Wq Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ( Hadraawi ).
| Abwaan Hadraawi. Kalaguran. [Jaamacadda] Hargeysa, Oktoobar 19, 2011 | |
"Hadraawi waa ruux… damiir nool leh oo ay damqeyso… dhib kasta oo Soomaali… heysta." (Yusuf Aybakar Shadoor: Abwaan Hadraawi iyo Awoodda Ereyga
).
Hargeysa, October 19, 2011, (Weedhsan) -- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi ) ayaa curiyay maanso cusub oo ka warramaysa nolosha, taas oo uu galabta ku soo bandhigay Jaamacadda Hargeysa.
Tixda uu Hadraawi soo bandhigayo oo ka kooban in ka badan 600 oo sadar, ayaa waxa loogu wanqalay "Kalaguran." Maansadu si qoto fog uga warramaysa nolosha iyo sida ay u lammaan tahay oo ay xumaan iyo samaanba u leedahay.
Dhulgariir |
Sirta Nolosha |
Dabahuwan |
Awaaltiris |
Gudgude |
Galaal |
Haddaba Maansadan oo uu Abwaanku si khaas ah u soo gaadhsiiyay Mareegaha WEEDHSAN (www.weedhsan.com), waxa qoray, isla markaasna qoraalkeeda tifaftiray Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Agaasimaha Xarunta Suugaanta Hadraawi, Center for Hadraawi Literature — Kala xidhiidh faahfaahin dheeraad ah, + 252 2 4160271 ama halabuur@hotmail.com, mohamed.omar@hadraawi.org ama contact@weedhsan.com. Saxaafaddu way xigan kartaa, laakiin isha xigashada waa in la muujiyaa.
Hadraawi, Maxamed Ibraahin Warsame. Kalaguran. Isha: Weedhsan. Maansadu waxay soo if baxday May 27, 2010, waxaanay ku ibofuratay:
Qof hadduu kalgudan yahay
Birmageydo sudan yahay
Gorka iyo saliilkiyo
Dacartiyo gubnoodkiyo
Gudur laguma sooree05
Ama waa ganuun sii
Ama galax ku sooryee
Ama xagal u geedee
Hadday gaajo kulushahay
Asaan gowska loo hayn10
Murti guun ah deeqsii
Sida Gaannigii Cumar
Ama Gun iyo Baar eeg
Hibo loo gabbala tiri
Cali Jaamac guurguur15
Falfaloosta guux dheer
Bari iyo Galbeed saar
Lix god buu mar wada degey
Goof iyo xabaaliyo
Xarbi geeri badatuu20
Gocashada la sara kacay
Kama tegin galaydhkii
Kasha nool gilgili jiray
Gabay Maxamed Nuur Fadal
Gunnimuu ku diidee25
Miyuu gaaxshay hawraar?
Ismaaciil Miraa goor
Yidhi kibirku waa gaas
Xolod beelo lagu gubo
Gudbantii Ugaas Nuur30
Ee gurada weynayd
Goorba waa la weriyaa
Ninkii gooha dheeraa
Gaadaalihiisii
Garri Timacaddaa siday35
Sida fiinta galabeed
Ama galawga jiilaal
Gama’ Cali Xuseen diid
Samo lagu gudboon yahay
Iyo gaasas wada yaal40
Gartaas Saahid baa naqay
Godol maanka Yawlaa
Intuu goorba sahansado
Hadba soo gedkici jiray
Goleyaasha Iidaan45
Gudgudkiyo mirtiisii
Weli waa gal shiran tahay
Afay Galayaxiisii
Iyo goollibaadhkii
Gocashadu dul saarnayd50
Hadba soo gudgudanoqoy
Cabdillaahi garangari
Maansada gar-dhaladka ah
Hadba gooddi kala bixi
Gedgeddoonka Laanjeer55
Gubashada xiniinta leh
Weligii ma gamashiyin
Guurrti loo badheedhiyo
Cabdi Bucul ma gaasirin
Gelin qudha rugtiisii60
Maxamuud gandoodkii
Wuxuu geydh la sara kacay
Manjogoror ku taartaar
Aflow gooli baadhkii
Gololada sarbeebta ah65
Gararkuu ku tixi jiray
Iyana waa ma guuraan
Abwaan Qaasim guulguul
Goodaadsigiisii
Hadba geenyo heensee70
Xasan Muumin gaadgaad
Hadba soo gedgedaceli
Garka iyo taraaraha
Nin Gahayr la odhan jiray
Goolaaftankiisii75
Guntiguu ku sidan jiray
Bulxan goobo dirireed
Afar-geeslihiisii
Geyigoo dhan saamee
Af-Qallooc gargarabaxa80
Iyo geeddinololeed
Hadba gaawe saameel
Gaashaan nin sidan jiray
Iyo hibada geesiga
Gabayguna u fududaa85
Faraskana la golongolay
Ruuxii gartow sheeg?
Isna maydhax gumareed
Guntigiisa baadhbaadh
Gurrac jira ka sheekee90
Ina Baasaraciyo godob
Isba golongolkiisii
Garashada ag taalluu
Kaga diday gumeystaha
Heedhee Gammuutoow95
Darbadaaley geydhii
Gooshoorradeedii
Nin da’ weyni soo gaadh
Abshir-Bacadle gubashada
Jiilaalka gahangaha100
Laaskiisu kama gudhin
Rafad gololadiisii
Googgoosyadiisii
Geeduu ku dari jiray
Afcad goollibaadhkii105
Iyo labagarlayntii
Faras buu u gedobaray
Ina Raage galabada
Gooreynta ficillada
Hawaduu ka garan jiray110
Gudmo biyo cas gacansheyliyo gaacir iyo soomo
Guutada halkaas lagu yiqiin gororinteedii dheh.
Intani goosan weeyee
Guutiyo shan guutiyo
Weli gaasas baa maqan115
Galabtana rag baa nool
Gurmadna waa dambeeyaa
Haddaan geeri loo badan
La afuufin geeskii
Ragna guud ahaantii120
Wada geed lab maahee
Geeri baa dhammaysee
Guurtidii xulka ahayd
Gadhmadoobayaashii
Iyo guud cirroolii125
Dhirta geedka ruudda ah
Midhihiisa guran jiray
Murtideenna gaanka ah
Gurgurshaa ku rari jiray
Waxay guulo hooyeen130
Ma iska gole ka fuul baa?
Dadyow geeddigeennii
Beryo lagu galoollaa
Ma dhammaan ka guur baa?
Ma astaan gabowdaa?135
Garka iyo hoggaankiyo
Ma xadhkaha u goo baa?
Aaway gumaradeennii
Hiddihii gobta ahaa
Mayska galab carrow baa?140
Guurtidii xulka ahayd
Golihii aftahammada
Geyigeenna beri jiray:
Waxay goob fadhiisteen
Waxay gaaf wareejeen145
Waxay meel ku guuleen
Waxay goosan xulashiya
Isu soo min guursheen
Waxay laan galooliyo
Dhebi gaar ah diireen150
Hadba weedh ma guurto ah
Waxay gaassa bixiyeen
Godan iyo har buuxsheen
Intay geedsan beereen
Waxay gaasas laylyeen155
Ma gamaad abaaddaa
Gacmo madhan ka joog baa?
Arrinteennu gocashiyo
Galgal iyo fudaydiyo
Ma galoof la olol baa?160
Ma samaha ka guur baa?
Gabgabteennu xiisiyo
Ma gabiib istaagbaa
Galgalkiyo xig xigashadu
Ma Galbeedkudayashaa165
Iyo gaal isu ekayn?
Taladeennu gubashiyo
Mayska gees lo’aad baa?
Ma habeen gadood baa?
Dabadeed gar waa’ baa?170
Nolosheenna goofkiyo
God madow ku tuur baa?
Gurdanraaca ubadkiyo
Gulufkeenna kala lumay
Gashigeenna weli maqan175
Horta godobta yaa qaba?
Dhaqangaraca yaa siday?
Hadmuu beesha soo galay
Go’nay go’ina weynnoo
Gurrac bayna daashee180
Gawdiidka lagu jabay
Galabsiga maxaa dhalay?
Maxaa geydha yoontiyo
Gabayooxa ina baday?
Mici good ma fududee185
Maskaxdaa gidaadoo
Gudhay oo basaastoo
Damqashada ka guurtee
Lafageri ma jebinnaa
Goormaa la talantalay?190
Gunnimayna haysee
Miyaynaan gob noqon karin?
Alleylehe gu’ tirisadu
Gedmataye Dunwacanoow
Yaa awaashan kala gura195
In adduunku gamashiyey
Goblan tahay aqoontii
Golihii aftahammadu
Gebogebo ku dhow yahay
Nin gu’ weyni faallee200
Galabta iyo sheekada
Noloshiyo garkeedii
Hadba gabaygu meel fuul
Guur guur ku dheeraa
Garabdaarku faro baday205
Inkastay badh guran tahay
Garashadu ma sii deyn
Godadkiyo xiddigiskii
Galabtana min baa baxay
Weli lama gunaanadin!210
Gobanimada yaa yidhi
Hayska gaaxsanaatee
Garanwaa ku oodee
Hasha Garow la leeyahay
Dadku Gaydho ula baxay215
Gabankii wadwadi jiray
Lagu yidhi ku gaagixi
Afar goor dharaartii
Gorofna yaan la hoos qaban
Gabran baa dillaacdee220
Waa maxay go’doonkani?
Gaadhkamadegaa yidhi
Anigu waxaan garaadsaday
Iyadoo gayaxa maran.
Dacar wuxuu ku gaabsaday225
Waa goorma goorteed
Godol iyo abla'ablayn
Iyo gaawaheedii
Ka gabowday Maandeeq.
Booshari ka goodii230
Laba laba u geedii
Laba laba ka goodie
Markii ay garraadaha
Gacmihii ku daaleen
Wuxu yidhi galaalooy235
Waa maxay guhaankani?
Gabadh baa iyana tidhi
Googgaa raggaygow
Intayada garayskiyo
Garbosaarta xidhataa240
Weli waan gudaynaa
Gudin baannu weynee
Girif giriftu waa tii
Hadaad geel cas weydeen
Aynu wada gumownoo245
Gees dheerta dumarkiyo
Rida Garo dhammaanteed
Aynu wada gujaynee
Xera adhiga soo gala!
Guuguule wuxuu yidhi250
Cabdallaa gurracantiyo
Ka garnaqa layaabkoo
Halka loo gol leeyahay
Xogta sii god raacee
Galabtiyo ogaalkiis255
Nin ka gura u doon doon
Keyse guusha loo daa
Isna wuxu war gaadhsiin
Xerta gacantogaalaha!
Noloshu waa gun iyo baar260
Iyo laba is garab yaal
Ma gudboona weligeed.
Seban loo gabbalo deyey
Gobanimadu noolayd
Geyigeenna waxa jiray265
Aqal kebed galooliyo
Googoos ku xidhan yahay
Oo daawashada guud
Gunbur togan ka sheed dheer
Oo gumaro taal taal270
Gudihiisa shuunka ah
Gogol lagu cawaystiyo
Salliyada gargaranta ah
Gunti lagu furtaa jiray
Waa goorba goorteed275
Kalaguranta sii raac
Gedgeddoonka noloshiyo
Hadana gooshkan maanta ah
Gurmogo’an dhig laga jaray
Udub geed xun laga qoray280
Dhirta inan-gumeedka ah
Aqalgaabka soo baxay
Bac guduudan lagu xidhay
Guro yare ku magac dheer
Fadhi lagu gurguurtiyo285
Lagu galo dhabbacashada
Gudihiisa jaqaftiyo
Gurgur caagadood iyo
Lagu bilay garaabada
Gole lagu caweeyiyo290
Ka arradan gob caadkeed
Marka geeddi lagu jiro
Lagu qaado garabkiyo
God waraabahaa jira!
Ragna guurti weeyaan295
Gartu nimay u magan tahay
Iyo geedka damalka ah
Ama dhaadashada guud
Gacan iyo nin deeqsiya
Gogol iyo nin hirasha leh300
Gurigiisu madal yahay
Ama waa nin gedo weyn
Gadh cas buu ku caan yahay
Garabkiisa waxa sudhan
Gal kitaab ku nabad yahay305
Guubaabshe weeyaan
Garabdaar ku ladhan yahay
Wuxuu gaar u leeyahay
Dadku guri danbeedkiyo
Godka inay xasuustaan.310
Ama geesi lagu jabay
Marka gorodda lays daro!
Galayaxa rasaastiyo
Marka gumaca daallani
Iska gelin danbeedsado315
Ha iska gola fardoodee
Gabbashada dhufaankiyo
Marka fule gabgabo dhigo
Waxa guul la hadhi kara
Goobaha naf waaga leh320
Ninka geeri weheshada!
Kala guranta sii raac
Dhan kale gardaymood
Gododlaha shan caynka ah
Gudhantiyo madduunka ah325
Gacal lama caweeyaha
Cirro gocor ku taal taal
Giiryaale weligii
Aan goobna lagu tebin
Majin lagu gumaystiyo330
Gaafeedh shaxaadaha
Gadhku laba farraar yahay
Guri kama fogaadaha
Ganbo dumar ku jiifaha
Gunti dheerahaa jira!335
Hasha geela madida ah
Gurajoogta laaska ah
Godalkeedu baxan yahay
Marka doobi lala galo
Hadii xoor is laba guray340
Intuu jiidho gaawaha
Marba gaash dhulka u dhaco
Gobi waxay tidhaahdaa
Marti goor xun socotiyo
Gacal maqan ha lala sugo!345
Dhan kale gar-daymood
Kalaguranta sii raac
Geelna maaha sibir godan
Wada goodir maahee
Gabanteed ma korisiyo350
Candhosuufta gidirta ah
Gocosada cayuunta ah
Gaanyada dhegaa weyn
Gabno xoox la oloshiyo
Waxa jira gedgeda badan355
Iyo goojo beenleey.
Awrka gooni loo raro
Gurgurshaaga higilka ah
Bacadlaha gardaadkiyo
Guradiisa maqashiyo360
Gabannadu ka oriyaan
Wed hadduu gondaha jaro
La goblamo dharaartaa
Gobi waxay tidhaahdaa
Hilbihiisa lama geyo!365
Dhanka kale gar-daymood
Kalaguranta sii raac
Qoorgaabka cilinka ah
Afgamuurka nugulka ah
Nirig gaajo korisoo370
Marka caynka lagu gubo
Hadba gorof ku jiifsada
Goonbaari raratiyo
Gasle layliyaa jira!
Awrka geela lagu daray375
Hadduu goonni joog yahay
Gudcurrada daboolka leh
Bahalaha gudgudayaa
Gabbashada ku dhaafaan
Hadduu gaydha aarkiyo380
Galowdidiso leeyahay
Hadduu maalin gebogebo
Iyo guluf dardaro kulul
Galab weerar kediso ah
U daruuro gaashaan385
Nafta geed iskaga xidho
Gardarrada hor joogsado
Ku guntado amaanada
Hadduu hawl la golangolo
Galabtuu is hubin jiray390
Hadduu geela urursado
Il bannaan isugu guro
Luquntiisa geriga ah
Gondihiyo jilbaha dhigo
Hadduu doob gulgulo kulul395
Kaga nixiyo gooraan
Taltallaabsi gododliyo
Hadduu laafyo kala guran
La dhex maro gun iyo baar
Hadduu gaaso baxa rimay400
Goojada ka wada simo
Gobi waxay tidhaahdaa
Neefku gaado badanaa
Janan gaasas jebiyiyo
Lib garoomo sidatiyo405
Ma galaydh washiran baa?
Dhan kale gar-daymood
Kalaguranta sii raac
Waxa jira gaabaaxuur
Kushkushlaha gulaalka ah410
Karinlaha gar-dhaafka ah
Geela tiisa rimayda ah
Qaalmaha golmadhanta ah
Ku kufsada gelgelimaha!
Gammaanduulka cududda leh415
Waxaa goonni loo cugay
Farasgeriga huudka ah
Masgalaalka caanka ah
Iyo goobo tobanlaha
Garba daylka fiinka ah420
Iyo gorayga fiigga ah
Fangaraadku shuban yahay
Jilbogiirka coonka ah
Geelqaadka hibada leh
Gurdankiisa fooriyo425
Gabaddano ka dhalatee
Dhiillogelinta caan ku ah
Hadduu gaadagaadiyo
Gedla-soobax leeyahay
Gurxan iyo salsalisiyo430
Garbin iyo wahwahan iyo
Gurkanixiso leeyahay
Hadduu geed is maris yahay
Guulguulka cadowgiyo
Guddo iyo sas leeyahay435
Gabbashada ku caan yahay
Hadduu gaasas ku onkodo
Baqashada ku daba galo
Marba goosan kala hadho
Gartallowga ku hubsado440
Guutadii dabka lahayd
Garankeeda laga kaco
Guuldarrooyinkuu dhigay
Markuu soo gunaanado
Hadduu faano-gurashada445
Iyo faan-gilgilashada
Hadduu goobta dhimashada
Iyo meesha lagu go’ay
Intuu geesta uga baxo
Ka sanqadhiyo gawsaha450
Birta godad ka wada dhigo
Hadduu gaada-miratada
Iyo laabta ganatada
Iyo goobo tirisada
Midba goonni ugu jiro455
Gabay iyo tix leeyahay
Markuu guusha maragga leh
Gacantiisa ku hubsado
Haddii dayrta iyo gu’ga
Galaan miida lagu shubo460
Gobi waxay tidhaahdaa
Garo oo Bullaaloow
Geesigaad is raacdeen
Isaga looma geed tirin.
Kala guranta sii raac465
Dhanka kale gan waynaha
Gubadlaha qadhoonka ah
Baqalgaraca cooshka ah
Gunta wada caweerka ah
Gabax lagu shakaal iyo470
Guluf kuma hirtaa jira!
Hadduu qaaje godan yahay
Shalmad dhabaqguduudiyo
Gedef iyo qardhaasiyo
Gashan baal laglaga dheer475
Heensihiisu gaar yahay
Gole iyo shir magacliyo
Gelbisyada u tabobaran
Iyo gaaf toddoba baxay
Hadduu goollibaadhkiyo480
Goleyaasha dhaqankiyo
Goblejire ku caan yahay
Danan gooxa dhaliyiyo
Garri iyo raxraxan iyo
Cod ganaanan leeyahay485
Gobi waxay tidhaahdaa
Talow gabadh ma siinnaa!
Gibishiyo daruuraha
Iyo godolka raarida
Cir galgaalay jiilaal490
Hadduu keeno guulguul
Gilgil iyo fad daalacan
Marka godolku buuxsamo
Hadduu yeesho gooraan
Iyo goorba diga rogan495
Iyo gooha qalanjada
Dhan galbeed riddada hore
Gocomaale ka onkado
Golawguna la saro kaco
Gedihii la fili jiray500
Haduu goon-dhabaalaha
Iyo goorba carashada
Gudban iyo taxtaxan iyo
Sabaharan gondaha dhigo
Hadba galangal soo rogo505
Carrigana gal iyo daad
Galayaxa ka wada dhigo
Durba gogasha laga kaco
Hadduu guuraguuraha
Gali iyo ladh yoontiyo505
Gudgud iyo mir leeyahay
Gama’ lagaga saahido
Hadduu gaafan iyo hawd
Marsin iyo Gar loo gubay
Gaaroodi degeshado510
Jirdegooye dogobbo leh
Manja gororshe taag taag
Gudcur maararaw le ah
Gelin dhexe is jiidhaan
Wax layaab leh geystaan515
Garamaale sahansaday
Guban iyo ka dhaadhaco
Goballada saraareed
Gulus iyo cal iyo buur
Guulaamo kaga tago520
Dabadeed gondaha dhigo
Geriyaad basaas weyn
Geyigoo dhan maanshiyo
Guryo samo ka wada dhigo
Oo gaasas baalliyo525
Garawooyin heesaa
Shinbiraha goleeyaa
Marba goosan yeedheen
Oo gooha kala rogan
Godxariirro seeseen530
Gaaraabidhaankiyo
Roob la soo dhac goosh yimi
Marba goob xoraystaan
Sida beri gobaysane
Gu’gu magacyo leeyahay535
Dadka guurtidiisii
Garashada aftahammadu
Hadba garangar jeexaan
Golayaasha fiidkii
Codka goollibaadhka ah540
Guurdoon isugu tego
Dumar gaaridoodii
Saablayda gocoyada
Haamaha gal waynta ah
Marba gees u dhigayaan545
Hasha caano gubayaan
Gabanteeda hoos taal
Naasuhu ku gororaan
Guulaha Allaa lehe
Mahaddaas gun dheerta ah550
Nin galaan darsanayaa
Gooshaash rogrogashiyo
Gabay waa u fudud yahay
Gobi waxay tidhaahdaa
Galladaha Illaahay555
Kibir laguma gaasiro!
Dhanka kale gar-daymood
Gabadhlaha kaliileed
Gododlaha jartaalaha
Tumay guuxa kugu sira560
Fadal-weyne galabeed
Hogal dhaan ma gaadhiyo
Gawlgawlka caydhka ah
Shuux goror yar baa jira.
Kol hadduu gun leeyahay565
Garashadu u sahan tahay
Guurka waa la mahadshaa
Gabadhi waa ta hooda leh
Tobankii gu’ wada kaca
Golaladu mid weeyaan570
Iyada geeda lab baa dhala
Iyo qoys gargara baxay
Nin golyeed la jecel yahay
Iyo gaari magac weyn
Qaryad geel ku maqan yahay575
Maryaheedu giir ma leh
Gayngaynna kuma dhaco
Waa garays xidhxidhan tahay
Wayna guudad bilan tahay
Dhexdu waa gurguran tahay580
Gar cas bay ku xidhan tahay
Golxo iyo harharan iyo
Garboroganna loo daa
Waana foolal garan tahay
Indhaheedu waa good585
Fuleygey ku guushaa
Miyirkeeda lama garan
Sida loogu gacan-baxay
Gole-joogga xulashada
Geenyo weeye tabobaran590
Waa gashaanti heeg dheer
Hilbaheeda kala guran
Gabay laguma soo helo
Hayal lagu gardaadshiyo
Hanku waa u gaadiid595
Hiyigu waa u gaashaan
Gobanimana wow meel
Gol-daloolo qoontiyo
Gurrac iyo turxaan ma leh
Marka geeddi lagu jiro600
Marka garangar loo dego
Iyadu waa ka gaar dumar
Is-galaaliddeediyo
Is-gadhoodhinteeduba
Labaduba ma guuraan605
Midba goonnidiisuu
Biyo goror u leeyahay
Ma taqaanno gocashada
Gardarrada sokeeyaha
Uma gooro tirisee610
Gogol bay u fidisaa
Ma gidaaddo weligeed
Ma gumeeyo jiilaal
Seban xumi ma gaasiro
Hadalkeedu waa guun615
Waana gaabis badan yahay
Gelinkiiba waa weedh
Xadhig aan bir lagu goyn
Garka iyo wadnaha badha
Ayay laan galooliyo620
Ganta adag ku leedahay
Gedeheeda waayeel
Waa ta guutokoristiyo
Ganba weynta noqotee
Gudida beesha lagu daro625
Dhanka kale gar-daymood
Kala guranta sii raaac
Guumaysta xananka ah
Doqontiyo golweynta ah
Martu dhinac u guran tahay630
Goonbaarta fiinta ah
Gaaraayucuunta ah
Gungunuusta weligeed
Gocondhada xajiinta ah
Gurigeed ma jiratada635
Hadba gees u socotada
Gashan kabaha weligeed
Gaadhgaadhka lagu falay
Gocosada basarida ah
Jiif dheerta goborta leh640
Garashadu ka maqan tahay
Iyo goor xun hadashada
Geesaasta weligeed
Madhantiyo garraafta ah
Geed baas is marisada645
Wejigeedu gudhan yahay
Dhillis guur ma dayatiyo
Waxa jira gabaarrey.
Gebidhaca xisaabtiyo
Guulguulka naartiyo650
Kasha golongolkeediyo
Manjo-gorarka daalka leh
Gasariirka fara badan
Gulcubaha is daba yaal
Weji gabaxa muragada655
Isma garato qoysiyo
Gacal kala irdhooboo
Gabbashadu dhex taalliyo
Dhanka lagu gaboobiyo
Ninka guul hadhsanayaa660
Midba gaar u faalloo
Gebegebada maantaas
Kala-guurka food saar
Marka laysku kala guro
Gubniyada la kala diro665
Dadku labada geesood
Midba guri u kicitimo
Waa gunaanad xaajadu!
.
.
.
Dhulgariir |
Sirta Nolosha |
Dabahuwan |
Awaaltiris |
Gudgude |
Galaal |

Maanso: "Kalaguran"
Wq Maxamed Ibraahin Warsame | Koodaar, Oktoobar 19, 2011
Faafin:


