Maanta ayaan dib u furay dhambaalladii aan isku soo dhaafsan jirnay, xiriirrada qaarkood. Waxa aan aniga iyo adigu ba wada og nahay; haddee, wax kasta oo la qoraa ba; qabyo ayaa ku jirto. Adduunyada oo dhaammato mooyaane, hawluhu wax dhammaanayaa maa aha. Qabyadu na, waa ba isla hawlohii aan is lahayn; horeyba ayaad u soo dhammaystirteen.

Walaalkaygiiyow, ereyga qoran waa meyd; haddii kale, waa gadiid wahsi badan: rar kasta oo lagu raro; badanaaba, ma ba gaarsiinayo halka ay ku haboon tahay in lagu furo. Si ayaad mooddaa ina aan isu maandhaafnay kolkii aan kugu soo hadalqaaday wax la yidhaahdo "Isku-Kalsoonaan". Waageedii, jawaabtii aad iga soo siisay dhambaalkii aan kuu soo diray, ayaan haatan dib uga ogaaday in ujeeddadaydii ay si uun kuu seegtay. Ma na sheegi karo, sababta aan isla berigeedii kuugu soo faahfahin kari waayay; ujeeddadaydii oo qeexan. Maanta oo Ramadaan ah [Wed, 19 Sep 2007 22:47:50], bal in uu Alle ajar iga siiyo, ayaan is idhi walaalkaa, mudnaantiisa, in yar uga sheeg.

Ralph Waldo Emerson, qoraalkiisa la yidhaahdo, "Isku-Kalsoonaan," ayaan ka bartay in garaadnimadu ( cabqarinnimdu ) ay tahay:

"In aad aaminto wixii run ku ah laabtaada kuu gaarka ah, in ay run u noqonayaan Aadmiga oo idil"

Awoodda qoraalkaagu leeyahay, adigu ma qiyaasi karaysid. Waa iska caadi, sida Emerson ba u asiibay: cabqarigu in uu yaso fikradihiisa; waayo: waa wax uu isagu iska leeyahay". Balse, ka warran, haddii aad iskala aamusi lahayd ama ba la xishoon lahayd wixii aad curin kari lahayd ba; ka warran, haddii 'isla fikradhaagii' uu qof waaalkaa ah soo qoro, meel kasta na, 'qoraagaas doolka ah', ay dadku na isaga ugu wada hambalyeynayaan? Sow haddaba ciil la hagooganmaysid: goorta 'fikradahaagii kuu gaarka ahaan jiray', 'fikradahaagii oo dad kale u toloobay', ay dadweynaha ugu gudbaan (ama ku gaadhaan): maahan codkaagii ama se qalinkaagii; balse codka ama qalinka qoraa kale. Yaa se kaa yeelayo, isla qoraalkaas uu qerykaa ku dhiirraday; adigu, in aad isaga kahortii, horeyba u sii ogsoonaan jirtay? 'Mooddooyinkeennii aan yasnay weeyaan', inta badan, waa isla kuwii aan iskala la aamusi jirnay; waxa qoraayaal kale, ay magac ku heleen, hanti ku yeesheen, ku na yeelan doonaan. Fikrado uu 'maankayaga horeyba u dhalay,' in ay weliba na soo booqdaan: isla kuwii oo asii loo soo lebisay dhar qalaad, loogu na wanqalay magac qalaad, la na soo siiyay dhalyo qalaad, iyo qarannimo qalaad! 'Fikrado aan is-diidsiin jirnay,' ayaan qoraallada dad kale hadba ku dhex arkaynaa; bulshadu na, ay intaa iyaga ugu durbaanno tumayso — qoraayaal qalaad. Haddee, sow ma ahan, shallaay daraaddii in aan dhegaha la fureysanno?

Walaakaygiiyow, sii daa' qalinkaaga! Iskuna kalsoonow, weligaa! Ogow, agteyda aqoonsi weyn ayaa ku yaal. Maadaama se, aan maanta hadal uun kuu soo tebinayo; bal aan kelmad agtayda aad uga qaali ah kugu soo hambalyeeyo uun: Mahadsanid.

Ma ogi si kale aan hadda wax kuugu sii faahfaahin kari lahaa. Ogowse, garaadle (mowhib) ayaad tahay. Ilaahay ayaan na ka baryayaa, Soomaaliga adiga oo kale ah; isaga naftirkiisu na, in uu la soo dhiirrado, soona wada ifbixiyo buugaagta, uu weli ku sii dhex yasa hayo, gudeha laabtiisa. Soomaaligow na, qoraaga weli is liidahayow, ha qawadin hibada Eebbehay, weliba si gooni ah, uu adiga kuu siiyay.


DHAMMAAD

Dhambaal: "Ha Qawadin Lahaayaa"
Wq A. M. YusufDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Friday, August 12, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates