Wiil uu dhalay Abwaan Ayax Maxamed Dhawre (AUN), ayaa sac lug ka jabshay. Saca isaga ah na, waxa iska lahaa reer Khalaf, Cumar Maxamuud. Waayo sacu ma aan uu socon karin, reerkii sacoodii inta ay y qasheen, ayay misana mag u qabsadeen reer Ayax Dhawre. Gabay weeye ka mid ah maansooyinka Soomaalida, kuwoooda ugu sii wada murtida badan. Axayax Dhawre maansayahannimada ka sokow, waxa uu ahaan jiray nin xogogaal u ahaan jiray arrimaha ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Abwaan wargal, ayuu ahaa. Maansadan waxa uu siyaabo layaab leh iskugu falkinayaa dhacdooyin, aan ku saabsaneyn oo qudha; saca aan kor ku soo carrabbaabay.
Indhowaydba waataanan qirin qaaradii gabaye
Oon ka qatanaa haatan iyo qubadkii dayreede
Sida Qawdhan iyo Gooni baan uga qiseeyaaye
Qammaam iyo sidii Weerar baan ugu qurxeeyaaye
Marka addinka qaarkiin gam'aa laygu soo qubaye5
Qaraabooy i maqal caawa waan soo qaddimayaaye
Qubi waa qormada Reer Xasan ah qawl aan maqashiiyey
Qodob kalena waa dunida iyo qab aan ka faalleeyey
Qiso kalena waa aniga iyo qun iska sheeggayga
Nimanyohow qumani iyo qalooc kala qiyaas roone10
Waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye
Dadku weligi ways qoonsan jirey tan iyo Qaabiile
Waa qaydar law kaaga jabay hadalka qaarkiise
Qalbi ma lihid shaydaan hadduu qaalib kaa yahaye
Qawaaniintu waynuu nin ragi kula quwoodaaye15
Qooraha waxaa looga simay waysu wada qayre
Wuxuu qoonsimaadkeen ka dhacay qaadistii saca’e
Naftaa laga qurjaray ruux yamiin qoorta loo suraye
Qarankeen wuxuu jabay kolkii qaalli lays badaye
Qardoofiyo nin aan qaadan bay qaci ka joogtaaye20
Qaalmo iyo maal aadan qabin adigu ii qaabbil
Dabadeedna ii kala qorshee waa qiso adduune
Haddaan geela Qaawiyo idiin la iga qaadaynin
Oon Yuusuf-Dhuux ina qasbayn ina qisaasaynin
Amaan Xaashi qool igu ridayn qaaddirow mahade25
Qolo yari ninkii ii damcaba wow quluub xumo’e
Haddii talo rag waa wada qabsee mid iska qoontaysto
Oo qaydka wiil yari dhifsado lagu qasaarowye
Wuxuu qumiyey Maxamuud hadduu qoomamays yahaye
Waa kaa qamuunyada dibnaha qooni kaga taale30
Quruun buu awooygiin lahaa qoon u raaci ahe
Qolkiinna nimankii ku jirey qoysna laga waaye
Qaansheegashuu kaaga tegey qoon reer Amare
Wuxuu Wadalmoggana kaaga qumay wuu ku qoonsadaye
Qayaad iyo Bah Hararsame horaad mar isu qoonteene35
Gabdhihiinna nimankii qabaad kala qatawdeene
Qabkaad Mudug la joogtaan rag ways ku qatalmaysaane
Qodob kalena waa dunida iyo qab aan ka falleeyey
Majeerteen qaraabiyo tol iyo qiimi kala waaye
Cali-Gerina maal iyo qab iyo waaye quruxdiiye40
Qabaalkii furee bay lahayd wuu yar qawraraye
Qaashkii ku dhacay Aadan buu qaaxadii jaraye
Gumasoor shalaa laga qurjaray qalanjohoodiiye
Qardhacna lagama siin kulay ku tahay qaalin moordi ahe
Qooqii Suryare loo dilaa qoorogoys dhigaye45
Qurux iyo wixii Cali ka dhace qabax dharaareede
Salaasiin qurgo'ay lagama simin qayd Maraykan ahe
Qarka ina Balluun baa lafaha qalax la moodaaye
Qoonkii wadaadkaba beryuu Eebbe qooqsaday e
Afarta qalbadood iyo mar bay dunida qaateen e50
Kunan qooraggoo iyo lug col u qalqaaleen e
Dad tawxiid wada qirahayey ka qarjafsiiyeen e
Qorrax saacad joogtiyo barquu qaamudkood galay e
Cirkaa lagaga soo qayay rasaas gaal ku soo qubay e
Dabadeedna qoys lagama arag toban qof mooyaan e55
Qiso kalena waa aniga iyo qun iska sheeggayga
Qab qab dhaafay bay labo qabiil qaran ku weydaa e
Haabiilba Qaabiil intuu qoonsaduu dilay e
Quluubtii dad oo kala go’daa waysu quruntaaye
Labadii la kala qaadayaa qurux ma yeeshaane60
Qoomaari orodkay sidii qumanyo roortaaye
Qalax iyo haddaan Aricad dego la ima qoomeene
Markaan qolalka reer Diini tago qaali baan ahaye
Degmo kula qajaariyo ciddoo kula qaraamaad ah
Xeeryaha qusaarta leh barnida lagu qadaynaayo65
Arigoo quruuruxa dharkoo qaadasho u hoo ah
Qunba subag ah geel qiimi liyo qadow la heenseeyey
Waayeelka taladuu qasharay geedka lagu qaybsho
Qaatoyda dirireed kolkay qaylo soo dhigato
Dhallinyaro qamaam waalan oo qalabka boobaysa70
Waxaan adiga kugu quudin jirey qolo kalaan siine
Qalanjaha maroodiga ninkii waayo lagu qaybshey
Oo toban haruub oo qar jaran Eebe kaga quudshey
Tolankiyo qamuunyada ninkii labadaba u quuray
Oo qaar dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday75
Oo caanahuu qubay ilmadu qoysay baad noqone
Xaajada qumaatiga ayaa la igu qaataaye
Mar hadduu qalooc hadalku galo waa qaraarahaye
Qabkii ina Xariiboo kalaa layga qodayaaye
Ninkii qeyrki loo qiiray oo qoystey baan ahaye80
Fardo kala quluub bay nin rag ah qar uga tuuraane
Kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye
Walleese niman qabiilooyinaan qoonsi kala waayin
Wallee geel nin laga qaaday baan orod qashlayn waayin
Wallee qodaxi nimay saydhay baan qoombin laga waayin85
Wallee nimuu Illaah quudiyaan cidi ka qaadaynin
Wallee Eebbahay nimuu qadshaan qolo wax siinaynin
Wallee naag qab weyn iyo rag baan qiro heshiinaynin
Wallee qoys basari leedahaan waana qurux yeelan
Wallee milicdu nimay qabatay baan dhididku qoyn waayin90
Wallee nimaan quraan dhiganin baan qaalli noqonaynin
Wallee qaaxo nimay hayso baan soo qufaci waayin
Wallee reer qorfiyo hawd degaan oonku qaban waayin
Wallee naag qabow kaa heshaan qabasho kaa deynin
Wallee tuug la daba qayliyaan qoobka rogi waayin95
Nin qasaare galay baan wallee qoomamo ilaawin
Wallee nimaan is qabanoow wanaag igama sii qaadid
Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye
Qabbaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada
Allaylehe Illaah iguma qaban qoorye xeradaye100
Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la ila soo qaadin!
.
.
.

DHAMMAAD
Maanso: "Qab Qab Dhaafay"
Wq Abwaan Ayax Maxamed Dhawre (AUN)Dhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!
Faafin:


