Hargeisa, November 20, 2011, (Weedhsan)– Hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka Nasiye ayaa markii ugu horreysay ka hadlay mawqifkooda ku aaddan go’aankii ay dhowaan golaha Wakiilladu ku laaleen diiwaangelintii cod-bixiyeyaasha, iyaga oo sheegay in ay taageersan yihiin go’aankaas, sababa jira awgood.

"… Haweenka Somaliland… Nasiye… ururkani waa mid idinka idiin furan." ~Farduus
Hoggaanka ku-meelgaadhka ah ee urur-siyaasadeedka Nasiye oo saaka shir-jaraa’id ku qabtay Hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxay xuseen in laalista diiwaangelintu tahay mid loo baahnaa, maadaama ay jiraan dad badan oo dhalinyaro ahaa oo aan wakhtigii diiwaangelintu dhacday qaan-gaadhin, laakiin maanta gaadhay da’dii cod-bixinta iyo maadaama oo gobollada Sool iyo Sanaag aanay diiwaangelintu sidii loogu talo galay uga qabsoomin.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururka Nasiye Md. Axmed Muxumed Cumar oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa u mahadnaqay taageerayaasha ururkooda, isaga oo waxba-kama-jiraan ku tilmaamay hadal-hayn soo noqnoqotay oo ururkooda ku sheegtay mid Madaxtooyadu ka dambayso. Guddoomiyuhu wuxuu ku dooday in aasaaska ururkoodu ka soo jeedo aaraa iyo afkaar isbeddel xambaarsan, kuwaas oo ay si madax-bannaan ugu midoobeen qaar ka mid ah dhalinyarada dalku.
“Hadallada saxaafadda ku soo baxayey ee ah in ay xisbiga lug ku leeyihiin xubno ka tirsan Xukuumadduna waa waxba kama jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Muxumed, isaga oo dooddiisa raaciyay, “Sabab la noogu eedeeyana ma garanayno, waana dacaayad ay ururrada kale qaarkood fidiyeen”.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka Nasiye waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay hawlaha ay ku fooggan yihiin, isaga oo tilmaamay inay ku gudo-jiraan yagleelka aasaasiga ah ee ururka. “Waxaannu magacawnay guddidii ururinta dhaqaalaha ururkani ku hawl galayo, waxaana ka mid ah Buraale Jibriil, Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo Farduus Siciid Dirir. Taageerayaashayada waxaanu u sheegaynaa in uu u furan yahay ururku oo ay ka qayb qaadan karaan horumarintiisa” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiye Axmed Muxumed.
Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka mid ah hoggaanka ku-meelgaadhka ah ee ururka Nasiye ayaa si qoto fog uga hadlay mabaad’iida gundhigga u ah aasaaska ururkan, isaga oo ku dooday inay isku taageen ka-midho-dhalinta isbeddel ummadeed oo ku dhisan afkaar saliim ah iyo aragtiyo cusub. Md. Dhabbeeye waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay inay ugu loollamaan jagada hoggaamineed ee dalka, isaga oo dhalinyarada Somaliland-na ugu baaqay inay taageeradooda ku biiriyaan Nasiye.
Maxamed Dhabbeeye waxa uu sidoo kale is dul taagey aragtida ay urur-ahaan ka duulayaan iyo waxa ay kaga duwan yihiin ururradii hore iyo kuwa cusub ee hadda lagu dhawaaqay, isaga oo sheegay in Nasiye yahay mid la wada leeyahay, halka ay ururrada kale ka yihiin kuwo ay cid gaar ahi leedahay.
Farduus Siciid Dirir oo ka mid ah masuuliyiinta ururka oo halkaasi ka hadashay ayaa haweenka reer Somaliland ugu baaqday in ay ka qayb qaataan horumarinta iyo taageerada urur-siyaasadeedka Nasiye. “Haweenka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan horumarinta urur-siyaasadeedka Nasiye, haddii ururada kale la odhan jiray boqolkiiba intaasaad ku leedihiin ururkani waa mid idinka idiin furan,” ayay tidhi Farduus Dirir.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee urur-siyaasadeedka Nasiye si toos ah uga hadlaan mawqifkooda ku aaddan diiwaangelinta iyo hadal-hayn soo noqnoqotay oo ururkooda ku riixday docda madaxtooyada.
.
.
.

DHAMMAAD
Maanso: "Hoggaanka Urur-Siyaasadeedka NASIYE oo Iska Barraxay Hadal-hayn soo Noq-noqotay (Sawirro)"
Wq ©Weedhsan CorporationDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


