Wq Yahye Abdi Ali (Yahye Yeebaash) Dhambaal u dir Yahye Yeebaash? ← Guji xarigga!

 

Yaxye Yeebaash

Yahye Abdi Ali, Dugsiga Sare ee Ilays, 2011

    Yaxye Cabdi Cali (March 27, 1994— ) waxa uu ku dhashay xaafada Shidhka, Hargeysa, Somaliland. Muddo bil ama laba bilood ah isagoo jira, ayaa waxa dhacay dagaalkii sokeeye, taasoo sababtay in waalidkii u qaadaan magaalada Gabiley. In ku dhaw Saddex bilood markii ay joogeen, ayaa dagaalkii qaboobay oo ay dabadeed dib ugu soo noqdeen Hargeysa, Somaliland.

    Waxa uu ku koray magaalada Hargeysa. Sanadkii 2001, ayuu galay malcaamadii u horraysay. Dabadeed, waxa laga qoray iskuulkiisii u horreeyay, Future Primary School. Laba sano kaddib, ayuu se u wareegay, iskuul kale ee la yidhaahdo School Of Tomorrow. Kudhawaad 6 sano markii uu dhiganayay, ayuu u wareegay Ilays Primary School, kuna dhamaystay Dugsigii Dhexe; si toos ahna, ugu wareegay Dugsiga Sare ee uu weli, imika, dhigto, Ilays Secondary School. Sanad waxbarshadeedii afaraad, sanakii u danbeeyay, ayuu ku jiraa.

    Qoys ka kooban sagaal xubnood, ayuu ka dhashay, oo ay shan hablo yihin; afarna inamo. Yaxye waa ilmahii labaad ee hooyadii Yaasmiin Cabdi Yusuf iyo aabihii Cabdi Cali Jaamac (Professor wax ka dhiga Jaamacadaha Hargeysa) uu Eebbe ku galladay.

    ... maalin maalmaha ka mid ahayd, sanadkii 2009, ayuu arkay… maansada la yidhaado “Sirta Nolosha”. Waxa uu soo qaaday jaraa’idkii; isagoo bilaabay inuu akhriyo maansadii Abwaanka, Hadraawi.

    Hayeeshee waxa maanka Yaxe ku soo dhacday; isna inuu sameeyo “Sirta Nolosha,” oo kale. Dabadeed waxa uu soo qaatay buug iyo qalin…


    ban iyo doox baan socdaa
    dalluun qodan baan arkaa
    dillaac badanbaa ku yaal
    daliilo cad baan hayaa
    horay dadi ugu go’een5
    gudaha mugdi baa dirxidhay
    dushana bohal baa ka qodan
    dareenka baqaa gilgilay
    car sii durug buu ku yidhi
    markay dib u laabo tidhi10
    cakuye damacbaa ku yidhi
    ogaan bay kuu duween
    dushana bohol uga dhigeen
    kolay dahabbaa dhexyaal.

    maxaan darajooy ku helay15
    adoo dibadaa wadhwadhan
    maxaan damacoow ku furay
    adoo kali daw xidhxidhan
    inteed dadnimooy I tidhi
    barraad garanood daldali20
    tolaay dadnimooy i bixi

    dib baan u socdaa haddana
    horaan ku dadaalayaa
    dal baan leeyoo hadana
    intaa dalal baan maraa25
    dad baan leeyoo hadana
    dugaagaan weheshadaa
    dabban shidayaa haddana
    biyaan ku daraa intaa
    dan baan leeyoo haddana30
    dhan baan uga sii durkaa
    dil baan leeyoo haddana
    si baan u yar daynayaa

    afkaygu intuu ka dido
    ayuu hanku doonayaa35
    intuu hanku doonayaa
    falkayguna diidayaa

    xanuun duwan baan qabaa
    daacuun ugu baan qabaa
    I daaliyay baan qabaa40
    Lahayn dawo baan qabaa
    hankii dilay baan qabaa
    garaad dakhraybaa qabaa
    qalbiga dumiyaan qabaa
    aayaha damiyaan qabaa45
    runtii dafiraan qabaa
    xaqqii didiyaan qabaa
    markaan dawo sii is idhi
    kasii daray baan qabaa
    si baan u dadaalayaa50

    si baan dakaamayaa
    si baan u dayaamayaa
    sibaan uga sii daraa
    si baan dan yar moodayaa
    si baan dib u boodayaa55
    si baan si ku daynayaa
    si baan si ka daynayaa
    si baan sax u doonayaa
    si baanan u diidayaa


    dab baan aasoon qarsaday60
    dab baan islahaa ayaan
    ku diirso ilays ka shido
    rag baa danbaskii ka guray
    markaan danbigii ku helay
    dabkayga raggii qarribay65
    waxaa amarkii ka diday
    raggaan u dabqaadi laa
    intii barri diirsan layd
    dabkana ila dhawri layd

    qabiil badanaa dadkani70
    dirsooc badanaa jidhkani
    lafuhu diirkay neceen
    dibnuhu wajigay neceen
    dushuna hoostay nacdee
    inteen garashooy dilaa75
    inteen jidhka daadiyaa?
    inteense ku doorsadaa?
    maxaan damqashooy falaa?
    halkeen dux u raadiyaa?
    sideen qof u daawadaa80

    markuu hanku daawo yidhi
    hadday ishu diidnay tidhi
    daryeelku halkuu tubnaa
    maxaa dayac ii wadhwadhan
    hal-doorku halkuu taxnaa85
    maxaa dibjir ii fadhiya
    daloolo maxaa bannaan
    difaaca bartaan lahaa
    halkii daaq lagu yiqiin
    maxaa danbas ii tuntuman90
    halkii dadka lagu ogaa
    dugaaga maxaa dhigdhigay?
    xilkiyo darajada khalqiga
    dilaalka maxaa u diray?
    dilkaygu inuu xaq yahay95
    daliilka maxaa ku dhigay?
    dantaydu inay xun tahay
    tu gaalna ka dooran tahay
    dastuurka maxaa ku qoray?

    daruuruhu way kordhaan100
    cirkiyo samaday dabraan
    dihnaan roobkay dhalaan
    dhulkana sagalkaa ku da’a
    xareed daadkaa qulqula
    tog iyo biyahaa durdura105
    dhir iyo doogaa ku baxa
    hashaan tobaanka is diray
    ku dayray ayaamo badan
    hadmaad dawacooy daf tidhi?

    maxaan arrin daahan eegay110
    sadaasha ku doonay maalmo
    runteeda markaan dabbaalay
    dadkii ka amaanba waayay
    markaan niyadayda daalan
    usheegay inay ku daashay115
    ayay dardar siiba qaaday
    maansiyo duluc soo afuuftay
    maxaan Eebboow dartaa
    u daayay umuuro ba’an
    maxaan Eebboow dartaa120
    u diiday umuuro bilan
    darraato Rabbow ma jirin
    da’adaydu xalay ma korin
    haddaan dunidadan imi
    dusheeda waxaan u imi125
    dawgaaga inaan hantiyo
    barrina janno kaa dalbado
    dusheeda markaan dul imi
    Rabboow cajabban dugsaday
    Rabow ummadaada diran130
    markii hadba gaal dardaray
    intuu Buush sii daldalay
    Islaamkana sii dildilay
    si aan dilka loogu helin
    maraykanna loo duqayn135
    Caddaankana loo dullayn
    Ubaama usoo dallacay
    xilkuu ku doc meeri jiray
    Rabboow Diintaada bilan
    markii hadba duulba baddelay140
    dar iyo koox koox la yimi
    astaamaha Sheekh la dayo
    dushooda rag soo bandhigay
    dahsoon uurkana qarsaday
    dabuubtiyo taad na tidhi145
    daliilka sagaal u rogay
    labaatan u sii doc furay
    cilmina dooduun la baray
    markii xaqqu daasad tumay
    baddii Rabbi uu ka digay150
    dabbaal loosoo tartamay
    markii sida laash la dagay
    ayaan Eebboow damqaday
    damiirka hankaa gilgilay
    dibnaha hammigaa furfuray155
    dhawaaq maansaan daldalay
    dadkana yaabbaa gaddiyay.

    .
    .
    .

DHAMMAAD

Maanso: "Damqasho"
Wq Yahye Yeebaash (Yahye Abdi Ali)Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Friday, December 30, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates