Aad iyo aad ayaan kuu salaamayaa Yuusuf Wayeel runtii waxa xaqiiq ah qofka dadnimadaada iyo jiritaankaa kugu qadarin waayay haduu ku du qadariyo qabii Allaylehe ha kaala maqnaado. Waayo aduunyada intaa le'eg, magcaga Soomaali maanata waxa aasay ee asaagii ka reebay; waa qabiil. Waxa halkaa taagayna waa qabiil. Waxa in badan mustaqbalkooda ku dheelayna waa qabiil. Markaa Ilaahay waxaynu ka baryaynaa oo aan leenahay: Ilaahayoow waxa dhaama noogu badal, oo quluubta in badan oo inaga midana, ka maxasan.

    Waa cudur aan daawo lahayn; waaxa maanta asaageen inaga reebay ma aqaan halista intaa le'egi halkay inooga timi iyo meesha ay inaga sooraacday; balse waxan filayaa jiilasha danbe inay aasi doonaan magacaa shaydaan ee ka awoodda batay: wadaniyadii,dawldnimadii,midnimadii, iskuduubnidii, wadanoolaashihii, walaaltiminadii, iyo wanaagii Somaaliyeed.

    Dhamaan inaa aasheegay iyo qaarkaloo badan waxa hubaala inuu ka awood badan yahay Waadna dareen santay walaal.

    Dhamaantiin aad ayaan idiin salmayaa waxan leeyahay walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan ha laga shaqeeyo sidii masiibadan ina haleeshay badalkeeda loo heli lahaa; loona tallaali lahaa ubax cusub oo ku faafa dhamaan dhalinyarada mustaqbalka.


    Hankiyo noloshaa iftiina
    Hogaanka sanbaa hagaagsan
    Hawraartuna waa tilmaanta
    Hugeeduna waa asluubta
    Hal hayska wanaagsan weeye5

    Qof kii hibo kugu lamaansha
    Haybtaadana kugu hogaansha
    Hungiyo waa hedadaw e

    Anoo hamigayga toosan
    Kuhiigsada heeladayda10
    Ku hawlgala haawantayga
    Hayb iyo nacabkeed kaguura

    Hibiyo waa sharaf haboone
    Midnimadaa lagu hantaaye

    Hujuunka darenkan muuqda15
    Helaya waa iga jawaabe

    Maxaan hayb iyo dirsooca
    Ku waayay halyayo doora
    Maxaan ku hagaasay teeda
    Maxaan ku hilmaamay duunyo20
    Hal iyo nirigteed kuwaayay

    Habsaanka maxaan ku foofay
    Hir iyo waa hayjadeede
    Habowga maxaan dayoobay
    Hilaadaha ii bidhaamay25
    Ka leexday hadoodilkooda
    Hoosiiska maxaan run mooday
    Hawadu ilasii fogaatay

    Hanfiga iyo hoohadkiisu
    Intuu ihaaraati jiidhay30
    Maxaan hibadii aduunka
    Ku wayay anaa hogaana
    Qabiilku muxuu iheeray
    Muxuu halistayda taabtay
    Halbowle muxuu igooyay35

    Barbaar hanadaan ahaaye
    Maxaa halis ii bidhaantay
    Maxaa hugun ii baxaaya
    Maxaan hawo ula kacaamay

    Intii hirdan aan ku booday40
    Inataan hebel hebel kuwaayay
    Hadaan hodankayga buuxa
    Dhirtiyo hadhacayag waabto
    Hoobaanta bislaatay maalo
    Miyaan hurilaa aduunka45

    Hogaanka iga xumaaday
    Horseedkaa iga habaabay
    Waayeel ihagaa dhamaaday

    Intii hufan baa idlaatay
    Hanbaan jirin lagu hagaago50
    Hubaal iyo waa wardoone

    Dantaydan haloday heedhe
    Kumaa hoga iyo daluunta
    Haadantay bari kaduushay
    Hogaanka u tuuri doona?55

    Raboow hilinkaaga toosan
    Raboow hawadaada miigan
    Raboow hodankaaga buuxa
    Adaa hodanee aduunka
    Intii hibo ila wadaagta60
    Hunkay wada maalayaane
    Raboow ku hagaaji tooga

    .
    .
    .

DHAMMAAD

Maanso: "Hankiyo Noloshaa Iftiin Ah"
Wq Abwaan Maxamed Yuusuf TimirDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Monday, December 19, 2011  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates