Wq Abuukar Sayid Cali ( Abukar Jamhuri )Dhambaal u dir? Guji xarigga!
Nofeembar 21, 1949, Golaha Qaramada Midoobay waxay cod ku ansixiyeen in Talyaaniga loo dhiibo Maamulka Wisaayada muddo ku siman 10 sanadood si uu u gaarsiiyo gobannimo buuxda dalka Soomaaliya. Inkastoo go’aankaas uusan raali ka noqon ergaygii S.Y.L ee matalayay Soomaaliya halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud (AUN) wuxuuna hordhigay golaha in shacbiga Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan talyaaniga in dib uu ugu soo laabto Soomaaliya.
Kaana Siib, Kanna Saar |
Qoloba Calankeedu waa Cayn |
Dix Dhagaxeed |
Hohey Afrikaay Huruddooy |
Halyeeyada Geeska Afrika |
Talyaaniga wuxuu Soomaaliya ku soo laabtay Febraayo 2, 1950, isagoo wakiil ka ahaa Qaramada Midoobay; waxaana la socday dowladda Talyaaniga sadex dowladood oo kala ahaa: Masar, Philippine iyo Colombia, kuwaas oo fadhigooda ahaa magaalada Xamar, si ay u kormeeraan hanaanka Maamulka Talyaaniga uu u maareenayo dalka wisaayada loogu dhiibay.
Sadex dowladood oo kala ahaa: Masar, Philippine iyo Colombia…[ayaa kormeeri jiray] Maamulkii Talyaaniga
Markii uu Talyaaniga la wareegay maamulkii Ingiriiska kaga horeeyay wuxuu dadaal dheer u galay sidii uu kala qaybin lahaa taageerayaashii xisbigii dhallinyarada S.Y.L, wuxuuna abuuray xisbiyo kale oo isaga taabacsan, Waxaana dagaalo ka dhaceen Gaalkacyo 1950kii, Baladweyn 1951dii iyo Kismaayo 1952dii. isla sanadkaas 1952dii waxaa dalka Talyaaniga loo diray dhallinyaro Soomaaliyeed si ay tababar xagga maamulka ah ugu soo qaataan.
Sanadkii 1954tii, markii ay dalka ku soo laabteen dhallinyaradii tababarka ugu maqnayd Talyaaniga, waxaa la dhisay Golaha Latashiga Dalka (Consiglio Territoriale)), kaasoo ka koobnaa 51 xubnood.
Sebteembar 6, 1954, wuxuu Golaha Latashigu ka dooday calanka uu yeelan lahaa Qaranka Soomaaliyeed; waxaana shirka gudoominayay Gasbarri oo Maamulka Wisaayada ka socday iyo ku xigeennadiisa oo kala ahaa Mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo Mudane Cabdinuur Xuseen. Calanka qaranka Soomaaliyeed ee golaha loo soo bandhigay la iskuna raacay wuxuu ahaa lafciran (buluug furan oo cirka u eg); dhexdana ay kaga taal xiddig cad oo shan geesood ah, leh na madaxyo siman, taasoo astaan u ahayd shantii Soomaaliyeed ee gumeysataha kala geeyay. calanka isaga ahaa, waxaa naqshadeeyay halgame Maxamed Cawaale Liibaan (AUN).
Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horeesay la soo bannaanbixiyay Oktoobar 12, 1954…
Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horeesay la soo bannaanbixiyay Oktoobar 12, 1954; xilli barqo ahayd, ayaana la saaray dhismihii “Officio Governo,” iyadoo ay dhinac surnaayeen calamada Qaramada Midoobay iyo kan gumeystihii Talyaaniga.
Haddaba ujeedada aan taariikhdan usoo diyaariyay waxay tahay, shalay oo ku beegnayd maalintii calanka qaranka Soomaaliyeed ayaa website-yada Soomaalida lagu qoray taariikh isku mid ah oo aan sax ahayn iyagoo ku sheegay in calanka la saaray 1951kii; balse taariikhda ku xusan buugaagta la qoray ama codadka halgamayaashii Soomaaliyeed laga haayo ee waqtigaasi joogay; waxaa lagu cadeeyay in markii ugu horeesay ee calanka Soomaaliyeed la saaray ay ahayd 1954tii.
Waxaan ka codsanayaa qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed inay raadraac sameeyaan ka hor inta aysan qorin maqaalad ama kala qaadan, taasoo keeni karta inay bulshada si sax ah wax ugu soo gudbiyaan. Mahadsanidiin.
Tixraac:
1) Maxamed Ibraahim kac Liiqliiqato), "Dalkii Filka Weynaa ee Punt," Muqdisho, Feberaayo, 2000.
2) Sheekh Ismaaciil Maxamed Cali, "Xaggee ku Dambeesay Maandeeq," Muqdisho, Sabteembar, 1999, .
3) Wargayska Xog-ogaal, Tr. 5712, "Waraysi Halgame Daahir Xaaji Cismaan (AUN)," Muqdisho, 2008.
.
.
.

DHAMMAAD
Qormo: "U Sheeg Taariikhda Sida Ay Tahay" | Oktoobar 13, 2011 ag 1:25ar
Wq Abuukar Sayid Cali ( Abukar Jamhuri )Dhambaal u dir Abuukar? Guji!
← Guji xarigga!
Kaana Siib, Kanna Saar |
Qoloba Calankeedu waa Cayn |
Dix Dhagaxeed |
Faafin:


