Hadrwaawi

      Mar loo sheegay in ay ku soo fool lahaayeen, yarad na ugu soo socdeen, ayuu abwaanku, maanasadan la yidhaahdo "Luukaansi Gabay Faaraxow," u sii hor falkiyay; si uu seeddiyaalkii ugu soo dhoweeyo "[af]…la xoog [ah] magliga" (Salaan Carrabey: Abaallaawe].

      Codka gabaygan marinayaa waa kii Abwaan Muuse Galaal, Muuse Xaaji Ismaaciil (AUN).

      Luukaansi gabay Faaraxow laaki ma lahayn e
      Laflafkiyo lahwiga loo tirsho iyo jaray lurkiisii e
      La'da xarafka laankiyo ba'da 'yaan looyar ku ahaa e
      Nin awowgii loox ugu dhigoo liilgelshaan ahay e

      Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo been e5
      Oo waliba laasima intay lib isku moodaan e
      Anse waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaan e
      Mar hadduu Lillaahida ka baxo waa lisaan jaban e

      Nin labaatan buuxsaday adduun waa legdamayaan e
      Haddii aan anigu loofari iqiin haatan lowlabay e10
      Nin cirradu lammaanaha dhigtay oo laylyan baan ahay e
      Lixdan labayatoban baan dulmaray waana la hubaa e
      Lafta dhabarka laxaadka i debcay iyo laafyihii gacanta
      Lubbigaygii leyl xalay ma ledin laadadiyo taah e
      Waataa lalleemada indhaha araggu liitaa e15
      Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleed e

      Ma lixiibto geelaba hashii lahantay jiilaal e
      Ku laabbudan shisheeyaha ninkii laxawsi moodaa e
      Hadba waxan lacaaf riday ragbaa laastay yaradkiiye
      Labxan maayo caawana haddaad lis i tidhaahdaa e

      War Liibaan Dhulbahantayga helay laaluf [se i]iyo mood e20
      Xaqaygaan ku laacibay horey igu lihiimeen e
      Sidaan ugu lallabay waanigaa laayacays baday e
      Nin laqwiyey tashigu waa ka lumi laguna leecaan e

      Lammadaade xadhig loo tidcay 'yay lugi ka doogtaaye
      Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiray e25
      Haddii aan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdii e
      Nin laboonti sheegta ba sabaan laarriyaa heli e

      Xaajada laciifka ihi aday kuu lid noqotaaye
      La fil ma ahi laankii dambe aan duxi lillayneyn e
      Laqantooyo xidid tii horaan laabta ku hayaa e30
      Iminkaan ladhkii weli qabaa liqanyadeedii e

      Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyay raacdee e
      Tol laxmiya ladqabo waaa eg tahay inaad lafaysaa e
      Fardahaba libadshaha iyo dunta ladha wariidkood e
      Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexada is goysay35
      Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihi e
      [War] Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa moog e

      Adigaan lamada awr leh wadin ama liggood keenin
      Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida e
      Seeddow ha igu so luggo'in lahasho waa ceeb e40


    .
    .
    .

DHAMMAAD

Maanso: "Luukaansi Gabay Faaraxow"
Wq Salaan Maxamed XirisiDhambaal u dir qoraagan? Tuuji magaciisa!


Bookmark and Share


 Qoraal kan waxa iska leh qoraaga ku suntan.

    WayeelDhambaal u dir Maamulka Wayeel? Tuuji! | Monday, January 9, 2012  


  • Gololada Youtube

     

WARGEYSYO



Free counters!

Powered by Blogger
make money online 
blogger templates