Siyaad Qaasim Dheryadhoobe[1], garaadle xagga murtida iyo gorfeynta xeerarka Soomaalida dhegsami[1] weyn ku lahaan jiray, ayaa maqlay, "Hooy! Siyaadow!"
Dib ha u yare qoraansado abbaartii looga ciyay. Mase waa nin, kaas oo, si tiigsad lahayd, isaga xaggiisii ba, u soo beegsanayay. kiiyoo soo xuurtoobay, ayaa ka daba yimi; uga na hadlay: geed ku yaallay meel Heblaayo, duqeyti ku hoos garramaysay, in ay kala garbixi la'aayeen.
"Siyaadow, Kaalay, oo dadkaan kala saar."
Siyaad se, in yarayd na, uma ba hakin; ratigiisii dhaanka ahaa.
Ninkii oo hanqaaro daraaddeed la qawadsanaa, ayaa fadhigii dib ugu soo laabtay. Guurtidii geedka, oday ka mid ahaa, ayaa se weydiiyay
"Maxuu Siyaad, ku cudurdaartay?"
Farriinside na, ninkii na, waxa uu sheegay in Siyaad ku soo yidhi uun:
"Nin hoggaan haya; hawraar ma toosiyo."
Maxay adiga kula tahay, ulajeeddadii laga ka lahaa hawraarta sare? Feejignow! Siyaad ma diiddaneyn, garta iyada ahayd, in uu wax ka galo. Ulajeeddada warkiisii oo kooban na; waxa ay ahayd:
Dhaan iyo dad kalasabaaleyn, waa laba howl; asii aan hal jeer la wada fulin kareyn.
Akhristow, bal haddee ka warran: ninka hoggaan qaran lagu aaminay; blase daldalan iyo seegsegnimo uga dhuunta — xaggaa diyaarad u kireyso; xaggaas na, dalal kale uga sii duulduul — ummaddii uu xilka u hayay na, ay baahi iyo harraad la wada ildaran tahay. Waa aan og ahay; ma aadan garan waaayin; hayeeshee, aan kuu sheego. Ina Dheryodhoobe, waxa fadhiga geedka kala weynaa: horta hore in reerkiisii, uu soo harraadtiro. Sidaas awgeed, ayuu in yar na u joojin waayay ratigii uu hoggaanka u hayay. Arrimihii geedka, goorta kaalintiisii uu ka geli lahaa; waa kaddib uun iyo mar reerkiisii u wada cokanaa. Akhristow, maxaad u maleyn, ka ummad dhan hooggaankoodii gacanta loo geliyay; isagii na, had iyo jeer ba, intaa ku hawlan uun, caammada na ku oran: "hoggaan iyo hawraar ba, aniga igu halleeya"? Kaagadaranta na, afkiisu waa beenlow; gacmohiisu na, waa tuugo.
"Nin hoggaan haya; hawraar ma toosiyo," murtidii Siyaad Qaasim Dheryadhoobe, waa maahmaah, ay Soomaalidu weliba isugu maahmaahdo.
.
.
.
Cagdhiyo
[1] Siyaad Qaasim Dheryodhoobe (≅1611—?), ku dhasay Ballida Xamur, Degaanka Dooxa, Galguduud, Soomaaliya.
[2]dhegsami ~da: magac wanaagsan, sumcad wanaagsan; qof wanagsan ku caabaxay.

DHAMMAAD
Murti: "HOGGAAN IYO HAWRAAR"
Wq A. M. YusufDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


