Wayeel waxa uu tacsi murugo leh u dirayaa dhammaan qoys, ehelo iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Marxuumad Kinsi Xaaji Aaden(AUN). Jimce, Luulyo 22, 2011, ayay ku geeriyootay Hargeysa, Somaliland. Ilaahay Jannadiisa Firdowsa ha ka waraabiyo. Aamiin!


Faallooyin ku Saabsan Kinsi

 

    Saciido Sheekh Ahmed:
    Yusuf Wayeeloow cod gaar ah oo aysan cidi la wadaagin dheh Illaahay ha u raxmado qof walbaa wuu tagayaa Illaahay tawfiiqda. Waxaan arkay video beri hore ahaa oo iga calool xumeysiiyay waan idinla wadaagayaa mase hubo sida uu xaqiiq u yahay iyo sida ay wax u dhaceen laakiin markaan arkay Marxuumadda oo nin uu kusoo duulayo aad ayaan uga xanaaqay ee bal ila arka Ma waxaan laga xanaaqin baa! Labadaasi calan ee aad meesha soo saartay, xaggeey jireen? Bal dalkii duullaankaas uu ka dhacay iyadoo masraxa saaran toloow ma kala xisaabtameen?
    F.G. Labada Calan waa igu weyn yihiin laakiin fannaanadda marxuumadda sidaas umay qalmin. Hadda waabay innaga baxday laakiin wuxuu na xasuusinayaa video gani inaan nahay dad eber ah. Illaahoow geerida naxdinta leh wey nagu badatayee noo kala dheereey.


    Anwar Maxamed Diiriye:
    Saaxiib Yusuf Wayeel…Mahadsanid! Waxa la yiri "geeridu aqoontay kugu dishaaye", waagii Kinsi, Xarago Jecel & kooxdii Onkod heestan & riwaayaddii ay ku jirteyba la xafidsiinayey, waxa ay nala joogeen Lafoole, ciddii ku soo kortay ayaana garan karta..halkaa. Kinsi & Xarago oo labaduba aad u da' yar, codkooduna markaa deexasho & labeeneysi uu ku jiro, oo aan weliba weli xooxdii hore laga dhiijin ayey heesta xafidayeen..anaguna kama aynaan ag dhaqaaqi jirin. Marka uu Axmed Saleebaan Bidde oo ahaa hal-abuurka riwaayaddu dhawr shilin noo tuuro, waanu firxaneyney oo inta qasab bushka ka soo iibsanno ayaan dib halkayagii ugu sopo laabanayney. Illaahay walaasheen Kinsi Xaaji Aaden naxariistiisa faraha badan ha ugu naxariisto….Xaragoo ka sii horreeyeyna sidaa oo kale ha yeelo.Aamiin. "Xoortii laga dhamay xagaagii iyo xusuus ayaa geela lagu xero geeyaa… geeriyina geeljire & nin aadan garanayn ayey ku wacan tahay" ayey Soomaalidii hore oran jirtey.


    Zahra Abdi
    Wajiyaal is xasuustaa, wadnayaal is jeclaada! waayo waayo iyo xasuus fiican, mahadsanid wayeel! inagaa ku wacnaynee maxaad iiga wareegtay?


    Mohamed Mo'alim Osman
    Ilaahay ha u naxariisto Kinsi, heestu waxaad moodaa in maanta ay ka hadleyso, alla maxaan haybad aan lahayn, bilaash loo bur buriyey!!, ilaahay ha u naxariisto Marxuumad Kinsi, qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka tagtey samir iyo iimaan aan dhamaan alle haka siiyo, iyaduna Jannadii fardowsa alle haka waraabiyo aamiin aamiin aamiin.


    Yusuf Wayeel
    Mudane Anwar Maxamed Diiriye, salaan diirraan iga guddoon. Waxyaabo dhowr ah ayaan falladaadan wanaagsan ka kororsaday; sida walaalkeen Xarraro, geeridiisa; falladaadan ayaan ka bartay. Sida la ii lahaa "helaayo waa dhimatay, hebelna wuu dhintay"; heer waxa aan gaadhay aanan dadkaba ka wareysan: yaa nool, yaa se dhintay. Walaakeen Cabdullaahi Cumar, Ilaahay ha u naxariisto; haddaan se ogaan lahaa, Video-ga waan ku xusi lahaa geeridiisa.

    AXMED SALEEBAAN BIDDE
    =====================
    Hal kale oo aad inoo sheegtay ayaan aad iyo aad, iyo aad aan ula dhacay, ugu na qushuucay. Waa ta ku saabasan "dhawr shilin" uu Abwaan Axmed saleebaan Bidde idiin tuuri jiray. Lacagtaas wax ka weyn ayuu se Soomaalida oo idil u soo tuuri jiray: maansooyin dhaxalgal ahaa, iyo ruwaayado madhaafaan ahaa. Allow se Abwaan Axmed saleeban Bidde ayaa maanta ogeysiiya, in ay weli ba jiraan dad Soomaaliyeed, kuwaas oo xasuustooda uu aad ugu WEYN yahay. Tusaale ahaan, xasuusta Abwaan kale -- wiil beri loo oqoon jiray Anwar Maxamed Diiriye. Illayn maanta qaran Soomaaliyeed ma jiro e, xasuustaaad isaga u haysid iyo faalladaan aad ku soo xustay ba; allaylee waxa ay isaga (Abwaan Axmed) uga dhignaan: BILLAD SHARAF, SHAADO SHARAF, iyo AQOONSI ( aan uu maanta jirin mid kaagaas oo kale ka sii weynaan karaya).
    Aad iyo aad ayaan kaaga nahanaqi lahaa, fallaadaadan wanaagsan oo aad nala soo wadaagtay, xasuustaada, kolley aniga, siyaabo misana weliba sii kala gaar ah, ayay sii ii kala saameysay. Mahadsanid.


    AminaFardus Saed Dirir:
    Waxaan ku xusuustaa heesteedii,

    Allahayoow dhib badanaa
    Qof ka tegey dhulkiisii!

    Iyo heesteedii kale ee ahayd,

    Caashaqa ma baran weli
    Mana beeninaayee
    kuu boga'aye inanyahoow!

    Geeridu waa xaq, Kinsi Xaaji Aadan waxay ahayd fanaanad qaran…. Magac, maamuus iyo xusuus gaar ah bay ka tagtay'e%hellip; Illaahay haw naxariisto.


    Galayr Wadani:
    Yuusufoow waxaan ugu jeclaa heesaha, kinsi, khadra, magool, hibo, binti, iyo shamso cumar, waxaan aad u jeclaa heesaha kinsi markay wada qaadayaan, Cabdilaahi Xarago, oo aan isku gobol ahayn iyo kinsi labadaba balse xarago waxuu saaxiib la ahaa walaalkay oo had iyo jeer anigoo yar ayaan arki jiray isagoo kitaarkiisa xanbaarsan oo qolka walaalkay ku garaacayaa, Kinsina waxaan aqaana aabbaheed Xaaji Aadan oo ahaa wadaad wadaadada dhirta dadka ku daweeya ee dawooyinka dabiiciga ah, ayuu yaqanay; waxuu yidhi hadda kahor, ayaa qolo reer burco ah waxay yidhaahdeen,

    "Xaaji Aadanoow maxaad inanta fanka uga saari wayday?"


    Su'aashoodii si dhib yar, ayuu uga jawaabay; oo waxuu yidhi,

    "Adeer markaan arko iyada oo qaadaysa heesta tidhaahda, 'Mahiigaan jacaylbaa meel dheer i dhigaya i qaadayaa i dhigaya', ayaan is idhaahdaa waa kan sitee meel haku hubsado; marka markuu ama qaado ama dhigo ayaan ka saarayaa fanka."

    Isaga oo ula jeeday, in qofku iskiis waxuu doorto; cidina uga maaro helayn Soomaalina su'aal dhaafayn. Waxay noqotay halhays iyo sheeko taariikhiya arinkaas. Kinsi Ilaahay haw naxariisto. Waxay ahayd qof dhinaca fanka magac ku leh iyada oo sumcadeedii fanaanimo wali haysatana oo aanay ku ciidoobin, ayay dhimatay.


    Mohammed Aamiin:
    Kinsi Xaaji Aadan Alle godka haw nuuro.


    Ahmed Riiraash
    Kolkay Socota laafyaha
    Ama kaafi haweentahay
    haday kor u qaado wajiga
    Kaahideeyu nuurkaa
    Kinsi lagu xasuustaa
    Sowdkeeda kaafigiyo
    Kaftan aad u dheer iyo
    Kulankiyo mawjadaa
    Kinsi lagu xasuustaa
    ka talowday ifkoo,
    aakhireey u kohotee,
    kariimow Allahayow,
    Janadii ku karaamee!


    Kinsi Geeriyootoo | Wt Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)|July 22, 2011

    Maansada ‘Kinsi Geeriyootoo’ ee Kinsi Xaaji Aadan, naxariistii jano Eebe haka waraabiyee, waxa igu kallifay samaynteeda, dareen faneed oo aan u qabay fannaanadda. Kinsi aad baan u jeclaa inaan codkeeda maqlo, illaa iyo markii aan yaraa. Intii aan qurbaha joogayna, waxay ii ahayd shucuur nool oo aan ku soo xasuusto dalkii hooyo. Kinsi waxay ahayd fannaanad ehelu sharaf ah, Soomaali jecel, xishood badan, oo dhaqankeedu ka duwan yahay kan marka ay masraxa ka meteli jirtay. Waxan qabaa in Kinsi Xaaji Aadan ahayd calaamad u taagan qarannimada Soomaaliyeed, sida fannaaniin badan oo weli qaarkood noolyihiin, qaarna ay xijaabteen, intii dagaallada sokeeye dalkeenna ka socdeen. Ilaahay ha naxariisto, denbigeedana ha dhaafo, aammiin!
    _________

    Fanka kaabihiisii
    Kashiisiyo laftiisii
    Kaah iyo iftiinkii
    Kinsi geeriyootoo
    Naf karaamo socotee
    Kaalintay bannaysaa
    Kohashadu ka joogtaa

    Codka kaamilkiisiyo
    Kaftan aad u dihin iyo
    Kulankiyo masraxadday
    Kinsi ugu horraysee
    Koob kay ku qaaddaye
    Naf karaamo socotee
    Kaalintay bannaysaa
    Kohashadu ka joogtaa

    Kolkay quruxi kow tahay
    Amay kuulato haween
    Amay kohiso laafyaha
    Kaafiday ahayd baa
    Kinsi lagu xasuustaa
    Naf karaamo socotee
    Kaalintay bannaysaa
    Kohashadu ka joogtaa

    Soomaali waxay kohan
    Kabankii macaanaa
    Codkii kaamilka ahaa
    Kinsi erayadeedii
    Jacaylkuna ku koobnaa
    Onkod keyseheedii
    Kursigeedii Waabberi
    Naf karaamo socotee
    Kaalintay bannaysaa
    Kohashadu ka joogtaa

    Waxa kaydka noo yaal
    Karaamiyo xusuus mudan
    Kunfac baa u aayiye
    Allow deyn ha kaga dhigin
    Macsi lagu kulaaliyo
    Koodkii ibleys dego
    Kabadhyaale qaadwale
    Ku kaloo ka sii daray
    Kolkay kaalufaanoo
    Karkaarrada dunuubeed
    Kibir ugu badheedhaan

    Kolkol nolushu weeyee
    Haddii kicitinkeedii
    Aakhiro kalkeed galay
    Kinsi loxodka loo diray
    Rabbiyoow ka maydhoo
    Ka koryeel dunuubtiyo
    Intay kawnka saarnayd
    Gef wixii ka dhacay iyo
    Qawlkii karaahiyo

    W.T: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
    Email: mabdalle@gmail.com


    Yusuf WayeelMarwo Kinsi Xaaji Aadan (A.U.N.), Fannaanad Qaran, ma ba jirin AWOOD iyada kahorjoogsan kartay gacaltooyadii iyo walaaltinnimadii ay u wada hayn jirtay Soomaalida oo idil. Ma og tahay se, Soomaaligii qabyaaladda ku qaraabta; waa Soomaali aan iskii isugu filaneyn. Aniga, run ahaan, waxa walaal Soomaaliyeed ii noqon, qofkii yidhaa, "Anigoo ku hadlayaa magacayga, iyo magaca REER ANIGA…<" (Wayeel: 5 Sab., 2011)

Eebbow, Kinsi u Naxariiso. Aamiin.

 

Hees: "Wejiyaal Is Xasuusta"
Wq Kinsi Xaaji Aaden (AUN) iyo Xarrago, Cabdullaahi Cumar (AUN) Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Friday, July 22, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates