Aan kuu sheego sababta aan ugu socdaalayo xaggaas iyo Somaliland. Marka hore se, bal aan tuducyo ku saabsan wadahadal dhex maray laba arday, kaaga soo amaahdo buug uu qoray Andrew Lang ee la yidhaahdo, "The Essays in Little".

M. Sarcey ayaa M. About uga sheekeyay, sheeko dhex martay isaga iyo wiil reer Isbaanya ( Spain ) ahaa, kaas oo ay isku fasal ahaan jireen. Wiilka waxa ku dhacday daltabyo: waxba ma cuni karin, waxba na ma hurdi karin; in uu itaaldarreeyo ayuu ba ku dhowaaday.

"Ma hooyadaa ayaad dooni lahayd in aad aragto?" gabankii Sarcey ahaa ayaa yidhi.
"May: Way dhimatay."
"Ma aabbahaa, haddaa?"
"May: isagu wuu i dili jiray."
"Abbooweyaashaa mise abbaayoyaashaa?"
"Midna ma lihi."
"Haddee maxaad ugu hilowsan tahay in aad ku laabatid Isbaanya?"
"Inaan dhammeeyo buuggii aan billaabay fasaxyadii."
"Maxaa la yiraahdaa magaciisa?
"'Los Tres Mosqueteros'!"
Waxa uu daltabyo u qabay "Saddexdii Muskatiir," iyagu na si fudud ayay isagii u fayodhowreen (caafiyeen).

F.G. Eeg! Lama odhan, "wiilku waxa uu 'hilow' u qabay"; balse waxa la yidhi, "wiilku waxuu 'daltabyo" u qabay"! Ereyadaas fudud, si haddana loogu qushuuco, waxa ay u baahan yihiin xadanto, goorta ay taabato caaradaha xaaddeenna; durba, isla dareenkaas misana, dareensideha u sii dhex qaadsiin sidii danab oo kale; dareenkaas oo dabadeed na, wadanehu uu u daltabyoon, ma ahan dal kale; balse waa buug yaal dal kale!

Walaalkayow, waxa aan rabi lahaa in aan aado Somaliland. Xaggaa, sida la ii sheegay — buugaag ayaa buuxda; may — qorool (maktab/library) dhiganeyaal ayaa dhex wareegaya.



RAMADAAN KARIIM
Wayeel | Wed, 19 Sep 2007 22:47:50

DHAMMAAD

Dhambaal: "DAL mise BUUG: DALTABYO mise HILOW"
Wq A. M. YusufDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Monday, August 15, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates