdiyo
    Sulub laysu cabbaystiyo
    Hadba soof la xabbaadhiyo
    Saraayaa dami weyday110
    Kii laydhiisu na saaqdayow
    Kii sadqeeyey Qabaa'ile
    Saf walaala ka yeelayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow manusqaamow115
    An siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Nimankii na siraayayee
    Waaxwaax noo kala saaftaye
    Solanaayay cadkeenna120
    Innagoo dhexda suunku
    Sabarkeenna qarqooray
    Kii sadkeenna cunaayay
    Sarartiisa ka muuqdaye
    Surwaalkii ka yaraadaye125
    Daaro loo sibidheeyiyo
    Sariiraa lagu seexdiyo
    Kabadh suuf laga buuxshiyo
    Mid baabuurka safeeyiyo
    Sagaal booy iyo kuug iyo130
    Aayad saarta carruurtiyo
    Weliba seeska lahaa
    Kii sabaanka u laabayow
    Saaxirkii kala guurraye
    Sarreeyow ma nusqaamow135
    Aan siduu yahay eego e
    Kaana siib kanna saar

    Sowjarkaa hubka qaataye
    Intuu soodhka ku taagay
    U diyaara salaantiyo140
    Saraakiisha amraysaay
    Sifihii isticmaarka
    Ka siyaadiya maanta
    Sibilkeennan ag joogow
    Sibirtiisa istaaga145
    Nin walbaa sigib beelo
    Saraw taaga gacmaha oo
    Sacabka isku garaaca oo
    Nin walbaa saddex goor
    Subxaanow waa mahaddaa dheh!150



DHAMMAAD

Maanso: "Kaana Siib, Kanna Saar"
Wt Timacadde, Abwaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed (AUN) Juunyo 26, 1960.Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Friday, July 1, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYS



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates