
Marwo Kinsi Xaaji Aaden (A.U.N.)
Heesta aan ugu wada jecelahay heesihii ay qaadi jirtay, waa "Wejiyaal Is Xasuusta"; mirihii Abwaan Axmed Saleebaan Bidde weeyaan, iyo laxankii Ustaad Cabdikariim Faarax Qaarey (Cabdikariin Jiir). Marka aan Kinsi, codkeeda, maqlo ba; ma waanay wadane iyo oogadu ba i wada jiriiricoon! Illayn adduun "war iyo sheekaa ka hara" e: Kinsi waxa ay ka mid ahayd hooballada Soomaaliyeed oo badanaa, kuwoodii, asii weliba na, ugu sii wada luuqda wanaagsanaan jiray. Waa cod, kaa aamusay. Marwo Kinsi Xaaji Aaden Aw Xuseen (AUN), kolkan se sida ay u xareedin "Wejiyaal Is Xasuusta," walow ay kataggan tahay siyaabihii hore; haddana waa kalatagganaan aan sina uga duwaneyn tabaheedii hore, balse waa tab ah—allaylee, si gooni ah.
.
.
.

DHAMMAAD
Maanso: "Wejiyaal Is Xasuusta"
Wq Marwo Kinsi Xaaji Aaden Aw Xuseen (AUN)Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


