Waxaa aad iiga yaabiya marka aan maqlo iyadoo la leeyahay NINKII JANNADA LAGA WAAYO AYAA MIDGAAN AH, waa hadal aan la ogeyn sababta loo leeyahay, waa hadal aan micne lahayn, waa hadal ay inta badan ku dhaqmaan Soomaalida xoolo dhaqatada ah ama raacatada ah, ma oga mana rumaysna kamana warqabaan kuwii hadalkaas ku hadlay oo maskaxdoodu ka soo maaxatay in ay dhaawacayaan oo ay dhibayaan dad Soomaaliyeed kuwa ugu wanaagsan ah, muslimiin ah isla markaana iska leh xadaarad ama ilbaxnimo aad u fog.
Soomaalidaay : Anaa Midgaan Ah
Oraahdan meel ay u jeeddo iyo meel ay ka soo jeeddo lama oga; laakiin haddii aanu niraahno ninkii jannada laga waayo uun baa Jaamac ah ama Warsame ah ama Faarax ah ama Suufi ah sow isma oranaysid siday taasi ku dhici kartaa, boqolaal qof oo Soomaali ah oo haddane muslin ah ayaa magacaas la baxa, sow la isma oranayo sidee bay wax u jiraan, ma annaga ayaa waalan mise Cadan ayaa laga heesaya, waxaa is weydiin leh:yaa galaya jannada haddii laga waayay dadkii muslimiinta ahaa ee magacyada qaarkiis watay.
Magac kasta ulajeeddo ayuu leeyahay ama wax ayaa looga gol leeyahay, gaar ahaan magacyada Soomaalida, qaarka badana macne ayay ku fadhidaa sida Faarax oo laga wado farxad ama Warsame oo loola jeedo warsan ayuu noo keenay ama nagu soo kordhiyay, marka magaca Midgaan ayaa sidiisaba waxaa la sheegay in uu ku baxay labo siyaabood:
I am Midgan! So what?
1- Dadkaa oo ay faraaciintii u yaqaaneen "Boon," dhulkoodana ay u yaqaanneen Boontland (Punt Land), ayaa waxaa jebiyay oo isugu tegay Ajiga (Soomaalida kale), waxaa halkaas ku buburay Saldanadii iyo boqortooyadii Boont;, waxaa loo sameeyey xerooyin (Concentration Camps), tii uu waddanka Jarmalka (Germany ) dawladdii Naasiga, Dagaalkii Labaad ee Dunida, sameysmay markii ay Yuhuudda marinaysay oo ay laynaysay oo kale. Markii dadkan la geeyey Xerooyinkaa, ayaa loo diiday cunto iyo cabidba, markaasaa la soo kormeeri jirey maalin kasta si loo ogaado inta dhimatay ama inta sii taahaysa, marka la arko mid dhintay, ayaa waxaa lagu qaylin jire, "MID GO'" oo macnaheedu tahay MID BAA DHINTAY. Kaddib markii ay in badani dhimatay, ayaa Ajigu ama Soomaalidii cusbeyd dhexdiisu qaybsaday intii soo hadhay si ay xoolaha ugu raacaan oo qowsaarna ugu noqdaan; sidaas ayaana keentay in ay qabiilooyinka oo dhan ku dhex jiraan reer waliba oo qabiilka midgaha ama dadka la dafiro xaqooda uu sheegto reerka uu la degaanka yahay amaba qawsaarka u ahaan jiray.
2- Taariikhdan ama qisadan kale waa isku mid midda koowaad, laakiin markii la qaybsaday ayaa la arkay iyagoo hargaha ka shaqaynaya oo farsama aan la aqoon la soo baxay, waayo Soomaalidii cusbeyd waxay ahaa jieen Geel jire aan garaneyn farsamo iyo ilbaxnimo toona waxaana lagu magacaabay MIDGAAN oo ka timid MIDGEYN oo ah marka haragga la miiqayo oo loo diyaarinayo in laga sameeyo kabaha, suumanka iwm, xusuuso warshaddii kabaha ee Muqdisho ku taalay waxaa la oran jirey: Warshadda Hargaha, Saamaha iyo Midgeynta.
Nasiib xuno haddii aanu nahay Soomaali ayaan maskaxdeena iyo caligeena ogeleyn in uu boos ama meel u baneeyo wax ka fiican oo ka faa’iido badan quraafaadka iyo maalaayacniga buux dhaafiyay, waxaase ay su’aashu tahay meel buuxdhaaftay miyay wax kale qaadi kartaa.? Haa hadii meeshii buuxday wax laga yara daadiyo! Laakiin su’aal kale? Sidee wax looga daadin karaa?
.
.
.
DHAMMAAD
Qormso: "Ninkii Jannada Laga Waayo Ayaa Midgaan Ah" | Xigasho: Somaalitalk.com
Wq Zahra Abdi HersiDhambaal u dir Umubakar? Tuuji magaceeda!



Faafin:


